QOLKI MURUGADA….

Qolkii murugada

QOLKI MURUGADA….

 

waxaan lahaa saaxiib aan aad u jeclaa saaxiibnimadiisuna igu weynayd, waxaa i farax galin jiray aragtidiisa, waxaana wehel ii ahaa imaanshihiisa waxaannu wadaay iyo jaal ahayn muddo aad udheer.

Waxaanu ahayn sir iyo soof wadaag, arrinkiisa waxna igama qarin jirin anigana sidoo kale ayaan u ahaa, ilaa aan socdaalay oo ka dhulyaalay meeshii aan wada joognay meel fogna aan tegay.

Haddana ismaanu mooganeyn ee waanu iska warqabnay, waxaana naga dhaxeeyey xiriir wanaagsan, waraaqo ayaanu isu direynay in muddo ah. Intaa kadib waxaa iga go ay farriimihi aan ka heli jiray xaggiisa, waxaa i shaki galiyay waxa ku dhacay saaxiibkeey iyo sida xaalkiisu yahay, waan soo laabtay waxaana ka dhigay hammigeyga midka ugu weyn inaan mar uun arko saaxiibkeey, waxaan karaadiyay dhammaanba goobihii aan ku kulmi jirnay kamana helin,

Markii dambe waxaan tagay hooygi uu magaalada ka deganaa balse nasiibdarro kama helin, dariskiisuna waxay ii sheegeen inuu ka guuray xaafadda waqti aad u fog aysanna garaneyn halka uu kudambeeyay.

Waxaan istaagay meel u dhaxaysa rajo iyo quus dagaallamaya oo uu midkood ka guulaysanayo kan kale, waxaan yaqiinsaday inaanan maanta kadib ay adagtahay inaan arkaa saaxiibkey sababtoo ah ma ogi mana suurayn karo meel aan ka doono, waan ka murugooday, waana werweray, waxaana indhahayga isku soo taagtay ilmo muujinaysa, dareenka gacalnimo iyo widaaynimo ee aan u qabo, xiisaha iyo boholyowga la kulanka saaxiibkay rumaad.

Habeen kamid ah habeenada baaska leh xilli aan kasoo laabtay gurigeyga aqoon la’ aanteyda dhanka wadada aan kusocdo ayaa igu hoggaamisay waddo mugdi badan oo lama dagaan laga guuray ah, oo uu umalaynayo qofka fiiriya xilliga aan soo maray inay tahay, hooygi libaaxyada, waxaan dareemay sidi anigoo dabaalanayo badweyn aad u madoow oo igu garaaceysa inta udhaxaysa laba buurood. hirarkeeduna ay marna isoo abbaarayaan marna ii dhabar jeedinayaan marna ay hawada sare ukacayaan.

Anigoo niyadeydu mirenayso badweyntaa halista ah iyo hirarkeeda ayaan mar qura malay, guri ka mid ah guryahaan laga qaxay cod qof aad ugu cataabaya cod dheer bartamaha habeenki, wuu soo laalaabanaya codkaasi. waxa uu saameeyay nafteyda saameyn aad udaran waxaana dhahay.

“alla layaab badanaa. habeenkan madoow muxuu ku qarinayaa xabadkiisa sirta kuwa balaayadu ku dhacday iyo qarinta kuwa murugeysan”

Waxaan ahaa mid ilaahay ballan kula gala hadduu arko qof murugaysan inuu istaago hortiisa istaagidda qof dadka wax tara, hadduu kari waayana ugu yaraan la murugooda. waxaan raacay wadadi ilaa aan ka gaaray gurigi uu ka soo baxaayay codka uu aadaarku ku laranyahay. waxaan garaacay iridka garaacid ay turid kudheehantahay lamana furin. waxaan mar kale u garaacay si xoog ah. waxaa iga furtay gabar aad u yar oo uu malaha dareenkaygu igu yiri waa toban jir ama waxooga baa u dheer, waxaan ku arkayay tooshka yar ay gacanta kuhayso dharkeeda jeex jeexan ayadoo u eg sida dayaxa oo lagu daboolay daruurta. waxaan weydiiyay.. qof jirran miyaa agtiina ahaaday? way qeylisay qeylo uu u dhowaanayo inuu la goo halbowlaha wadnaheeda waxayna tidhi

“soo gaar aabahay waxaa haaya sakaraadki geerida”

Waxay socotay hortayda aniguna waxaan soconayay gadaasheeda ilaa aan ka gaarno qol albaab yar leh, waxaan u maleeyay inaan kasoo guuray dunidi dadki noolaa oo aan usoo guuray dunida dadki dhintay iyo in qolkani uu yahay qabri iyo in qofka jirranina uu yahay wax dhintay. waxaan usoo hoobtay dhanki qofki bukaanka ahaa. waaba asigoo ah lafo ay naftuna ku dhex laalaabaneyso. waxaan saaray gacanteyda dhinaciisa. wuxuuna kala furay indhihiisa. waxa uuna aragiisa ku dheereeyay wajigeeyga. intaa kadib wuxuu furay faruuryihiisa si tartiib ah. si tartiib ah wuxuuna yiri.”ilaah baa kumahadsan waxaan helay saaxiibkeey”.

