Sharciga Mawqifka WQ: Hassan Mudane

 

Sharciga Mawqifka

Kelmadda Mawqif haddaad ka dhex ka eegto qaamuuska AfSoomaaliga wuxuu kuugu qeexayaa sidan:

  1. Sida arrin cid ugu muuqato.
  2. Awoodda waxgarashada dadka.
  3. Arag, Tus. “Nin iyo baadidii aragti baa ka dhexeysa”
  4. Fikrad, mabda’ iwm oo cidi rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo qawaaniin gaar ah.

Mawqifka waa wax walba waa sida aad u aragto wax yaabaha kugu hareeraysan. Dabcan ma xakamayn karno dhibaatooyinka balse waxaan maamuli karnaa mawqifkeena.

Shimbir iyo Shini
Bari baa shimbir geed saaran weydiisay su’aal shinni ku howlaneed samaynta malabka waxay ku tiri “Adiga waxaad maalin walba samaysaa malabka balse bini’aadamka ayaa kaa qaata ama kaa xada miyaana arrinkaasi ka xumaanayn.? Shinnidii waxay tiri “Maya marnaba ima murug gelinayso arrinkaas maxaa yeelay bini’aadamka malabkayga oo kaliya ayuu qaadanayaa laakiinse igama qaadan karo cilmiga aan ku soo saarto malabka.”

“Bari baa shimbir geed saaran weydiisay su’aal shinni ku howlaneed samaynta malabka waxay ku tiri “Adiga waxaad maalin walba samaysaa malabka balse bini’aadamka ayaa kaa qaata ama kaa xada miyaana arrinkaasi ka xumaanayn.? Shinnidii waxay tiri “Maya marnaba ima murug gelinayso arrinkaas maxaa yeelay bini’aadamka malabkayga oo kaliya ayuu qaadanayaa laakiinse igama qaadan karo cilmiga aan ku soo saarto malabka.”

Hagaag, sheekadu waxay ku baraysaa mawqifka wanaagsan ay shinnidu leedahay, maysan u joojin shaqadeeda waxa uu bini’aadamku ku samaynayo, taasina waa go’aan qaadasho ku dhisan mawqif suuban. Mawqifkaaga wanaagsan iyo fekerkaaga sama sheega ah waxay kaa caawin karaan sidii aad ugu guulaysan lahayd himiladaada. Ogowna hannaanka aad u fekerayso waa habka aad wax u qabanayso.

Haddaad joogtayso sharcigan adiga oo aadan u aabba yeelin xaaladda aad hadda ku sugan tahay iyo meesha aad joogto waxaa la hubaa guusha in ay iyada ku soo raadin doonto intii aad adiga raadin lahayd, sidoo kalena haddii aad ku guul darraysato ku dhaqanka sharcigan, waxaad fishaaba waa guul darro. In kasta oo guul darradu wadato faa’idooyinkeeda haddana waxaa lagaa doonayaa in aad cashar ka barato khaladaadkaagii hore waayo isku dayga xiga lagama yaabo in aad dib usoo celiso isla khaladaadkii hore, maxaa yeelay waxaad heli doontaa waddo ka duwan tii hore.

Charles Dickens ayaa ku qoray buuggiisii (Filasho Weyn) Sheeko ku saabsan nin xabsi ku jiray sannado badan kaddibna markii uu dhammaystay xabsiga, bannaanka ayaa loo soo saaray isaga oo ka soo baxay qolkii yaraa ee mugdiga badnaa. Balse markii uu bannaanka usoo baxay ayuu eegay hareeraha iyo iftiinka qoraxda oo ay mar hore ugu dambeysay, muusan jeclaysan wuxuuna codsaday in dib loogu celiyo xabsiga iyo qolkii mugdiga badnaa wuxuuna yiri “Mugdigaas iyo qolkaas yar ayaa iiga raaxo badan bannaanka aad iisoo saartayn.”

Taasina waxay ku tusinaysaa aadanaha marnaba ma jeclo mawqifkiisa ku’aadan isbeddelka dhanka nolosha waloo faa’iidaba ha ugu jirte.Si kastaba, beddal mawqifkaagii hore haddii aysan naftaada helin wixii ay ku haminaysay ama aadan weli gaarin yoolkaaga. Sidoo kale, wax ka beddal mawqifkaaga ku aadan guusha aad dalbanayso; samay sidaas si aad u hesho boqolkiiba boqol natiijo aad ku faraxdo ama kuu qalanta.

WQ: Hassan Mudane

Buugga Sirta Guusha, cutubka 2aad, bogga 23aad.

Mudanep5@gmail.com

Bilyoneer.wordpress.com

SHEEKOOYIN