Heesta; Bile, Bilan iyo Bisha Rabadaan Curiye; Bashiir M. Xersi

11391298_920990671277470_7630409332026960773_n Heesta; Bile, Bilan iyo Bisha Rabadaan Soon suubban, samo wacan iyo soor dhadhan leh. Sidoo kale, Af haysi suubban, ajar badan iyo aqbal wacan.   Anoo Bile ahoo Baraare adduun Barwaaqo ku nool Haddaan Bilan helay Bisha Rabadaan Ka baxsaday Soon.   Bilan waxay tiri; Bilow heedhe Bisha Rabadaan Bilan heliddeed Miyaa Barako ah?   Bile wuxuu yiri; Bilaneey maqal Bisha Rabadaan Waxay Barakadu Kor u bilantaa Bilan heliddeed.   Bilan waxay tiri; Bisha Rabadaan Bil Cibaadiyo Baryo Eebbiyo Badsi samahiyo Bullaalaha Khayr Ayaan ku bartaye Bilow waa saay Maxaa is bedelay?.   Bile wuxuu yiri; Bisha Rabadaan Boolo xooftiyo Bala bala iyo Been shukaansiya Bahdil weeyee Bilaneey maqal; Waxan ahay Boqor Baashi doorane Nin loo bogaye Beeshu xulataye Buuqa iga dhawr.   Barni waxay tiri; In Bariid iyo Bataati macaan Iyo Baradhiyo Buureegiyo Bur Saliid iyo Baasto kuu karin Bisha Rabadaan Hayga sugin Bile Waa Billaahiye Wayga baab xiran!   Bile wuxuu yiri; Bilaneey maqal; Hankii barashada Iyo baashaal Ha ku baalxirin Badar la cunood Birta saartiyo Biyo la caboo Bakeeri ku jiro!   Bilan waxay tiri; Balaq balaq iyo Is biimayn aad Ku barriiqee Lama beegsado Saa Birjeex iyo Bawdo wayniyo Barre maahide!   Bile wuxuu yiri; Inaan Buur ahay Buur ka weynahay Bir ka adagahay Baraf jiir ahay Oon birgayr ahay Bulshadaa oge Buuqa iga dhawr!   Bilan waxay tiri; Faan badnaan iyo Been la tiriyiyo Bootada arkaye Maxaa kuu baxa?.   Mar ma Boqor baa Iyo Baashoon Laga baal hadal?.   Mar Birjeex iyo Beel hoggaanshiyo Bilcaan dhawriyo Baas mid celiyiyo Ma burhaanlaa?.   Anaa bidhinbidhay Oo bad Jaangalay Midaan baaluqin Qooq billaaw ahi Basar dumariyo Bar aqoonoo Biito garaneyn Maygu soo baxay Waa ba’aygee May bidhaansaday!   Bile wuxuu yiri; Horta Bilaneey Bakhaylsanidaa! Belaayiyo hoog Haysla buurine Aan iskaa baro;   Barkhad wiiloo Baarriyaan ahay Nin ban baxayo Bannaan yaaloo Bariyo galbeed Bulshadoo idil Ka baqaanoo Nin la bartama Beesha lagu arag Boos ah baan ahay!   Maysla boodnaa Maysla barinnaa Mays basarinnaa Baalka laabtiyo Mays boggelinna Walaal bisha Soon Maysla Burinnaa?.   Bilan waxay yiri; Ruux Bariisiyo Baasto doonoo Bur in loo dubo Baruur uu cuno Baafin baadtee Bilow iga bayr Nin basaasiyo Basanbaas qaba Belaaya huwani Khayr ma beere Haygu buuqine Boolo xooftada Waan ka boodaye Baajiloor iyo Bii Hej Dii baa Ballan ii ehe Bile ii goo Bowdka ii dhaaf Baabku kaa xiran!   19/06/2016 Jimce   Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com www.bilediraac.wordpress.com

         

Top