Home Curis Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q29AAD

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q29AAD

0
SHARE

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q29AAD

 Samatar

Barroow inuu meesha joogo ma ogga Ciidanka Korneylka iyo kuwa Ilbir balse waxay ogyihiin meesha lagu ballamey keliya, waayo Abuu Salmaan uma sheegin asxaabtiisa in Hodan la kala wareejisanayo, waa sir ciidan, sidaa awgeed, Ilbir iyo Korneylkuna waxay fursad u arkaan, inay soo afjaraan dagaalka Abuu Salmaan sidoo kale ay helaan oo qabtaan madaxda ka dambeysa Abuu Salmaan.

Hodan iyo Luul waxaa lagu daray laba wiil, waxaanna lagu amrey iney geeyaan gurigooda, Luul reerkoodii waa werwereen, meel ay u raacaana maysan jirin, mudadii ay gabadhoodu maqneyd, walwal iyo walbahaar iyo baadi doon bay ku jireen, iyagoo u aanneynaya in Barroowgii xaaskiisu ka soo fakatey, gabadhooda diley ama af duubey, haddana waxay is yidhaahdeen hubdana, iyagoo ku xisaabtamaya xaalka ammaan ee markaan jireyn, wey hubeen in la afduubey ama la dilay,balse waxay sugayeen inta raqdooda ama ruuxda meel lagu sheegayo.

Luul wey ogeyd in reerkoodu dhibtoonaya, wayna diiday inay toos u tagto guriga iyadoo darxumada ka muuqato, waxayna go’aaan ku gaadheen, iney Suuqa Bardaaley sii maraan, ka dibna, isa sii habeeyaan, kana lebistaan, balse reerka uga warramaan in la afduubey oo qolyo wadaado ahi af duubeen, markii dambena lacag madax furasho ah, laga qaatay, loona diiday inay cid la xidhiidhaan, wadaaduna ay rabeen uun dhaqaale, sidii bayna yeeleen. Waayo,arrintan lama beensanayo oo guuxa iyo gariirka magaalada hadda saamayn weyn ayay ku leeyihiin, wadaadadu, awood ciidan oo isa soo tareysa saldhigyo iyo xarrumana waa yeesheen, sidoo kale siyaasadda ayay si toosa faraha ugula jiraan iyo urrurada iyo kooxaha qawlaysatada ah ee is diidan.

Waxaa isu yimid Barroow iyo Qolyihii kale oo uu hoggaaminayo, Sheekh Bardaawi, waa nin ganacsade ah oo magaalada magac iyo muunno ku leh, waana ninka aas aasay urur diimeedkan, Barroow ayaa waxaa lama filaan ku noqoto, ganacsatada tuban meesha, waxaana loo sheegay, in aan waxba laga rabin, si qaldana loo afduubtey Xaaskiisa, iyada oo lagu xumeynayey niman la yidhaahdo Ilbir iyo Cirfiid oo daalimiin ah.

Barroow markii uu tegay goobtii lagu ballamey, waxaa loo soo bandhigey heshiis ganacsi oo ballaadhan iyo inuu gudoon ka noqdo isagu heshiiskan oo ah inuu wadaada la shaqeeyo, awoodiisa ciidana kula midoobo.Barroow ayaa farxad la duuli gaadhay, waayo maqaamka loo sheegay waa mid uu weligiis ku riyoon jirey, kaaga darrane,waxaa loo sheegay in Marwadiisa shuruud la’aana loo soo celinayo, waxaa kale oo farxad u ah inuu helay, garab ku taageerayaa, la dagaalanka Ilbir iyo Cirfiid.Barroow waa ajiibey arrinkii waana gudoontey, wuxuuna ballanqaadey inuu garabkooda taagan yahay, wixii shuruud ah ee lagu xidhona diyaar la yahay, sidoo kale, wuxuu hortooda ka caddeeyey inuu diyaar u yahay inuu la dagaallamo, labadaa nin wuxuuse shuruud uga dhigay, in lagu wareejiyo aagagooda magaalada iyo xarumaha ay hadda ka taliyaann in isaga la daba fadhiisto si uu isagu uga taliyo.

 Abu Bardaawi oo aad ula dhacay, ayaa yidhi:

“ Aaggooda keliya maahee, Magaalada Doonyaaley jeebkaaga ayaan ku shubaynaa, balse, adigu siyaasadayada waa inaad ku shaqaysaa oo aadan naga hor imanin”

Iyadoo la qosqoslayo, ayaa waxaa mar qudha ka soo dul dhacay, Saddex madfac oo nooca loo yaqaana BTM oo si habsami leh loola eegtay gaadiidkii meesha yaalay saddex ka mid ah oo ah gaadiidkii raaxada iyo kuwii dagaalka ay wateen, waxaana   is qabsaday,holac iyo hugun rasaaseed iyo gugac ka gurxanka ka baxaya qoryaha Boobayaasha Culus, Sida, Dhashiikha, Sikaawaha, Suugga, Shilkaha, sidoo kale, Boobayasha fudud,   SK 43, PKM, Baroon 30, MMJ, iQB, waxaa sidoo kale laysla dhacay, Qoriga Jabshaha iyo Baasukaha, Abuu Bardaawi, caguhuu ciirsaday, Abuu Salmaan iyo Afar kale oo ciidankiisa ah ayaa beero iyo dhul bannaan la dhex qaaday, waxayna magangelyo weydiisteen, dadkii deegaanka oo qariyey, una maleeyey Culumo jidgooyo loo galay, maadaama ay sidaa u sheegeen.

Dagaalkii waxaa laysku horfadhiyey muddo saacad ku dhaw, ugu dambayn, waxaa guuleystay oo meeshii iyo gaadiidkii yaalay, Hubkii iyo saanadii uu siday, Barroow gacanta ku dhigay, Korneyl Cirfiid iyo ciidankiisa.Goor dambe ayaa waxa la helay Barroow oo dhaawac ah, waana laga xumaaday arrintan maadaama aan loo socon, haddana waxaa yimid, shaki kale oo ah, inuu weligiisba Barroow gacansaar la lahaa maadaama Gaadiidka hubku saaran yahay qaarkood lagu yaqaanay Barroow.

Korneylka ayaa amrey in Barroow la geeyo meel lagu daweeyo, sidoo kale wuxuu la hadlay Odayaashiisi, markay arrintii maqleena waa ka naxeen, waxayna sheegeen, ineysan waxba ka ogeyn arrintaas, balse, laysaga iman doono.Ilbir dagaalkii guul waa ka soo hooyey, hub iyo saanad badana waa soo qabsaday, wuxuuna sidoo kale soo furtey Hodan oo agteeda uu ka yahay halyeey libaaxa aan la loodin karin, balse, weli waa qabyo dagaalkiisu oo Abuu Salmaan bannaanka ayuu joogaa.

Samatar wuxuu gurigii keenay, gabadhii Sareedo ee walaashiis uu ka dhigtay, wuxuuna u banneeyey qolkiisa, gabdhaha kale loogama faalloon, xaallada gabadha, balse, waxaa lagu wargeliyey inay guriga ku noolaaneyso lana xanaaneeyo.Samatar wuxuu markii uu Sareedo guriga keenay judhiiba aaday magaalada isagoo ujeedkiisu ahaa in waxoogaa lacag ah uu haystay ugu soo adeego gabadha waxyaabaha ay u baahantahay, sida; Dawooyin, Dhar iyo Kabo, maadaama ay iyadoo faramadhan gurigoodii ka soo baxdey, waxoogaagii usoo hadhayna gacanta ayuu u gelshay.

Sareedo, waxay ilaahay ugu mahadcelisay iney heshay, wehel iyo walaal wanaagsan oo aan la quudhi karin, waxay sidoo kale aragtay, saacadihii murugada ducadeedii in ilaahay aqbalay, waxay halis ugu jirtey inay dhulyaasho oo dalka ka hayaanto oo silic iyo saxariir mudato, ama iney sida lagu yaqaan qofka fulleyga ah ee nolosha qawada quustana weheshada is disho, labadaa midkoodna ma dhicin waxay heshay garab iyo gaashaan dhibaatada ku gaadhneyd iskaga gudba ugana gargaara.Waxay hoosta iska leedahay, hays jilcin, ma Samatar baad ka liidataa saddex jir isagoo ah ayuu nolosha la dagaallamay kuna guuleystay inuu heer ka gaadho, adigoo qof weyn ah miyaa is dhiibaya oo ka baqaya, taraaraha iyo timaadada soo socda.

Haatan waa ka sii go’aysaa tiiraanyadii, sidoo kale waxay la qabsatey gurigii, waxayna qayb lixaad leh ka qaadatay hawsha gurigga, gaar ahaan waxay xil weyn iska saartey, xannaaneeynta Hanad oo markaas dhaawac ahaa dadkuna aad uga werwersanaayeen.Hanad dhaqaatiirtu way ku wareertey, waayo dhaawaca gaadhay waa mid fudud, oo docda iyo garabka ayay xabbadu ka haleeshay, balse waxaa jiray faliidh ku baxsadey xididka halbowlaha ah, ee isku xidha lafdhabarta dhinac mara ilaa maskaxdana ku aroora, xididkani ma aan go’in laakiin waxaa dul fuuley faliidhka xabbada oo cadaadshay taasoo keentey inuu Hanad miirdoorsoomo noqdana ruux maahsan.

Sareedo maalin walba waxay u qaadda cuntada lagu qulaamiyo, sidoo kale waxay ka bedeshaa, dharka, waxayna ugu maydhaa sida ilmo carruura isagoo meeshiisa jiifa ayay, maro intey qoyso ku tirtirtaa, waxay sidoo kale, u jimcisaa cagaha, gacmaha iyo faraha, si uu u helo dhaqdhaqaaq iyo furfurnaan dhinaca wareega dhiiga ah, si fiican ayey u baxnaanisay, iyadoo aad moodo, inuu yahay waalidkeed ama lammaanahey adduunka ugu jecleyd.Samatar wuu arkay sidey ugu dedaaleyso, wuxuuna aad ula dhacay inuu helay, gabadh walaashood ah, oo u buuxisa kaalintii gabdheed ee ka maqneyd.

Hanad waxaa loo keenay dhakhaatiir sare oo xirfad, waxayna ku celiyeen, qaliin ilaa ay heleen, Jabkii faliidhka ee halista geliyey oo ay ka soo saareen, muddo ka maalin iyo badh ah dib ayuu soo miiraabey, wuxuuna dushiisa ku arkay, gabadh yar oo aad qurxoon, weji furan oo dhoola caddeyneysa.Hanad ma garan wejigan isagoo waxoogaa wareer ku jiro, ayuu isku dayey inuu hinqado, dhulka ayayse ku celisay, waxayn cod debecsan ku tidhi, maasha allaah walaal haddaad soo naaxdey, intuu uusan jawaabin ayaa waxaa markiiba albaabka ka soo galay,Ilbir, Doolli iyo Samatar, oo dhammaantood Sareedo wada salaamey, ka dib intey xishootey ayay bannaanka uga baxdey.

Hanad ayaa gartay dadka la jooga, waa loo warramey sidii wax u dhaceen, waxaana loo sheegay inuu muddo joogayo, ka dibna guriga la geynayo.Muddo markii lala joogay ayaa Ilbir iyo Doolli hinqadeen oo u sheegeen inay hawlo leeyihiin, waxaa soo ku hadhay Samatar oo farxad la ooyaya, markaasuu Hanadna la ooyey isagoo leh, aamus walaal, meelna ku kala tegi maynee, waxaa usoo gashay Sareedo, oo caano badhaxa intey isugu dartey u dhiibtey Samatar, markaasuu Hanad yidhi:

“ Samataroow, walaal gabadhanina waa tuma?

Samatar oo caanihii gacanta ku haya doonayana inuu ku habbo walaalkii Hanad ayaa yidhi:

“ Waa Sareedo waana walaashey, anigaa kuu sheegi doona ee hadda iska naso”

Hanad oo fahmi la’ ayaa nabdiga iska weydiiyey, walaashay aa, goorma ayuu Samatar gabadh walaala yeeshay, haddana waxaa ku soo dhacdey inay jiraan gabdho Ilbir la walaal ah, wuxuuna is yidhi tolow kuwii mid ka midaa?

Samatar iyo Sareedo waxaad moodaa laba da’ood oo isku xigta,kaftanka shuxshuxda iyo sida ay isula qabsadeen, Sareedo haatan qaladii iyo beyrtiiba waa ka ba’een S, sidoo kale waxay aad uga heshay geel la daaqda wiilka yare e garaadka iyo garashada badan ee walaalkeed Samatar.

Sareedo xasuusta qoyskeedii weli niyada kama bixin, wey is weydiisaa, tolow reerkiinii mar dambe mays helaysaan, mase ku siinayaan fursad ay gefkooda ku gartaan oo ay kaaga garaabaan, haddana way is illowsiisaa.

Hanad wuxuu ku indho daraandarey, quxuxda, habsamida iyo hannaanka isku dheelitiran ee ilaahay sareedo u abuurey, waxaadna mooda sida uu indhaha daymadeeda uga buuxsanayo nin aan weligii gabadh ilwaadkan iyo quruxdan oo kale alle u ebyey.

La soco qaybaha dambe

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

Galayr1977@hotmail.com

SHARE