Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Qeybta 1aad. P 3-4aad. W/Q Ahmed Hayow

Deeqa kuma qaadanin wax ka badan seddex maalmood, inay shabaqa ku soo rido Raage oo usbuucaas xerada soo galay asagoo bedqaba, laakiin wuxuu ka baxay galabtii Khamiista, asaga oo aan jecleyn inuu Deeqa ka maqnaado maalin dhan, Deeqa kama helin jawaab nolol ama dhimasho midkood ah, waxuu Raage haaystaa midda uu ugu neceb yahay qofka wax jecel oo ah: (waan ka soo fekeraa) afar maalmood ka hor ayuu isdhiibay, kadib markuu u sheegtay dareenkiisa caashaqa ayay Deeqa ku tiri: “si fiican weli isuma baran aniga iyo adiga” wuxuu ku yiri: “aniga inta aan kaa bartay ayaa igu filan” waxay ku tiri: “hadda go’aan cad kuma siin karo, ilaa aan ka soo fekero”.Deeqa waxay ku adkeeysatay inuu ka war sugo, si kasta oo uu isugu dayay inay sheekadiisu noqoto {Guul ama Geeri}, wuxuu Raage qiyaastay afartaas maalmood, inay Deeqa xerada gudeheeda kuleheyn qof ay la socoto, laakiin ay badan yihiin wiilasha safka ugu jira in tiimbaraha ogolaanshaha loogu dhifto araajida ay soo gudbisteen, kuwaas uu la kulmay intooda badan marki wakhtiga fiican loo haayay ee hadhicin hajebinta lagu soo xero gelinaayay.

Raage hees uu ka maqli jiray Raadiyaha, oo uu qaado Xasan Aadan Samatar ayaa laga soo daayay galabti Jimcaha, heestaas oo qalbigiisa taabatay marki ugu horeeysay noloshiisa.

Mowdka waad ku samirtaayoo

Mayada waad ku dheregtaa

Murankuna sadweeyee

Isha Milicsigeediyo

Maalin aragna waa dani.

Raage waxaa hortiisa ka muuqata Deeqa qosolkeedi iyo ilka cadeeynteedi, qorshihiisu wuxuu ahaa inay Deeqa habeenka jimcaha u raacdo shaneemo,agtiisana ay ka qososho, waa qofti ugu horeeysay uu ku fekero, adigoo jidka kula socdo haddii lagugu arki lahaa, waxay dadku isdhihi lahaayeen?: (wiilkaan nasiib badanaa) Raage waxaa u sawiran sawirkaas ay naftiisu jecleeysatay, balse u suurta gelin inuu fursadaas helo, wuxuuna go’aansaday wax kasta haku qaadatee inuusan ka harin Dd ilaa ay gacantiisa ka soo gasho.

