Xamaroow Khayaarkaa! W/D: Cabdinaasir Xersi Iidle

Cabdinaasir-Xirsi-Iidle

Xamaroow Khayaarkaa!

Akhriste Hadaad Xamar tiqiin, Xamar Xamarkaad tiqiin ma ahan,  hadaad og tahay iyo hadii kaleba Xamar waxa uu ahaa Magaalo si wayn laysugu soo dhoweeyo, oo si wanagsan laysu sooro, Xamar waxa uu ahaa Miskiin koriye, oo waxaan Xasuustaa hada dhow 2006-dii Wiil iyo Aabihiis oo Maqaayada kuwada Quraacda laba kun oo Shilin, oo Maanta waxay gasho iyo waxay Guddo lawada ogyahay. Xamar waxa uu ahaa meel ku Wanaagsan Ganacsiga oo waxaa ku Bulaalay oo ku Xoolaystay Dadkii Dunta iyo Cirbada ku iibin jirey, waxaa ku hantiyeystay kuwii lawska iyo Sisinta, waxaa Ganacsiga Maqaam fiican ka gaaray Dadkii ku ganacsan jirey Barduurada Kawaanka iyo kuwii Balbala-wayn, Alaylahe yaanan ka reebin kuwii Kabaha ku casayn jirey afafaafka hore ee Shineemooyinkii Super, Banadir Iyo Xamar.

Magaalda Xamar tan iyo Burburkii Dowladii Dhexe ee Soomaaliya waxay ku caan baxday Dilal, Bililiqo, Dhac, Barakac, Afduub, Kufsi iyo Xadgudub aan xad lahayn, markii ay soo baxeen Midowgii Maxkamadaha Islaamka waxay dad badani u arkayeen iney wax waliba soo Hagaagayaan, waa gartood oo waxay arkeen Xamar oo Maalin walba Dilal kala duwani ka dhici jireen oo hal Bil Gudaheed uu ka dhacay hal Dil oo kama’ ah, kalsoonidii taas ku xigtay waxa la helay markii ay gacanta Magaaladu ku dhacday markii ugu hoaysay tan iyo burburkii Soomaaliya hal Maamul oo ah Dowlada Rasmiga ah ee Federaalka Soomaaliya, xamaroow Khayaarkaa!

Xamaroow Khayaarkaa waa kelmad halhays u ahaan jirtay marka ay Magaalada ka dhacaan wax lala yaabo laakiin Maanata xaalku saas ma ahan oo waxyaabaha aan caadiga ahayn ee ka dhacaahi waxay noqdeen wax nolosha ka mid ah.  Horta maanta marti la soo dhoweeyo haba sheegin, Tusaale maanta markay marti kuu timaado talaabada ugu horaysa ee la qaadayaahi  waa in martida la baaro, Yaab! oo maxaa laga baarayaa? waxaa dhamaaday is aaminkii oo maxaa dhacay? waxay reer Muqdisho barteen Maahmaayooyinkii reer Galbeedka oo waxay ku leeyihiin in lays aamino waxaa ka wanaagsan in aan lays aaminin.. waa yaab kale.

Marka laga yimaado Martida Xamar hadaad Maqaayad ama Biibito u doonato Shaah waxaa la yaab leh oo lagu waydiinayaa halka aad u socoto, markaad tiraahdo waxaa rabaa inaan Shaah cabo, waxaad u diyaargaroobaysaa in lagu baaro, waxaa la mid ah Xarumaha Caafimadka, Waxbarashada, Hoteelada iyo Meelaha lagu qaxweeyo oo ay dadka Miisaanka lahi  isugu yimaadaan, iskaba daa akhriste Wasaaradaha Xukuumada iyo Xarumaha Ciidamada kuwaas waxaaba u sii dheer in lagu waydiiyo cidda aad ka rabto markaad tiraahdo Hebel ama hebla, waxaa lagu leeyahay  Telfoon dirso, marka lagu aqbalo kadib ayaad u diyaargaroobaysa in lagu baaro.. waa cajiib!!

Arinta ugu yaabka badan ee iga keentay Ciwaanka Maqaalkayga ee ah Xamaroow Khayaarkaa ayaa waxay tahay Qisadan… Maalintii Jimcaha markaan ka soo baxay Salaadii jimcaha ayaa waxan soo hor maray mid ka mid ah Hoteelada ku yaala Magaalda Xamar, waxaa ku Xoonsaaa tiro dad ah, wax lagu yaqaanana ma ahan Xamar in meel noocaas ah lagu Xoonsanado, waxaan waydiiyey waxa meesha ka dhacay nin ka soo quustay in uu gudaha u galo Hodheelka oo aan faraxsanayn, waxaana uu yiri “Waardiyaha ayaa ii diidey oo waxay igu yiraahdeen nin aan Casumaad (Invitation) wadan ma gelayo, waan ku Xanaaqay waana isaga soo tegey”  waxaan waydiiyey Casumada lagu xiray iney ahayd mid Aroos iyo in kale, intuu qoslay ayaa waxa uu yiri “ Aroos aa!! Makaasaan waqti ku lumin lahaa Maanta oo Ramadaan ah”  waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri  “Waxaa Hoteelka ka socota Muxadaro lagu Canbaaraynayo loogana soo horjeeda Yuhuuddu Xasuuqa ay ka wada Surinka Qaza oo ay ku nool yihiin in ku dhow 2 Milyuun oo qof oo layska Gumaadayo, runtii waa arin loo baahnaa in laga  dhiidhiyo oo laga wada qayb qaato Saqiir iyo kabiir, laakiin nasib daro kama aanan qayb qaadan”.

Waxaa dhici jirtay in Banaanbaxyada iyo Muxaadarooyinka noocaas oo kale ah lagu qaban jirey fagaarayaasha iyo Masjidyada waawayn waxaana intaas dheeraa in qof walba uu xor u ahaan jirey waxa uu wato haday ahaan lahad Bakoortiisa, Budkiisa ama Tooraydiisa, marka Xamaroow Khayaarkaa!

Dhinaca kale Xamar Maalmaha waxaa ku soo cusboonaaday Dilal Qorhaysan oo ka duwan kuwii hore oo maxay yihiin? waa in Dharaar cad lagu dilo 2 Xildhibaan oo weliba loo dilo sidii iyadoo filim Agenti ah la jilayo Xudunta magaalada oo inta Baabuurkoodii Baabuur kale lala simo Rasaas Darandoori looga dhigo, oo hadana aanay Ciidamada Amaanka qaabilsani si deg-deg ah u soo gaarin goobta ay Mashaqadu ka dhacdo.  Waxaana  hadda Magaalada Xamar ku soo laabtay oo Amaan darida qayb wayn ka qaata oo aanay Madaxda Ciidamadu ku Baraarugsanayn Rasaasta ka dhacaysa Gawaarida Tiknikada oo ay Jidka ku furtaan marka socodka Gaadiidku ku bato Wadooyinka qaar, taasoo Anfariir ku rida dadka qaybihiisa kala duwan gaar ahaan Dumarka iyo Caruurta, Si kastaba akhristow isku soo wada xoori waa inaan soo cusboonaysiinaa Xamaroow Khiyaarkaa!!!!!!!!

W/D: Cabdinaasir Xirsi Iidle

E-Mail naasirx1@hotmail.com

00252615503978

SHEEKOOYIN