Mirihii aan abuuray kuma qasaarin W/Q; Nasra Abdi Osman “Nasra Bakaal”

bakaal1

Mirihii aan abuuray kuma qasaarin

 

Maryan  iyo Mullaaxa waxay ahaayeen deris, xaafad qura ku soo barbaaray, da’ ahaanna is la eg. Waxay daggan yihiin goob aan markasta colaaddeedu dhammaan, dadkuse ay aad ugu badan yihiin. Aabbayaasha labada gabdhood waxaa mideeya xirfad, sida kalena waa saaxiibbo talada aad isaga qaata.

Xilli Cadceeddu ay sii dhacayso, Salaaddii Maqribna aan la gaarin baa nin da’ ahaan la eg 70jir ku soo maray oday Cali oo ah Aabbaha Maryan darjiin weyn, oo ku yaalla guriggooda. Darjiinkaas waa meel ay duqowd xaafaddu ay badi ku kulmaan xogagtana isku dhaafsadaan.

Odaygii 70 jirka ahaa baa ku yiri Oday Cali;

“Caliyow beryahan oo dhan baan la kulan kaaga rabayee, haddana, waa xilli Maqribe, caawa labada saac (8:00PM) gurigaagga ama keyga ha inoo ahaato madasha” waxaase la isku madlay guriga Oday Cali.

Waxaa la gaaray xilligii ballantu ahayd. Marti qaad hagaagsan iyo hadallo horudhac ah oo kaftan u badnaa oo ay is dhaafsadeen ka dib, ayaa odaygii 70 jirka ahaa ku yiri;

“Oday Cali waxaan in muddo ah maanka ku hayay oo aan rabay inaan kaala hadlo in wiilkeyga Xasan ah gabdhaada Maryan ah u guurisid!” iyadoo lagu ballamay in Oday Cali la siiyo waqti uu  uga soo fekero, ayey sheeko kale galeen.

Oday Cali oo aad uga tallamay, maalmo ka dib arrinka uu odayga u soo jeediyey buu aqbal iyo guddoon wacan ku yiri odaygii, sidaana ku bixiyey gabadhii Maryan ahayd ee yaraanka Reerka ahayd.

Ma aysan ka dambeynin bil,  Mullaaxa iyana waxa uu Aabbeed u guuriyey nin, waxaadba mooddaa in la yiri labada Aabbe ee saaxiibbada wada ah; Gabdhihiina Bil qura guuriya!

Labadda gabdhood Xilligga guurkooda ka hor waxay Marayeen Marxaladda Dugsigga hoose gaar ahaan fasalladda 5aad iyo 6aad. Aqal galkoodana wuxuu ahaa xilliga fasaxa iskuulladda.

Waxay galeen labaddii gabdhood nolol cusub iyo masuuliyado aanay horey ugu arag hoygii ay ku soo barbareen, balse, dardaaran fiican bey Hooyooyinkoodu ka qabeen.

Waxaa la gaaray xilligii iskuullada la furayey, subaxaas diyaar garow iska dhaafee maankooda kuma jirin WAXBARASHO, oo waxey niyadda ku hayaan gabar guursatay waxbarashadeedu waa CEEB, iyaguna taa eed kuma lahanoo waa wax quluubtoodu horey loogu qufulay, oo ay bulshada iyo hab dhaqankeeda ka dhexleen, ka sokowna aysan horay u arag ama u maqal dhacdo caynkaa ah.

Xasan oo ah seyga Maryan baa subaxaas ku yiri;

“Maryanney miyaadan iskuul aadeyn saaka?” Maryan baa ugu jawaab celisay;

“Alla, waan ka xishoonayaa fasalka, halkeen ka galaa nux-nux iyo haddalladda dhaga hadalka! Ala waa ceeb, waa ceeb!”. Xassan hadal dambe kuma uusan celin xaaskiisa Maryan.

Xasan isagoo maskaxda ku haya faa’iidada laga helo haweenka waxbarta ayuu maalinkii labaad ku qanciyey xaaskiisa ku laabashada iskuulka, iyaduna kama aysan diidine way ka aqbashay arrinkii, balse, hoosta bey ka guuxeysaa wali, oo dareen ayey qabtaa.

Dhankii kalena gabadhii Mullaaxa ahayd halkii bey waxbarashada ugu hartay, waxayse la yaabbaneyd oo aad ay ula dhakafaarsaneyd indha adeygga saaxiibteed Maryan iyo dib ugu laabashadeedii iskuulka, iyadoo moodaysay in Maran laashay ama jabisay sharci iyo xeer sax ahaa, oo lama dhaafaan iyo ahaa lagama gudbaan.

Muddo  ka dib, Maryan quluubteedii waxaa ka baxay guuxii iyo cabsidii ay qabtay, Waxbarashadeedii bey si fiican dhaxda ugu xiratay guntigana u dhuuqsatay, iyadoo tageero xooggan ka heleysa seygeeda Xasan, oo mar walba la garabtaagnaa hiil iyo hoo, garabgal dhaqaale iyo mid maskaxeedba.

Dhowr sano kadib, waxay dhammeysatay Dugsigii Sare, waxayna durba ku biirtay kulliyadda Maamulka iyo Maareynta.

Maryan inta ay wadday waxbarashada marna carruurteeda ma aysan la kulmin dayac, daryeeel xumo iyo diihaal, oo waxay si sax ah u gudun jirtay xuquuqaha uu Qoyskeedu ku leeyahay ee marwo iyo hooyannimo, taa oon marna ka hor istaagin waxbrasheeda.

Maryan waxaa kobcay maankeedii, waxaa sii ballaartay hal abuurka ay leedahay, waxay had iyo jeer fikrado iyo qorshayaal  badankood guuleystay u bandhigtaa seygeedda, oo leh shirkad ganacsi, oo magaaladda caan ka ah, dadkuna ay aad u jecel yihiin adeegyadeeda ay u fidiso.

Carruurta Maryan waxay sidii shuclad ifeysa ugu dhexmuuqdaan bulshada ay ku dhexnool yihiin; akhlaaq, dadaal waxbarasho iyo nadaafad intaba.

Gabadhii Mullaaxa ahayd waxay had iyo jeer ku mashquulsan tahay hadal heynta taalla xaafaddeeda. Islaamaha xaafadda oo marba mid ay maalintii ula casariyeyso, wax ka sheegista dadka (XANTA) dhammaantood dhaqan bey ka dhigatay, carruurteeduna waxbarasho iska daaye nadaafad ma leh, aad bayna u il daran yihiin, ay u dheer tahay in dadkuna afkooda uusan ka magangalin, oo waxay meereystaan suuqyada.

Muddo kadib, baraarugga waxbarasho ee deegaanka oo sii kobcaya ayaa Mullaaxa ku dhaliyey in dib boorka isaga jafto kuna biirto Mashruuc xaafaddooda loogu talagalay in lagu dhiso heerka waxbarasho ee dadka waaweyn, gaar ahaan hooyooyinka, waxaase filan waa ku noqotay markii ay halkaas kula kulantay Maryan oo Mashruucaasi Maamule ka ah, waxaana dhex maray sheekaddan;

Mullaaxo; Maryaaneey warran bal? Waagii aan waxbarashada kuwada jirnay, haddaan wadi lahaa sidaada oo kale baan maanta noqon lahaa!

Maryan; Maya, Walal Mullaaxa sidaas ha oran, maskaxadaadu yaanay dib ugu laaban wixii hore, hadda Jaaniska aad heysato ka faa’iideyso, anigunna garabkaaga baan ahay (Hiil iyo Hoo) intaba.

Mullaaxo; waxaa teyda maanta iiga darnaan lahayd taada, haddaad adiguna ka hakan lahayd waxbarashada, oo waxaan ogaa sidaan niyad jabkaaga uga qeybqaadan jiray’e!

Maryan; Mullaaxooy iska dhaaf waxaa oo idile, hadda iyo Nolol Cusub billow, waxbarashaduna weynin iyo yaraan kalama lahan.

Mullaaxo; hagaag Mahadsanid Maryaneey.

Mullaaxo halkii bey ka dhaqaaqday, markii ay gurigeedii gaartay bay nafteedii canaan kulul kala duldhacday, waxayse dib u soo xasuusatay hadalladii taladda u badnaa ee Maryan, halkaas bey iyadunna ka haahaabatay dibna u billowday Nolol Cusub oo qorshe iyo dadaal ku saleysan, quseysana QOYSKEEDA (Carruurteeda iyo Nafteeda).

Xassan oo ah seyga Maryan waxa uu xilli kasta oo uu guriga jooga ku indho qabowsadaa daawashada Ubaxyo qurxoon (CARRUUR ASLUUB leh) iyo oori ku sifeysan karti, aqoon iyo daacad. Reerkii Xassan wuxuu noqday reer aad looga qaddariyo deegaanka ay dagganyihiin, tusaale fiicanna loogu soo qaato marka reer wanaagsan oo qiime leh la doonayo in la tilmaamayo, Maryanna kama aysan daalin mahadcelinta ay seygeeda u jeediso.

Wuxuu mar kastaba rumeysnaa Xasan haddii noloshu baaqi ku tahay inuu mar uun arki doono natiijada mirihii uu billowgoodii hore beeray, isagoo galab la casiriyeynaya dhowr kamid ah carruutiisa iyo xaaskiisa aadna uu ugu bogay xaaladda uu ku sugan yahay ayuu niyada iska yiri “Wallee mirihii aan abuuray kuma qasaarin!”

Ugu dambeyntii maanta Maryan waa xaas iyo hooyo heysata 9 carruura, shahaadada P.H.D ka haysata Culuumta Maamulka Guud. Tababare iyo Hal abuure Mashaariic Xooggan ka ah bulshada dhexdeeda, oo ay uga faa’iideyso si guud, si gaarana waxbaridda Xaasaska iyo Hooyooyinka da’da ah.

Qirasho iyo cuddur daar; sheekada aan qorraalkan kaga hadlayo waa mid qiyaali ah, cid gaar ahna ma quseyso, waxaanse ka cudurdaaranayaa oo aan qiranahay in ay jiraan Hooyooyin aanan waxba baran, balse, soo soo saaray miro fiican, oo bulshada wax taray, iyagoo kaashaanaya caqliga iyo hoggaaminta wanaagsan ee dabiiciga ee uu Ilaahay ku manneystay, marka anoo iyaga hambalyo leh, ayaan haddana, damcay inaan qodobkaana iftiimiyo.

 

Nasra Abdi OsmanNasra Bakaal

Email; nasrabakaal@gmail.com

Muqdisho- Soomaaliya

 

SHEEKOOYIN