Rr habeenimadi Sabtida oo Xalane lagu laabanaayay ayuu wakhti hore soo istaagay albaabka Xerada, caawa waa xamaali diyaar u ah inuu qaado culeyski usbuuci hore uu qaaday, markay Deeqa ka soo degatay gaarigi keenay, ayay Raage salaantay, isagana intuu ka qaaday salaanta ayuu kiiski ka qabtay, markuu kiiska ka sii qabanaayay, ayay ku tiri: “Rr iska ilaali kiiskaan wuu ka culeys badan yahay kii hore” wuxuu ku yiri asagoo la neefsanaayo culeyska uu kor u qaadayo: “markaan waxba sooma iloobin miyaa?” Dd ayaa ku tiri: “wax badan sooma iloobin aan ka aheyn saabuunta qubeyska ayaan laba xabo kaliya soo qaatay iyo hal dhalo oo ah ifka xalan shaambo oo aan doobo shaambadi ka soo tegay, mana filaayo inay igu filan yihiin” Rr ayaa ku yiri: “D waxaan ku waydiiyay, maxaad jawaab iiga haaysaa arrinti?” waxay ku tiri: “Rr anigaa kuu sheegaaya, marki aan go’aan gaaro” wuxuu ku yiri: “loolanka miyaa laygula jiraa? mise saaxiib bannaanka ah ayaad leedahay?” waxay ku tiri: “maxaad aragtay?” wuxuu ku yiri: “su’aasheeydiba kama jawaabine, maxaad ii weeydiinee waxaan arkay?” waxay ku tiri: “waxaan ka wadaa yaad aragtay oo loolan iigu jira?” wuxuu yiri: “wiilal badan” Deeqa intay qososhay ayay ku tiri: “aboowe waan kuu sheegay inaan saaxiib laheyn, haddii aad aragtay kuwo loolan kugula jira, u maleyn maayo inaad kaalintaada gabeeyso oo aad gaabineeyso, soow lagama yaabo inay jiraan gabdho ku jecel oo tartan kuugu jira?” wuxuu ku yiri: “maya,majiraan” waxay ku tiri: “ha dhihin siddaas, ma’ogi inaad dhahdo ayaa kaaga fiican” wuxuu ku yiri: “majiraan aan ku leeyahay, waana hubaa midaas” Deeqa ayaa ku tiri: “kawaran haddii ay Yaasmiin ku jeceshahay?” wuxuu yiri: “Yaasmiin, Yaasmiintee ma saaxiibtaa?” waxay ku tiri: “waad garatay” Raage ayaa yiri: “arrintaas waxba kama ogi koowdheh, goormeen go’aan kaa helaa? wakhti ii qabo” waxay ku tiri: “aboowe, niyada heyska xumeyn, waad heleeysaa jawaab, laakiin gabadha aan kuu sheegay inay ku jeceshahay, maxaad jawaab u haaysaa?” Raage oo xoogaa niyada u degtay ayaa yiri: “ma adiga ayay kuu soo dhiibatay fariinta?” waxay tiri ayadoo wejigiisa fiirineeysa: “ma fileyn inaan heerkaas kaa taaganahay” wejigi Raage ee ku farxay {niyada heyska xumeyn} ayaa dhiilo gashay, markii eeda loo qabsaday markaas ayuu yiri: “Dd, abaayo siddaas kama wadin” Deeqa intay qosol isla kala jiiday ayay ku tiri: “D ma waxaad iigu dartay mid kale, Dd waan ka helay”Raage intuu layaabay qosolkeeda ayuu ku yiri: “magaca Aabahaa soow D kama bilowdo?” waxay ku tiri: “soow taan habeenki kuu sheegay, Aabaheey waxaa la dhahaa Daahir” markaa waxay gaareen albaabki gabdhaha, waxaana uga hor timid Shamso oo rabta inay kiiska la qaado saaxiibteed Deeqa, marki ay salaantay Raage ayay wejigiisa aad u fiirisay oo ku tiri: “aboowe Mr.Rr adiga miyaa?” wuxuu ku yiri: “haa waa aniga,Deeqa saaxiibteed miyaad tahay?” Shamso ayaa magaceeda u sheegtay, halkaa ayuu uga soo tegay, markii ay isku soo hareen gabdhihi, ayay Shamso ku tiri Deeqa: “Rr wuu ka qurxan yahay Muuse ee maxaad u tiri kama qurxana?” Deeqa ayaa tiri: “waa indhahaaga oo kali ah” marki ay gudaha galeen waxay Yaasmiin iyo Shamso ilsa qireen inuu Rr inaba caadi aheyn dhan kasta oo laga fiiriyo.

Raage wuxuu quus ka taagan yahay inuu Deeqa afkeeda ka keeno ok, ayadana marki ay aragto inuu raja dhigi rabo ayay ku tiraahdaa erayo qalbigiisa qaboojiya, islamarkaana wuxuu ogyahay in loo baahan yahay samir iyo adkeysi, maadaama uu ka rajo fiican yahay wiilasha weerarka kula jira, uuna haaysto fursad ah in looga soo dhaqaaqaayo marki uu u yimaado kuwa markaa lataagan, laakiin dhibka haaysta ayaa ah marki ay agtiisa ka qososho, inuu sidii barafka u dhalaalo uuna jecleeysanaayo inay ka agtegin, taasoo uu ka baqaayo inuu ka samri waayo haddii ay diido, Raage wuxuu iska fiir fiirsadaa wejigeeda oo aanu ka cabsi qabin inay qalbigiisa ku sawiranto, maadaama ay hore u dhex gashay laabtiisa ku faraxsan sheekadeeda aan la ogeyn goorta ay joogsaneeyso ama joogto noqoneeyso.

4.

Raage wuxuu si aan la qiyaasi karin u farxaa, marka ay Deeqa u yimaadaan wiilal kale oo raba inay la hadasho, markaana ay ku tiraahdo: {walaal iga warsug inta aan firaaqo kaaga soo helo} laakiin habeen ayuu waydiiyay wuxuu ka rabo wiil u yimid ayadoo la fadhida, markaa ayay ku tiri: “haddii aan kuu sheego waxa uu iga rabo, ma ii fasaxeeysaa inaan asaga la fadhiisto?” markaas ayuu Rr ka aamusay, kadib ayay ku tiri: “Rr haddii aan walaaltinimo kuula fadhiistay, oo aan booska kaa buuxiyay, waan kuu firaaqeeynaa” Raage intuu isku naxay ayuu la soo booday: “waxaan ka jecelahay inaad ila fadhido majirto, runtiina haddii aan heli lahaa inaad ila fadhido inta ay naftu igu jirto, waan ka sii jeclaan lahaa” Deeqa ayaa ku tiri: “gabdho iiga kaa maseyrsan ayaa Xerada ku jira, wiilal kaa maseyrsana waa ku jiraan” wuxuu ku dooday: “cid iiga kaa maseyrsan majirto” wuxuu sii raacsaday codsi: “Deeqa abaayo habeenka jimcaha ma ii raaceeysaa shaneemo?” waxay ku tiri: “galabta khamiista marka xerada laga baxaayo ayaan kuu sheegaa”.

Deeqa balan si sahlan kuma qaado xataa haddii ay rabto inay fuliso, waxay ka heshaa inaan ayada waxba laga rajeyn iyo inaan laga quusan, laakiin waxay Raage fusad u siisay inay jimcaha isu raacaan shaneemo.Habeen aan caadi aheyn ayaa soo maray Raage, kadib marki ay Deeqa u ogolaatay inay isu raacaan shaneemo, si ay ugu wada sheekeystaan, waxay ku balameen inay ugu timaado Hotel Shabeele hortiisa, Raage markuu yimid barti lagu ballamay ayuu arkay Deeqa oo sidata labis soo saaray quruxdeeda iyo laafyaheeda jalaqsan, markaa ayuu ku sii laba jibaarmay baadihidi uu u qabay, markaa ayay u dhaqaaqeen dhanka shaneemo Musiyooni, inti ay u sii socdeena majirin qof aan gadaal u soo fiirin geenyada la laafyooneeysa Raage oo ku dadaalaayay inaan la dhihin: {uma qalmo midka ay la socoto}.Shaneemada inti ay ku jireen, wuxuu Raage dhegeeysanaayay sheekada Deeqa uga sheekeeyneeysay, wuxuu ka helay faa’iido weyn oo ah inuu ogaaday waxa ay jeceshahay iyo waxa ay neceb tahay iyo weliba inay ku wareersan tahay araajiyo fara badan oo loo soo qortay, waloow uu ogyahay inuu araajida wax ku leeyahay, haddana kama dhexgelin oo wuxuu ugu kaalmeeyay dhegeeysiga, Raage waxaa u soo baxday inay cidna weli wax ka ogolaanin, marki ay Deeqa cabbaar sheekeysay ayay Raage ku tiri: “Rr meeqa gabdhood ayaad hore ula saaxiibtay?” wuxuu ku yiri: “weli ma yeelan qofna, adiga oo aan ka warsugaayo ayaa iigu horeeyso qof aan mustaqbal kawada hadalno” waxay ku tiri: “waa caadi,sida aan kuugu sheegay inaad iigu sheegto gabdhaha ku soo maray” wuxuu ku yiri: “ma arkin gabdho i soo weeraray, sida ay wiilashu kuu soo weerareen iyo kuwo aan la soo saaxiibay toona” waxay ku tiri: “ma filaayo inay rutaa tahay, waayoo waxaan arkay kuwo aan ka baqay inay igula kaa dagaalaan” wuxuu ku yiri: “kuma fekerin inaan saaxiib yeesho, wax ka horeeyay maalinti aan ku arkay” Deeqa oo aan weli hadlin ayuu Raage yiri: “waxaan ka dhursugaa weli arjigeeyga ka midka ah araajida laguu soo qortay” Deeqa ayaa kaga naxsatay: “runti walaal, waxaan jecelahay inaan go’aan mustaqbal gaaro, marki aan Jaamicad ka qalin jebiyo” Raage markuu ka aamusay ayay ku tiri: “soow ma sugi kartid intaas?” Raage intuu madaxa qabsaday ayuu si fiican u fiiriyay Deeqa oo dhinac fadhiday, markaas ayay ku tiri: “maxaad iga soo fiirisay oo kugu dhacay?” wuxuu ku yiri: “waxba iguma dhicin” kadib waxay ugu soo celisay su’aashi hore, una raacisay: “soow Jaamacad ma geleeysid adiga?” Raage wuu garan waayay wuxuu ugu jawaabo, mar wuxuu isyiraahdaa ma dhahdaa {Arjigeeygi waa la laabtay} marna wuxuu isyiraahdaa {ha dhihin, waayoo hadda intii hore way kaaga soo dhawaatay ee ku dadaal inaad hesho} wuxuu ku yiri: “arjigeeyga agtaada kama qaadaayo ilaa aad go’aan ka gaarto” Deeqa intay qososhay ayay ku tiri: “ma intaasaad ka fekereeysay? oo aad ii soo fiirisay?” wuxuu ugu jawaabay: “maya, waxaan tirinaayay sanadaha ka dhiman marka aan helaayo ogolaanshaha” waxay ku tiri “tiimbaraha ogolaanshaha, waaba kuugu dhacay miyaa?” wuxuu ku yiri: “ma aqaan guul iyo guuldaro midda ay noqoneeyso, laakiin rajo fiican ayaan ku sugaa” Deeqa ayaa mar seddexaad ku tiri: “soow lagama yaabo inaad Jaamicad gasho? welibana waxaa fiican inaan isku qeyb noqono soow maaha?” wuxuu ku yiri: “aniga waxaan jecelahay inaan isku meel noqono” waxay ku tiri: “dhib maleh inaan kala fasal noqono, haddii aan Gaheyr wada galno, laakiin haddii midkeen lagu qoro Lafoole ama mid kale ayaan kala fogaaneeynaa” Raage wuxuu galay feker uu isleeyahay: (haddii aan kala fogaano, mineheeda waa isdeynay miyaa?} asagoo aan weli hadlin ayay ku tiri: “waxaan jecelahay inaan Luqadaha galo, adigana maxaad jeceshahay?” wuxuu ku yiri: “waa iskugu keey mid, mid walba oo leeygu qoro” waxay ku tiri: “adiga waxba ma xulatid miyaa?” Raage intuu qoslay ayuu yiri: “xulashadu waxay ku fiican tahay inay gacantaada ku jiraan waxa aad kala dooraneeysid” waxay waydiisay: “maxaad ka wadaana?” wuxuu ku yiri: “haddii aad qorato Luqadaha soow lagama yaabo in Sharciga ama Injineeriya lagugu qoro? markaa xulashadaadi maxay tareeysaa,haddii aadba weeynin Jaamicada lafteeda” waxay ku tiri: “waa runtaa oo waxaaba dhici karta in Jaamicad kale sidda Lafoole ama Beeraha lagu geeyo” Raage ayaa waydiiyay: “haddii aan kala fogaano oo laba Jaamicadood kala galno, ma dhib ayay leedahay?” waxay ugu jawaabtay: “maya, wax dhib ah malaha, laakiin middaasi ma adiga ayay dhib kula leedahay?” wuxuu ku yiri: “koleey aniga majecli inaan kala fogaano, haddii aanay duruuf keenin” Deeqa ayaa tiri: “aniga dhib uma arko, marba haddii aan Jaamicad helno, waa sidi la rabay, waayoo waxaad i soo xasuusisay, arday badan oo waayay”.

