Home Qoraallo Abuu Abaqaalow Wq A. M. Yusuf

Abuu Abaqaalow Wq A. M. Yusuf

0
SHARE

Abuu Abaqaalow

gabay

Dabkuu Aadan shiday Ina Galaydh durugsigii eedye…
Nin dardaarankii Cumar ogaa mudanihii daaye:
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha.

~ Salaan Carrabey

Haddeer tan la joogo, Al Imaarah waa gobollo ka mid ah; mooyaane waaxo ay ka kala taliyaan maamullo isdiiddan oo wada riddo ah; maamulgoboleedyo aan dadyowga ku midiidinsan wax aan ka ahayn jawr iyo reereysi. Shabaabku magaca ay ku fongoraan[1] waa Murtadland: Arlo aan weli ka madaxbannaaneyn, waxa ay ugu yeeraan, Al Kuffaar. Dooygii weeyaan se Reerguuraagu ay weligood ba meesiga[2] iskala dhex wareegi jireen uun. Hayeeshee intaas waa ka sii baaxad weynaan. Waxa ay noqon Khilaafo Islaami ah oo ka arrimin—doonto, idilka ifka; amase—dhul kasta oo gaalada iyo gaalaraacyada ba, lagaga maquunsan doono Jihaad argaggixiso.

Sheekh Camiil Ma’juur Aal Murtazaq, ablaawe ka soo dalaabay Galbeed, balse qofnimadiisa lagu asturo neenaasta Abuu Abaqaaowl, taasoo ah nom de guerre[3], ayaa gedda wadaad dhalad ahaa loogu soo dhoweeyay dalka Al Imaarah. Maxaayeelay, duul kasta oo Wahaabi ah, xeer ka reebban isirsooca, ayaa si sinnaan ah ugu wada oggolaanaya xubinnimada, iyo sidoo kale, tolnimada Al Shabaab. Abbaanduule ayaa misana looga dhigay Saldhigga Raas Kiiyaanboobi, kaasoo aan ka fogeyn antaroda koonfureed oo ay Al Imaarah la wadaagto dalka Mungu Nchi[4]. Jagada iyada ah, waxa ay u sii fududeysay xaddhaafka labo ollog oo abidkood isu soo ahaa cadaawe; nac soojireen ahaa na, uu iya ba waa’ fog kala seeray. Labagalluhu[5], soohdinta u dhexeysa labadaas dal, sida iyo goorta uu doono, ayuu hadba uga kala gudbi jiray. Galtigii doolaalada ku yimi; sidaas awgeed, waxa uu haddiiba isu arkay shisheeye, aan ay cidna ka horjoogsan kareyn, yeelashada iskudarka labada geyi: Murtadland iyo Al Imaarah ba.

Ugu ma ayan wacaneyn oo qura in uu ahaa hayeeshaale[6], iyo alaal[7] ka firfircooni badan shinnada; waxa se intaas u sii weheliyay heegganaan iyo okobbanaan. Baarri ayuu ahaa u camalsan oo degdeg u fuliya: talo wal ee isaga laga soo faro xagga Amiir Gudcur—Taliye Dahsoon. Dadaalka ka hormariyay iyaga, magaciisii na ciyoon ba kor u bilay; walow qaarkood, ay isaga ku kuuniyeen; haddana, badanka Shabaabku, masaargaabyadu[8], hadba intaa jacayl silloon ayay ba u sii wada qaadayeen, laga soo billaabo Soonqaadkii uu curiyay digriga qalaad:

“Marxab! Marxab! Yaa Abaa Xubeer!
Labbeeyka! Labbeeyka! Yaa Abaa Xubeer!
Samcan! Wadaacatan! Yaa Abaa Xubeer!”

Isna jeel xarkagoys ah ayuu hadba intaa u sii qaadayay ismiidaaminta, kii oo, ay ba ula ekoonaatay isqarxinta: maaro lagaga xoog badanaan karayo hubka gaalada oo idil.

Saancad badan, Khaariji qajeel[9] inkaaranaa, oo digrigiisa dhiilleysan ku aleegadayay, mar walba se siiyaalo sarmaseegto lahaa: maxuu baro uga tilmaansanaa xarunta Murtadland isku dhex qarxiyay. Caku, ye’ qaraxayada! Kol ay ku tahay, hal sargaal na, jeerna ba lama haleelaan; goorna ba se lama seegi waayaan tumbul rayad ah, taasoo weliba u badan maato sida: cararrur, dumar, caamo, arday, aqoonyahan, geddisley, cirroole, xubeero… intaba.

