Home Curis Dambigaan ka galay Duniyadaan dhalay! Q1AAD W/Q: Sagal J. Maxamed ”Qarandoon...

Dambigaan ka galay Duniyadaan dhalay! Q1AAD W/Q: Sagal J. Maxamed ”Qarandoon Dhiirran”

0
SHARE

 

12666364_459241034286740_2068257011_n

 

 

 

 

 

 

 

 

Dambigaan ka galay Duniyadaan dhalay! Q1AAD 

 

Magacaygu waa Liibaan baa , waxaanan ka mid ahay bulshada ku nool magaalada Kismaayo. Magaaladani waxaan deganaa muddo dheer waana aniga iyo qoyskayga oo dhan,   annagoo wadajirna magaaladan waxaa igu soo maray waayo wanaagsan iyo kuwa xunba, qoyskayagu wuxuu ahaa mid farxad ku dhisan ka hor intaaney iga geeriyoon gacalisadeydii Anfac, hadda u hadda god gashay aadayna gurigeedii runta ahaana.

Anfac waxaa ilaahay na kala siiyey Lix carruur ah, Shan wiil iyo gabar keliya oo la yiraahdo Duniyo. Duniyo iyadaa ugu yar carruurtayda habarlada ah waxayna jirtaa Afar sanno, Aniga iyo ciyaalkeyga waa u darsanay oo tebnay maqnaanshaha Anfac, waa u xiisnay waana u boholyoowney, waxaana bannaan kaalintii wanaagsaneyd ee ay qoyska ku lahayd.

Anfac waxay noo ahayd lafdhabarta qoyska, waa hubaal la’aanteed waa abaar, qof dhigeeda ah ifka kuma aan arag haddii ay tahay qurux, diin, dabeecad, karti,iyo daris-wanaagba. Waxay ahayd udub-dhexaadka jiritaanka qoyskeena.Waa marag ma doon iney ahayd boqoraddii haweenka, xuurul-ceyntii ifka, Raaliyo I jecel bay ahayd Rabbi raali haka noqdo.

Waqti dheer ayaa waxaa ii suurageliweyday oo igu adkaatay innaan hilmaamo gacalisadeydii geeriyootay, murugo iyo tiiraanyo aan dhammaan baa qalbigeyda degay, arrin igu adag bay noqotey inaan rumeysto inaan halmar waayey ileyskii indhaheyga, wehelkii wadnaheyga, naxariistii nafteyda, dhaqtaraddii dhayeysay qalbigeyga, Barbaarisadii ubadkeyga, maataantii noloshayda iyo Hooyadii ilmahayga.

Waxay ahayd garabka kaliya oo aan ku tiirsanaa haddey tahay hiil iyo hoo, talo iyo tusaalo intaba, waxaannu ahayn lammaane is jecel oo isu ah walaal iyo waalid, dhib iyo dheefna wadaaga,waxaan noqday maqane jooge oo kale, waxaa iigu darneyd, xasuusta iga guuri weyday ahaa inaan maqlaayey codkeedii qurxanaa iyadoo kucelcelineyso magaceyga ”Liibaan iyo gacaliye”.

Mar allaale iyo markaan   xasuustaa dareemo ayaa naftu sahwi iyo salal ku dhici jirey, adduunka oodhamina wuxuu igu noqon jirey qol yar oo carriiri ah, yeermada codka afadeydii aan jeclaa ayaa qalbigaa i dhalaalin jirey waxaanan cod aan jirin iyo hawaawi been ah ayaa hammuun aan u qabo aan dhagaha u sii raaracin jirey, waxaan u haystaa dadku iney codkaas ila dareemayaan, balse, waa cod aniga iyo dhegahayga ku kooban, waxaan tebayaa weheshigeedii, waaceensigeedi, wadajirkeeni iyo weeraheedii wanaagsanaa ee aan maqalkooda dhegahayga maqalkooda u basaaseen laga soo bilaabo galbashadii Anfac, markaasaa waxaa igu soo dhacaya erayo macaana oo aan ku ammaani jirey markay nooleyd, waa heestii uu qaadi jirey alle haw naxariistee Hoobalkii caanka ahaa, Maxamed Mooge liibaan.

 

  • Marwadii haweenkaay
  • Mudantii la sheegee
  • Dadku wada majeertaye
  • Dumar lama maseeyee
  • Muxibbada kalgacalkaay

 

  • Laanyahay magooshee
  • Midhihiyo caleentiyo
  • Manka lagu talaalayee
  • Ubax lagu mariimaay.

 

  • Muddo aan yaraynbaan
  • Kugu soo maqnaayoo
  • Ma ogtahay habeennadan
  • Sida mayeyga roobkoo
  • Hadba maayad keenaad
  • Ii muuqataayoo
  • Mahadhada kalgacalkaan
  • Hadba soo mir kacayaa.

 

Markaan dhawaqii ii baxay waayo ee aan hareeraha ka eego, dhinac walba qooraansado, baala daymoodo, ayaan hoos isaga ooyaa anigoo naftayda hiifaya oo haaramaya dhab ahaantii ma jiro, erayo aan ku cabiri karo walaaca iyo walaahowga ila darsay.

Wuxuu arrin sidaa ahaadoba, mar qura ayaan caloosha xirtay, aniga oo dhiirrigalinaya nafteyda ayaan iskula hadlay erayadaan:

“Liibaan, nolosha waa qasab iney sii socoto, macaan iyo qaraar midkey doonto ha ahaatee” waxaan u istaagay ubadkeyga inaan si fiican koriyo, koriimo tan ugu wanaagsan, waxna baro si aan aayahooda u iftiimo, horumar iyo baraare na u gaaraan.

Waxaan kala awooda saaray inaan tebin hooyo la’aanta jiray oo aysan dareemaan rajo-nimo inkastoo hooyo kaalinteeda aanan buuxin karin. Waxaan aad u ilmeyn jiray markey i weydiiyaan, ”Aabbo, hooyo masoo laabaneyso miyaa?”

Warcelin ku haboon uma heli kareyn, waana yaryaraayeen, oo qaarkood ma dareemi karayn dhimashada iyo soo noqod la’aanta, waxaan ku maaweelin jiray sheeko xariiro ama waxyaalaha ay jecelyihiin ayaan hadiyad ahaan ugu siin jiray si lama-filaan.

Waqtigu wuxu isa soo guroba waxay gabarteydii Duniyo gashay sanadkii 8-aad, Dugsi-qur’aan iyo iskuul dugsi hoose ah ayey dhigataa. Sidoo kale wiilashii barbaar bay noqdeen, Qur’aanka waa ay dhammeeyeen, Alle ayey mahad idilkeed u sugnaatay. Waxay u fariisteen imtixaanka sanad-dugsiyeedka, D/ dhexe iyo D/ sare waxaana saf loogu jira, Fasallada 5aad 6aad, 7aad, 8aad, iyo fasalka koowaad dugsiga sare sidii loo kala weynaa, dhibco fiican ayeey keensadeen, abaal-gudyo qaali ah ayaan gudoonsiiyay. Aad baan u jeclaa uguna hanweynaa guusha ubadkeyga. Waxaan u ahaa saaxiib iyo la taliye gaar ah, hadba kii dhameeya, dugsiga dhexe, ayaan u diri jirey Kuleej.

Kuleej ah Dugsi-sare oo 4 sano ah. Tayada Kuleejka aad buu usarreeyaa haddii ay tahay xannaano, cunto, caafimaad, iyo tacliin intaba.Lacag tiro badan ayaan ku bixin jiray fasaxyada teeramka iyo Isbuuc kasta hal beri ayey joogi jireen guriga.

Duniyo iyo aniga ayaa ku soo harnay reerka, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan guursado Xaas aan ku nasto oo booskii Anfac buuxin karto, Duniyana hooyo u noqoto, oo ay xannaano,tabobar, iyo kalsooni u hesho xilliga guditaanka, qaan-gaarka iyo guurka Duniyo.

Waxaan billaabay is taagtaag iyo is toostoosin,innaan hadbo xirto naqshaddaha labiska ugu casrisan,barfuunnadana mid ba midka uu ka udgoon yahay isku buufsho si aan hagaas(rafaad) iyo dacdarro la iiga dareemin, una soo jiito indhaha dumarka aan xodxodanayo.Hawl aan yareen baa ii billaabatay,anigoo aan guriga ka bixin baaba wadna-kurkur ii billoowday, halkaan wax ka billaabi lahaa baan garan waayey, dhallinyaronimo iyo haasaawe waan illaaway, maba ihi ninkii         Shabeelnaagoodka ahaa.

Tillaabo markaan qaaday waxaa igu soo dhacday gabadheyda Duniyo, waxaana ii sawirmay ayadoo weynaatay, oo nin shukaansi doon ah u yimid. Waxaan ka walwala in la iiga fududaado illeen nin gabar dhalay walbahaar uma yaro oo sidii dhagdheer bey dhagta u taagantahay.Waxaan billaabay inaan wareysto ragga aan ku kalsoonahay, waana usheegay muraadka aan leeyahay.

Jiilkii aan la hanna qaaday markaan dhallinyarada ahaa ma aha, Suuqa-shukaansigana lama socdo, waayo, sida Teknoloojiyada ayey gabdhihiina u cusub yihiin. si aan u bartilmaameedsado waxa ay farta iigu fiiqeen, reer gabar 25 jir ah u joogto, waa gabadh jiir iyo jimaad dhisan oo waxaanba oran karaa waa goray haldhaaga gabdhihii loogu heesi jirey, waa gabar garasho iyo guurtinimo u dhalatey, waa gabar jaah iyo jamaalba rabbi isu jaangooyey,   habsamida iyo hubqaadkeeda, marka nin haasaawe taga, halacsado, hiigsigeeda ayuu hadaamo kala dhacayaa,   hortiiba isoo jiidatay, hadal inaan wadaagno ayaan u hawlgalay, Habeen ayaan kulaney, oo ragii hawsha ila waday, isu kaaya keeneen, wada hadalney, inkastoo, hamrasho iyo xishoodba na hareereeyey haddana kaftan gobeed oo gaaban baan googoosaney.

 

La soco qaybta 2aad

W/Q: Sagal Jaamac Maxamed ”Qarandoon Dhiirran”

SHARE