Marki ay shaneemadi ka soo bexeen, waxeey u soo dhaqaaqeen dhanka boosteejada Ceelgaab, markaa ayay Deeqa tiri: “Rr walaaloow sheeko fiicanidaa, maxaad u leedahay weli gabar lama soo sheekeeysan?” wuxuu ku yiri: “kuma dhihin lama soo sheekeeysan, laakiin waxaan ku iri lama soo saaxiibin” Deeqa intay istaagtay ayay ku tiri: “maxay ku kala duwan yihiin, lama soo sheekeeysan iyo lama soo saaxiibin?” wuxuu ku yiri: “dugsiga Bartamaha waa layga yaqaanay, waxaana israaci jirnay gabdho iyo wiilal, oo aan wada aadi jirnay shaneemo ama garoomada ciyaaraha,waana sheekeeysan jirnay” waxay waydiisay: “gabar arji kuu dhiibtay ama aad u dhiibayna majirto, soow maaha? kaama yeelin middaas” wuxuu ku yiri: “maxaad igu aaminee oo aan kuugu caddeeyaa?” waxay ku tiri: “waxba” wuxuu gaari ka saaray Ceelgaab, kadib marki ay ka diiday inuu xaafadeeda u raaco si uu gurigeeda u soo barto.

La soco qeybaha dambe

SHEEKOOYIN