Maalin ayuu se shinkeedii soo galay. Labadii Takfiiri, mayee, haybsi ka qeexnaan wacan marka lagu sii tooydo, labadii Salafi-Takfiiri, asii si ba’an ula wada ildaran caqo iyo saruuradow[10], ayaa berigaas duur cidla’ ah iskula solanayay tammooti[11] dhurwaa. Abuu Abaqaalow ayaa jeer uun ku soo hambabaray bidaal lagu eedsaari lahaa, isaga naftirkiisa. Isla markii ba, baqtigii ged waraabe oo kale, uu u sibqin[12] lahaa, iska daa’ in uu sii maggaabiyo[13] e; cunaha ayuu ba hoos u sii dhaafin kari waayay. Mindhicir waraabe, xiidmihii bahalka, oo weli sida raan Yahuudeed uga soo wada lalman qawlallada, Amiirkii ayaa ku yiri, “Abaqaalow! si baan kuu qoonsana hayaa.”

“Maxay?” dhuunirraacii oo la moodo wedkiarag[13] ayaa ku cantatabay. “Yaa Abaa Xubeer,” xaabka afkiisii ka soo laallaaday inta uu dibadda kaga soo siibsiibay gurta, “see wax u jiraan?”

“Si na e. Ii sheeg! Saymoha coladeed, yaad lajireen u noqon? Ma Xarakada Shabaabka mise Durugsiga Qabiilkaaga?”

 

La soco toddobaad ka xiga…

 

Eray iyo Ujeeddo

 

[1] fongoraan: fongor/fongorid (fal): Qof fayow, oo iin aan uu lahayn loo yeelo ama iin uu ku dhashay daraaddeed ba in looga eexdo; takoorid (ama inta kale ka dhex faquuqid).

[2] meesiga: ‘meesi’, waa magac xoolaha kala duwan ay guud ahaan u wada wadaagaan. T.a., gammaanku (dameer, baqal iyo farow) waa ‘meesi’; ishkinku (geela, lo’da) waa ‘meesi’… iqk.

[3] nom de gurre: magac dagaal, magac weero

[4] Mungu Nchi: Bilaad Eebbe, Dal Eebbe

[5] labagalle: waa qof ah kulajire-kaajire, dhagarlow, khaayin; munaafaq.

[6] hayeeshaale (haaheeyarraac): ‘haye’ ama ‘haaheeyo’ maahan e, qof aan diidmo (ama war kale) ka soo celin farriimaha madaxda; ha ahaado maqaddin ama adeege e, ‘hayeeshaale’ waxa misana ah: qof kasta ee aan milgo ba lahayn.

[7] alaal: qof aan cidna ba ka qaloon; galgal dhiirran oo halkii dan wal ay ka gasho ba, isku biimeyn.

[8] masaargaab ~ka: duul ay aqoontiisu qoto gaaban tahay, heerkiisa aqooneed, (qof) uu aad u liito.

[9]qajeel: in badan, badanaa, dhaaxa, aalaa. Qajeelo (~ha): dhacdooyin dhaca marar badan—xilliyo kala duwan. Tusaale ahaan, ma xasuusataa mirqaraamigii ay ku subcin jirtay Magool, Xaliimo Qaliif Cumar (AUN):

Qod baad tahay meel qabow ka baxoo
Qajeel ubaxii dhammaan qariyoo
Qacdii aan ku arkaan is qoonsadayoo
Bal qabsoo waaban kuu qandheys nahay e
!”
                    ~ Faysal Cumar Mushteek (AUN)

iyo mirqaraamiga kale ee runsheegga ah,

Qaniinyo mas waa qaraari nafta
Quddhii bugta waa qulaami beryo
Qardiyo socod waa qajeelo naso
…”
                   ~ Abwaan Maxamed Jaamac, Ilka-Case (AUN)

[10]saruuradow (hilbahilbow, magaag): cunista hilibka oo—inta muddo dheer laga qatanaado, dabadeed na—si aad ah loogu buseelo; cudur ku dhaca muruqyada (turuqyada) dadka, oo borotiinyaridu ay keento.

[11] tammooti: neef iska—ama cudur awgii u—dhintay, hilibka nafley aan la mindirraacin, haddiikale ba aan la gowricin, baqti.

[12] sibqin: cuntada, g.a., hilibka, oo la iska laqo (ama liqo/dhunjiyo/dhunxiyo) iyada oo aan la ba calalin/ruugin/hiigin.

[13] maggaabo: cantuugo buuxin karta af muggii, rudmo.

[13] wadkiarag: (xuur, qalowle): shimbir weyn oo qoor dheer; haad goor kasta ba u muuqan wax naxsan oo kale.

.
.
.

● Sheeko Gaaban: “Abuu Abaqaalow”
● Wq A. M. Yusuf

SHARE