Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.36-40aad W/Q. Ahmed Hayow

 

Raage markuu la hadlay laanta baafinta BBCda, waxay waydiiyeen telefoonka uu walaalkiis kala soo xiriir karo, markaana wuxuu siiyay telefoonka Deeqa oo uu gacanta ku haayay, sababta oo ah wuxuu rabay inuu ka guuro guriga uu degan yahay oo uu xaafadda Shucuub u guuro, sidaa daraadeed ayuu telefoonka guriga uu degan yahay u siin waayay, balse waxaa dhacday inuu Dd wacay in ka badan toban jeer telefoonkana uu mashquul ahaa, waayoo wixii ka dambeeya laba saac ama sideeda habeenimo, waxaa Dd soo waca Kamaal oo habeen walba ilaa todobada ama kowda la gaaro, Deeqana khadkaas ayay ku jirtay, Raagana wuu arkaa in lagu hadlaayo telefoonka, wuxuuna rabay inuu Deeqa u sheegto arrin sheekadeeda ka muhimsan, inkastoo aanu ogeyn inay ayada ku hadleyso, marna uu u qaatay inay reerku telefoonka ka seexdeen asagoo kala yaala, wuxuu sameeyo markuu garan waayay ayuu isku qamciyay walaalkiis haddii uu soo wactamo oo uu waayo cid ka qabata inuu telefoonkaas ku soo celcelinaayo, markaa ayuu gurigiisa iska aaday.

Kamaal waxay Deeqa habeenkaa ka ogolaatay inay sawirkeeda u dirto, si ay kuwiisa uga hesho oo wejigiisa u aragto, Kamaalna wuxuu u qoray addresskiisa, ayadana waxay baqshad u gelisay sawir la mid ah midka ay Rr siisay, waayoo waa sawirka ay hubto inuu ragga indha sarcaadinaayo, maadaama uu Raage sawirtay.

Deeqa oo gurigooda ka soo baxaysa, ayuu subaxnimo ugu tegay Raage oo aan xalay si fiican u seexan, markay aragtay ayay la yaabtay sababta uu saacadaan ugu yimid, wuxuuna u sheegay inuu telefoon xalay oo dhan ku soo wacaayay, mashquulna uu ahaa iyo sababta uu u soo wacaayay inay tahay telefoon uu ka sugaayo walaalkiis oo gurigeeda ka soo wacaayo, Deeqa waxay tiri: “Raage khalad ayaad sameysay, waayoo ma aheyn inaad telefoonkeena siiso, waxay aheyd inaad siiso midka aad degan tahay, inta uu kaa soo wacaayana aad gurigaa sii deganaato, sababta oo ah maalinti oo dhan waxaa telefoonka qabata gabadha noo adeegto, qofki aanay aqoona waxay leedahay halkan ma degana” Raage ayaa yiri: “gabadha u sheeg haddii uu walaalkeey soo woco inay tiraahdo waa loo yeeraa ama ay adiga kuu keento” markaana jidka ayay sii socdeen oo guriga waa ka soo fogaadeen, Deeqana waxay gacanta ku waday baqshadi, Raage oo ay ishiisa ku dhacday ayaa arkay inay warqadu u socoto London, intuu iscelin waayay ayuu Deeqa ku yiri: “warqadda ma waxaad u direysaa, saaxiibkaagi London?” Deeqa ayaa tiri: “haa, waayoo saaxiibada mustaqbalka ka mid maaha, waxaan rabaa inaan waali ku rido, ileyn asagaa iga hari waayaye, sababta oo ah habeen walba waxaan ku khasbanahay inaan telefoonka kula sheekeysto” Raage ayaa yiri: “hadda maxaad u direysaa?” Deeqa ayaa tiri: “wakhti badan ayaan ku iri iska daa sawirkeyga, waayoo haddii aad aragto anigoo aan ku rabin, waad ku waalaneysaa wuuna iga diiday, laakiin inti hore waan uga turaayay, balse hadda ayaan u diraa” Raage ayaa yiri: “sawir ayaad u direysaa, ileyn sharci kuu diidaaya ma jiree, soow sidaa maaha?” Deeqa ayaa tiri: “kuma fahmin, ma waxaad rabtaa inaad igala laabato kalsoonidi aad i siisay iyo awoodi aad i siisay! wallaahi waa yaab, waxaad iila muuqataa qof meel kale u cadahay”.

