Home Curis Sheekadii SODDOHO Q.16aad. W/Q. Ahmed Hayow

Sheekadii SODDOHO Q.16aad. W/Q. Ahmed Hayow

0
SHARE

Aamina markuu gurigeeda geeyay, ayuu Daahir soo aaday suuqa, si uu u soo iibiyo darbaalo lagu daboolo alaabta guriga daashkiisa taala.Nasiib xumo wuxuu Qoryooleey yimid guriga Raxmo oo xiran, asagoo wax uu sameeyo garan la’ ayuu wiil deris la ah u sheegay in ay beerta aadeen, ka dibna wuxuu u tilmaamay beertooda halka ay ku taalo.

Meel fog ayuu ka aqoonsaday Raxmo oo yaanyo gureeysa, markuu gaariga ka soo degay oo u soo dhawaaday ayay Codweyn aragtay, markuu u yimid ayuu u sheegay sababta uu u soo laabatay, Codweyn ayaa ku tiri: “saaka inta aad naga soo tegin, ayay aheyd in aad noo sheegto alaabta aad keeneeyso, hadda howl ayaan ku jirnaa, suuragalna maaha in aan furaha kuu dhiibo ama alaabta kaa reebno, sababta oo ah culeyskeeda ma qaadi karno” intay aamustay oo labada dhinac fiirisay ayay tiri: “wax aan suubiyo ma aqaan, saxaaradaha yaanyada haddii aanan buuxinin, ma helaayo gaari iga qaada, caawana halkaan ugama hoyan karo, dad wareersan ayaa tihiin, waxaana idinka waalan dadka wax idinkala dhexeeyaan”.

Daahir ayaa yiri: “hooyo, anigaa idiin qaadaayo yaanyada oo idinla guraayo” Codweyn ayaa tiri: “naga tag, baabuurkaaga yaanyadaan ma qaadee, alaabtaada cesho ee berri keen”.

Raxmo oo ag taagneyd ayaa tiri: “hooyo, adiga guriga u raac, ka dibna haku soo celiyo Daahir, inta aad maqan tahayna, anigaa yaanyada sii guraayo” Codweyn waa qofka kali ah ee og meesha yaanyada laga guraayo iyo meesha aan la taabaneyn maanta, sidaa daraadeed waxay ogolaatay in ay Raxmo guriga u raacdo.

Markay soo bexeen ayay Raxmo tiri: “waxaan ku farxay sida aad hooyo u dhegeysatay, waxaadna u egtahay qof dabeecadeeda soo fahmaayo in aad tahay, haddii aad dhegeysato, waxaa dhici karta in aad fahamto, waxa ay u dan leedahay, markaana waxaa kuu sahlanaanaaya jawaabta aad siineeyso” ka dib waxay weydiisay: “ma ogtahay waxa dhici lahaa haddii aad hadalka ka dhex geli laheyd? way xanaaqi laheyd, sababta oo ah khaladka in aad adiga leedahay ayay aaminsaneyd”.

Daahir ayaa yiri: “waan ogaa in aan khaladka leeyahay, waayoo saacado ka hor ayay noo sheegtay howsha u taalo iyo in aan ogeysiis la’aan iska imaanin” Raxmo ayaa tiri: “hooyadeey sahal iskuma dhiibto, haddii ay ku aaminto oo ay isu kaa dhiibtana, wax kaa hor keeni kara ma jiro, maanta ayadoo careysan ayay si caadi ah kuula hadashay, hana u qaadan in ay bannaanka kaaga xishootay, waxaadna ogaataa hooyadeey weli ma dhawa” intay aamustay ayay ku sii dartay: “adkeysi badan ayay u baahan tahay iyo barasho hor leh” Daahir ayaa yiri: “adiga inta aad ila jirto, wax igu adkaanaaya ma jiro” dersigaas Daahir wax weyn ayuu ku fahmay.

Howshi marki ay soo dhammeeyeen ayuu Raxmo ku soo celiyay beerta.

Daahir reerkooda ayuu u sheegay alaabta iyo sababta qaarkeed loo dhigay deyrka guriga, dood badan ka dibna hooyo Barni way iska aamustay.

Laba maalmood ka dib ayaa reer Codweyn loo sheegay wakhtiga uu ku aadan yahay arooska, wayna aqbashay hooyo Codweyn, laakiin waxay diiday in xoolo la qalo, dahabkina waxay ka reebtay hal isku joog iyo suun, inta kalana way soo celisay, waxay tiri: “boodbood badan ma jiro, saacad ka badana looma baahna, sidaa daraadeed cabitaan iyo xalwo ayaa nagu filan” dalabkeedana waa laga yeelay.

Maalinta ka horeeysay arooska, ayuu Daahir wuxuu hooyadiis ka codsaday, in ay Codweyn ku tiraahdo: (raali noqo, aanna is cafino) ugu dambeyn way u suuragashay in ay ogolaato.

Habeenki nikaaxa iyo aqalgalka ayaa la isugu yimid, maadaama uu Daahir ka soo baxay shuruudihi, Codweyn way ogolaatay inuu Sheekh Cusmaan nikaaxiyo, in kastoo lagu sigtay in qiimaha meherka lagu murmo, oo haddii uu Daahir dood la’aan ogolaan laheyn lagu kala tegi lahaa.

Raxmo waxaa lagu nikaaxiyay Daahir, waxaana u alalaasay Aamina, Baariis iyo Baarliin, labada hooyana hoosta ayay iska fiirsanaayeen, wax yar ka dibna waxaa la yiri: (aroos laguma raago, lagamana raago) waana lagu kala yaacay.

Reer Xaaji Cabdi waxay wiilkooda uga soo tageen Qoryooleey, caawana waxay u noqotay habeenki ugu horeeyay ee uu ka xirado, maqnaantaas oo aan la ogeyn inta ay qaadan doonto.

Raxmo marki qolkeeda la geeyay oo ay bexeen dadki ugu dambeeyay, ayay hooyo Codweyn bannaanka fiirisay, waxay aragtay baabuurti oo dhan inay bexeen iyo mooto meesha looga tegay, intay u soo gashay Daahir iyo Raxmo ayay weydiisay: “mootada yaa leh?” Daahir ayaa yiri: “hooyo waa mootadeeydi aan ku shaqa tegi lahaa”.

Codweyn madaxaa lagu dhuftay, waxay tiri: “waa u maleeynaayay in aan siranahay” waxay Raxmo ku tiri: “ka soo bax qolka oo sariirta aad seexan jirtay seexo” Daahir ayaa yiri: “hooyo maxaa dhacay?” Codweyn oo qeylineyso ayaa tiri: “in aad naga caqli badan tihiin iyo in kale hadda ayaa la kala ogaanaa ee qolka ka soo baxa”.

Codweyn oo ka hadleysa waxa dhacay ayaa tiri: “inti muraadka nalaga lahaa, waxaa naloogu imaanaayay Land cruiser, hadda marki la helay muraadkana waxaa lala yimid mooto, qolka iiga soo bax ayaan ku iri”.

Waxay gacanta ka qabsatay Raxmo oo ay qolkeeda la aaday, waxayna ku tiri: “ogolaanshahaaga kuguma siininoo Daahir?” Raxmo ayaa tiri: “haa” Codweyn ayaa tiri: “inta aan ka ogolaado naag u noqon meysid, ma garatay” Raxmo ayaa tiri: “haa”.

Intay qolka ka soo baxday oo kal soo qaadatay ayay mootadi ku buusbuustay, ka dibna dhinac ayay u tuurtay.

Waxay u timid Daahir oo taagan albaabka qolkiisa, wayna soo qunfushay labadi qol, asagana waxay ku tiri: “waan ogahay in aad ku heshiiseen, in islaanta gabdhooleeyda ah aad beerta ka dhaxashaan iyo in aad soo maqasheen magaca beerteena BARWAAQO iyo inuu sabuulkeedu mataaneeyo, geedkeeda cambaha ahna aanu jirin geed miro ku gaara”.

Codweyn intay madaxa lulushay ayay ku shallaaysay: “maxaan u fahmi waayay sababta aad wax kasta u ogolaaneeyseen, ma jirin reer aan u galay sida aan idiin galay, laakiin iguma soo dhicin sir in aad wadataan”.

Daahir lama hadlin, in kastoo ay tahay marki horeeysay uu ka xanaaqo.

Raxmo marki ay ka wadatay, oo ay mootada ka jejebisay ayuu ku sigtay inuu xiriirka u jaro, laakiin hadda waa’ cusub ayaa u baryay, markuu ogaaday fekerka ay Codweyn ka qabto reerkiisa.

Waxaana ugu darneyd markay Codweyn u yeertay Raxmo oo ay ku tiri: “Raxmo waa kan ninki aad dooratay, mana aha mid aan noloshiina ku aamini karo, waxaan rabay in aan kuu guuriyo nin xoolihiina idiin xafido, oo aan hantida idiinkugu dhiibo, laakiin reerkaan waa reer in ay idin dhacaan u yimid, oo khayaano nagu soo galay ee madaxaaga ka qaado, anigoo ku maqlaayana weydiiso”.

Codweyn waa runteed, waxay rabtay ninka Raxmo in ay reerka ku ogaato, hantida oo dhanna asaga ku wareejiso, waayoo waxay ogtahay inuu ninka Aamina baabi’inaayo xoolaha, laakiin haddii ay Raxmo u hesho nin ayada oo kale ah, waxay aaminsaneyd in ay walaalaheed madax ogaaneyso, gaar ahaan Raaxo yar.

 

La soco. ……….17aad.

SHARE