Home Sheeko Nin Sigtay Ma Noola! W/Q; Shaakir Maxamed Cabdullaahi

Nin Sigtay Ma Noola! W/Q; Shaakir Maxamed Cabdullaahi

0
SHARE

sheeko

Nin Sigtay Ma Noola! 

 

Toban iyo kow sano ayaan dhiganayay dugsi. Dhawr bil kaddib waxaan u gudbayaa fasalka ugu danbeeya dugsiga sare. Hadda waxaa la joogaa xilligii uu dugsiga fasaxa ahaa. Waxaa la joogaa xilli xagaa ah. Maalinta inteeda badan roob baa da’a. Godadka laamiyada biyo wasaq ah ayaa ceegaaga. Magaalada Muqdisho oon ku dhashay kuna soo barbaaray waxaa ka socda immika dagaal qaraar oo faraha looga gubtay! Inkasta oo goobaha dagaalka ka socda xaafaddeenna ka fogtahay, haddana si toos ah iyo si dadban ayuu dagaalka naftayda u saameeyay. Niyad-jab ayuu igu riday. Maalin kasto gurigeenna xabbado habow ah ayaa dul mara, mar kalana kusoo dhaca. Saakay walaalkey iga yar ayaa dukaan laamiga inoo dhow ku yaal ka doonay saliid-macsaro aan canjeerada ku goosaaranno. Waa aroor hore. Xabbado fara badan ayaa kusoo dhacaya mininkeenna iyo guryaha inoo dhow. Laamiga ayay ugu sii darantahay; waayo wuxuu toos ugu beeganyahay meesha ay labada ciidan ee dagaalku dhex marayo joogaan. Faarax isagoo baqaya ayuu baxay, Ilaahey ammarkiis isagoo nabad qaba oo saliiddii sida ayuu soo laabtay. Illinka markuu kasoo galay ayuu saliiddii si tartiib ah u dul saaray miis, isagiina qolkii aan ku jiray ayuu soo galay isagoo ashahaadanaya luguhiisuna ay celin la’yihiin. Aad buu u walwalsanaa; wejigiisa walaac, cabsi iyo naxdin weyn ayaa ka muuqatay. Maxaa ku helay markii aan weydiiyay ciyow wuu hadli kari waayay. Cabbaar ayuu iga aamusnaa isagoo indhaha taagaya. “laamiga waxaan kusoo arkay nin meyd ah! Oo markaas ay xabbad wiifto ah ku dhacday! Madaxa ayay kaga dhacday. Dad badan ayaa ku dol xoonsanaa. Cid garatay cidduu yahay ma jirin” ayuu ugu danbeys haleelay inuu dhaho Faarax. Faarax aad buu u walaacay una sasay! Wuxuu yiri lallabo ayaan dareemayaa mana quraacan karo.

Nolosha aan ku noolahay iyadoo in badan macquul ah haddana waan saluugsanahay. Waxaan u arkayaa in ay dallagantahay oo ay wax ka dhimmanyihiin. Gurigeenna dhagax buu ka samaysanyahay (sar), koronto habeenkii uun la helo ayaan isticmaalnaa, telefishin aan daawanno waan heysannaa, lacagta iskuulka si dhib yari leh ayuu waalidkeen u bixin karaa. Nolosha noocaas ah waa tan dadku u badanyihiin oo dhexdhexaadka ah. Laakiin aniga heerka nololeed ee qooskeyga waan qawadsanahay. Had iyo jeer waxaan ka fakaraa tab iyo xeeshii aan ku hormarin lahaa iyo sidii aan u sare marin lahaa nolosha reerkeyga. Habka ugu fudud ee mar kasta igu soo dhaca waa anigoo dugsiga sare dhammeeya, jaamacad gala, dabadeed shaqa hela. Habkaas inkasta oo la hubo haddana waa ila dheeryahay. Haddii aan ganacsi geli lahaa oon raasumaal raadsado, waxay noqoneysaa in aan waxbarashada ka tago. Taana suurtogal ma aha oo waalidkey, gaar ahaan aabbahay waxabarashada ayuu aaminsanyahay. Qof aan wax baran wuxuu u heystaa qof qasaaray oon macne iyo milgo midna lahayn. Habeen kasto kolka aan sariirta tago oon hurdo damco arrinkan aad baan uga fakaraa. Aad baan uga murgaa. Saacad iyo dheeraad bay igu qaadataa inaan hurdo. Habeen habeennada ka mid ah ayaa waxaa igu soo dhacay fakar ah in aan TAHRIIBO! Baryahan waxaa aad u badan dhallinyarada wiilal iyo gabdho leh ee Yurub u tahriibta. Waxaan is dhahay bal adna nasiibkaaga tijaabi, waa intaas ood Yurub tagtaa dabadeed riyadaadii ay kuu rumowdaaye.

