Sheeko Gaaban :Sawirkii ay iga qaadday Marwadayda JAFEECO! W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax(Nolosha)

qamiiskeyga

Sawirkii ay iga qaadday Marwadayda JAFEECO 3-dii Agoosto sanadkii 2018!

Waxay aheyd maalin jimco ah oo ay taariikhdu ku beegneyd 3-dii Agoosto sanadkii 2018 (labo kun, siddeed iyo toban), magaaladu waa Baladweyne, aniga iyo xaaskeyga (Jafeeco) waxa aan degganeyn degmada Buundo-Weyn Ee gobolka Hiiraan.Buundo-Weyn waxay dhanka bari kaga taallaa magaalada Baladweyne, waxa aan aheyn Lammaane kuj ira bisha Malabka oo nolol qeybsiga billaabay dhowr toddobaad ka hor, malaha waa saddex ama afar.

Xaaskeyga (Jafeeco), markii uu waagu bikaacay (dillaacay) ama uu baryey ayey damacday in ay aaddo suuqa, iyadoo soo iibin rabtay adeeggii lagu sameyn lahaa quraacda sida khudradda qeybeheeda kala duwan oo had iyo jeer laga helo degmada aanu ku nooleyn iyo waxyaabo kale oo aan laga maarmi kareyn.Inta aysan ka kicin gogosha (sariirta) ayey labada dhaban (daamanka) iyo foolka ama halka loo yaqaanno sujuudda iga dhunkatay, waxayna igu tiri “Xaaji waxa aan aadayaa suuqa, si aan usoo dhammeystiro adeegga ka dhiman quraacdeenna, saaka waxan rabaa inan kuu sameeyo quraac aad u macaan”.

Anigoo dhibsanaaya inta ay iga maqnaan doonto ayaan ku iri “Lama helaaneey, kaligaa meyran meysid oo labbisan meysid, adoo niyada ku haya inaad albaabka ka baxdo anigoon garabkaaga socon misana gacanta kaa heysan, waan is raaceynaa gacaliso”.

Laakiin inteynaan bixin, gacaladeydu waxay miiska raashinka iyo labo kursi dhigtay barxadda guriga, dusha miiska waxay saartay tarmuus / darmuus ama Falaasad Qaxwo (gaxwo) ah oo ay dhinac yaallaan timir iyo miro iila ekaa Cinab.Si wada jir ah ayaanu u qaxweynay, sheekooy ku nacay! cid kaleba lamasoo hadal qaadin, ammaanteyda iyo koolkoolinteeda, kartideyda iyo kaalinteeda, wanaaggeyga iyo waxtarkeeda, geesinnimadeyda iyo garashadeeda un baanu ka wada hadleynay, ax! goobtuse qurux badneedaa! Dhir Cagaaran indhaha u roon iyo ubaxyo kala ceyn ahba wey ku tallaalnaayeen hareeraha gurigeenna.

Ka rog oo haddane saar, markii aanu tagnay, gaarnay halka (suuqa) laguu iibiyo qudaarta noocyadeeda kala duwan, waxa joogay dad iyaguna ka adeeganayey meesha oo u badan haween halka tiro yar oo kamid ah ay ahaayeen wiilal aan qaan-gaar aheyn, malaha iyaga ayaa xoog u ahaa aqalladooda.Qaar kamid ah dadkii ka adeeganayey suuqa waxay isugu baaqayeen si hoose, iyagoo la yaabban wiilka iyo gabadha (waa aniga iyo marwadeyda’e) garabka is heysta, marna gacmaha is qabsanaaya, innaguse waxan ku mashquulsaneyn kala xulashada miraha “xabiibti kan baa macaan” , “haa gacaliye, kan kwrn haddaan qaadanno isna?”, “yaa salaam, udgoon badanaa, haa macaanto inoo soo qabo”, “haye macaane”!.

Eegmada iyo xam-xamta dadka, aniga iyo gacaladeydu uma joojin casharkii wehelka, isu kaalmeynta iyo isu dhego-nuglaanta, markii aan dhammeysannay adeeggii, waxa aan u jiheysannay dhankaa iyo hoygii aanu degganeyn.Waxa meel dhexe inooga hor yimi jaallaheyga Maxamed Cimi Dhicisow iyo marwadiisa oo malaha inaga tabyo qurxoonaa, sida ay iskula kaftamayeen, farxadda wajigooda ka muuqatay markaan u yara fiirsaday waxa aan niyada iska iri “Wallee dadka nolosha loogu talo galay waa kuwan!”.

Is bariidin kaddib, waanu kala dhaqaaqnay balse Abwaan Dhicisoow iyo marwadiisu waxay noo sheegeen in ay maalintaa marti u yihiin Warsame Cumar Xuseen (Shiidley) oo dhowr bilood uun kahor soo degay magaalada Balad Weyne, aniga iyo Jafeecadeydana si lamid ah inoo casuumay toddobaadkaas kii ka horreeyay.Kolkii aanu aqalka gaarnay, oo aanu adeeggii geyney jikada (halka cuntada lagu kariyo) waxay marwadeydu bilowday in ay dharka iga beddesho, anna maxaad iga fileysaa? Bal sawiro, maahee, war kaddaa, sida aad u fekereyso maaha, dhan kale u beddel cajaladda ka daaran maankaaga, haa aad iyo aad hadda ayaad ila heysaa, sidaa iyo si kaleba waan sameeyay.

Ka rog oo haddana saar, “Xabiibi, quraacda intaan kasoo sameynayo, buuggan uu qoray Cabdiraxiim Hilowle Galayr akhriso, hana i daahsan, waa ballan waan soo boobsiinayaa!”, “Miyaan kaligeed howsha ku daayaa, alla maya!, oo haddey sidaa tahay, saaxibkaa buugga uu qoray miyaanad naawineyn waaku sidee?” “Ninyahow Dhiganahan galabta ayaad akhrineysaa, waa hubaal waad akhriyi doontaa, hase ahaatee hadda waa inad caawisaa xaaskaaga, ilmahaaga hooyadood!”

“Een….. xaajiyo, anigaa quraacda kula sameynaya, ina mari, anigaa jecleystay, ee ha iga diidin malabeey”. Waa raalliyo, hadal iguma soo celiso, waa ay naxariis badantahay misana garasho ayaa usii dheer “haye macaane!” ayey iigu war-celisay.Waxa aan si dhaqso ah u karinnay, anigu ma karine waxan ahaa kaalmeeye marna indhaha ayaan la raacayey sida ay macallimaddeydu u bisleyneyso raashinka.

Miiska lagu cunteeyo iyo kuraasta yaa hagaajiyey? Dhalaalka ka muuqda waxaba usii dheer raashinkii iyo wax kastoon u baahneyn ayaaba dul saaran! Yaa?……… deg-deg badanaa! Hadmey isku duba-ridday? Halla yaabin, waayo anigan la yaabban waan ogahay sababtaas, waa Dhabeel! Haa, howsha uma daahdo kamana daahdo.

“Keen xabiibi aan afka kuu galiyo!”, “aaaaa…. Hamm, anna malabeey aan markeyga ku siiyo, aah dheh”, “aaaaa, hamm, alla gacan macaanidaa gacaliye!”. Sidaas, hadde waa sidaase, innagoo tabtaas ah ayaan dhamMeynay raashinkii.Maadaama uu ayaanku jimce ahaa, waxay lamaanteydu i xusuusisey in aan qubeysto (meydho) oo aan masjidka aado, waxay ii diyaarisey wax walba oo aan u baahnaa, markii aan suuliga kasoo baxayna waata qolka igu sugeysa oo gacanta ku heysa dharkii aan ku aadi lahaa guriga ILAAHEY.

“Nafteydoow, dharkan ayaan kula jecleystay in aad maanta xirato, waase laga horreeyaaye kaalay macaane aan jirka kuu mariyo labeen (Cream) timahana saliid, cadarna kugu biifiyo (barafuun), si aad asaagaa uga udgoon iyo dhalaal badnaato!” miyaa badanaaba la helaa marwo sidaa u qurxineysa xaajigeeda? haa dabcan, oo waa tee? Waxay noqon kartaa gabadha hadda akhrineysa sheekadan, wallee!Inta aanan masaajidka aadin waxay Macaanteydu iga qaadday masawir xusuus ah, inkastoo aanan hadda kula wadaagi Karin sawirkii dhabta ahaa, waxan ku tusayaa sidu u ekaa, qaabka aan u taagnaa iyo dharka aan gashnaa.

Waa sawirkan hoose, haa sidan ayuu u ekaa, bal eeg.

qamiiskeyga

W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax(Nolosha)

SHEEKOOYIN