Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q12 W/Q: Xuseen “WADAAD”

quotescover-jpg-52

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q12aad

Islaantii halkeedii ayay koobkii shaaha ahaa ku dhameysatay,welina lama haayo hooyo Kutubo, Raxmaase intaa sheeko ku sii maaweeliheysay, markaanse Islaantii waa ka dhammaaday Sabarkii,Waxeyna tiri: ”Maandhaay waa sii socohaa,ee hooyo igu salaan,una sheeg, waxaan ku soo noqohaa berri galab,Hadduu Rabbi idmo.”
Raxmo yareey oo ka naxday hadalka Islaanta ayaa ugu jawaab-celisay:
”Eeddo hooyo haddeey imaahee ee wax yar iska sug .
Islaantii: ” Eeddo howlo adduunyaa i sugeyso, fadhi intaa ka badan ma karo, ee saas uun u sheeg hooyo.” Wayna iska sare joogsatay iyadoon hadal kaleba ka sugin Raxmo, horena ka quntay.Raxmo Muggaan waxaan aheyn waa tahayba uma furna, ka gadaalna halkiibaa lagu kala dhaqaajiyay.

Islaantii la sugaayay, ayaa guriga timid, iskana noqotay, iyadoo xitaa warkii ay wadday u dhaafin Gebertii yareyd ee guriga joogtay, sida qummana u soo dhaweysay, waxayna foolka saartey halkii minankeedu ku aadanayaa, dhabarkana waxay soo xejisay gurigii reer Maxaad Cali.Raxmo yar waxaa bilaabay markii Islaantu socotay welwel cusub, iyo is ciilkaambin.Waxeey ka fekeree waxa hooyadeed iyo iyada dhex mari doono, oo ah: “Islaantii waa timid waana baxday”, warna kama reebin.Raxmo waa runteedoo, waxeey si fiican u taqaan Hooyadeed, waana qiyaasi kartaa waxa ay kala kulmi karto.Waxey isku is warsanaysaa keligeed: ”Maxaad u weydiin weysay waxa war ah ay ka siddo arrinkii Axmed! Maxaad u weydiin weysay halka ay degen tahay! iyo kuwa kaloo badanba”.Haddana, waxay istiraa oo nafteeda ku qancisaa, hadalkaas kuuma furneyn. Waayeel ayagaa is af-yaqaan.Waxay ku filantahay in la yiraa, “Maandhaay, hadalkaan waa mid kaa weyn, ee  uun u sheeg in aan imid.”

Islaantii markii ay guriga ka baxday daqiiqado yar kadibba, waxaa guriga soo garaacay Hooyo Kutubo, Waxaana ka furtay Raxmo,Waxeeyna ku tiri:“Hooyadeey Islaantii waa timid haddeeyna baxday.
Hooyo Kutubo: “Inteey ka baxday?”
Raxmo: “Ma ogi waxeeyse ku tiri: Berri Galab ayaan kuu imaahaa.2
Hooyo Kutubo: “Berri ma sugi karee kaalay adna jidkaan ku roor ee meelaha ka fiirfiiri ,anna kanaan qaadaahe.”
Hooyo Kutubo iyo Geberteedii Raxmo, waa kuwaa iyagoo albaabka gurigooda oo furan, ka kala kuday, ee qofba dhabbo qaaday.

Hooyo Kutubo , iyadoo Hinraagga ka baxaayo la yaabo ayay ka daba tagtay Islaantii..waana ka daba qayliheysay intaaney soo gaarin, waxeeyna ka daba laheyd “EEDDO,EEDDO, Marna ABAAYO,ABAAYO” markii in badan ay maqashay codadkaa ka daba ciyayo ayay gadaal soo qooraansatay, socodkiina joojisay,waxeeyna ku tiri: ”Abaayooy xaa hee kugu dhacay ballanaanba laheyne, inteed guriga ka aadday?2
Hooyo Kutubo: ”Abaayooy Raalli iga noqo, waan ku dhararsaday, kolkaasaan is iri , waa taasoo ay guriga garan weysaahe, bal meelahaan ka fiirfiiri, ee meel kale ma aadina, ii warran bal!2
Islaantii: ”Abaayeey, Waan u tegey, waana soo arkay ilmaheyga Adeerkood,Waxuuna ii sheegay in arrinka ilmaha uu yahay mid adag.”
Hooyo Kutubo: ”Bisinka iyo Yaasiinka! Xaa jiro ay la tahay arrin adag?
Islaantii: ”Abaayooy, Afkeennu weeysu ammaan, waxaa loo heystaa dembi culus, ayna iyagu gelin, balse iyagu qirteen”
Hooyo Kutubo: ”Dembiga loo heysto aaween dadkii galay?”
Islaantii: ”Abaayooy, xaad hee isla yeelyeelee, beledkaan waad ogtahay dembiga waxoow qabtaa uun ciddaan garab laheyn ”
Hooyo Kutubo: ”Abaayooy Xoow yahay garabka aad sheegeyso, ma cidaan garab ku aallinaa jirta?!”Islaantii waa taa qosolka ku dhufatay ee tiri: ”Abaayo, garabka waa ciddii awood ku dhex leh dowladda.”
Hooyo Kutubo oo oohin isheyn la’ ayaa tiri: ”Waa tehee, xaan hee hadda yeelnaa?”
Islaantii: ”Abaayo i dhegeyso, Waxaa la igu yiri: dembi baaraha kiiskooda haayo, waa in la afgartaa, waxoow sheegtana la siiyaa, Haddii kale xaalka waa sii cuslaahaa.”
Hooyo Kutubo: ”Abaayooy, waxow sheegto waa sii heynaahe, arrinka xal degdega iigu raadiya, abaalna waan idiin haayaahe!”
Islaantii: ”Abaayo, Aniga hadda waa degdegaa, waxaana kuu imaahaa berrigalab, wixii lacag ah aad heleyso sii diyaarso.”Iyadoo warka halkaas u maraayo, waxaa isla Rabtii ugu yimid, Raxmo Yareey oo ooyeyso, oo leh:

”Hooyo Gurigii Tuugaa dhacay..tuugaa Dhacay..Fiiqdana oohin heyso.Hooyo Kutubo, iyadiina way ku dartey oohintii calaacalkii gabarteeda.
Islaantii daahsaneyd, iyadana waaba taa la yaabban, seey wax u dheceen.waxeeyna ku tiri, abaayooy bal ku baxa guriga, waa noo berri galabe, wayna iska dhaqaajisay. Hooyo kutubo iyo Raxmana waa kuwaa iyagoo
kala kudaayo gurigii ow Albaabku ballaqanyahay dalaq soo dhahay, Raxmo iyada waxa ay markiiba tabtay ,waxa uu ahaa RADIO NATIONAL ah oo Miis barandada yaal dulsaarnaa.

La soco qaybaha kale
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN