This page was exported from Laashin Iyo Hal abuur [ http://laashin.com ]
Export date: Thu Nov 23 22:01:31 2017 / +0000 GMT

Sidee loo Akhrin “Awaaltiris”? Wq A. M. Yusuf



Sidee loo Akhrin “Awaaltiris”?

 

afsoomaali

AWAALTIRIS waxa ay tari kartaa wax allaale iyo wixii hadalka, midkiisa qubane[*] ah, uu tahali ( tari ) karayo. Sheekoda qoys ka kooban Hooyo, Aabbe, iyo Ugaaso iyo dhowr kale ee carruur ah. Aabbe iyo Hooyo waa geddii labo xumbo—labo qofood oo hal eegmo la iskaga dusin karayo; midkood ba midka kale na lagaga dhex daawan karayo; balse, goorta ay joogto iyaga uun dhexdooda—midkoodna ma dhex xuli karo midkiisa kale. Hooyo ku dhex hawshoon if dhab ah, iyo Aabbe ku dhex lunsan if dhalanteed ah. Laba isku xiriirsan; illayse, waa lammaan labo gelin ku kala xiran: gudcur, iyo caddo. Reer ba'ow, yaa ku leh? Waa kuma Aabbehii qoyskan? Xaggee se ka dhimatay Ugaaso? Yaa kafantii Ugaaso soo tolay? Yaa axankii Ugaaso ku soo yaboohay?

Fiiro u yeelo tuducda ku aaddan, kana afcelinaysa ( tarjumaysa ) ‘tacsida Ugaaso': waxa nala hadlayaa waa gabadhaas mootan Hooyadeed, mayee waa ‘qofnimo maansadeed[1]', taas oo cid aqoonsan kareysa ay iska ba yar tahay—qofnimo, iska daa' wax kaleeto e, xataa laga qadiyay magac wanaagsaan. Magaclaay! Abwaanku, Hadraawi, si aan jixinjix lahayn, weliba si qaawan, waxa uu u adeegsanayaa erey ba ereyga uu kaga itaal roon yahay xagga buunbuuninta ‘baroodiiqda ku beegan geerida curaddii Hooyo': ereyo, hayeeshee, dhawaaqoodu uu soo nabdaadinayo dareen kasta ee maahsan, qof kasta oo ‘miyirla' iyo maan kasta oo ‘marqaansan'. Maqal tixoha u qayladhaamin: tixoha uga yeedhaya, tixo ka soo celin, tixoha ka soo hooyn Soomaali wal—ee mafrashyodii jaadka ( “ iilka jaadka ” ) kula “anbado xilkiisa,”— koodii weliba meeshaas baas weli ku sii ‘maqan'. Tuducda hoose waxa si silloon ay ugu dhimrineysaa Aabbe kasta ee warmoog ah; mayee waa Magaclaawe kasta ee dhoohan—waa intaas uu ku soo miyirsado e:

Maansooyinka hogatus iyo waanooyin ba ayaa lagu soo tebiyaa. T.a. shacabka ayay u tilmaameysaa dagaalka sokeeye ee hareehooda ka soconaya,

hashii…

abaaludda loo dareershay

ureenkiyo tiinka daawo 45

rasaasta alwaysa daawo

oomaarkiyo dhiigga daawo

areerinka meydka daawo

islaan curadkeeda weyday

asayda la saaray daawo! 50

III. Tolow “Awaaltiris” ma ujeeddo dahsoon ee qota dheer ayay iska leedahay?

Dad badan ayaa rumeysan in maansooyinka laga halabuuro “ujeeddooyin qota dheer oo cillan”. Runtu se, run ahaan, sidaas waa ay ka duwan tahay. Ma jiraan ujeeddooyin qarsoon. Hayeeshee, maansooyinka qaarkood ayaa “halxiraale” noqon karaya, sida maansoda “Aakhirutahan” ee Afjurun, Kulan Xasan Cilmi (AUN) ee soo fool leh:

1 Cirkoo guuri ciiddoo god geli dhagaxyadoo goohi

2 Qorraxdoo xanuun laga guboo garab ka taahaysa

3 Biyahoo harraad gubahayoo gal u arooraaya

4 Gu' nin jira garaadna aan yareyn ee garku caddaaday

5 Gudka yicib galool iyo maraa geedo tiro gaaray

6 Een samada guudkeeda jirin ciiddana aan gaarin

7 Gammaankii fardood ee dammeer ganac ka hooseeya

8 Naagahoo garnaqi iyo raggoo guudka xiranaaya

9 Geeridoon wax dilin oo ninkii go'ay u booyaysa

Maanso… waa hawraarro aad u cufan, kuwaas oo 'quruxdana ka hodanoo' oo si ah 'baaq [wax] noogu sheega' .

Illayse, haddana, taas macneheedu ma aha—maansada “Aakhirutahan” in ay iska leedahay ujeeddooyin dahsoon oo qota dheer. Macneha dahsoon ee qotada dheer, oo ay dadku intaas hadalhayaan, waa mid lala xiriirin karayo gorfeynta suugaaneed. Jaad kasta ee uu ahaado ba, war jira ba, kuu tix ama soobaan ( qubane[*] ama tiraab ) yahay ba, gorfeyn waa lagu sammeyn karayaa. T.a. waxa la gorfeyn karayaa curis siyaasadeed, dhigane taariikheed, araaji ku saabsan codsiga ardayda, qormooyinka, sheekooyinka, Baaqa Beesha Reer Baaqbaaqle…iwm. Maansada suugaaneed se, walow ay ka sammeysanaan kareyso “hawraarro aad u cufan”; misana tixaha maansadeed waa kuwo “quruxdana ka hodanoo,” oo si ah “baaq [wax] noogu [sheega]”[3]. Sidaas awgeed, mooddo ahaan, diilin ka mid ah tixoha “Awaaltiris” ayaa si ka qota dheer wax uga sheegi og, dheh, sida sadar qubane, kaas oo xagga tirada ereyada ay weliba na iskala mid yihiin. Si kaleeto aan u idhaahdo. Tixda maanso goorta la gorfeynayo; gorfeyntu, waxa ay maansada uga dhigan tahay sida burburintu ay uga dhigan tahay faleenka fooxa beeyada oo kale: Si udgoonkiisu madasha, may 'mafrashka' uu ugu kala dhex faafo waa in horta hore la burburiyaa; haddii se, weliba na, aan dab lagu sii gubin; ogoobey, caraf badan ma ba sii dhalo. Ujeeddadu waxa ay tahay, gorfeyn badan ayay kaa rabtaa “ Awaaltiris”; si ka sii qota iyo mug weyn ba, sida aan ay gorfeyn sidaa u sii ridan kaaga baahneyn, iska dheh, xan ay cajalad kuugu soo duubtay adiga laftirkaaga: islaantii ahayd soddohdaa, Axado Mushkilo Badan. Warkii oo kooban, haddii ba gorfeyn lagu ogaan karayo dabuubtii maansada, xagee kale oo ay ku qarsoomi karayaan: ujeeddooyinka dahsoon ee qotoda dheer? War bal adba?

Qof akhrin karaya maankii abwaanka

Ujeeddooyinka dahsoon ee maansooyinka, waxa kale looga jeedo waa barasho ku saabsan noloshiisa: wax kasta oo, ogaal ama ogaalli'i (dadab ama toos ba) horeyba u soo saameyn karayay Abwaan Hadraawi laga soo billaabo teeryo carruurnimadiisii; ama se ba arrimo kasta oo kale ee halabuurkiisa suurgal ka dhigi karay. Maansooyinka si aad u akhrisatid u na garatid, waxyaabo haas oo dhan waa u lamahuraan. Ma mudana in la isu ba sheego; hayeeshee, maanso, run ahaan, ma aha wax qof kasta ba loogu talogalay. Si aad ula yaabtid yaababkeeda waaweyn, si aad xogteedii u hesho, waa in aad ama soo ahayd qof loo tababaray ama qof "akhrin karaya maankii abwaanka".

Waa kuma Abwaan Hadraawi?

Kawarcelinta weydiintan waxa aan la kaashan lahaa ereyada aqoonyahan ah “suugaan-ruug ”, kaas oo ku takhasusay cilmiga bulshada; weliba na ay saaxiibbo soke wada yihiin isaga iyo Abwaan Hadraawi. Abwaan Hadraawi waa,

• […] halabuur cabqari ah, waana maansoyahan farshaxan ah oo aad ugu xeeldheer fanka ereyga. Isla mar ahaan, waa nin adduunka uu ku nool yahay iyo waxa ka socdaba u dhug leh, aragtidiisa xorta ahna ka leh; waa nin mabda' adag oo caqligiisa ku mowqif qaata. Maansoyahan ahaan, ladhka dareenkiisa… iyo waayaha dadkiisa ayaa… ka keena maansada. Hayeeshee isla mar ahaan, waxay maansadiisaasi wadataa… aragti… ku aaddan nolosha bulshadiisa iyo axwaasha ay ku sugan tahay. Sidaas darteed, waxaynu odhan karnaa dulucda shishe ee maansada Hadraawi—wax kastaba ha ka hadlaysee—kama madhna mowqif siyaasadeed oo u taagan: difaaca qaddiyadda gobannimada Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan noolaynta iyo xoojinta dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida…
~ Gadhweyne, Rashiid Sheekh Cabdillaahi X. Axmed, Dhulgariirka Hadraawi iyo Mushkiladda Isirsooca, 2008

Maxaa Hadraawi ku dhaliyay “Awaaltiris”?

Waayo Hadraawi waa abwaan leh dareen, mid weliba, aad u baaxad weyn. Waxyaabo ayaa jira isaga ku dhalinya xanuunno ruuxeed; haba ugu kala horreeyaan: Maamul Calmaani ah (Maalmul diiddan Kudhaqanka Shareecada Islaamka), dareenno ku saabsan dhabdarrooyinka, qabyaaladda, isirsooc lagu takooro beeloha qaarkood, nacabtooyoda Soomaalida kala fogeysa, suudalka ay Soomaalidu dhulkoodii ba kaga doorbidaan udhoofitaanka dalal shisheeye, dhibaatooyinka uu qaadku baday Soomaalida badaankeedii—waxyaabo haas oo idil, ayuu u yahay waayarag. Cilmi Ismaaciil Liibaan ( CILMI BOODHERI ) ayaa horey u yidhi:

• Haddaan gabayga uurkoo bukiyo arami kaa keenin

• Asaan olol jacayl iyo xanuun kugu ijbaareynin

• Afkuun baad ka leedee tixuhu arar ma yeeshaan e

Waxa jirta fikrad guud ee laga haysto maansoole Soomaaliyeed oo badan, taas oo isaga u muujinaysa: khawaaf ku dhex gaajeysan, ku na dhex rafaadsan qowlad isaga u kireysan, kaas oo taqsiin baarixi ah iyo qaac sigaar ay camanka uga buuxaan, xariif niyadjabsan oo intaa cod hoose keligii iskula gunuunucaya—nin ay kaga dheggen tahay kamaansoodka aramiga ku saabsan noloshiisa dayacan;—lagu ye', “Hees cusub ayuu haddeer allifayaa”. Ogoobeey niyadjabnaantu, waa mid abwaannoda ka keenta maansooyin culculus.

Maxaa gabayaaga ugu wacan niyadjabka?

Hadraawi ma yahay gabayaa niyadjabsan?

Waayo gabyaagu waa ilaaliye leh indho afeysan. Haddii caamada laga naafeeyay dareemeha qaarkii ama haddii bulshoda ba laga indhasaabay ammuuraha adduunka ama laga ba horjoogsaday in ay meel dhow ka daawadaan; ogow garaadle ( cabqari ) ayaa se jira, kaas oo waxii meel dheer jira, ka arki karaya meel dhow—garaadle leh dareemeyaal wada cuddoon. Waa garaadlehan oo kale; midka had iyo jeer intaa arkaya foolxumooyinka uu siyaasigu shacabka kaga kaayo ceebohiisa. Meel kasta, dhiig ba ayaa daadsan. Geeska Afrika, dhan loo daya ba, waa: colaad, caq, iyo cabsi. Waa halkii Rashiid Gadhweyne e, Abwaan Hadraawi, waa ❛nin… u dhug leh❜ ee isla jeer ahaan na afhayeen codkiisii uga dhigay waxaas oo murugooyin ah: ma caqliga qof fayow ayaa diidaya; Abwaan Hadraawi na, in uu yahay gabayaa murugeysan? Halyey niyadjabsan?

Gadoodka Abwaanka

Madal Faraxliyo Foolaadka Murtida, madal la siiyay magacaas ayaa jirtay, taas oo kulmisay abwaan Xasan Gannay, Abwaan Axmed Aw Geeddi, iyo Abwaan Hadraawi ba. Madashaas ayuu Abwaan Hadraawi ku soo bandhigay maansadan la yiraahdo “Awaaltiris”. Gogoldhig yaab lahaa ayuu u sammeeyay kahor intii aan uu weli Soomaalidii u akhrin maansadii ba. Ereyadiisii waxa ka mid ahaa kuwan hoose:

• ❝Inaad soo cammirtaan goloha… inta idin hor fadhida ee wax idiin sheegeysey guubaabo tahayoo… Dareenka waa la wadaagaayoo… halabuurku waxa uu ka shidaalqaataa waa dadka iyo dareenkiisa…❞

Waa na in uu hinqadaa, … gooraha ay arrimuhu xumaadaan.

Maxuu Abwaan Hadraawi ugu baahan yahay in maansooyinkiisa ay dhegeystaan dadweyne aad u fara badan? Ma waxuu aaminsan yahay in maansooyinka loogu talogalay dhegysteyaal tiro badan? Ka ba kaalay weydiimahaas oo dhan. Abwaan kasta, waxa xil ka saaran yahay uun: waxyaabo ha uu arkahayo in uu ugu lebiso ereyoda ku habboon, sida ugu qurxoon. Abwaanku se waa sida arday; joogtoda, si joogto ah, looga qaadayo wareysi afeed; weydiimo kasta ee isaga la weydiiyo ba na, waa in uu isla haddiiba u helaa warcelinno ku kala aaddan, ku na kala abbaaran, goorta gawda ah iyo ereyga ku gawda ah — weydiinta taagan, iyo warcelinta ku habboon. Sidaas ayuu gabyaagu ku qabtaa, maansooyinka na ugu kaydiyaa dhacdooyin, haddii kale, dadka intiisa kale, aan ay weligood dareemi ( arki ama ogaan ) lahayn ba. Maansoyahanku gar ayuu u leeyahay, haddii aan uu awood buuxda ba u wada lahayn, gebi ahaan, waxyaabaha uu arkahayo ama ba dareemahayo in uu maansooyin u rogo. Waa na in uu hinqadaa, oo gadoodaa gooraha ay arrimuhu xumaadaan. Fal kasta ee foolxun na, waa in uu kaga falceliyaa erey kasta ee foolxun, kaas oo, hayeeshee, si asluub leh uu ugu muujinayo: falkaas isaga ah, ' erey ' u yeelaya midab lagu garto ee foolxumadiisaas uun u/ku gaar ah.

Sida uu qabay qoraagii reer Giriig ee Plutarch (45—125) ahaa,

• Asalitaanku ( painting ) waa maanso shibban, maansadu na waa asalitaan hadlayaa.

Ereyada waa qalab uu adeegsado gabyaagu: Ereygii maad leh iyo erey hoog leh, ereygii riyaaqsan iyo ereygii murugeysan, ereygii san iyo ereygii xun, ereygii dheer iyo ereygii gaaban, ereygii culus iyo ereygii fudud, ereygii weydiin iyo ereygii warcelin, ereygii sheeli iyo ereygii sheegi—waa loo wada baahanaan si dhawaaqii guud; may ‘ baaqii guud ' ee maansoda uu u cufnaado; u na hufnaado. Midabbo iyo ereyo kasta ba na, midabka erey kasta, kaas oo asii ulajeeddodii maansada sida ugu wada ebyoon u soo ifbixin; waa u lamahuraan. “Awaaltiris” waa maanso inoo sawireysa waayaheeda, iyo ‘ meesha Maandeeq ay ka qalan tahay '.[4]

Ninkii se,

… garanwaa' abuuro

hadduu kala geeyo uunka

hadduu marba qayb la ooyo215

hadduu marba iil banneeyo

hadduu yahay uurkagaal

wanaagga ku aabi badan …

siyaasadi, Aabbe ma leh.

Cagdhigyo

[*] Daahfurehii ugu horreyay ee helay Miisaanka Maansada Soomaaliyed ayaa horey ugu soo kala qeexay farshaxannimada qoraalka: “qubane iyo maanso*”. Isaga oo sii faahfahinaya ayuu misana qoray

Ta hore ( prose ) oo qubane aynu ku tarjumanay waa afka curistiisa oo si caadi ah loo dareeriyo.Taas tebinta ulajeeddada mooyaane wax kale la iskuma luro. Waa afka qoraal iyo odhaahba inta badan la adeegsado iyada oo naxwaha oo la sugo mooyi e aan la isku taxallujin codad loo taxo hab ku luuqayntoodu u shubaalsanto.

— Barfasoor Carraale: Gorfaynta Gabayada

* Soomaali badan se waxa ay iyagu na u kala qeybiyaan: tix iyo tiraab.

[*] Daahfurehii ugu horreyay ee helay Miisaanka Maansada Soomaaliyed ayaa horey ugu soo u kala qeexay farshaxannimada qoraalka: “qubane iyo maanso*”. Isaga oo sii faahfahinaya ayuu misana qoray

Ta hore ( prose ) oo qubane aynu ku tarjumanay waa afka curistiisa oo si caadi ah loo dareeriyo.Taas tebinta ulajeeddada mooyaane wax kale la iskuma luro. Waa afka qoraal iyo odhaahba inta badan la adeegsado iyada oo naxwaha oo la sugo mooyi e aan la isku taxallujin codad loo taxo hab ku luuqayntoodu u shubaalsanto.

— Barfasoor Carraale: Gorfaynta Gabayada

* Soomaali badan se waxa ay iyagu na u kala qeybiyaan: tix iyo tiraab.

[1] qofnimo maansadeed ( qofnimo gabayaa ): afhayeenka ama kuhadleha magaca cid kale ee lagula dhex kulmo hawl ( qoraal ) suugaaneed; si ka sii fudud marka loo yidhaahdo: waa qofnimo ( baxaalli ) halabuureed, taas oo ah jeediyeha (cidda hadleysa).

F.G. Mararka qaarkood abwaanku waxa uu abuurayaa baxaalli noqon ‘ hadleha '. Ogow se goorta ay meesha ka madhan yihiin tilmaamo gaar ahaaned ee lagu aqoonsan karayo, ereyga ‘qofnimo' waxa loo adeegsadaa si guud ahaaneed, maadaama aan horayba loogu qaadan kareynin in qoraalku uu si toos ah ugu saabsan yahay wayaragtida qofeed ama mooddooyinka ( aragtiyoda ) dhabta ah ee gabayaaga. Adeegsiga qofnimo aan la aqoonsan kareynin ( qofnimo dahsoon ) waa sida seef laba-afley ah: abwaanka ayay awoodsiineysaa si uu uga hadlo falaadxumoda ‘madaxda reeraha' iyo foolxumooyinka qaarkood, tiiyoo, misana, uusan doonahayn qofnimadiisa maansadeed ( qofnimadiisa gabayaa ) in si toos ah loola xiriiriyo ama se ba loogu nisbeeeyo (qofnimadiisa dhabta ah)— isaga laftirkiisa (Abwaan Hadraawi) .

[2] Waa tix ka mid ah heesta Hadraawi ee “Hooyo”.

gabadh heego dheeroo

hoobaan la moodoo

karti iyo hubqaadloo

quruxdana ka hodonoo…

Abwaan Cabdi-Qeys, Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Abwaaka Adduunka*) hees uu heesta Beledweyne ee Hadraawii kaga soohorjeeday ayaa waxa ka mid ahaa,

geed baaxad weynoo

la yidhaahdo baar baad

baaq* noogu sheegtee…

[3]  baaq: waa afgarad ku saleysan, sida suuldhabaale, iljebis, foori, sarbeeb, duurxul, sillansugan, dibirooti…iwm.; si aan wada caddeyn (dhammeystirneyn) wax wax kuugu sheegaya, tilmaamayo, faraya—gaadaha maansooyinka oo kale.

 * Sweden (12/05/2003): Madal ayaa lagu qabtay Jaaamacad ku taalla magaalada Lund. Madasha ayaa lagu soo gabagabeeyey tartan magaciisa uu ahaa “Xulka Abwaanka Caalamka ee Labaatankii Sano ee Tegay”. Boqol iyo konton gabay ( 150 ) oo laga soo uruuriyey adduunka oo idil, kuwaas oo loo celiyay shan luqadood. Maanso uu curiyey Abwaan Cabdi-Qeys, Cabdi Aadan Xaad, ayaa ku soo baxday Kaalintii Koowaad.

 F.G. Ereyda ku dhex yaal labada qaanso, aniga ayaa iska leh.

[4] Boqor Cali Yuusuf ayaa askartiisii amar ku siiyay in ay reer miyiga ka soo ururiyaan canshuur. Awooddii la siiyay ayay askartii na si xun ugu tagrifaleen. Waxa ay sidii ay doonaan ba iskaga qalqasheen geeli Soomaalida. Geelleydii ayaa beri ku tashatay, Suldaankii Hoobyood, in ay askartiisii uga soo cawdaan. Oday ayaa weydiiyay halka ay geelleydu ku sii jeedeen. Markii ay u sheegeen in ay ku socdeen xaggii Hobyo, ayuu odaygii yiri howraar ilaa beriga maanta ah la isugu maahmaaho:

“War geela, Hobyuu ka qalan yahay!"

La soco qeybo kale …

● Qormo: "Sidee Loo Akhrin Awaaltiris?"

 

"Sidee Loo Akhrin Awaaltiris?", qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku hoos suntan

 

 


Post date: 2016-01-18 15:28:55
Post date GMT: 2016-01-18 15:28:55
Post modified date: 2016-01-18 15:28:55
Post modified date GMT: 2016-01-18 15:28:55

Powered by [ Universal Post Manager ] plugin. MS Word saving format developed by gVectors Team www.gVectors.com