Shirib dood oo dhexmarey Laashin Cabdi Nuur iyo Taliye Tuuryare.

 

pizap.com14660797973461

Waa shirib dood oo dhex maraya   Laashin Cabdi Nuur iyo taliyihi nabad sugida qaranka ee xilka laga qaaday Tuuryare, waxaa la googoosanayaa weydiimo iyo warcelino aan turaale ku jirine wuxuuna laashinku hab farshaxanimo ku dheehantahay noogu soo gudbiyey dareenka bulshadu ka qabaan is beddelka iyo xil wareejinta taliyaha, waxyaabaha la weydiin doono iyo waxa uu kaga warcelin doono-

 

Waddani

  • Dhalaan dhilaa u seexo dheeg
  • Ninka dhacow maloo dhashaa?

Tuuryare

  • Dhulya cir waadigaan dhawaaq
  • Haddeer dhigaahe yaa dhibtoon?

Waddani

  • Dadkaad dhameysayeey dhibee
  • Dhabar wanaag san waa dhacdee.

Tuuryare

  • Dad ma dhamayne xaa dhacood
  • La dheel mehee bal soo dhawaaw?

Waddani

  • Dhibkaad dhigtaa i dheelmayee
  • Dhiigya ma waad lahaynin dhuux?

Tuuryare

  • Wax aan dhaceynin how dhibtoon
  • Dhib aanan geysanniiga dhaaf.

Waddani

  • Dheeriga waa ku dhaafihaa
  • Waxaad dhigtaansa kaa dhacayn.

Tuuryare

  • Dhididka kaa tifqaa dhammow
  • Dhib keenay weyga dhaarihee.

Waddani

  • Dhiida baxeeysa een dhawayn
  • Miyaadan dhigin ii dhawaaq?

Tuuryare

  • Ma dhigin waasa loo dhigee
  • Dhabya ma heysataa dhigaal?

Waddani

  • Dhambaala laygu soo dhiftaa
  • Siduu dhignaaye xaad dhahee?

Tuuryare

  • Dhibka dadkaan ka dhawrayoo
  • Dhaqamadaas leh waaka dhoof.

Waddani

  • Dhamas ka dheer dhiriin dhirkee
  • Wax dhiila keenayeey dhugteen.

Tuuryare

Nin dhaanshay mow xareed dhunshaa

  • Dhaliil ma waayo ee ku dhaaf.

Waddani

  • Dhiib xilka iyo suug dhacaa
  • Wixi isku dhafaan dhawayn.

Tuurayre

  • Nin dhergay maad u dhiibto dhiil
  • Dhannaan jaw waaye waa dhahyaa.

Waddani

  • Dhiishii gorfooda dhay gashaa
  • Minaad dhimmeyso weyska dhaaf.

Tuuryare

  • Dhawaaqyadaasu way dhaceen
  • Dhibsa u geysa maa dhulkaan.

Waddani

  • Dhidig sidiis ayoow dhirfeey
  • Dadki dhaheene soo dhawaaw.

Tuuryare

  • Aan dhirfo aansa dhiidhiyee
  • Dhinacyadaas u dheeli maa.

Waddani

  • Dhankasta waad ka dhaaratee
  • Dhibki xaleyto yow dhimmaa?

Tuuryare

  • Dhiigtaar ninkii faloow dhibee
  • Dhib ninki geystayoow dhimmaa?

Waddani

  • Dhiig baaritaana mow dhacee
  • Dhab loo ogaado xaad dhahee?

Tuuryare

  • Dhacda kastaa dhigaal dhashee
  • Dhidhiib isiiya geedka dheer.

 

 

Waxaa curiye:Cabdi Nuur Waddani

SHEEKOOYIN