Wiil aan saaxiib nahay oo Cali la yiraahdo ayaan fakarkii tahriibka u sheegay, kana raariday inaan isku lug-darsanno oon jar-iska-xoorka wada tijaabinno. Wuu ku qancay. Lacag aan badnayn oon horay u haystay ayaan ku biiriyay tu aan amaahday. Habeenkaas laba cisho kaddib, goor barqo ah gaari baan Gaalkacyo usii saarnaa. Toddobaad kaddib magaalada Adis Ababa ayaan shaah kula cabbayay saaxiibbo badan oo Xamar ka yimid meeshana iiga soo horreeyay. Reerkeygii way ka war heleen in aan tahriib u baxay. Waan lasoo xiriiray oon u sheegay in la ii soo duceeyo lacag NOOLI ahna la ii soo dhiibo. Sidii bayna yeeleen.

Adis Ababa waxaan kaga noolaa hoteel raqiis ah oo nadaafad, cunto, jiif iyo hawoba ku liita. Wax aan doortay ma ahayn ee waan ku qasbanaaday; waayo hoteel kaas ka fiican tabar uma hayn aan ku dago, haddii aan guri kiro jaban raadsan lahaana waqti badan baa iga lumaya. Hoteelka waxaa na dajiyay dallaalkii naga soo kaxeeyay meeshii aan kaga dagnay gaarigii Wajaale naga soo qaaday. Xamar ilaa Adis Ababa meeshii iigu cabsida badneyd waxay ahayd jidkii u dhaxeeyay Harar iyo Wajaale. Baabuur weyn oo kuwa alaabta lagu daabbulo ah yaa sidii raashin xagga danbe nalagu soo raray! 120 doollar yaa nalaga qaaday, halka dadka warqadaha sharciga sita ay ku raaceen 5 doollar! Mar kasta oo rug kontorool oo ciidan deggenyahay lasoo gaaro aniga waan cabsanayay. Garaaca wadnahayga wuu kordhayay. Waxaan maqli jiray xabsiga Itoobiyaanka ciddii gasha dib looma arko! Wadaha oo lacag badan naga qaatay ayaa mar kasta ciidanka laaluushayay oo afka u buuxinayay. Cid nala hadlaysy ma jirin, haddana cabsida waa na haysay.

Adis Ababa ilaa Khartuum rag ‘mukhallasiin’ loo yaqaan ayaa dadka sidii badeecada isaga tallaabiya. Intaas kaliya ma ahee dhul kasto oo si sharci darro ah loogu tahriibayo ayay joogaan oo ka shaqaystaan. Iyaga cidii la xirayo ama kob cidla ah ku dhimaneysa dan kama gelin. Waxay eegtaan oo kaliya shilimaadka ay hawshooda ka xoogsanayaan. Uma malaynayo in ay waligood ka fakareen lacagtaasi ma xalaal baa ama waa xaaraan? Dadka ugu yar ee hal mar la dhoofin karo waa in ay gaaraan 12 ruux. Xilli habeen bar ah ayaa baabuur laan-garuusar ah xaggiisa danbe nalagu cabbeeyay. Meel loogu talogalay 6 ruux ayaan labalaabkeed ku raacnay! Habeenkii oo dhan gaariga wuu socday. Dhul cidla ah ayaan ku guureynay. Maalintii xigtay oo dhan waan soconnay. Qof qof wax siinayay ma jirin. Qof kasta jiscinkiisa bac ayuu ku sitay. Aniga waxaan watay timir, buskud iyo biyo. Habeenkii xigay kala barkiisa mar ay tahay ayaan tagnay magaalo la yiraahdo Gondhar oo xudduudka Suudaan ku taal. Afaafka hore ee magaaalada waa gudcur haddii isha farta lagaa gelinayo aadan arkeyn! Hoteel ayaa nalagu xareeyay, cid talo na weydiineysan ma jirin, alaab la sito oo kale ayaa hadba meel nalaga soo rarayay oo meel kale nala dhigayay; marna sidii xoolo nin leeyahay ayaa nala quminayay, sidaana innaga dood kama qabin oo raalli baan ku ahayn. Subaxdii hore marka uu oogga muuqday ayaan gaarigii dib u raacnay. Magaalada meesha looga baxo ayuu na geeyay. Gaari kale oo kuwa ciidanka lagu qaado ah oo dadku ay ‘bii jii’ dhahayeen baa nalagu wareejiyay. Sagxadda ayaa seexda nala yiri! Barqadii kolkii la gaaray ayay cadceeddii soo kululaatay. Sagxaddiina wey diirtay. Xoogaa kaddibna way kululaatay. Tahriibayaasha midkood ayaa kuleylka milicda iyo kan sagxadda ee xagga hoose ka gubaya u gegsan kari waayay; kor inuu u istaago ayuu u holladay. Hanqalka goortuu soo qaaday ayaa mid korkeenna joogay oo shaqadiisu ahayd in uu na ilaaliyo bur weyn madaxa kaga dhuftay! Tahriibihii oon mar danbe ogaaday in Luqmaan la yiraahdo ayaa inta uu wareeray si dadab ah geesta kale ee gaariga ugu dhacay. Ninka waardiyaha ah muu na af garanayn, innaguna maan af garanayn isaga. Dhacdadaas kaddib ma jirin cid uu kuleylka cadceedda dhibay amaba ka cabatay.

