Halgamaa Ibrahim Seedoow iyo halgankii reer Hiiraan W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

Halgamaa Ibrahim Seedoow iyo halgankii reer Hiiraan .

A—Hiran halka ay ku taal iyo taariikhdeeda mar ka aad fiirisid waxaa kuu soo baxay in ay jirto taariikha badan oo aan la qorin , si kooban loo qoray ama khalad laga qoray.
Waa bartamaha Somalia, waa deegaan barwaaqa ah, lehna buura ku fiican dagaalada isticmaar la dirirka, waa deegaan magaala madaxdiisa aan laga aqoon qabiileeysiga oo ay ka soo baxeen ama ku barbaareen dad magac ku leh taariikhda, hadana wey adagtahay in aad hesho wax badan oo ah qoraalo aad tix raacdo.dadkuna si kala duwan ayeey kuugu sheegayaan.
Haddii aan soo qaadano taariikhdii Halgamaa Caqiid Ibrahim Diinle Seedoow oo dadka reer Hiiraan ka xoreeyay culeeys saaraa 2 sanno oo ka dhashay hogaankii Cagadhiig oo ahaa taliyihii daraawiishta Hiiraan.
Dadka ayuu wabiga ku guray iyaga oo nool oo xirxiran rag ,dumar, carruur,wuxuu gubay tuulooyin, beero, iyo xoola nool. Arrintaa oo keentay in dad badan oo reer Hiiraan ahi ka qaxaan gobolka, qaar ayaa dagay sh/dhexe tuulada xawaadleey, qaar qoryooleey inta badanna waxa ay ku kala firdhadeen gobaladii koofurta ka soo xigay Hiiraan, ilaa markii dambe Md. Seedoow uu bilaabay halgankiisii xureeynta reer Hiiraan.
Siduu u dilay? waa jirtaa in uu dilay laakin waxa aan la isku raacsaneeyn halka uu ka soo qabtay, qaar ayaa leh,gobalka baay, qaar kale gudaha itoobiya ,qaar kale agagaarka taleex, seedoow oo iska dhigay in daraawiishta ku biiray ayaa caga dhiig soo afduubtay oo la soo lugeeyay ilaa uu keenay geedkii wabiga agtiisa ahaa ee uu dadka ku dili jiray halkaa ayuuna ku dilay sanadkii 1922.
B—Bacdamaa Aqoon yahanadii reer hiiraan ayna wax badan ka qorin , colaada reer Hiiraan iyo daraawiishta waxaa habboon in aad ka fiirisid iska hor imaadkii dariiqada saalixiyada,dagaalka reer Hiiraan iyo daraawiishtu wuxuu ku saleeysnaa diin.