37

Raage wuxuu Deeqa ku yiri: “sawirkaan haddii aad dirto wuxuu micnihiisu noqonaa, waan kaa dal doorsaday, dusha hayga xaganine, la dabaalo caashaqa, marka waxaan ku dhihi lahaa sawirkaan ha dirin, haddii aad wax yar oo jaceyl ah ii qabto” Deeqa ayaa tiri: “Raage mid aad illowsan tahay aan kuu sheego, ragga afar ayaa u bannaan, laakiin dumarka hal ka badan uma bannaana, raggu waxay qabaan fekrad ah (naag been ku guri keen, runna ku dhaq) laakiin dumarku sidaa maaha, balse haddii aan sirta dumarka kuu sheego, waa inay ragga ka fiirsadaan midka uu sharcigu u ogol yahay, anigana waxaan jecelahay inaan midkaa imtixaan mariyo, kii ku gudbana aan kala boxo” Raage ayaa yiri: “hadda sawirkaan waa direysaa soow maaha?” Deeqa oo aan u jawaabin ayuu yiri: “haddii aan ogahay inaad sawirkaaga u direyso cid walba, Yaasmiin kama soo qaadeen halka sawir ay iga codsatay ee waan u deyn lahaa” Deeqa oo hadalkaa ka naxday ayaa tiri: “Yaasmiin sawirka waan u deyn lahaa aa, Raage isku mid maaha, sawirka Yaasmiin aad siisay iyo midka aan u diraayo Kamaal Kaahin” Raage ayaa yiri: ” maxay ku kala duwan yihiin Yaasmiin Axmed iyo KK?” Deeqa ayaa tiri: “waxay ku kala duwan yihiin waa kuu sheegay, Kk dan kama lihi, laakiin Yaasmiin dan ayay adiga kaa leedahay oo hore ayay iigu sheegtay inay iga kaa qaadeyso sidi inay aniga wax iga qaadi karto” Raage oo garan la’ si uu wax ugu sheego ayaa yiri: “D fiiri walaaleey, Yaasmiin dan ayay iga laheyd, laakiin anigaa diiday oo adiga ku jecel, Kk adiga dan kama lihid, balse asagaa dan kaa leh, adigana waxaad rabtaa inaad jaceyl ku abuurtid” Deeqa oo aamusan ayuu ku yiri: “Deeqa, ii sheeg haddii aad iga tala baxday, ileyn nolol iyo geeri wax ka dhexeeya ma jiraane” Deeqa ayaa tiri: “maxaad Yaasmiin ku soo xasuusiyay?” wuxuu yiri: “sawirka aad direyso ayaan ku soo xasuustay” markaa ayay Deeqa jeexjeexday baqshadi intay sawirki kala baxday, markaa ayay dib ugu laabteen gurigeeda, marki ay soo galeen ayay Deeqa adeegtadi waydiisay telefoon soo dhacay inuu jiro, adeegtadi ayaa u sheegtay inuu nin ingiriiska jooga soo wacay iyo inuu waydiiyay qof uu ku sheegay Rr laakiin ay ku tiri: ma degana gurigaan, adeegtidi oo sii hadli rabta ayay Deeqa dhegaha uga qaylisay, ayadoo ku canaananeysa “dadka guriga ayaa la waydiiyaa cidi aad garan waydo” Raage wuu ka naxay hadalkaas, laakiin adeegtadi oo fursad u heshay inay hadalki sii wadato ayaa tiri: “wuxuu iga codsaday in sanca looga raadiyo wiilkaas Rr, wuxuuna ii sheegay inuu guriga soo weci doono berri subax”.

Maxamed Rooble waa nin degan oo dulqaad badan, hadda la joogana hamuun u qaba siduu reerkiisa ku heli lahaa, waxaa u qorsheysan inuu reerka sponsor u diro oo Uk keeno, mar haddii uu helay akhbaarka ah inay Yaman joogaan waxba lama aha inuu inta kale raadsado.

