Hab dhaqan xumada bulshadeenna! WQ: Ramla Gobdoon

photo

Hab dhaqan xumada bulshadeenna!

 

Marka u horreyso, waxaa qalbijab iyo ayaandarro ah, in xumaheennu uu ka badnaado wanaaggeenna. Hubaal, in waxyaabo qaar wanaagsan aan leenahay, balse, mar walbo waxaa muuqdo, heerka qaladaadkeennu ey gaarsiisanyihiin.

Maangal wey noqon kartaa, in billowga qormada aad ku niyad jabto, haddane, wax badan baa kaaga bixi doono, haddii aad ku sii dhiirrato in aad wada aqriso.

Bulshada Soomaalida, waa bulsho dhaqan ahaan aad u liidata, ma ahan kulligood, balse, intooda badan. Dad ayaga dhan qaab kale ah, oo aadan fahmi karin habka ey wax u wadaan, ayaad ka dhex heleysaa, haddeysan u wada badneyn. Markaan sidaa leeyahay, kama wado in Soomaalidu ey sidaa ahaan jirtay weligeed. Lama qarin karo hab dhaqankii wanaagsanaa, ee aan lahaan jiray beri hore, nasiibdaro waxaa bi’iyey, oo mid aan la tabin ka dhigay, sida hadda aan nahay.

Dhaqan markaan leeyahay, kama wado kii soo jireenka ahaa, ee dadkeennu uga duwanaayeen ummadaha kale, una ahaa astaan lagu garto, balse, waxaan u dan leeyahay hab dhaqanka bulshada, ee dadkeennu isticmaalaan xilligan.

Hal iyo dhowr qormo  laguma soo koobi karo, dhammaan dhaqanmada xun, ee bulshadeennu ku dhaqanto, balse, kuwooda aan aad ka ula yaabay, ee sababta u ah inaan qormadan qoro, ayaa wax ka dhihi doonaa, anigoo raacinaayo sida aan xalka u arko, isla markaana rajeenaayo in wax laga qaato.

Qaab soo jeedinta qalloocan ayaa u horreysa. Waxaad arkeysaa, qof qalad sameeyay ama ficil xun muujiyay, dadki intiisa kale waxey billaabayaan, in ey la hadlaan, ayagoo aaminsan in waxa qofkaa uu sameeyay, eysan wanaagsaneyn, waxeyna u maraayaan hab kaloo qaldan, oo mararka qaar laga yaabo, in wixii uu suubbiyay qofkii qaldanaa, ey xoogaa ka roonaadaan waxa ey sameenayaan, kuwa leh waxbaan saxeynaa.

Badanaa wey dhacdaa, in intii uu geystay qofkii qaldanaa, ey ka daba geystaan kuwa isku heysta, in ey wax saxaayaan, haddii eysanba ka badin, su’aalaha is weydiinta mudan ayaa ah; maxey kaga duwanyihiin kii qaladka sameeyay? Tallaabadii ey qaadeen, oo ey u heysteen, in ey wax ku wanaajinayaan, xal ma u tahay qaladkii dhacay, mise wey sii hurisay?.

Waxaa ila habboon, in qofka is leh wax sax, uu la yimaado hab ka duwan kii uu la yimid qofka la saxaayo, isla markaana uu is weydiiyo, su’aalaha kor xusan iyo qaar kale, haddii uu intaas karin, waxaa u wanaagsan, in uu iska indho tiro wixii dhacay, haddii kale qeyb ayuu ka noqon doonaa arrintaas.

Waxaa jirta in meel la isugu yimaad, tilmaam iyo sixid loo baahdo, markaa ayaa qof walba hadlayaa, oo isagu tilmaamtii bixiniyaa, halka ay eheed, in loo daayo, qofka mudan, sida haddii uu joogo, qof hagaya hoolka, goobta ama madashaa. Inta kale, xaq uma lahan, in ay farta wada taagaan ama wada hadlaan, haddii aan si shaqsi ah, iyaga wax loo weydiisan, balse, waxaad arkee, mid mid kale ku leh; fariiso, aamus, hoos u hadal imw.

Dadkeenna badankood, waxey dhaqan ka dhigteen, in ey colaadiyaan qofkii aragtidooda ka duwanaada. Tani waxey ka mid tahay, hab dhaqan xumada bulshadeennu leedahay, waa in aan oggolaannaa, in marnaba dadka oo dhan, ey isku feker heysan karin, loona baahneyn, in lala dagaalo ama la aflagaaddeeyo, qofkii isku aragti la heysan waayo.

Qof fekerkiisa in laga xumaado ama laga xanaaqo, ayadana ma ahan mid meesha ku jirto, sababtoo ah, waxaa qaba keligiis, oo ey gooni u tahay, dadkeennu waa iney bartaan, qaabka qurxoon, ee loo soo bandhigo afkaarta, ayagoo maanka ku heynaya, in ey la kulmi karaan kuwo kale, oo ku raacsan ama ka soo horjeeda.

Qofku wuu ka dhaadhicin karaa fekerkiisa kuwa kale. Sidee? Waa in qofka uu si wanaagsan, oo faahfaahsan u soo bandhigaa fekerka uu qabo. Waa in uu si cad u muujiyaa, natiijada ka dhalan karta, haddii fekerkiisa la qaato. Tan ugu wada muhiimsan ayaa ah, in qofka uu u doorasho geliyo dadka, in ey la qaataan aragtidiisa ama ey ka soo horjeestaan.

Baraha bulshada ey ku xiriirto, goobaha fadhi ku dirirka iyo meel kastoo dadku iskugu imaadaan, waxaad ku arkaaysaa dad mar walbo ka hadla, waxyaabo anshax xumo ah, oo aan dhaqan iyo diin raad ku laheyn. Dadka sidaas ah, waxaa ku tixan kuwo kaloo badan, waxey faafinaayaan wixii ey soo bandhigaan, feker ayeyna ka dhiibanaayaan. Kuwii xumaanta faraha kula jiray, markii ey arkaan in la faafinaayo, wax kastoo ey soo bandhigaan, dad aad u badanna ey ku xiran yihiin, wey sii xoojinaayaan shaqadooda. Suurtagal wey noqon kartaa, in dadkaa badan ee ku xiran, eysan wada taageeraaneyn, balse, ayaga uma kala soocna.

Waxaa ila qumman, in loo firaaqeeyo goobaha ey wax ku soo gudbiyaan, haba ugu badnaato, bogagga ey ku leeyihiin Internet-ka. Looma baahno in loo riyaaqo, feker laga dhiibto, la daawado waxey soo duubaan, ama ey soo qoraan, sidaas wey ku cirib tirmi karmaan ayey ila tahay, laakiin, intii dad badan ey ku tixanyihiin, waxba ma is baddali doono.

Dhowr waxyaabood ayaa laga caawin karaa bulsho, si ey u soo kabsato, laakiin, ayada ayaa iska caawin karta, si  hab dhaqan wanaagsan ey u yeelato. Hubaal, in bulshadeenna laga dhex helaayo, dad hab dhaqankoodu uu aad u wanaagsanyahay, kuwaas ayaa looga fadhiyaa, in ey u istaagaan wacyi gelinta, kuwo aan la dhaqmi kari dadka intooda kale, sidaas ayaanna ku yeelan karnaa, bulsho is xaq dhowrta, oo wanaag iyo kala dambeyn uu saldhig u yahay.

 

WQ: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN