Hayb iyo Kalgacal Q2AAD W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

 

quotescover-JPG-19

Hayb iyo Kalgacal Q2AAD.

Guuleed wuxuu wax la qabaa dareenka bulshada oo markaas u arka isha keliya ee wax ku soo geli karaa siiyaalka iyo timaadada inay tahay, barashada Afka Ingiriisida iyo Afafka kale ee reer Galbeedka.

Guuleed wuxuu maalintii noloshiisa u qaybiyey Saddex qaybood, wuxuu subixii tagaa iskoolka, Galabtiina wuxuu agaasimi jirey koox kubadda cagta ah, oo uu isagu aas aasay hormuudna ka ahaa, kooxdaasoo ahayd, koox dhallinyaro isugu jirta, da’da 15- 20 jiro, ahaydna kooxaha ugu cadcad ee xaafadaha Dharkeynley iyo Wadajir.

Sanadku markuu ahaa 2002 oo ah isla sanadkii uu u wareegay, Dugsiga AL MAZAL ayuu wuxuu ku bartey arday badan oo ay saaxiibo noqdeen, maadaama uusan deganayn degmada Waaberi ee uu subax walba ka soo aadi jirey degmada Dharkeynley, iyadoo xiliyada qaar dagaal sokeeye socdo, jidadkana kala xiran yihiin, haddana marnaba ma baajin taasi mana hammi jebin yoolka Guuleed.

Guuleed wuxuu waagii beryaba marka laga reebo, maalmaha fasaxa ah ee la fadhiyo wuxuu raaci jirey gaadiidka dadweynaha oo iyaga laftoodu halistaa dhex mari jirey, haddaba Guuleed oo maalin walba laga rabo inuu helo, lacag dhan 4000 Shilin oo ku maareeyo baabuur raaciisa sii socod iyo soo socod, ayaa wuxuu dhibsaday inuu aroor walba inuu waalidka is hortaago, oo weydiisto baabuur raac.

Kadib wuxuu la yimid aragti iyo maangal cusub oo uu ku maareeyo baabuur raaca ugana maarmo weydiintii hooyadii iyo aabbihii, Guuleed Hooyadii iyo Aabbihii uma aysan arkayn dhib iney ka baxshaan baabuur raaca waayo dugsiga uu dhigtaaba waa lacag, balse, Guuleed ayaa ah nin inta badan jeclaa inuu isku filnaado ama wuxuun ka baajiyo qarashka qoyska oo uu la socday iyo xaalka waalidkiis.

Guuleed oo arrintaasi dhib ku haysay, ayaa haddana waxaa u raacay isaga iyo ardayda kale ee dugsigaas dhigata kana tagta degmooyinka, Dharkeynley iyo Wadajir, inay mararka qaarkood la kulmi jireen, dhibaatooyin iyo tacadiyo uga imanayey Maleeshiyaadkii kala haystay deegaamada ay dhex marayaan.

Guuleed iyo arday kale ayaa in badan ku dhacdey inay dib usoo dhacaan ama daahaan waqtigii Dugsiga loogu talo galay oo ah, 8:00 Arroornimo, waxaana sababi jirey ismaandhaafka gaadiidleyda iyo Maleeshiyaadka, sidoo kale waxaa dhici jirtey in maleeshiyaadku xiliyada colaadaha baadhaan Gaadiidka dadka kala degaan oo halkaas lagu mashquulo oo dib u dhac iyo dhibaatoba ka timaado.

Haddaba Guuleed ayaa   wuxuu hindisay inuu ardeyda kala sheekaysto, siday uga bixi lahaayeen dhibkaan dhinaca waqtiga ah, waxaa arrintaas ku taageeray saaxiibo badan oo uu ka mid ahaa Diini, waxaana galabtii dambe ballamay, arday tobaneeyo ah oo isu dhawaa, ka dib ayaa Guuleed keenay Xal ah inay baabuur u gaar ah, helaan subax walba 7:00 si aysan u daahin, arrintaas ayaa loo wada bogay waana laysku raacay waxaana loo xil saaray Guuleed inuu raadiyo.

Guuleed meel kuma ogeyn gaari balse, markuu muddo maskaxda tuujiyey ayuu soo xasuustay Oday deriskooda ah oo leh BASAS u shaqeeya xaafaddo kale oo aan aadin dhankooda mar mar maahine, Odaygu waa Oday caanna ah oo xitaa Maleeshiyaadku aanay xoolihiisa qashqashaadin, ka dibna wuxuu Guuleed go’aanka ku duugey inuu u tago arrintana kala hadlo wuxuu kala kulmana ku cad goosto.

Guuleedyare waa nin jecel ka midho dhallinta aragtida iyo waxaa maankiisa ka guuxaya, mana aha dadka hamrada ama dib u gurta ee quusta iyo filasho xumada hareerayso, Guuleed wuxuu u dhiila dhaansaday inuu hor fadhiisto Oday Sabriye oo ahaa ninka leh gaadiidka uu doonayo inuu kala hadlo.Goor fiidnimo ah oo laga soo baxay salaadii Cishe, magaaladana socodkeedu aannu badnayd ayuu guriga Oday Sabriye oo laba jid u dhaxaysay xaafaddooda soo aaday, Oday Sabriye ayaa deganaa Guri weyn oo sar ah, Albaabka u soo garaacay, waxaana ka furtey gabadh uu dhalay Sabriye oo la fil ah Guuleed,  ka dibna u sheegay Guuleed inuu rabo Aabbaheed gabadh albaabka ka furtey, gabadhii waa soo gudbisay, waxayna geeysay qolka nasashada waa fadhigee oo Odaygii idaacad ku dhegeysano.

Odaygii inkasta oo uu wiilka garanayey, haddana ma jirin wax xidhiidh ah oo toos ah oo ka dhaxeeyey, aad buu u soo dhaweeyey, gabadhiina wuxuu ugu diray inay   Qaxwo iyo shaah u keento.Oday Sabriye ayaa weydiiyey, “Waryaa ina Xalane, adeer caawa maxaad waday oo darnaa ma aabbe ayaa ii kaa soo diray”? Guuleed ayaa ugu warceliyey “ Maya adeer ee anigaa dan kaa lahaa”

Oday Sabriye oo aan garan ayaa yidhi: Haddee waa wanaage soo dhawoow, arrinkana gudagal bal ana dhegayste” Guuleed ayaa uga warramay xaalka iyo dhibaatada haysata ardeyda, wuxuuna u soo bandhigay, arrintii loo xil saaray ee ahayd inay helaan BAS aroornimadii geeya dugsigooda, hadhiina ku suga dugsiga hortiisa oo soo celiya oo labadaas jeerba isagoo buuxa hela.

Oday Sabriye ayaa soo durkay ileeyn waxaa laga hadlayaa waa arrin ganacsi, waxaana filan waa ku noqotey ilmaha yar ee isagoo cidna usoo marin doonaya inuu heshiis la galo, aad buu ula dhacay waana soo dhaweeyey aragtidaa quman wuxuu yidhi: “ Waa arrin wanaagsan waana helaysaa, ee meeqa BAS ayaad u baahan tihiin?”

Guuleed oo isaguna aad u farxay kol haddii uu ku guuleystay, hawshii loo igmaday ayaa yidhi “ Hadda waxaannu nahay dhawr iyo Toban ardey ayaan nahay, waxaanse ballan qaadayaa, inaan BASka buuxin doono maalinta labaad, markay ardeydu arkaan”

Oday Sabriye waa nin waayo arag ah, dareemayana xaalka ardeyda iyo isbeddelka magaalada, wuxuu yidhi: “Waxba kama qabo, ee goormaad billaabaysaan?” Guuleed ayaa yidhi” Beri u maleyn maayo, laakiin habeen dambe ayaan go’aan buuxa ku soo siinayaa”Sidii ayaa Guuleed iyo Oday Sabriye isku afgarteen kuna soo kala tageen.

La soco qaybaha dambe

W/Q Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Galayr777@gmail.com

SHEEKOOYIN