Baabuurkan weyn jidka caadiga ah ma marayo ee jid qardajeex ah oon waligeedba la marin ayuu dhex jibaaxayaa. Geed iyo god wax uu ka leexanayo ma laha. Casarkii markay tahay ayaan gaarnay innagoo ay nafta naga dhici rabto dhul Suudaan ku xisaabsan oo juq ah. Meeshaas waxaa nagu sugayay gaari kale oo Laan-daroofar ah. Adis Ababa ilaa Suudaan waxaa nalaga qaaday 500 doollar qofkiiba. Baabuurkan cusub waxaa wade ka ah nin Suudan ah oo Fahad lagu magacaabo. Fahad waa nin dheer oo madow; tima yar leh oo aad u adag ood mooddo in madaxiisa lagu nabay ama xanjo lagula malaasay. Si fiican markaad u eegto waxaad is leedahay timaha iyo lafta madaxiisa waa isku sameysanyihiin. Wuxuu qabaa shaar iyo targal bey ah; uskag iyo diihaal fog baa ka muuqda. Indhihiisa waa buurbuuranyihiin oy cas yihiin. Aragtida koowaad waxaad moodeysaa nin dhagar badan oo waligiis been ma ahee aan run sheegin. Wajiga Fahad siduu u madowyahay markaan arko waxaan soo xusuusanayaa dhuxusha aan shidan jirnay oy hooyadey raashinka ku karin jirtay. Fahad wuxuu yiri haddii aad rabtaan Khartuum 200 doollar waaye, haddii aad Qadaarif rabtaanna waa 100 doollar. Aniga macquul way ila noqon weysay innagoo joogna xudduudka Suudaan iyo Itoobiya in gaariga uu wato uu nabad ku tagi karo Khartuum. Talo waxaan soo jeediyay ah in Qadaarifta uu sheegayo na geeyo. Rag badan baa igu raacay oo war iyo wacaal badan ka haya jidkan dheer ay tahriibayaashu naftooda ku biimeeyaan. Dhawr saacadood markii aan soconno walina aaskii dumin yuu Fahad yiri salaaddii maqribna waan tukaneynaa, gaarigana wuu kululaaday oo waan qaboojineynaa. Salaaddii kolkii aan u istaagnay yuu matoorka baabuurka furay oo sidii qof cillad-bixinaya oo kale hadba meel ka juqeeyay. Goortii aan salaama-naqsannay Fahad iyo wiilkii caawiyaha u ahaaba ma joogin! Wey carareen! Meel markaas bugux noogu tusmeysan ayay ku baxsadeen. Waxaa isu soo haray innagii oo gacmo maran iyo baaburkii qanaxa ahaa. Waxaan taagannahay dhul cidlo ah! Hawd baa dhan kasta naga xiga. Talaa nagu ciirtay.

Wixii intaan ka horreeyay qofka hoggaanka noo ah wuxuu ahaa mukhallaska. Hadda meeshii la qaban lahaa iyo jidkii la mari lahaa MURAN badan yaa ka yimid. Qof kasta waxa uu sheegay jidka ay la tahay inaan marno. Nus saac wax ku dhow ayaan ilaaqtan iyo muran ku jirnay. Kolkii danbe talo waxay nooga dhamaatay in jidkii baabuurka ku socday aan qaadno. Amar Ilaahey jidkii wuxuu nagu riday laami weyn. Caweysinkii markii ay tahay oo gaajo iyo oon ay nafta naga qaadi rabaan yaan aragnay nin ciidan ah oo baabuur cagaf ah ag jooga. Ninkii baa gurigiisa na geeyay. Aniga gaajada waxaa iiga daran daalka i hayo. Lafaha iyo kala-goysyada yaa aad ii xanuunayay. Noogga i hayo markuu igu saa’id caleeyay waxaan niyadda ka jecleystay in aan sariirteydii Xamar u laabto si kastoy macquul u tahay. Dhawr salli oo duluf ah ayuu noo keenay. Dadkii qaar oo gabdhaha ugu badanyihiin cashadii way sugi kari waayeen oo hurdo bay la dhaceen. Dhacsaal daran bay ahaayeen. Intii calafkooda ahaa oon aniga ku jirona habeenkii ninkii Suudaaniga ahaa masaggo, maraq iyo shaahii uu nagu sooray yaan iimaansannay.

Subaxdii markii lasoo wada toosay ayaa ninkii na wareystay. Jumlad af Carabi aan ereyga ‘soomaali’ ka gartay ayuu nagu yiri. Aniga oo Carabiga ‘fusxada’ la dhaho xoogaa ka garanayay ayaa u jawaabay:

-Walaal lahjadda ma fahmayo ee xoogaa tartiib ma u hadli kartaa?

Intuu ilka caddeeyay ayuu yiri:

-Magacaa?

-Kaahin.

-Sixirrow miyaad tahay?!

Anigoo yaabban oo is leh ninka muxuu kuu aflagaaddeynaa yaan iri:

-Mayee maxaad ku tiri?

-Dee af Carabiga ‘kaahin’ waa qofka mustaqbalka ka warrama.

-Afkayga hooyose ‘iftiin’ buu ka dhiganyahay.

-Kaahin waan kula kaftamayay ee dhib ha u arkin. Barasho wanaagsan magacayga waa Fahad.

-Tuug miyaad tahay?

Intuu weji kaduuday indha kuus kuusanna igu soo eegay yuu yiri:

-Tuug miyaa marti soora?

-Ninkii cidlada nooga cararay oo ina adeerkaa ahaa ayaa magaciisu Fahad ahaa.

Qosol aan laabta jirin yuu caradiisii yarayd ku qariyay isagoo leh:

-Waad kaftan taqaan wiilyahow. Waadna aarsan taqaan.

Intaa wixii ka danbeeyay anigaa kooxda afceliyahooda ahaa. Saldhigga magaalada yuu na geeyay. Halkaas yaan cabbaar iska fadhinnay. Saacado badan kaddib yaa baabuur weyn nalagu qaaday oo magaalo aad u fog nala geeyay. Xero qaxooti oo ay hay’adda Qaramada Midoobay qaxootiga u qaabbilsan maamusho baa nalagu wareejiyay. Meeshii baa magacyadeenna liis lagu qoray. Maalmo kaddibna waxaa nala siiyay warqado aqoonsi oo sheegaya inaan qaxooti Soomaali nahay. Anigoo yaabban oo is leh tolow sidee meeshan uga baxaysaan yaan ogaaday in mukhallas joogo oo socodka tahriibayaasha dur dur yahay. Kooxdii horay oon isla soconnay iyo kuwo kale oon xerada ugu nimid yaan la heshiinnay mukhallas. Doon buu nagu soo qaaday. Qofkiiba 80 doollar yuu ka qaatay. Markii iigu horreysay nolosheyda oon doon fuulo yay ahayd. Xiiso iyo cabsi isku milan ayaan dareemayay. Markii ay doonta dhaqaaqday ayaan biyaha eegay anigoo taagan. Durbadiiba yalaalugo yaan dareemay. Anigoo ciyaal ah yaan maqli jiray qofkii doon fuula marka ugu horreysa wuu matagaa. Waxaan is iri maanta sheekadaas yaa kugu dhaboobi doonto. Intaan is giijiyay yaan aayar u fariistay. Mar danbe ma istaagin biyahana ma eegin. Maalin iyo habeen kaddib yaan Khartuum nimid. Kolkii aan dhulka usoo dagnay durabadiiba waxaa nagu soo yaacay mukhallasiin. Muuqaalkaas wuxuu isoo xusuusiyay dhawr iyo toban sano ka hor markii aan hooyadey suuqa u raaco sida dumarka dahabka iibiya ay ugu soo xoomi jireen iyagoo leh ‘dahab maad siddaa? Abbaayo kaalay.’ Raggaas waxay noo soo kaxeeyeen guri ay joogaan Suudaan iyo Soomaali mukhallasiin ah. Isla maalintaas teleefoon yaa lagu siinayaa oo lagu leeyahay reerkaaga wac oo lacagta aad SAXARAHA kaga tallaabi lahayd dalbo. Laba maalin kaddib nooligii yaa la ii soo diray. Innagoo intii hore ka tiro badan ayaan is wada raacnay. Waxaan qaadannay biyo, raashin, timir, buskud iyo wax kastoo kale oo hunguri ahaa oo kolkaas lala safri karay.

********** ********** ********** **********

Baabuurka kolkii aan fuulnay ayuu wadihii nagu yiri ‘wixii aad soo marteen tahriib ma ahayn! Tahriibka runta ah hadduu idiin billowday. Waxaan idinkula talinayaa inaad dadka aad jeceshihiin wacdaan ood “nabadey” ku dhahdaan, waayo waxaa laga yaabaa dib danbe in aydaan isu arag! Hadalka aan idin dhahayo kaftan iyo bajin ha moodina. Waxaan ku safreynaa jid dheer oo biyo iyo baad midna lahayn.’ Hadalka shufeerka cabsi badan yuu igu beeray. Waxaan is iri ‘iska laabo, Ilaah baa deeqa bixiyee. Haddii aad dhimato naftaada adaa halaagay. Halis aad hubto yaad isku biimeyneysaa. Dhawr maalin kaddib hadduu baabuurka cilladoobo adinkoo meel cidla ah maraya ka warran? Waad lugeyneysaa. Haddii biyaha iyo cuntada kaa go’aan maxaad falaysaa? Saaxibkey Cali yaan la qeybsanayaa? Cali haddey ka go’aanne? Luqmaan baan la wadaagayaa. Laakiin Luqmaan saaxiib ma tihiin oo kol dhow yaad is barateen, hadduu kuu diido ka warran. Hadduu ii diido waan ku shahiidayaa oon ka xoogayaa! Nin fiican baad ahaan jirtaye ma xoolo dadow ayaad dhacaysaa? Wallaahi waa run xoolo dadow ma xoogi karo. Haddaba maxaad samaynaysaa? Kaahinow iska noqo! Meel laga noqdo ma joogo. Jidkaan dad badan baa maray oo dabadeed badda ka tallaabay oo bilo kaddib Talyaaniga kasoo hadlay…markii dambana Yurubta Galbeed iska dhiibay. Haddii la dhinto xitaa ma adaa u horreeyay cid dhimato? Laballabaynta, cabsida iyo waswaaska iska daa, dadkaan kama xumide rag iska dhig.’ La sheekeysiga naftayda iyo maqnaashahayga waxaa iga toosiyay dhaqaaqa baabuurka.

Jidka markaan ku dhacnay si tartiib tartiib ah ayay guryaha iyo dhismooyinka magaalada nooga qarsoomayeen. Waxay ila ahayd in mitir kasta oon Khartuum ka fogaado uu ka dhigan yahay mitir aan qabrigeyga u dhawaaday. Ilbiriqsi iyo daqiiqad kasta waxaan ka baqayay xumaan, nasiib darri iyo hoog nagu soo socda. Waxaan soo jeed ugu riyoonayay gaariga oo naga hallaabay. Innaga oo iska lugeynay, biyihii iyo cuntadii naga go’een, dabadeed dadkii taagta darnaa badidood ay socon waayeen oon cidlo uga tagnay. Maalmo kaddib haddana dad kale ay gaajo la sakaraadeen dabadeed ay horteenna ku naf baxeen. Si aan u aasno garan weynay oon isaga dhaqaaqnay. Maalmo kaddib, sida la malayn karo, ay dabayshu ciidda ku rogtay. Sidii dadkii ay u le’anayeen aan soo harnay aniga iyo Cali bas! Dabadeed Cali sakaraadkii soo qabtay oo horteyda ku raftay isagoo lafo lafo ahna ay nafta si silic ah uga baxday! Markii aniga la isoo gaarayna aan joogga ka dhacay. Afka i qallallanyahay, addimada ay i kogeen. Lafaha wejigeyga iyo ilkaha ay soo baxeen. Iyadoo cadceedda la moodo in kaligey la igu dul aaddiyay aan rafasho billaabay, markaas ay lugaha nafta kasoo baxday, dabadeed hanqalka uu HINGO la bood boodo. Halkaas markii aan marsiinayo riyo-maalmeedkii cabsida lahayd oon aniga iska mala’awaashay yaan miyirsaday mise dhidid baa iga shab shab leh wadnahuna wuu i hugmayaa. Waxaan ogaaday cadaab yar in aan is geliyay kaligey. Illeen fakarka xun waxyeelluu leeyahay. Waxaan si run uga fakaray haddii wixii aan ka fakaray ay run u dhacaan. Dooddii naftayda waxaan kusoo ebyay WAAD DHIMANEYSAA dabadeed dadka loo duceeyo oo naxariista aakhiro loo baryo ayaad liiskooda ku biireysaa. Bilooyin kaddibna waa lagu halmaamayaa mar danbana dib laguuma xusuusanyo; markii magacaaga uu sheekada soo galana si naxariis leh baa loo sheegayaa inaad ahayd wiil dhallinyaro ah oo laqmaday.

Magaalada Tiribboli waxaan gaarnay innagoo inteennii bad qabna. Jidka lama dagaanka ku dhex yaal waxaa la innooga sheegay in ay joogaan qolo ‘lama gefe’ loo yaqaan oo dadka afduubata dabadeedna madax furasho warsata. Ayaan wanaageennase lama kulmin. Tiribboli waxay igu soo dhaweysay lama-filaanno badan. Masaajidka markaan salaad u aado oon safka la galo dadka cad cad ee Carabta ah intooda badan lugahooda way iga ilaashtaan oo iima soo dhawaadaan. Waxaan garan waayay in madowgeyga ay ka cararayaan iyo in ay i moodaan qof waskh iyo uskag miiran. Qaarkood waxay i dhahaan ‘Ilaah aad u tukato miyaad leedahay?’ Anigoo ciil i dilayo ayaan is weydiiyaa ‘dadkani miyey kugu jeesjeesayaan oo waxani ma santaag iyo kibir baa u geeyay ama ogaaldarrey ka tahayoo waligood madow ma arag.’ Xaafadda aan dagnay waxaan maaro isaga weynay ciyaala-suuq arxan daran. Dhawr maalin yay aniga iyo Cali inta na qabteen na garaaceen wixii aan haysannayna naga furteen. Markii danbe ayaa naloo sheegay in ay jiraan rag xoog badan oo lacag la siiyo ciyaalkana kaa celinaya. Maalintii xigtay ayaan la kulannay laba ka mid ah xoog-weynayaashaas. Anwar iyo Ayman markaad si fiican u eegto waxaad is leedahay tiirridii hore yay ka hareen waxay xoog, dherer iyo laxaad qabaan. Dhawr saacadood yay xaafadda nala soo marmareen. Ciyaalki na garaaci jiray baa nagu arkay. Wixii intaa ka danbeeyay waxaa nala dhihi jiray ‘labadaan addoon Anwar iyo Ayman yaa leh ee yaan laysugu dhawaan!’

