Ma adigaa dhammaystiran?

Ma adigaa dhammaystiran?

dhamaystiran

Waxa uu ka dhashay qoys sabool ah duruufa badana kusoo noolaa, waxaa la dhashay tiro gabdho iyo wiilal ah. Cidda asagaa u weyn waxbarashadiisa dhib fara badan ayaa laga soo maray.Waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed waxay ugu dhamaatay siduu asaga jeclaa.

 

Wuxuu ka mid yahay dhalinyarada kumanaanka ah ee nasiibku saaciday ee kashaqeysta waddankooda hooyo. Maanta aad ayuu ugu faraxsan yahay noloshiisa iyo tan qoyska uu asaga kasoo jeedo. Dhamaan hadafkiisii inta badan wuu u hagaagay, ha ahaato mid waxbarasho iyo mid nololba. Dhaqankiisa ma xuma dhanka diinta wuu ku fiicanyahay maaddigana iskaba daa. Waxa kaliya ee noloshiisa inta badan uu ka fikiro waa in uu noqdo qoys, helana gabar uu nolosha la wadaago, taas oo uu doonayo inta cimrigiisa ka dhiman in uu la noolaado.

Gabadhaas uu doonayo in uu la wadaago noloshiisa waa mid ka duwan gabdhaha qaar waana mid uu suuraysto marwalba maankiisana ku haayo in uu heli doono. Haddaba gabadhaas uu maskaxdiisa ku haayo waa gabar noocee ah?

Waa gabar ilaah u dhameystiray qurux, cilmi diineed iyo kaleba, dabeecad fiican leh, raaliya ah wax walba uu asaga doonayana sida uu rabo ugu fulisa. Waa gabar beer jilicsan, xishood iyo naxariis alle siiyay, aan xanaaq badneen. Ma ahan mid socod badan reeraha dariska ahna looga soo yeerin. Waa baarriyad waalidka dhankiisa ku wanagsan dadkuna jecelyihiin. Intaas iyo in kabadan oo astaamo ay maskaxdiisu is tusinayso ayay leedahay gabadha uu doonayo in uu la wadaago nolosha. Waa yaabe gabadhaas toloow dunidan Malaga helayaa? Mise waa gacan ku sameys uu asaga mala awaashay? hadii ay jirtase ma noqon doontaa mida uu nolosha la wadaago? Su’alahaas adiga aqristaha ah jawaab ma u haysaa?

Maalin walba oo dhaafta cimrigiisa ayaa horay usii bata isaga oo raadinaya gabadhii lahayd astaamaha wanaagsan ee uu doonayo. Sanad walba oo noloshiisa dhaafa hamigiisana wuu sii yaraadaa, gabar walba uu la kulmana waxa uu ka eegaa in ay leedahay dhammaan sifooyinkii uu asaga jeclaa. Illeen bani aaddamku ma dhameystirnee qaar un buu ka helaa, ka dibna uga tagaa. Gabar walba oo uu la kulmo marka uu u sheego nooca gabar ee uu raadinayo ayay la yabtaa. Marka ay ogaato in uu yahay nin raadinaya sanbuus afar gees leh ayay horay danteeda uga sii wadataa.

Waxa uu damcay in uu waalidkiis kala tashto arinta guurkiisa ah. Dhaqan ahaan waalidka soomaliyeed marka uu wiilkooda gaaro xilliga ku habboon in uu guursan karo waxa ay usoo bandhigaan gabdhaha ugu wanagsan ee ay is leeyihiin way u qalmaan wiilkiina, lakin asaga ma ahan marnaba mid ku qanacsan gabdhahaas waalidku la rabo! Bal muxuu doonayaa ma midaan dunidanba jooginaa?

Guriga uu ku nool yahay kuma dareemo raaxo. waa mid aad ka dareemayso in wax badan ka dhimanyihiin. Subax walba ayuu ka shaqa tagaa guriga, asaga oo dhibsanaya. Waxa uuna kusoo laabtaa asaga oo aan xiisa badan u qabin. Waa nin shaki badan oo ma ogala in qof kale ku caawiyo howlaha gurigiisa sabab uu ku micneeyay in aan loo nadiifin Karin sida uu rabo. Dhalinyarada asxaabtiisa ah marka ay damcaan in ay kala taliyaan in uu noloshaan iska badalo oo uu reer dhisto,waxa uu ugu jawabaa adinkaa guursateene maxaad ka faaiideen? Maxaadse hadda aniga i dhaantaan?

Wuxuu sidaas ku noolaado sanado badan ayuu marka ugu danbeysa kusoo dhacaa meel cidla ah asaga oo cimrigiisa horay u batay, noloshiisa dhibsaday, dadkuna dhibsadeen.

Markaas ayuu bilaabaa shalaay iyo in uu u maseero asxaabtiisa qaar oo la talin jiray xili walba kuwaas oo caruur dhowr ah rabbi ku irsaaqay misna la cayaarayo ubadkoodii.Wuxuu is tusaa in waqti ka dhumay, nasiib darase umasoo noqon doono oo sanad walba oo ka tagay wuxuu ahaa cimrigiisa oo sii socda.

Ugu dambeyn, wuxuu noloshiisa kusoo xiraa asaga oo dhammaan ka tanasulay shuruudihii xiligii uu dhalinyarada ahaa uu ku xirayay guurkiisa. Su’aasha kaliya ee uu ugu dambeyn is waydiinayo si uu guur u galo waxa ay tahay “Toloow naag xaggeen ka helaa?”

F.G: Waxaan leeyahay, qof walba oo dunidan joogow is xisaabi oo is waydii “ MIYAAD ADIGU BA DHAMMAYSTIRAN TAHAY?”.

 

W/qortay: Fartun Xassan Cagay

Gaalkacyo-Somalia

Email:luulxl2@gmail.com

Tell: +252907080803 ama +252615908399

SHEEKOOYIN