Yaasmiin iyo reerkeeda waxay u qexeen Hargeysa, muddo kadibna waxay ugu gudbeen Jabuuti, inti uu dagaalku socday ayay Yaasmiin dhowr goor timid guriga Raage, markaana Raage wuu maqnaa, balse Yaasmiin way aragtay in guriga la bililiqeystay, maalin kale oo ay ku soo laabtayna way dareentay inay reerku guriga yimaadeen, laakiin uu hal qof yimid, maadaama hal joodari oo jeexjeexan lagu seexday, waxay raadisay sawiradi Raage, waxayna ka qaadatay kii laga soo qaaday, inti kale oo sawirka Deeqa ku jirana way uga tagtay.

Yaasmiin waxay haysataa sawirki laga soo qaaday iyo labadi kale oo ay mid isla sawirnaayeen, Raage wuu dareemay intuu Boondheere joogay in guriga la soo galay iyo in sawirkaas la qaatay, laakiin dan uma gelin ileyn ciyaal bililiqo inay qaateen ayuu u maleeyay, Yaasmiin hadda waxay jirtaa Mareykanka oo ay walaalkeed kula noolshahay, waxay isu diyaarineysaa inay dhigato Jaamicad.

38.

Yaasmiin walaalkeed Saacid Axmed ayaa u shaqeyn jiray Group four, sidaa daraadeed ayay asaga iyo walaashiis ku heleen viso ay Mareykanka ku galaan, maadaama uu shaqaalohooda ka mid ahaa, Yaasmiin laakiin war uma hayso Rr iyo meesha uu ku dambeeyay, ayadana waxay BBC ka maqashay Baafinta Raage la baafinaayo, waayoo barnaamijkaas baafinta dadka kala lumay, ummada Soomaaliyeed aad ayay ugu taxnaayeen waagaas, sababta oo ah qof walba dad badan ayaa ka maqnaa, ha ahaado Qoskiisa ama Qaraabadiisa, ha ahaado Saaxiibkiis ama Saaxiibteed iwm, Yaasmiin markay maqashay Maxamed Rooble oo baafinaaya Raage Rooble oo loo yaqaan Rr, way garatay inuu yahay Raage, maalin kadib ayay BBCda wacday waxayna waydiisay in la helay Raage Rooble oo uu baafinaayay walaalkii Maxamed Rooble, ninki markaa la hadlaayay oo diidan inuu qof sirtiisa u gudbiyo qof kale ayaa ku yiri: “ma in Raage Rr laguu baafiyo ayaad rabtaa?” Yaasmiin ayaa ku tiri: “walaal waa wiilka aan ifka ugu jeceshahay, haddii aad ii awoodo i sii halka aan ka heli karo, haddii kalana ii baafi” ninki istuudiyaha joogay ayay raxmad ku soo degatay, markuu maqlay inay wax jeceshahay, wuxuuna siiyay nambarki Sanca ee lagala xiriiraayay Rr iyo kii walaalkiis Maxamed.

Raage markuu ogaaday inuu walaalkiis soo wici doono berri subax, ayuu iska baxay asagoo aan reerka salaamin, wax yar markuu sii maqnaa ayuu telefooki guriga la soo dhacay, waxaana ka qabatay adeegtadi, markay halloow tiri ayuu Yaasmiin wadnaha gariiray, waxay istiri: (ma xaas buu yeeshay) telefoonkina waa isi saartay, wax yar ka dib ayay ku celisay, haddana adeegtadi ayaa halloow tiri, Yaasmiin oo aamusan ayay adeegtadi tiri: “yaa waaye, maxaa rabtaa?” markaa hooyo Aamina oo timid ayaa telfoonki ka qaaday adeegtadi oo tiri: “yaa ila hadlaayo?” Yaasmiin oo aanu codkaa ku cusbeyn ayaa tiri: “reer Daahir miyaa?” hooyo Aamina ayaa tiri: “waa reer Daahir qofka kula hadlaayaana waa Aamina Ciise” markaa ayuu dabka ka dhacay Yaasmiin oo telefoonki iska tuurtay, waayoo waxay qiyaastay inuu Raage la aqal galay Dd, markaa ayay sawiradiisi la soo baday, intay fiirfiirisay ayay nafteeda ku canaanatay waxa ay dooneyso inay ku dadaalin iyo inay gaabis ka noqotay waxay awoodo, sababta oo ah haddii ay Deeqa tusi laheyd sawirka ay Rr la sawirantahay, waxaan oo dhanba ma dheceen, waxay isku qancisay inay Raage ka sabarto.

Jamaal Dooli iyo reerkiisa waxay u qaxeen Degmada Xudur, wuxuuna halkaa ka billaabay inuu gaarigiisa uga shaqeysto, muddo kadib ayay ciyaal isbaaro ayaa gaarigi kala degeen, markaa ayuu ka sii aaday xeryaha qaxootiga Kenya, xaaskiisa Caasha ayaa halkaa ka billowday shaqo kalkaaliye caafimaad, sheybaarka ay hore u soo baratayna waxay uga shaqeysay xarun sheeybaar, sidaa ayay reerku ku soo kabteen, maadaama aan cidna dibadda ugu maqneyn.

Kamaal markuu soo wacay Dd oo uu waydiiyay inay warqadi soo dhigtay, ayay Deeqa ku tiri: “sahal kuma diro sawirada, waana kaaga turay inaad ku waalato” Kamaal Kaahin intuu qoslay ayuu yiri: “Aabe oo ku soo arkay ayaa ii kaa ammaanay, haddii aad wax isku haysana sawirka waad soo diri laheyd” habeenkaa waxay Deeqa ogaatay inuu Kk aad ugu baahan yahay inuu sawirkeeda arko, waxayna sheekada ku dhameysateen inuu marka hore Kamaal soo diro sawirkiisa, wuxuu ku yiri: “waad ii diidan tahay inaan wejigaaga arko, balse anigaa aqaan qaabka aad iigu soo direyso sawirkaaga, qaabkaas oo ah inaan kayga ku tuso, waana hubaa marki aad keyga aragto inaad la soo degdegeyso kaaga” sidaa ayay ku ballameen.

39.

Hooyo Aamina oo ka carootay qofka telefoonka ku gooyay oo qeylineysa ayay Deeqa qolkeeda ka soo baxday, waxayna ku tiri: “hooyo maxaa ku helay?” marki ay u sheegtay inay qof dumar ah intay dibadda ka soo wacday inay telka ku dhigtay, ayay adeegtadina u raacisay inay mar horana la hadli wayday ayada, markaa ayay Deeqa tiri: “malaha waa Maxamed Rooble xaaskiisa” kadib hooyadeed oo waydiisay Maxamedka ay sheegeyso qofka uu yahay, ayay Deeqa ugu sharaxday inuu la dhashay Rr, dabadeed hooyo Aamina ayaa tiri: “asagana ma MR baa?” waxay sii raacisay: “haddii ay xaaskiisa tahay, walee xaalbaa raacaye u sheeg Rr, midda kale yaa baray telefoonkeena?” Deeqa ayaa u sheegtay sida ay wax u jiraan iyo inuu Raage u imaanaayo walaalkiis oo halkaan ka soo wacaayo.