Dhawr maalmood waxaan isaga daba noqonayay mukhallaskii doonta na saari lahaa. Maaliin intuu i ballamiyo yuu iga maqnaadaa. Maalin wuu iga soo daahaa. Anigoo ka niyad jabay ayuu kolkii danbe i yiri keen lacag 1000 doollar ah. Lacagtii yaan Xamar kasoo dalbay oo iyana 5 maalin kaddib isoo gaartay. Sida caadiga ah doonta habeenkii yaa la fuulaa. Innagoo markaas doonta fuuleyna ayaa si kedo ah waxaa afarta jiho nooga yimid baliis raadkeenna ku jooga oo wax og. Xabsi ayaa nala dhigay. Lacag 1000 doollar ah ayay reerkeyga soo direen oo xabsiga la iiga soo sii daayay. Magaalada markii aan kusoo laabtay ayaan go’aansaday in aanan dhaqsi bixin oon isku dayo inaan fahmo say wax u socdaan. Shaqadii intaan fahmay ayaan aniga dallaal noqday. Dhawr doon ayaan raray bilo gudahood. Dabadeed xoogaa lacag ah ayaan uruursaday. Markaas ayaan doon dalxiis ah oo laba dabaq ka kooban ku dhoofay. Silicii iyo noloshii xumeyd oon Liibiya kula kulmay waxay iga dhigeen nin adag oon sahal u baqeyn. Calool-adeyg iyo jimic yari aan qabi jirin baan isku arkay. Waxaan dareemay in turaalka iyo wax dan-ka-galidda igu yaraatay. Markaan safarka doonta iyo dhimisho toona kama baqayn. Waxaan ogaaday qof qof ka naxaya in aysan jirin ee qof walba sidii ay u noolaan lahayd harjad ugu jirto.

Maalintii labaad cadceeddeeda ayaa noo soo baxday innagoo badda ku jirna wali. Habeenkii caweysin mar ay tahay ayaa dabayl xoog leh soo dhacday oo hirkii badda waashay. Doontii ayaa ruxmad iyo dhan-walba u liic billowday. Naaquudihii ayaa nagu yiri ‘doonta dhanka Talyaaniga uma socon karto oo ma makhoori karno. Xoog maku wadnaa oo ma halaagsannaa? Liibiya maan u laabanaa ama Tuunis?’ Waxaan ku niri hana halaagin ee Tuunis yaa inoo dhawe na gee. Sidii buu yeelay oo waxaan soo aadnay dhankii Tuunis. Aniga niyad jab ayaa igu dhacay. Wax yar kaddibna waan iska hurday. Mar ay tahay habeen barkii ayaan ku toosay jug weyn iyo gariir culus. Illeen doontii ayaa dhagax weyn ku dhacday. Wax yar kaddib waxaa iigu soo xigtay anigoo biyaha dhex jiifa! Muddo labaatan daqiiqadood ah waxaan ku hawlanaa sidii aan isaga fujin lahaa dhawr qof oo si naflacaari ah sidii xabag iigu dhagay. Dadka sidaas iigu xanjoobay idilkood dabaal ma yaqaannaan. Si aynaan ii dilin ayaan marna feer la dhacay marna biyaha hoos u quusay mar uun si aan uga farabaxsado. Ugu danbeyntii anigoo naf ah ayaan si nabad ah uga fogaaday. Inkasta oon dabaal garanayay haddana waxaan xirnaa jaakadda biyaha lala galo oo dadka sabbaysiisa. Balse naftayda jaakaddaas yay sababsan gaartay! Doonta waxaan ku saarneyn 270 qof, 20 Soomaali ah marka laga reebo inta kasoo hartay Siiralyoon yay ahaayeen. Markii aan dadka goonni uga baxay ayaa waxaa mar qura si xoog iyo dhaqsi ah ii soo weeraray nin xoog badan oo Siiralyoon ah. Jaakadda yuu rabay in uu xoog iiga faramarooqsado. Dagaal culus oo qaraar yaa na dhax maray. In aan dhinto ayuu rabay, anigana in aan noolaado ayaan rabay. Waqtigaas aan dagaallamayno dad bay biyuhu dilayeen oo dhimanayay. Qaar si sahal ah ayay kol hore u dhinteen. Qaar way qeylinayaan oo ‘na badbaadiya’ ku hayaan, qaar cabsida iyo naxdinta geerida ayaa dishay biyaha ka hor, qaar kalena geeridii ayaa ka hor muuqato iyagoo biyihii dhanaanaa sanka iyo afka ka cabbaya si qasab iyo kutaloggal la’aan ah. Muddo yar kaddib dadkaas baddaa qabri u noqotay. Saaxiibkey Cali iyo laba gabar oon garanayay ayaa ka mid ahaa dadkii sida silaca u dhintay. Si daran oo cabsi leh ayay u sakaraadeen, goortii ay naftu ka dhacdayna biyahaa meydkooda sida dogob weyn kor u siday.

Dhawr daqiiqo markii aan dagaallamaynay ninkii rabay in uu jaakadda iga xoogo ayuu gacantiisa qoorta iiga maray, si arxan darro ah ayuu ii ceejiyay, markii aan is iri waa ka dhab in uu ku dilo ayaan iri ‘war belo kugu dhacdaye qaado oo mar uun i daa!’ Anigoo neef tuuraya oo indhuhu i casaadeen ayaan cabbaar isku dayay in aan nasto. Waxaan xaqiiqsaday dad fara badan oon garanayo in ay si dhaqsa ah u dhinteen! Alla naftu sahlanaa oo taag daranaa! Dadkii saacad ka hor wada sheekeysanayay oo nolosha mustaqbalkooda sawirayay sidey noqon doonto, iyagoo jir naf la’aan ah bay badda dusheeda sabbeynayaan. Waxaan go’aansaday in aanan ka fakarin oon waqti iiga lumin dhankaan u jiheysan lahaa. Meel kasta biyaa iga xiga. Dhan baan u jeestay oon u dabaashay.