Waxaan dareemay qalbigeeyga oo ku soconaya xabadkeyga argagax daraadiis. waxaana ogaaday inaan helay baadideeydi aan raadin jiray oo aan aaminsanaa inaan maalin uun heli doono ayadoo kusii socota wadadi tagitaanka. waxaan weydiiyay sida xaalkiisu yahay iyo waxa ay tahay goobtan uu kusuganyahay? waaba asigoo i hilmaamay muddo badan. laydhka yar ee korkiisa suranna uu bixinayo iftiin aad uyar. wuxuu ii tilmaamay inuu jecelyahay inuu soo fadhiisto. waxaan utaagay gacantayda wuuna cuskaday jeer uu si quman usoo fadhiistay wuxuuna bilLaabay inuu igaga sheekeeyo qisada imaan doonta…..”Muddo toban sano ah ka hor aniga iyo hooyaday waxaan daganayn guri, waxaan lahayn daris ka mid ah kuwa hantida iyo nimcada rabbi ku mannaystay. dariskaas gurigoodu waxa uu garbihiisa kusoo dhowaynayay gabar aysan qasriyada iyo guryaha boqoradu aysan soo dhoweyn ayada oo kale wanaagga bilicda dabacsanaanta iyo quruxda daraadeed.

Waxaa nafsaddeyda xanuujiyay jacayl aan uqaaday daraadeed waxaan awoodi waayay inaan la sabro, kama suulin inaan ula imaanayo qaab walba oo aan ugu gudbin karo dareenkeyga qalbigeeda, jeer aan ugu dambeyn ballan ugu qaaday inaan guur diyaar u ahay, waxaana isku keey dhiibay hoggaankeedi, wax walbana way iga ogolaatay, waxaan ku boobay sharafteedi iyo qalbigeediiba hal maalin oo qura, kama soo wareegin maalmo badan marki aan ogaaday in caruur yari ay isku gadgaddinayaan caloosheeda dhexdeeda, waxaan bilaabay inaan ku shakiyo inaan u oofiyo ballanti aan ka qaaday iyo inaan ujaro xiriirka naga dhaxeeya, waxaana doortay arrinta dambe, waxaana kasoo haajiray gurigi aan booqan jiray ilaa maantadan la joogana wax war ah kama haayo, waxaa kasoo wareegtay dhacdadaas sanado badan. maalin maalhana kamid ah waxay gabadhi iigu soo dirtay boostada waraaq”

Waxa uuna gacantiisa u taagay barkintiisa hoostiisa waxa uu kasoo bixiyay waraaq aan ka aqriyay waxa imaan doona.”haddii ay ii ahaan lahayd inaan kuu soo qoro farriin si aan usoo cusbooneysiiyo ballan iyo jacayl waqti hore ka imaaday kuuma soo qoreen xataa hal sadar. mana qorsheeyeen xataa hal eray. Maxaa yeelay ma aaminsani inuu jiro ballan lamid ah ballankaadi khiyaanada ahaa iyo jacayl lamid ah jacaylkaadi beenta ahaa inuu mudanyahay inaan udabaaldego si aan u xuso, ama aan ka xumahay burburkiisa oo aan codsanayo soo celistiisa. waxaad ogaatay marki aad iga tagaysay in dhinacayga uu ka shidanyahay dab holcaya, wixi tagay waa wax laga xumaado iyo cabsi mustaqbalka ah labadaba, oo sideysan ii soo gaareyn cirib xumada arrintaa aniga jeer aadan naftaada kuqasbin inay dib u eegto ayaan darro aad adiga tahay qofka iska leh. mana aadan kuqasbin naftaada tirtiridda illin aad adiga tahay midki ay daraadiis udaadatay. intaas kadib ma mudanahay inaan nafteyda u sawiro inaad adiga tahay qof wanaagsan? Maya, xataa ma awoodo inaan nafteeyda usheego inaad tahay ibnu aadam.

Maxayelay iigama aadan tagin wax cillad ah oo kala gayn kara dadka sida fiican iskugu dhowaada, been baad ii sheegtay, waadna i khiyaantay marki aad guurka ballanka igula gashay waxaad naftaada u sawirtay inaadan guursan karin qof dambiile ah, waa maxay dambigaas aan ka ahayn midka aad gacantaada kusamaysay, waan iska kaa difaacay jeer aan hortaada kudhacay sida ilmaha yari ugu kufo dadka xoogga leh hortooda. waxaad xaday dhowrsanaanteydi waxaan noqday qof nafsad ahaan dulleysan qalbi ahaanna murugeysan, waxaa igu cuslaatay nolosha waxaana ii soo iftiimay geerida.

Macaan nuucee ah ayaa ugu sugan nolosha haweeney aanan awoodin inay noqoto xaas nin qabo iyo hooyo ilmo leh, iskaba daaye aan awoodin inay lanoolaato bulshada aan ka ahayn ayadoo madaxeeda raaricineysa calaacasheedana saaraysa dhabankeeda hammi iyo murugo daraadood, ay ujaraynayaan xididadeedu cabsi ay kaqabto ciyaarta dhalinyarada ciyaarta daraadeed, waxaad iga soo dhex bixisay raaxadeydi waxan noqday qof dayacan kadib marki aan kasoo cararay qasrigi ay reerkayagu daganaayeen.

Hooyaday iyo aabbahay iyo guriga barwaaqada ahaa waxaan uga soo guuray guri aad uxaqiran oo kuyaala goob aanan lagaraneyn. aysan jirin cid soo garaacda iridkiisa waxaan u imid si aan ugu dhumaysto maalmaha qaraarka badan ee iiga haray nolosha, waxaad dishay hooyaday iyo aabbahay waxaan ogaaday inay dhinteen umana malaynayo inay ugeeriyoodeen wax aan ka ahayn murug ay ka qabaan waayitaankeyga iyo quus ay ka istaageen la kulankeeyga,

Anigana waad i dishay noloshaas qaraar iyo hammigaas dheer labaduba waxa ay ka gaareen nafsadeyda iyo jirkaygaba meel aad ufog, waxaan umalaynayaa in ilaahay uu iga aqbalay ducadeyda uuna iga rari doono daarti dhimashada iyo ayaan darrada uuna idajin doono guryihi nolosha iyo farxadda.

Waxaad tahay beenlow khiyaanoole ah tuug dilaa ah, mana umalaynayo in ilaahay uu kaaga tagayo sidaan asigoonan iiga kaa qaadin xaqeyga, kuuguma soo qorin waraaqdan si aan usoo celiyo xiriir beri hore jiray, waxaan taaganahay qabriga iriddiisa iyo inaan nolosha oo dhan sagootiyo dhib iyo dheefteedaba, wax rajo ahna kama lihi jacayl sii qoto dheeraada, waxaanse warqaddan kuugu soo qoray waxaa agteyda ahaaday amaano aan kuu haayo waana gabadhaada. haddii ay tahay wixi qalbigaada ka qaaday naxariista aabbanimada u kaalay oo qaado inta aysan gaarin wixi hooyadeed gaaray oo ayaan darro ahaa”

 

ma aanan dhamaystirin aqrinta waraaqadda jeer aan fiiriyay oo aan arkay ilmadiisa oo dareereysa dhabannadiisa waxaan weydiiyay maxaa dhamaystirmay intaa kadib?

wuxuu yiri:

” waxaan udag dagay gurigeedii. waana gurigaan aad maanta igu aragto anigoo dhex jiifa. waxaan arkay ayadoo qolkaan dhexdiisa taala isla sariirtaana dul saaran oo meyd ah naftuna mar hore ka haaday, wax dhaqdhaqaaq ahna aanan lahayn. waxaan arkay gabadheeda oo ooynee ooyin aad udaran waxaan la wareeray wixi aan arkay, waxaa isku keey suureeyay dhammaanba dambiyadeeydii aan kusameeyay ilowshaha, waaba ayagoo ah sida duur joog dilaa ah, maya ee libaaxyo saf ku jira oo cidiyahana isku xoqaya miciyahana bannaanka lisanaya.Waxaan ballan ku qaaday inaanan ka dhex bixin qolkaan dhexdiisa waana qolka aan ubixiyay “Qolki muragada” jeer aan ku dhex noolaado nolol ama aan ku dhex geeriyoodo. maantana waa ikan aan dhexdiisa ku dhimanayo anigoo weliba raali ku ah geerida kuna faraxsan”..

ma aysan gaarin sheekadiisu ilaa xadkaan jeer uu istaagay carabkiisu wajigiisuna uu isbadalay asigoo ku dul dhacay gogoshiisi naftuna ay ka baxday asigoo leh.

“saaxibkeeyow waxaan kugu ogahay gabadhayda…”

Waxaan joogay dhinaciisa muddo hal saac ah oo aan gutay wax kasta oo saaxiib uga waajibay saaxiib kale, kadib waxaan farriimo udiray saaxiibadiisa wayna imaadeen si ay uga qeybgalaan janaasadiisa. lamana arkin maalin ka ooyin badan maalinka geeridiisa. marki aan carrada ku rognay qabrigiisa waan argagaxnay balse waa goorma goorta la argagaxo?

 

W/Q

Cabdirisaaq Xasan Jidhi “Aqwaan”

SHEEKOOYIN