Isir-raaca afka hooyo, aflagaaddo in laga dhaxlo maaha!.

Bashiir Cali Xuseen

Dagaal afku dirir ah in laga dhaxlo maaha!.
Khilaaf iyo xan joogta ah in laga dhaxlo maaha!.
Cuqdo iyo xanaaq badan in laga dhaxlo maaha!.
Ciilkaambi iyo murugo in laga dhaxlo maaha!.
Suugaani waa nabad iyo nagaadi dhaxalkeedu waa farax.
Marka aad ifka u soo baxdo ee aad dunida ku soo biirto, nuujinta canqarinta ah iyo habidda koobaadba aad ka cantuugo bogato ka dib, hadaaqa higaadda iyo hadalkuba waa tub korineed ababin ah oo ay hooyadu ilmaheeda ku soo barbaariso. Isirka afkuna halkaa ayuu ka soo arooraa, sidaa darteed aflagaadho gurracan iyo falalka baas abuurka ah ee walaalaha kala dili kara, haddii aanay aheyn xad gudub loo bareeray raadba ku ma laha oo waa mid ka duwan macnaha isir raaca afka hooyo.
Aan ku soo noqdo cinwaankee beryahan, waxaa socda oo hawada isku sii shareeraya colaad suugaaneed uu daadihinayo Tv-ga lagu magacaabo ( Somalichannel ) oo aanan garaneyn, waxa uu ka macaashayo bahdilaadda suugaanta, maadaama Taleefishinkani uu horayba u mamnuucay in warbaahintiisa laga sii daayo wax ku saabsan hees iyo muusig, taa beddelkeedana ay meesha ka dhalatay in shakhsiyaad lagu aflagaadeeyo ruux dhintay oo qubuuraha ka hooseeyana lagu magac dilo isaga oo aan is difaaci karin!.
Mudane Cabdi good abees oo ah garwadeenka barnaamijka muranka badan dhaliyay, waa aftahan afyaqaan ah, laakin sida uu isaguba caddeeyay, ma aha abwaan hal-abuur ah maansada tirinteedana raadba ku ma laha, isla markaana ma aha heesaa in badan maansada ku soo dhex jiray, haddaba haddii uusan intaa midkoodna ku tiirsaneyn, wey ku adagtahay in uu abwaannada maansadooda naqdiyo gunta hoosena ka wada fahamo humaagyada qarsoon ee ay curiyayaasha qaryaannada ah ay farta ku fiiqayaan, haddii uu isku dayo inuu fasiraad ka wada dhiibana waxaa dhici karta, inuu heeso badan sharraxaad qaldan ka bixiyo, sidii heestii alla ha u naxariistee abwaan Yam-yam ee aheyd ( Guuleed ma joogaa? ).
Waxaa suuragal ah inuu godadka hummaagyada baal maro markaana uu ujeedda kale oo aan aheyn tii saxda ahyed uu qaato qofkana uu korka ka saaro xumaan uusan galabsan, isaguna markaa ay dadka ku tilmaamaan ( in uu yahay meyd xante xagjir ah, taas oo iyadana noqoneysa xad gudub kale oo isaga lid ku ah ) sidaa darteed waxaa wanaagsan waxa aad naqdineyso inaad aqoon durugsan u leedahay.
Dhammaan abwaannada Soomaaliyeed mid dhintay iyo mid noolba heesaha ay tiriyaan laga ma waayi karo ereyo dareen kicin ah oo lagu talax tagay abbaartooda jinsiga ee dhanka cowrada mana yara oo ciidda wey ka badan yihiin. Haddaba haddii uu xaalku sidaa yahay abwaannada kulligood ma wadaa caayeysaa oo keligii saxane ayaad noqoneysaa, mise sida aad iminka wax ku waddo mid aan aheyn baad sameyn kartaa?.
Walaal luuqadda iyo maansada waa kala laba, haddii aad luuqadyahan tahay maanso yahan ma tihid, haddii aad maanso yahan tahayna luuqadyahan maahid, sidaa darteed aniga waxaa iga tala ah in aanad isku mashquulin howl qadaf iyo is xag xagasho badan ay kaaga imaneyso, ee waxaad abbaartaa waxa aad ku wanaagsan tahay oo ah ( isir raaca erayga afsoomaaliga ) oo ummadda faa’iido badan u lahaan lahaa, adiga oo luuqad ahaan u wajahaya iyo sidii aad ku wadi jirtay maalmihii aad cinwaankani Tv-ga somalichannel ku soo billowday.
In la isa saxo oo waddada toosan la isu tilmaamo waa wax wanaagsan, in qofka waan ku saxayaa loogu xad gudbana waa fowdo aan habbooneyn oo aan haba yaraatee aan wax maslaxo ah keeneyn, ogowna qofka aad mujtamaca hortiisa ku saxdo u ma aad nasteexeyn ee waad ceebeysay, taana waa wax laga fiican yahay oo aan mira dhal laheyn inaad ku eedowdo oo farqaha lagu heystana ka fursan meysid adna taa waad garan kartaa haddii aanad is xag xagashada u bareereyn.
Geba gebadii aniga, waxaa ila habboon halkii xumaan laga beeri lahaa in wanaag waxtar ah lagu beddesho, sidoo kale adeegsiga quraanka aan aqoonta loo laheyn iyo kalmadaha caqiideysan ee suugaanta loo adeegsanayo in dhinac kale looga weecdo, haddii kale waxaaba halkaa ka dhalan kara denbi waxa la saxayo ka sii weyn. Ugu danbeystii soomaalaay aan isa saxno innaga oo aan isku xad gudbin oo kala garaneyna hummaagyada muuqda iyo hummaagyada qarsoon iyo weliba farriimaha faralka iyo sunnaha leh ee ay soo tabinayaan, Qur’aanka iyo axaadiista.

Barbaariye@hotmail.com
Bashiir Cali Xuseen.

SHEEKOOYIN