Habboon ma Jinbaa? Q2AAD W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Axmed(Warmooge)

 

quotescover-JPG-22

HABBOON MA JINBAA?Q1AAD

Ma garran karo sababta aan sheekadan kaaga sheekaynayo, kaliya se waxaan oggahay inaan qoray, adna aad akhriyayso ama dhagaysanayso. Go’aanka ayaa ahaa inaan cidna u sheegin siday wax u dhaceen, haddana way dhacday. Ka soo qaad hadda in adiga iyo Habboon oo kaliya aad wada joogtaan hadda! Miyaad yaabtay? Ma Habboontan kula joogta ayaad la yaabtay? Annigaa huba inay hadday doonto haddadan kula joogto, oo kula akhriyayso ama ku dhagaysanayso! Agtaada jabbaq, xashaashaq ama dhaqdhaqaaq haddaad dareento, cid kale maaha ee waa iyada! Haa anigaa ku leh waa Habboon, ee is daji oo sheekada u sii wad way ku raaxaysataaye.

Waan hubaa inaad rumaysan doonto sheekadan, balse waa haddii aad nooceeda oo kale hore u soo maqashay ama aad u taagnayd ba, haddii se ay tani kuugu horrayso waxay kuugu adkaan doontaa sida ay u adag tahay inaad lugo la’aan socoto ama sida ay u adag tahay inaad badweyn ku dhex badbaado adigoon dabaal aqoon.

Qofka sheekadu ku dhacday waa anniga, qofka qorayna waa isla anniga, qofka daqiiqad kasta dhagaysanayaa waa Habboon, qofka u akhriyaya isla ammintan la jooganna waa adiga! Haa, adigaagan akhriyaha ah, ee wad.Ma jecli inaan kula waddaago kulamadayadii hore, hadday indhahayagu isku dhaceen ama jidhkayaggu is daaray, ama dood iyo cashar waddaagnay, waxaan se kula jeclaaday halkan in aan ka wada billaawno;

Muddo dhowr sanno ah ayaan isnaqaannay Habboon. Maalin qudha igumay soo dhicin inaan wax ka waydiiyo nolosheeda gaara ah, sababta oo ah fursada aannu isu helaynay ayaa ba yarayd. Afartan daqiiqo ama ka yar ayaan fasalka ku wada jiri jirnay, ka dib dhinaca galbeed ayay u kici jirtay, anna dhinaca bari oo gurigayagu ahaa. Maalin aan booqasho ku tagayay dhakhtarka oo daanta galbeed naga xigga, ayaan fursad aan kula sheekaysto u helay yartii Habboon. Goortii fasalka laga soo baxay ayaan waydiiyay Habboon inaan isku lugdarsan karno, waannay iga oggolaatay. Nus saac aannu wada soconay wax sheeko ah ma aannu wadaagin, aan ahayn “Xaggaad dhakhtarka ka xigtaa? Miyaad dhaafaysa mise waa ka sokaysaa?”, waxay se ii sheegtay inay in yar dhaafi doonto, ka dib hadalkeedi ayay sii wadatay: “Sahra miyaydaan walaal ahayn?’, “Sahra aa?”, ayaan si lama filaan ah u yidhi. Sahri waa walaashay oo iga yar, toddoba sanno ba Nayroobi ayay joogtay. Carruurnimadii qaabkay u eekayd ma xasuusto, balse hadda intay waynaatay sawiradeeda ayaan hayaa. Qofka sidaas ah waxa garan kara un qof yaraantii yaqaannay. Habboon sannad ba halkan ayaan wada dhiganaynay, inkastoo aan xan ku maqlay inay waligeed ba reer Hargaysa ahayd. Cabbaar ka dib ayaan su’aal u celiyay, “Xaggaad isku barateen Sahra?”, waa sheeko dheer ayay igu tidhi.Mar labaad ayaan ka codsaday inay iiga jawaabto su’aasha.

“Hadda gurigaygii ayaan soo gaadhay”, ayay I tidhi. Waa guri cad, oo haddana dhammaantii ay dhiri qarisay, sawaxanka shimbiraha iyo cayayaanku isku darayaan ayaa ku soo jiidanaysa marna argagixiso kugu ridaysa. “Yaa kula deggan guriga?”, ayaan waydiiyay. “Aniga, Shimbiraha iyo ciddii na soo booqata.”, ayay iigu jawaabtay. “Oo hadda waxaad I leedahay anniga oo kaliya ayaa deggan gurigan miyaa?”, anniga oo gacanta iyo afkuba I shaqaynayaan oo faraha taagtaagaya, arrinkanna la yaaban ayaan su’aashaa waydiiyay.

“Waan jeclaan lahaa inaad ila soo shaahayso.”, ayay si yar oo qabow iigu tidhi. “Haa”, ayay ahayd jawaabtaydu, sababta oo ah anigaa ba u xiiso qabay gudaha qasri la moodkan.

Albaabka shabbaga ah, ee geedka Xayaabka ahi isku marmaray ayaan laba farood ku riixay, horenna waan u galnay, halkaa kolkaan dhaafay, ee kaabbada afarta lakab ah, ee guriga hore u sii gashana aannan cagta saarin ayuu wadnuhu i boodbooday, baqdin, argagax iyo cabsi wada socda ayaa hal mar igu wada kulmay. Intaan jidhidhicooday, oo feejignaan xooganna aan galay, ayaan hakaday. “Isdaji! Wax dhiba ma jiraan, waa anniga iyo adiga oo qudha.”, ayay dabbadayda ka tidhi Habboon, “Maxaad dareentay?”, ayaan la soo booday, “Hore u soo soco” ayay tidhi, iyadoon iiga jawaabin wayddiintaydii.

 

La soco qaybta labaad.

 

W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Axmed(Warmooge)

 

SHEEKOOYIN