Maalinti xigtay ayuu Raage ku soo kalahay gurigi reer Daahir, waxayna qaxwo isla cabbeen Aabe Daahir oo aan markaan raali ka aheyn inuu guriga yimaado, maadaama ay Deeqa u doonan tahay wiil dibadda jira, kaasoo danta laga leeyahay ay tahay inuu reerka wada raro, markay qaxwadi cabeen ayuu Aabe Daahir yiri: “guriga aad degan tahay, soow telefoon kuma jiro?” Raage ayaa yiri: “haa, laakiin waxaan rabaa bishaan marka ay dhammaato inaan ka guuro, sidaa daraadeed waxaan islahaa wakhti ayay qaadaneysaa inta walaalkaa looga sheegaayo, adigana waxaa kuu fiican inaad siiso reer Daahir oo degaan rasmi ah degan” Aabe Daahir ayaa yiri: “waan gartay, maxaa kale oo jira?” Raage ayaa yiri: “oo maxaa ah!” markaa waxaa soo dul istaagtay Deeqa oo quraac u keentay, ayadoo rabta inay la fariisato ayuu Aabaheed ku yiri: “Deeqa orod telefoonka u qabo Raage” marki ay baxday ayuu Raage lahadlay oo ku yiri: “wax kale inay jiraan ayaan mooday, waayoo Deeqa waa la soo doontay oo sidi hore oo kale maaha, firaaqana uma laha, mana rabo in la arko ayadoo wiil la socota, haddii uu walaalkeed oo kale yahay iyo haddii kalaba” halkaa markay sheekadu mareyso ayay soo gashay hooyo Aamina, markaa ayay Raage u sheegtay sidi ay yeeshay naagta walaalkiis iyo xaalka laga rabo, Raage oo yaaban ayaa yiri: “xaaska walaalkeey miyaa kula soo hadashay oo telka kugu demisay?” hooyo Aamina ayaa tiri: “waxay igu tiri soow reer Daahir maaha? marki aan isu sheegayna way igu dhigtay telefoonka” Raage ayaa ku yiri: “ma aqaan waxa jiro iyo inuu xaas leeyahay walaalkeey, laakiin haddii ay sidaa tahay ma filaayo inuu walaalkeey soo wactami doono” kadib ayuu Aabe Daahir ku yiri: “adeer gabadhaada Deeqa cid iiga xaqleh ma jirto, ayadana way ogtahay middaas, waana isla ognahay arrintaas” Aabe Daahir ayaa yiri: “sheekadi iskuulka way dhamaatay, waana sheekooyin laga koro oo laga weynaado, sidaa daraadeed iska illooba wixii hore” hooyo Aamina ayaa tiri: “maandhoow haddii aad goor hore Deeqa soo doonan laheyd cidi kuuma diideen, laakiin adduunyadu waa calaf iyo nasiib” Raage intuu dhididay oo dhafoorada qabsaday ayuu yiri: “Deeqa haddii ay igu tiraahdo sheekadeeni waa dhamaatay, albaabka ayaan ka baxaa, laakiin inta ay ii qabto wax yar oo jaceyl ah, lagama yaabo inaan ka raja dhigo”.

Hooyo Aamina oo rabta inay Deeqa u yeerto ayuu Aabe Daahir ku yiri: “Aamina maxaad Deeqa uga yeereysaa, anigaa og inay raali ku tahay Kamaal, haddii aanay ku aheyna waa khasab inay rabitaankeeyga yeesho” Raage ayaa yiri: “adeer wax aadan rabin ma dhacaayaan oo wax walba rabitaankaaga ayay ku ahaanaayaan, laakiin waxaan ku qanco ayaan rabaa, waxaas oo ah inay Dd iga hor tiraahdo sheekadeeni xalane waa dhamaatay” Aabe Daahir ayaa indhaha uga diray hooyo Aamina, laakiin waxaa isla kulmay Deeqa oo markaa halloow tiri Maxamed Rooble iyo hooyadeed oo loo soo diray, waxaa nasiib xumo noqotay hooyo Aamina intay telefoonki Deeqa ka qaaday, inay ku demiso Maxamed Rooble, Deeqa oo leh: “hooyo waxaan filaa inuu yahay Raage walaalkiis” hooyo Aaminana intay telki isi saartay ayay Deeqa gacanta soo qabatay, waxayna la soo aaday qolki maxkamadu ka furneyd oo markhaatiga looga baahnaa.

40.

Deeqa markii qolka fadhiga la keenay, waxay aragtay Raage oo dhididaaya iyo Aabaheed oo ilka cadeeynaaya, asagoo fiirinaaya wejiga Raage, kadib ayuu Aabaheed ku yiri: “Deeqa, waxaad Raage u sheegtaa inaad nin rag ah u doonan tahay” Deeqa oo xanaaqsan ayaa Raage waydiisay: “Raage, ma annaga oo aan ku heshiinin ayaad Aabaheey iga soo doonatay?” Raage oo aan su’aashaas ka jawaabin ayuu Aabe Daahir yiri: “Raage waad maqleysaa inay jirin wax aad ku heshiiseen adiga iyo Deeqa” Raage ayaa yiri: “Deeqa, waa runtaa kuma aan heshiinin inaan ku soo doonto, middaana kala ma hadlin adeer Daahir, laakiin markuu ii sheegay inuu Kamaal ku soo doontay, markaa ayaan ku iri Deeqa isku ma ogeyn inuu ku soo doonto nin aan aniga aheyn, soow ima sugeysid mise waad iga tala baxday?” Deeqa ayaa tiri: “Raage adigaa iga tala baxay oo Yaasmiin inaad igu bedelato ayaad rabtaa ee iska bax” Aabe Daahir iyo Hooyo Aamina oo meesha fadhiya, ayay Raage iyo Deeqa hadalo isku tuurtuureen, Raage ayaa ku dooday: “adigaa ballanti iiga baxay, kadib markuu nin kale ku soo doontay” Deeqa ayaa tiri: “shalay ayaan ku ogolaaday inaad Yaasmiin rabto, marki aad igu tiri sawirka kama soo qaateen” Raage ayaa yiri: “sawirka ha dirin miyaanan kugu dhihin, oo igama aadan diidin, anigoo daraadaa Yaasmiin uga soo qaaday sawirkaygi” Deeqa ayaa tiri: “Raage ma anigaa diray sawirki? see iila hasleysaa! marmarsiinyo doon ayaad tahay ee waa ogtahay inaan ninkaas rabin” Aabe iyo Hooyo waxay ka bixi waayeen, marba qof inay afkiisa fiiriyaan iyo wuxuu leeyahay, Raage iyo Deeqa oo labadooda oo kaliya isu jeeda oo aan cid kale ogeyn inay la joogto, ayuu Aabe Daahir dharbaaxo ku dhuftay gabadhiisa, Raagana wuxuu ku yiri: “guriga iiga bax, dib dambana ha u soo gelin” Raage wuxuu baxay ayadoo ay Deeqa leedahay: “Aabe Kamaal ma rabo”.