Ugu Horeeyntii Halgamaa Indhaceel ayaa aaday taleex si uu u soo helo hub, berigaa Hiiraan waxaa ku weeynaa dariiqada saalixiyada ,Wuxuu indhaceel ka soo helay hub,Ugaas Rooble oo heshiis la ahaa olol diinle oo dagaal kula jiray daraawiishta ayaa diiday in xiriir lala sameeyo daraawiishta, indhaceelna waa ku raacay, arrintaa ayaa ka careeysisay daraawiishtii.waxaana la soo diray Cagadhiig oo ciidan wata loo magacaabay waaligii Hiiraan. Hiraana waxaa xoog ku lahaa dariiqada saalixiyada ka hor daraawiishta.Waqtigii cusmaaniyada turkigu ay xakumeeysay sucuudiga ayaa qaar reer hiiraan ahi tageen waxa ayna xer u noqdeen sh. Maxamad saalax oo sudaani ajhaa.
Culumadaas reer Hiiraan waxa ay ku doodayeen, Sayid moxamed wuxuu la kulmay sheekh saalax( wadaadka saalixiyadu ku abtirsato) laakiin sayidku faqiih ma ahayn, wuxuu ahaa xeroow aan kutubta cilmiga dhammeyn, sidaas darteed markuu soo noqdey oo suufi jihadiya qaatey, wuxuuna laayay muslimkii meeshii gaalada lagu jihaadi lahaa! Marka Siyidka waa mujaahid laakiin faqih ma ahayn saa darteed sheekh Saalax waa ka bari noqdey markii maqley dilka muslimiinta.
Culumadii reer Hiiraan Waxa ay yiraahdeen inta badan suufiyada Axmadiyada ama saalixiyadu laga soo bilaabo sheekhoodii reer Marooko waxa kaliya oo ay la dagaalami jireen gaalada, laakin sayidku ma kala soocin .
(this school of sufism come from moroco but mohamed salah has spread it in hijaz therefore he was known as Hijaz was under the control of the ottoman whom the sufism were attached to so that’s why the anti-colonial Sufi movements like: Amir abdulqadir al jazairi, Al Mahdi, Omar al mukhtar. so it has to do with the ottoman-europian wars).
Saameeynta dariiqooyinka ee dhinaca gumeysi diidka waxaad tusaale u soo qaadan kartaa Sheekh Xasan barsane iyo saameeynta ay ku yeelatay gabaydii sh. Axmed gaboyoo, xataa dhallinyaradii SYL waxa ay ahayeen dhallin yaro xer ah badankoodu.Culimadii reer hiiraan waxa ay ku fidiyeen dariiqada saalixiya –Axmadiya gobalada Shabeelayaasha iyo Baay,ilaa Baardheere. Waxaana ka mid ahaa Sh. mohamed guleed iyo sh bashir ayaa daraawiishta ka hor fidinayay saalixiyada oo ah madhab hoos tagta Ashcariya –Axmadiya ( sh. Bashiir oo xawaadleey dagay).
xaruntooda ugu waaweeyn hadda waa tuulada Basra oo ku taal jiinka wabiga meel u dhaxeeysa Balcad iyo Afgoi ,dadka qaar ayaa laga yaaba in ay ku wareeraan xiriirka dariiqooyinka –
( What you are confusing like most Somalis are three things, Axmedia, Rashiidiya, Dandarawiya and Saalixiya, those three things are one and the same in the Somali region. Ahmad Ibn Idris al-Araishi al-Alami al-Idrisi al-Hasani (1760–1837) , his tariiqa was the second Sufi tariiqa after the Qaadiriya to arrive in the horn. when he died his despiles spread his tariiqa, among them Ibrahim al-Rashid ( the uncle of sheikh Maxamed Saalax ,saalixiya), whose Ahmadiyyda Rashidiyya Tariqa is widespread in Egypt, Sudan, South East Asia, East Africa (Tanzania) and the Levant and the Somali region. When he died he was succeeded by the Egptian Muhammad al-Dandarawi (d. 1911, Medina). saying Axmediya/Rashdiya or Dandarawiya).
C— Dhinaca kale ee Gumeysi diidka reer Hiiraan .
Ugaas Rooble Ugaas Warfaa oo hor istaagay in Talyaaniga ula dhaqmo dadka reer Hiraan siduu ula dhaqamay gobollada uu soo qabsaday .wakiilkii dowladDa Taliyaaniga ayaa arrinkaa amar diido u arkay wuxuuna yiri: maxaad sameyn kartaa Ugaas Rooble? Ugaasku Wuxuu ku jawaabay waxaan sameynayo aniga ayey i jirtaa, waana lagu kala tagay .habeenkii ayaa ciidammadii talyaaniga waxaa soo weeraray Halyeey Indhaceel Raage Dable wuxuuna halkaas ku dilay 7 askari oo ka tirsan ciidammada Talyaaniga. Gaalkii talyaaniga wakiilka uga ahaa gobolka Hiiraan isla subaxii wuxuu u yeeray Ugaas Rooble wuxuuna kula heshiiyay in Gobolka Hiiraan si gaar ah loola dhaqmi doono.
sidoo kale, nabaddoonkii caanka ahaa ee Sandhool Guure Fiidow oo gumeeysiga ka hor yimid ayaa loo musaafuriyay magaalada Asmara ee eriteriya halkaasna uu ku xirnaa muddo 7 sano ah.
Aqoon yahanada reer Hiiraan haddii ay mar hore wax badan ka qori lahaayeen,kuma dhibtoodeen ururinta qoraalkan, mana galeen qalaadaad haddii ay ku jiraan qoraalkan tix raaciisa. Waxaana heli lahaa sawira ka badan kuwan Md. Ibrahim Seedoow iyo Md. Guure Maalin-Sandhool.

 

FG. Ma ihi Reer Hiiraan,( hal mar ayaan socdaal ku dhax maray gobalka ) , mana ihi taariikh yaqaan, mana heysto tix raac intaan ka badan, sidaa darteed wixii aan khalday waad six kartaa, waad beeni kartaa qoraalkan oo dhan ama qeeyb ka mid ah, dhaliili kartaa Amaani kartaa, Argatidaada xor ayaad u tahay .

Qore: Yahya Amir

SHEEKOOYIN