Shiribka Toddobaadka :Curiye: Laashin Cabdinuur Waddani

quotescover-JPG-55

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shiribka Toddobaadka  ee Laashin,  ayaa hadba waxaa lagu lafa guraa, marxalado kala duwan,  Laashimiinta  aad u yaqaan   godka Shiribka waa furanyahay iney ka soo  jawaabaan, Shiribka ku soo baxa, habeen kasta oo Jimce soo galaya  Mareegta Laashin,  Mareegta Laashin waxay  shaqadeedu tahay  tayeynta iyo dib usoo nooleynta guud ahaan,  Suugaanta Soomaaliyeed, sidoo kale  horumarinta Afka iyo dhaqanka,  waxaannu leenahay  ku soo dhawaada   qof waliba halkuu jecel yahay, waa ka helayaaye.Shiribkan waxaa curiyey Laashinka da’da yar, Cabdi Nuur waddani isagoo ina bari doona, Toban walxaad  oo u bogta Toban kale,  haddaba  bogasho wacan.

 

Tobban walxaato ba ku taal

Tobban kaleeto woow bugtaa,

Waxaadna ku bara kartaa

Tobban kaleeto ba ku taal,

 

Barbaar igaar ah oon baqayn

Birimo naag ah woow bugyaa

 

Waxaadna ku bara kartaa

Baashaalya raaxo waa berkaas.

 

 Berya nin qaday baad walloow

Ku baahi beelyo woow bugyaa,

 

Waxaadna ku bara kartaa

Baahida waaba loo baqtaa,

 

Bireesmo ninki loo baxshaa

In la badbaadsho woow bugyaa

 

Waxaadna ku bara kartaa

Birtaan ahayn biya qabow,

 

Bistiis ninkii ah oo bukaa

Baxnaanin asna woow bugyaa,

 

Waxaadna ku bara kartaa

Inuu baxaa la baafiyaa,

 

Beer nin falaye bowd dhigaa

Badar abuur ah woow bugyaa,

 

Waxaadna ku bara kartaa

Badar la,aan ku bixi mee,

 

Bir iyo nin tumaa barmiil

Buufinya babis woow bugyaa

 

Waxaadna ku bara kartaa

Babis la,aan debkaan bexeyn,

 

Biya nin heesta woow bugyaa

Badar iyo bilcaan karee

 

Waxaadna ku bara kartaa

Bilcaan la,aanu wees birey,

 

Baabuur nin weday bir fayaaw

Iyo basiinka woow bugyaa

 

Waxaadna ku bara kartaa

Biya ka keeni maa burkaas,

 

Buubaal nin dhaanshay baariyoow

Binji xarig ah woow bugyaa

 

Waxaadna ku bara kartaa

Biligta yaru waa u baas,

 

Buug nin sitee wax kuu bartaa

Boogaadin asna woow bugyaa

 

Waxaadna ku bara kartaa

Boogaadintu waxbeey bishaa,

 

Curiye: Laashin Cabdinuur Waddani

SHEEKOOYIN