Raage wuxuu galabnimadi soo aaday barta telefoonada, wuxuuna wacay walaalkiis Xasan Rooble, wuxuu u sheegay inuu Maxamed helay laakiin aanu la hadlin iyo waxa sababay la hadal la’aanta, halkaana wuxuu Xasan ka ogaaday inuu walaalkiis xiriir ka leeyahay gabar uu jeceshahay, kadib wuxuu ka qaatay nambarka BBCda laanta baafinta dadka kala lumay iyo nambarka meesha uu Raage hadda joogo, si uu goor dhow uga soo woco, kadibna Xasan wuxuu wacay BBC, wuxuuna waydiiyay nambarka Maxamed Rooble, BBCda ayaa ku yiri: “waa nagu amaano oo cid kasta ma siino nambarada dadka, haddana Maxamed Rooble liiska waa ka tirnay oo maba hayno warbixintiisa” wuxuu u sheegay in la yiraahdo Xasan Rooble iyo inuu la dhashay Raage Rr, wiilka la baafinaayay, kaasoo weli aan helin walaalkiis Maxamed oo baafinaayay, waxaa lagu yiri: “dadka waxaan siinaa hal fursad, laakiin wiilkaas Rr waxaan siinay laba fursadood oo ay ku jirto gabar jecel oo Mareykanka naga soo wacday, haddana fursadda kale waxay tahay inaan Maxamed kuu baafino adiga, laakiin liis dheer ayaad gadaal ka soo billaabeysaa” Xasan ayaa yiri: “ilaa intay qaadaneysaa baafinta?” waxaa lagu yiri: “Maxamed waxay ku qaadatay lix bilood, adigana intaa in ku dhow, waayoo dad badan ayaa saf noogu jiro” Xasan wuxuu qortay baafinta walaalkii Maxamed Rooble, kadib ayuu Raage ka soo wacay barti telefoonada, wuxuuna u sheegay hadaladi lagu yiri oo dhan, markuu BBCda la hadlay, kadib Raage oo niyadjabsan ayuu Xasan waydiiyay: “yaa waaye gabadha ku jecel oo Mareykanka joogta?” Raage ayaa yiri: “ma aqaan gabar Mareykan joogto” isla markaasna wuxuu Raage soo xasuustay Yaasmiin, waayoo qof ku tiraahda waan ku jecelahay oo sidaa uga tegta ayadaa ka jirta, Xasan wuxuu u sheegay inay gabadhaas BBC ay ka qaadatay nambarada Maxamed iyo midka lagaa helo, markaana waxaa Raage ku soo dhacday inay tahay qofka soo wacay guriga reer Daahir, waayoo cid reerka taqaano ayay aheyd gabadhi soo wactantay, kadib Raage wuxuu walaalkii waydiiyay: “Maxamed xaas miyuu leeyahay?” Xasan ayaa yiri: “xaas kuma ogeyn” kadib waxay ku ballameen inuu lacag u soo diro Raagana uu dego guri telefoon gaara leh.

 

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN