Taariikhdii Jankis Khaan. Q.8-9aad. W/Q. Ahmed Hayow

Isbarbardhiga Mongolia Qarnigii 12aad iyo Soomaaliya Qarniga 21aad. Taariikhdii Jankis Khaan(1162-1227).

Markii ay reer Miyaarki la soo laabteen guushi ay sugaayeen muddadi 20ka sano aheyd, guushaas oo ay ku taamaayeen in ay maalin ka aargudan doonaan Yasogaay dhibaatadi uu u geestay Shaleedo, ayuu Zacuumkoodu amray wiilkiisa Hodoo inuu xaaski Yasogaay naag uga dhigo, xaaska Tiimojeena uu xaas uga dhigo Shaligaar, kadibna wuxuu 100 jeer ku dhaartay inuu cadaabi doono awlaada Yasogaay, weliba Tiimojeen uu madaxa ka goyndoono.

Adeegto Howayshing wuxuu amray in la dilo, laakiin Shaligaar oo ka caga jiiday Borte, isagoo ka baqaayo in ay aano dambe uga timaado reer Yasogaay, ayaa codsaday in Howayshing isaga la siiyo, laakiin Zaciim Tohitowaa ayaa intuu ku qoslay wuxuu ku yiri: “ma laangaabnimada ayaad u dooratay Howayshing, waryaa walaalkaa ugu aar Borte oo u dhiganta Kaarlinti laga dhacay” habeenkaas feesto aan yareyn oo waaga ugu baryay ayay  qabsadeen reer Miyaarki, halka reer Yasogaay ay muruqo uga jireen.

 

Kaarlin waxay qof u dirtay dhulka Qabiilka Keli, si ay ugu geeyaan akhbaarta xun, isla markiiba waxaa yimaadeen Tiimojeen iyo walaalihii, waxayna ugu yimaadeen dadkii ka soo qaxay degaankoodi oo hoos jooga Buurta Burhaan, halkaas ayuu Tiimojeen ku dhaartay isagoo qaaday dagaalki ugu horeeyay iyadoo ay Hooyadiis ku leedahay: “Tiimojeen ciidanku waa kugu yaryihiin” taasina waxay keentay markii uu weerarka ku qaaday degaanki Miyaarki oo aad uga tira badnaa inay dib uga soo cararaan, kadib markii ciidamadiisa qaar laga dilay qaarna laga dhaawacay, waloow ay in badan laayeen haddana lama gaarin guushi loo socday oo aheyd in Borte iyo labada naag ee kale laga soo furto gacanta Qabiilka Miyaarki.

 

Markii uu ku soo laabtay degaankoodi isagoo niyad jabsan, ayay Hooyo Kaarlin ku tiri: “wiilkeeygi ciidanku waa kugu yar yihiin, sida aan horaba kuugu sheegay, sidaana Borte kuma soo badbaadineeysid ee kaalmo raadso” Tiimojeen wuxuu bilaabay Istaraatiijiyo dad aruursi ah, wuxuuna u diray wefdi uu hogaaminaayo walaalkiis Hazaar Qabiilka Keli, oo uu Khan Toliin hore uga ballan qaaday inuu kaalmeyn doono, haddii uu kaalmo uga baahdo,  sidii laga filaayay ayuu kala kulay Hazaar, kadib markii uu Khan Toliin ugu yaboohay ciidamo 10,000 gaaraaya, uuna ku amray in ay u diyaariyaan walaalkiis iyo wiilkiisa oo kala ah Zahigambuu iyo Shankuun, ciidamaas oo diyaar ku noqonaaya wakhtiga ballanta Buurta Burhaan leysugu imaanaayo, islamarkaana Tiimoojeen ka amarqaadanaaya.

 

Tiimojeen iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa aaday Qabiilka Zaadalambuuda oo uu Zaciimka u yahay walaalkii Zamuhaa oo ah Wiilki ay walaaloobeen, Zamuhaana wuxuu u sheegay inuu ugu yaboohaayo ciidan 10,000 ka badan, Tiimojeen waxaa meeshaas lagu baray Zamuhaa walaalkiis Ditaar iyo ina Adeerkiis ahna Lataliyihiisa gaarka ah Horshe.

Zamuhaa waa nin xeeladaha dagaalka aad looga dambeeyo.

 

Kadib waxay u yimaadeen Adeerkiis Maglika oo ahaa kii ugu dambeeyay ee ka soo guura waagii ay yaraayeen, Maglika wuxuu Tiimojeen dhahaa (Aabe Maglika) walaatinimada ka sokoowna, wuxuu ahaa saaxiibadi Aabihii Yasogaay, wuuna uga fiicnaa Adeerkiis Dalitaay oo aan xitaa gadaal u soo fiirin marki uu ka guuray.

Maglika wuxuu Tiimojeen baray wiilashiisa Kookooshoo, Sushitaay iyo Alitaay, wuxuuna ugu yaboohay ciidan 2000 gaaraaya, laakiin waxay ka codsadeen inuu ka leexdo Zamuhaa oo ay yiraahdeen waa laangaab mana aha in aad adigoo laandheer ah wax uga baahato.

 

Adeer Maglika oo ah nin fiiro dheer leh, wuxuu ka shakiyay inuu Zamuhaa Awrka ku kacsado Tiimojeen oo maanta u baahan cid walba oo ka kaalmeeyneeysa Dagaalka lagu soo furanaayo Dumarka ay ka haystaan Xoogaga aan loo babacdhigi karin ee Miyaarki, ciidankaas oo uu Tiimojeen shartooda soo arkay, waloow uu ahaa dagaalkiisi ugu horeeyay ee uu Ciidan ahaan u qaado, haddana cabsi ayaa gashay iyo waaya’aragnimo la’aan xagga kaartada dagaalka ah.

 

Waxaa u soo guuray dadkii Kiyaan oo goor hore ka guuray, ayagoo ka cudurdaaranaaya khaladki ay waagaas galeen, Qabiiladi Tayshuu iyo Zorki, Wangutangi iyo reer Berjin oo raxan raxan u socda ayaa u yimaadeen,Tiimojeena waa ka wada cafiyay wax yaabihi hore, waxaana ugu farxad badnaa markii uu walaalkii Hoshaar u sheegay inuu soo socdo Adeer Dalitaay, oo ay si degdeg ah uga hortageen isaga iyo Hooyadiis oo weydiisay walaalkoodi ka weynaa.

Dalitaay wuxuu u sheegay inuu u dhintay xanuun 6 bilood haayay iyo inuu kula soo dardaarmay in ay shacbiga reer Kiyaan midoobaan si ay wax ugu qabtaan Caa’ilada Borsijiin, Dalitaay wuxuu yiri: “wuxuu iga dalbaday in aan wiilkiisa Hushaar idiin soo celiyo oo uu idinla joogo, reerahana mardambe aanay kala tegin”.

 

Sakabiiki Hooyadiis ayaa ku talisay in ay reerka u raraan Buurta Burhaan, ka dib markii ay wax badan ka doodeen, in ay foolxumo u tahay in ay Tiimojeen iyo Hooyadiis ay dib ugu laabtaan, ayay Sakabiiki Hooyadiis waxay tiri: “waxaan dheheeynaa waxaan soo maqalay dhibka kugu dhacday, waxaana u nimid in aan ku kaalmeyno” taas ayaa leysku raacay oo ay ugu soo guureen dhanka buurta burhaan, laakiin markii ay u soo dhawaadeen ayay Hooyo Alizaan ku amartay in halkaas la joogsado, waxayna ku talisay in cid loo diro Tiimojeen iyo Hooyadiis oo ay inta ku qaabilaan, qofka loo diraayana uu u sheegaa sababta aan u nimid, haddii kale oo aan ka kordhacno, waxaa loo qaadanaa bay tiri in aan isasoo dhiibnay, inti uu ku maqnaa ninka ergo ahaanta loo diray oo ahaa Qabiilka Taayshuu, ayay wiilkeeda u sheegtay in ay yihiin dhashii Ibolik Khan Zorki, oo ay saldanada iyagu xaq u leeyihiin, sidaa daraadeed inuu wiilkeedu ku dadaalo inuu Qabiilada meesha isugu imaanaayo u dhawaado, si uu isagu u noqdo Khanka Maguul, haddii kale bay tiri, waxaa noqonaayo Tiimojeen oo ay raalli ka aheyn, waxaa kale oo ay wiilkeeda hoosta uga sheegtay, inuu Magwaali oo fikradihiisa ka soo horjeeda, ciidankiisana ka mid ah ama uu amaradiisa Adeeco ama uu Dilo.

 

9.

Markii ay soo aadaayeen Tiimojeen iyo Hooyo Kaarlin Qabiilka Zorki, waxaa arrintaas ka biyo diiday walaalihiis Hazaar iyo Biligotaay oo yiri: “dhibka ay noogeysteen, reer kale oo noo geystay majiro” Kaarlin ayaa tiri: “qof aan dhib noo geysan majiro, haddaba kulugood ma ka wada gudsanaa?” Tiimojeen ayaa u raaciyay: “haddii ay dhib noo geysteen, maantana noo soo noqdeen, waa in aan si xamaasadeysan u soo dhaweeynaa Qabiilada reer Maguul, si aan uga guuleeysano cadowgeena Tataar oo dilay Waalidkeen iyo in ay maanta nagu kaalmeeyaan, in aan ka guuleeysano Qabiilka Miyaarki, waayoo xoog kastaa oo noo soo kordhaa waa tiro noo soo korodhay” sidaas ayay ku qanceen Tiimojeen walaalihiis.

 

Sanadii 1182kii Ciidamada Tiimojeen, Zamuhaa, Khan Toliin iyo Qabiilada kale, waxay u midoobeen in ay la dagaalamaan Qabiilka Miyaarki, waxaana hogaamiyaha Isbaheesatada loo doortay Zamuhaa oo loo igmaday inuu kaartada dagaalka dejiyo.

Zamuhaa wuxuu yiri: “Ciidamada isbaheysatada waxay ka kooban yihiin 60,000kun, oo kala ah Qabiilka Keli oo 10,000kun ah, Qabiilka Kiyaan oo 10,000kun ah, Zaadalambuu tiradu waa 40,000kun, waxaan ognahay in Qabiilka Miyaarki ay degan yihiin meel ku dhow Webiga Kaselyang, sidaa daraadeed, laba dariiq ayaa halkaas lagu tegi karaa, midkood wuxuu ka baxaa Buurta Burhaan, wuxuuna abaaraa Webega Kuulaa, midka kalana wuxuu ka baxaa waqooyi galbeed, wuxuuna abaaraa Webiga Kilyuu, dariiqa kowaad ayaa dhow, waayoo meel kale mamareeyno, kan labaadna waa dheeryahay oo Hal Webi ayaana mareeynaa, laakiin waxaan rabnaa in aan ku qaadno dagaal kedis ah, sidaa daraadeed, aniga waxaan dalbanaa dariiqa labaad, idinkana aan arko fekerkiina?” waxaa leysku raacay tii Zamuhaa yiri.

 

Socod dheer ka dib, waxaa weerar lagu qaaday Miyaarki oo cagta la mariyay, wixii baxsaday maahee intii kale oo qaar nolol lagu qabtay,Tiimojeen iyo Biligotaay waxay naadiyeen Borte iyo Biligotaay Hooyadiis oo marki ay naadada wiilkeeda ka maqashay Teendhada Hitaay ceeb daraadeed isu dishay, Hitaay oo ku jiray dadka la qabtay ayay Borte u sheegtay Biligutaay in ay Hooyadiis ninkaas la joogtay, asagana markii uu soo arkay meydki Hooyadiis ayuu Hitaay bartii ku dilay.

 

Markii la soo bililiqeystay Miyaarki, ayay isbaheeysatadii iyagoo guul sida ka soo dhaqaaqeen, waana guushii ugu horeeysay ee uu Tiimojeen gaaro, taasoo uu waaya’aragnimo iyo sumcad fiican kaga helay reer Maguul.

Habeenkii ayay meeldhexe seexdeen, habeenkaasna Borte waxaa qabatay Fool, Hooyo Kaarlin iyo Adeegto Howayshing ayaa isu diyaariyeen in ay Fooliyaan oo ka dhaliyaan Borte oo ugub aheyd, shaki arrintaa ku saabsan dartii ayuu Zamuhaa weydiiyay Tiimojeen: “Borte madhashay?” Tiimojeen ayaa u sheegay in ay weli dhalin, Zamuhaa ayaa u raaciyay: “dhalmadeeda aan caadiga aheyn wuxuu kuu kordhinaa nasiib badan” hadalkaa wuxuu ula jeedo ayuu weydiiyay Tiimojeen asagoo la yaaban, Zamuhaa ayaa u sharaxay: “hadalkeeyga si fiican u dhegeeyso, annigu waxaan ahay Zadalaan, waxaa i dhashay naag la soo dhacay, taariikhdaas oo ay dadku noogu fiiriyaan si kala duwan”.

Tiimojeen wuxuu ku andacooday in ay Borte cunigiisa sido, laakiin Zamuhaa ayaa weydiiyay: “goorta laboobay Borte, muddo sagaal bilood ah miyaa ka soo wareegatay?” Tiimojeen oo yaaban ayaa yiri: “miyaaney ku dhali karin 10 bilood?” Zamuhaa ayaa hadalkii ugu soo gabagabeeyay: “miyaanay wakhtigeeda ka hor cabsi ama safarka aawgii u dhali karin?!!!” hadaladaasi waxay Tiimojeen ku abuureen shaki naftiisa wehel u noqon kara inta uu nool yahay, wuxuuna galay Teendhadi lagu Foolinaayay Borte oo uu gacanta ka qabtay iyadoo uu xanuun haayo, hooyo Kaarlin ayaa ku tiri: “Tiimojeen bannaanka u bax” laakiin Borte ayaa gacanta uga dhegtay, markaas ayuu yiri: “wiilka aad dhasho wuxuu ku dhashay dhib iyo shido, marka waxaa loo bixinaa Juuji” Borte oo ka xumaatay magaca ayaa tiri: “maxaad ugu bixinee wiilkaaga curadka ah Juuji?” Tiimojeen inuu baxo ayaa mar kale laga dalbaday, laakiin xanaaq haaya darteed intuu soo dhaqaaqay ayuu Howayshing weydiistay in ay bannaanka ugu timaado, markay u timid wuxuu weydiiyay su’aal ay jawaab aanuu maleeysaneeynin ka siisay, kadibna waxaa soo baxday Hooyadiis oo Howayshing u dirtay Borte si ay uga umiliso.

Hooyo Kaarlin waxay wiilkeeda u sheegtay inuu isagu dhalay wiilka, oo ay walac yar aheyd markii Borte la boobay, Tiimojeen wuxuu ku dooday: “maxaad goor hore iigu sheegi wayday” laakiin hooyadiis waxay ku qancisay in ay diideeysay in ay degdeg geliso, markaana su’aal ka yaabisay ayay wiiydiisay: “Tiimojeen sidee aniga ii aragtaa? maaha ka Hooyo ahaan, balse ka naag ahaan?” wuxuu ugu jawaabay: “adigu waxaad tahay Hooyadeey waxaadna tahay tan naagaha oo dhan ugu sidata” waxay tiri: “runtaa miyaa?” Tiimojeen ayaa yiri: “adiga ayaan kugu dhaaranaa” markaas ayay warki ku soo koobtay: “waxaan ahay tii uu Aabahaa soo boobay oo adiga kugu curatay” hadalkaas oo siyaabo badan loo fahmi karo oo ah iyada uun in ay ogaan karto inuu yahay wiilka Yasogaay iyo wiil horgal ah uu dhalay Shaleedihi la dilay, waxayna ugu soo gabagabeeysay: “Borte waa ku jeceshahay ee haku soo qaadin nimanki Miyaarki iyo sheekadooda”.

 

Zebi oo ka mid ah ilaaladiisa oo markaas u yimid Tiimojeen, ayaa kula taliyay xitaa haddii aanu Juuji wiilkiisa aheyn inuu u korisado sidi waraabe xoog badan, ee aanu ka noqon waraabe ka soo horjeeda.

 

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN