Laashin Iyo Hal abuur
http://laashin.com/?p=4148
Export date: Sat Jan 20 18:47:42 2018 / +0000 GMT

Geeraarka: Mas dil W/C: Ibraahim Cismaan Afrax (Ibrahim Nolosha)


13434160_992321964218594_414957749_n

 

 

 

 

 

Waa geeraar  aad u murti iyo miisaan culus,  Hal abuurka  da'da yar ee  Ibraahim Cismaan Afrax  ayaa wuxuu ku soo gudbinayaa  sheeko xiiso  leh oo  ku saabsan  dareen iyo kalgacal soo marey, bal haddaba bogasho wacan waa  Geeraarkii Mas dil

Geeraarka “Mas-dil”

 

  1. Tix yaroo burqaneeysa

  2. Haddii aan kugu biirsho

  3. Ama aan bal-ballaarsho

  4. Imtixaanka ku baaso

  5. Daraja aad bixineeyso

  6. Billad maygu gargaari?

  7. Ama buundada leexso

  8. Sida baadi la waayey

  9. Bustahaada ku huuri.



  1. Kan diiwaanka ka baara

  2. Kolku boorka ka qaado

  3. Geeraarkii lagu baantay

  4. Anigoo ku barmoosay

  5. Kuman baa i boqreysa.



  1. Bilistaan dhaq iraahdo

  2. Ama aan bogga saarto

  3. Birrish bey noqotaaye

  4. Rabbiyoow i badbaadi

  5. Igu aaddi mid buunsho

  6. Badar haadi taqaanna.



  1. Kalgaceeyl bilo gaaray

  2. Ubaxaan ku barbaarshay

  3. Beryuhuu engegaayey

  4. Anuun baa bilbilaayey.



  1. Baqtigii la rusheeyo

  2. Budda wuu ka qurmaaye

  3. Maxaan baaldi tifqaaya

  4. Barqadii ku waraabshay

  5. Ama booyado buuxa

  6. Ugu keydshay baraago.


 

  1. Kolkaad baahi dareento

  2. Tagto looma baroorto

  3. Sida baydhabadeenna

  4. Bardihii lagu sheegay

  5. Intan maagay ku beero

  6. Bu'da leyska dareemo

  7. Sow niman ka baqaayey

  8. Kuma faagin badiillo.



  1. Inkastooy beladaasi

  2. Riyadeyda bargoysay,

  3. Haddaan been il'ileeysa

  4. Ama baaddil la sheegin

  5. Berga waan turcayaaye

  6. Boqnaheeyga ma laaban.



  1. Mas-diloow bulalleyrka

  2. Kaligaa ku bidhaanshay

  3. Ragga qaar u bayaani

  4. Adna beerka ku hayso

  5. Qof wuxuu ku bas beelo

  6. Sida booli ha moodin

  7. Dadka leysku banneeyay

  8. Haka eegin baruudda

  9. Boqorkaa ku dayaaya

  10. Aadmigiisa ha beegsan

  11. Sida neef la bireeyay

  12. Hilbahood ha bisleysan

  13. Ba'da yaan ku falaadin

  14. Burjigeeda halleeynin

  15. Ama Boowdka taraarin

  16. Hadduu beydku daloolo

  17. Buryaroow iga daari


 

Waxa Curiyey: Ibrahiim Cisman Afrax (Ibrahim Nolosha)

 
Post date: 2016-06-12 13:56:35
Post date GMT: 2016-06-12 13:56:35

Post modified date: 2016-06-12 13:59:58
Post modified date GMT: 2016-06-12 13:59:58

Export date: Sat Jan 20 18:47:42 2018 / +0000 GMT
This page was exported from Laashin Iyo Hal abuur [ http://laashin.com ]
Export of Post and Page has been powered by [ Universal Post Manager ] plugin from www.ProfProjects.com