Habeenkii oo dhan waan dabaalanayay. Waxaan aad u dhararayay waaga inuu baryo. Cidlada, weyninka badda iyo qabowga biyaha waxaa ii wehliyay gudcurka oo cabsi kale igu beerayay. Riyo-maalmeedkeygii baas yaan billaabay in aan falkiyo. Ka warran hadduu libaax badeed kusoo weeraro? Dabaal kagama baxsan kartid. Hub ma haysatid. Itaal iyo tamar kuguma harin. Bal maxaad samaynaysaa? Malaha waxaa laguu qaatay biyaha in ay ku dilaan intii adigoo soo jeedo oo dareen qaba uu libaax badeed ilkihiisa birta ka adag kugu dhaawici lahaa, dabadeedna cad cad kuu goosan lahaa sida adigaba aad hilibka xoolaha cad cad ugu goosato oo dabadeed u calaaliso. Naf-la sheekeysigeyga waxaa iga toosinayay mar kasta dharbaaxada hirka oo la moodo in si ku taloggal ah aniga la ii soo diray. Qiyaastii lix saacadood oo xiriir ah markii aan dabaalanayay ayaa ooggii soo muuqday. Xoogaa kaddib markii ay cadceedda soo baxday ayaan ogaaday meesha bari iga xigo. Balse ogaanshaha dhanka bari yahay muxuu macne ii leeyahay aniga? Dabaashii ayaan halkeedii kasii miisay. Dhankii wejigeyga u jiheysnaa ayaa waxaa meel ilikuwareertay ah iiga muuqday siin dheer oon mooday ceelasha shidaalka laga qodo. Waxaan niyadda ku qabtay in ceelkaas ay rajo iiga sokeyn. Waxaan go’aansaday in aan gaaro intey doonto ha igu qaadatee. Laba maalin ka yar in aanan ku gaari karin ayaan is-moodsiiyay. Maalintii koowaad oo dhan waan dabaashay, habeenkii xigay waan dabaashay. Maalintii labaad anigoo dabaalanaya goor barqa ah ayaa siinkii dheeraa meel ka sokeysa waxaa iiga bidhaamay markab. Waan hiyi-kacay. Rajo iyo nolo cusub ayaa isoo gashay. Daal daran ayaan murqaha ka dareemay. Shaarkii aan xirnaa intaan iska siibay ayaan billaabay in aan kor u warfiyo. Laba daqiiqadood wax la eg markii aan shaarka kor u warfinayay ayay i arkeen oo dhankeygii soo aadeen. Goortaas ayaan naxariis dareemay. Waxaan is iri in aad noolaato yaa malaha qoran. Markuu ii soo dhawaaday uu arkay in aan dad ahay ayaa markabkii doon yar laga soo tuuray oy laba nin saaranyihiin. Doonta xarig baa gadaal uga guntanaa oo isna markaba ku xiran. Raggii baa gacan i siiyay oo doonnidii yaan fuulay, isla markiina markabkii yaa xarigga duubay oo ilbiriqsiyo gudahood markabkii baan saarnaa. Biyo iyo raashin bay i siiyeen. Way i wareysteen. Calanka Tuunis baa markabka gees uga xardhanaa. Waxaan u sheegay habeen hore in ay doon nala rogmatay. Doon weyn yay markabkii ka dejiyeen oo aniga la igu qaaday si aan dadkii wixii nool loo baadi goobo. Markabkiina dhan kale yuu isne baadi goob u galay. Saacado kaddib nasiib wanaag, markabkii wuxuu helay 34 qof oo isla socota oo dabaalanaysa iyo 12 meyd ah. Isbitaal ayaa nala geeyay idilkeen oo Tuunis ku yaal. Dadkii badbaaday waxaan ka aqoonsaday ninkii “habeenkii geerida” i dili gaaray oo jaakadda iga xoogay. Ceejidii uu igu qabtay haarteeda dhuunta yay wali iiga tiil. Middi meel taal yaan kula booday si aan KAW uga siiyo. Tiisa yaan geline waa la iga badbaadiyay. Mar kale aaan isku dayay inaan weeraro oon dilo, balse waa la iga celiyay. Wejigiisa markaan arkaba ciil iyo xanaaq ayaa i qabanayay. Markii danbe waa la i maslaxay 1000 doollar oo mag dhaw ah ayaana la iiga qaaday.

Maalmo kaddib bas ayaa nalagu soo qaaday oo Liibiya nalagu soo celiyay. Tiribboli kolkii aan imid waxaan go’aansaday in aan wax iska barto oon jaamacad galo. Sannadka markaasi wuxuu ahaa 2003. Deeq waxbarasho ayaan ke helay jaamacad ku taal Liibiya. Hal sannad dugsiyeed markii aan dhameeyay ayaa waxaa igu soo dhacay taladii tahriibka mar kale tijaabi. Mar kasto waxaan ku fakarayay Yurub mar uun gaar oo noloshaada iyo tan qoyskaaga kor u qaad oo wax ka beddel. Waxbarashada inkasta oy wax fiican tahay haddana ciyow lacag laguma helo ayaan aaminsanaa. Anigoo intii hore ka waayo-aragnimo badan ayaan go’aansaday baddii aan ku dhiman gaaray in aan mar labaad ku dhoofo. Walaalkey iga yar, Faarax oo Xamar joogo ayaan lasoo xiriiray una sheegay sida aan damacsanahay. Waxaan ku iri reerka ha u sheegin safarkeyga. Habeen danbe ayaan badda geli doonaa. Afar habeen kaddib haddii aad warkeyga weyso la xiriir mukhallaskii i dhoofiyay lambarkiisana waa kaas. Nasiib wanaag habeen seddexaad ayaan Talyaaniga nabad ku tagay oon wacay walaalkey una sheegay sama taggeyga.

Talyaaniga waxaan ku wajahay nolol kun jeer ka xun tii aan Liibiya ku heystay. Liibiya nolol maalmeedkeyga waan soo xoogsan karay. Balse Rooma waa inaad dawarsataa ood kaniisadda baadari joogo aad ‘wax la cuni i sii’ ku tiraahdaa. Dhallinyarada waxay dowladda dejisay guryo duq ah oo, malahayga, taniyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka aan la degin. Habaaska, boorka, waskhda iyo caarada meel kasta ku raran caqliga wax uu garan karo ma aha. Meel kasta habeenkii jiir kii aan Xamar ku arki jiray aan ahayn ayaa cararaya. Guryaha nala dejiyay xitaa fureyaashooda meel laguma oga. Markii nala geynayay ayaa albaabada la jebiyay. Kaniisad ayaa nalagu xiray oo nala yiri halkaas cunto u doonto laba waqti. Maalmo yar gudahood ayaan dareemay ihaano iyo sharaf dhac weyn. Waxaan liqi waayay kaniisad inaan hunguri u doonto anigoo muslin ah. Dad xigto ii ah iyo saaxiibbo kale oo Ingiriiska deggan yaan la xiriiray oon xaalkeyga la socodsiiyay. Laba bil gudahood ayay safarkeygii ku agaasimeen. Maalmo yar dabadood waxaan si nabad ah ku tagay magaalada Landhan. Ingiriiska kolkii aan tagay ayaan dareemay nasiino jir iyo maskax leh. Waxaa la i dejiyay guri aan weligey riyo ku arag. Qol jiif ah oo firaash qurux badn yaallo, qol fadhi oo lagu safay kuraas bari-dhawr miiran ah oo kolkaad salka mudato aad is leedahay ma dad bukaa loogu talogalay jileeca ay qabaan. Suuli aan weligey arag oo ay ku yaalliin dhuumo leh biyo diirran iyo kuwo qabow. Kushiin yaab leh oo koronto la’aanteed wax laga qaban karin. Anigoo teleefishinka daawanaya ayaan ka fakaray jidkii dheeree oon noloshaan usoo maray. Waxaan is weydiiyay noloshani ma mudantahay dhib intaa la eg in loo muto? Waxaan isu arkay arbe geesi ah oo guul weyn nolosha ka gaaray. Saaxiibbo badan ayaa ka war helay wixii aan badda kala kulmay. Maalin iyo habeen waxaan noqday nin marka shaaha la cabbaya afkiisa la dhugto oo sidii nin 100 sano noolaa waayo-aragnimadiisa ka sheekeeya. Dadkii aan garanayay ee reerkoodu warkooda la’aa anigaa u xaqiijayay dhimashadooda. Maalmahaas iyo maalmihii xigayba waxaa isa soo taray oo batay doomaha sida tarab tarabta ah tahriibayaasha usoo dhoofinaya. Xog-ogaalnimadeyda ayaa waxaa ka war heshay BBC-da laanta afsoomaaliga ku hadasha. Su’aalo badan markii aan ka jawaabay ayuu weriyihii ugu danbeyntii i weydiiyay ‘dhallinyarada Soomaaliya joogta ee ku taameysa in ay badda kasoo tallaabaan maxaad waano siineysaa?’ Intaan candhuufta dib u liqay ayaan iri ‘Saddex arrin ayaan leeyahay: tahriibka waa halis! Waxa ugu qaalisan ood heysato, oo naftaada ah, yaad si sahal ah ku weyn kartaa, sidaa darteed hasoo tahriibina. Haddii aad diiddaan ood ku adkeysataan dhoof badeed, hasoo bixina adinkoon dabaal garanayn. Tan ugu danbeysana doonta markaad soo raaceysaan jaakadda biyaha ee dadka sabbeysiisa hasoo xiranina!’

 

Shaakir Maxamed Cabdullaahi

shaakirmc@gmail.com

https://www.facebook.com/shakirmc

https://twitter.com/Shaakirmc

 

SHARE