Luul waxay kala dhex taagantahay kala doorasho culus, haddii talooyinkii Xaali ay raacdo reer u dhaqnaan maayo, haddii ay talada Layla raacdona waxay ka baqaysaa in dumarku u arkaan mid liidata oo ka maarmi weysay ninkii oo noqotey addoon aan wax xaq lahayn oo ku indho beeshay nin ka danaystay, xaalkeedu waa laba daran mid dooro!. Waxay talo ku duugtay Luul iney horta miisaan saarto heerka rabitaan iyo Jacayl ee uu u qabo Liibaan, kaddibna ay ku wax qaybsato iyadoo shuruudo culus dul dhigeysa, balse waa inay marka hore ugu tagtaa xabsiga soona ogaata, qabitaanka isaga iyo Ladan.
Luul waxay ka sameysatay balan kale xabsigii uu Liibaan ku xirnaa waxayna ka heshay balan degdeg ah taasoo uu Liibaana aqbalay.Luul waxay carruurteedii uga soo tagtay walaasheed Layla waxayna soo kaxeeysatay gaarigeedii iyadoo soo qabsatay jidkii dheeraa ee xabsiga tagayay.Luul markii ay soo gaartay xabsiga oo ay usheegtay inay Liibaan soo booqatay waxaa loo kaxeeyay dhankii qolkii yaraa ee ay ehelada iyo asxaabta maxaabiistu ku soo booqdaan qofka ka xiran.
Inyar kaddib waxaa Luul loo keenay Liibaan, oo uu wado mid ka mid ah shaqaalaha xabsiga waana loo kala baxay.Liibaan iyo Luul waxay soo fariisteen laba kursi oo loox ka sameysan soo kala horjeedda miis dheeraa u dhaxeeyo. Salaan kaddib waxaa xigay qadar aamusnaan ah oo Liibaan iyo Luul ay indhaha iska eegayeen waxayna u muuqdeen sidii laba qofood oo isku cusub oo garan la’ meel ay hadal isaga bilaabaan. Liibaan ayaa hadalkii furay wuxuuna ka wareystay Luul sida carruurta iyo Layla xaaladdoodu aheyd. Luul ayaa ugu warcelisay in la iska wada fiican yahay. Haddana waxaa bilaabatay qadarkii aamusnaanta ahaa. Luul ayaa markeedi dhaqaajisay hadalkii xirxirnaa. Waxayna weydiisay Liibaan xaaladda xabsiga iyadoo u raacisay inuu ku baaba’ay (ku caatoobay)nolosha xabsiga. Liibaan wuxuu u sheegay Luul in dhibka ugu weyn ee uu xabsiga kala kulmay tahay hurdo la’aan . Luul oo dooneysay in hadalku furfurmo ayaa weydiisay ‘’ Ma sariiraha xabsiga ayaa adadag? Adigu waligaaba firaashyada(joodariga) adeyga ah maadan jecleyne? Liibaan oo ka baxay marxaladdii cakirneyd ee amusnaanta ayaa hadalkii qaatay wuxuuna yiri: Luuleey maskaxdaa laga hurdaa ee jirka lagama hurdo. Si kastoo firaashku kuugu adag yahay, haddii ay qofka hurdo heyso wuu ku seexanayaa oo ku gam’ayaa, laakiin dhibaatadu waa marxaladaha aan ku suganahay, oo had iyo jeer , habeen iyo maalin i dhex maquursiinaaya mawjado ay adag yihiin in xeyndaaabkooda laga dhex baxo.
Luul ayaa ka dhex gashay hadalkii Liibaan iyadoo doonaysa inay ogaato sababta ugu weyn ee Liibaan hurdada u diiday waxayna weydiisay su’aal toos ah ayadoo ku tiri: Liibaan, maxaa hurdada kuu diiday waase maxay mowjadaha iyo marxaladaha adadag ee aad dhex muquureysid?. Liibaan oo su’aashaa Luul ka bixiyay jawaab kooban ayaa ugu warceliyay: Luuleey halka aan joogo iyo sababtaan u joogo markii dib loo raaco waxaan filayaa inay jawaab waafi ah ka bixinayaan su’aashaada.
Luul oo iska moosaysa wax lug ah inay ku leedahay sababta halka uu joogo isla markaana dooneysa inay kala gar qaataan iyada iyo Liibaan ayaa tiri:
‘’Liibaanoow yaa taas eeddeeda leh? Soow adigu isku maadan keenin? Waxaasoo dhan waxaa keenay oo asal u ahaa qayaamadii aad i qayaantay iyo ballamihii aanu laheyn ee aasaaska u ahaa heshiiskii guurkeena oo aad iiga wada baxday.Waad ila guursatay iimana aadan sheegin,furriin baan ku weydiistay imana aadan furin.
Haddaba ogoow labada arimoodba waxay tiir u ahaayeen aqbalaaddii guurkii aanu ku heshiinay, marka halka aad maanta joogtid iyo sababaha aad u joogtid, ma adiga isu keenay mise cid kalaa kuu keentay? Yaad eedda iska leh oo aad saareysaa’’ ?
Liibaan oo difaac degdeg ah galay si uu isaga duwo erayada eedeymaha kulkulul ee kaga imaanayay dhanka xaaskiisa Luul ayaa ku warceliyay:
‘’Luul waxaan aaminsanahay inaan khalad kaa galay kuguna gafay.Anigu waligey kuma qayaamin. Inaan guursaday oo aan kaa qariyay ilaa aad adigu ogaatid waa khalad aan kaa galay waana qirsanahay, waana godobta ugu weyn ee aan kaa galay iyo sababta hurdada ii diiday. Waligay gacan kuuma qaadin maalintaas ka hor. Inaan gacan kuu qaadeyna waan ka shalaayay inkastoo aanan garaneyn sidii aan noqday maskax ahaan,waxaa laga yaabaa inaan isku dhex yaacay oo aan marxalad waali-ku-meel-gaar ah aan galay. Luuleey adiguna igama aadan roonaan, waayo ? Waxaa kuu furneyd inaad i saamaxdid, waxaa kuu furneyd inaad ii cudur daartid. Waan kaa ogolaadey inaan khaldkeygii saxo. Waxaad igu amartay inaan xaaskii aan kula guursaday aan furo. Jaceyl aan kuu qabay dartiis waan u hogaansanaadey amarkaada .
Waan furay xaaskii maadaama aan balantii noo taalay kaaga baxay. Wax kasta oo kale ee aad igu xukuntid dhibkey doonan ha lahaadeene diyaar baan u ahaa. Laakiin nasiib darro sidaan kuu qayaamay si la’eg ayaad ii qayaantay. Intaad naagteydii iga furtay ayaad banaanka iisoo saartay. Dharbaaxo khaldaneyd oo si ay ku dhacday aanan garaneyn, malaha waan waashaye, iiguma aadan dul qaadane askar baad iigu wacday.Waxaad sabab u noqotay xabsigii ugu horreeyay ee aan nolosheyda galo. Hal maalin oo aanan carruurteyda iyo adigu idin arkin baa iiga weyneyd nafta oo la iga qaado.
Xitaa aniga oo xaas kale guursaday habeen kaama soo dhixin, sidaas oo ay tahay weli kuma furin kaamana quusan,waxaa igu furmay buuq xagga maskaxda ah, Waxaan geystay dhib inkasta oo uu yahay dhib aanan marnaba ka shalaayeynin , oo ninkii aan saaxiibkey moodi jiray ee aan eersadey, dhibaha isoo gaarayna sababta u ahaa aan u geystay, maalin kaliya xabsiga iguma aadan soo booqan xukunka ka hor. Waxaad meel kasta iga dhigtay dacwo, waxaa leyga mamnuucay inaan gurigeyga aan imaan karo, carruurteydana aan soo booqan karo.Maalintii maxkamadda ley saarayay marnaba isma laheyn way baaqan doontaa Luul weysa dhacday.
Luul inta uu Libaan hadalka waday hoos bey eegaysay iyadoo si habsami ah u dhageysanaysay kalmad hadalka Liibaan ka mid ahna aysan dhaafeyn.Luul waxaa wajigeeda ka muuqday ka qoomameyn wixii dhacay inkastoo aaney hadal ahaan u qiranin balse ay ku muujineysay dareen ahaan.
Intaas ka dib Luul waxay biloowday inay guda gasho ujeedkii booqashadeeda waxayna Libaan ku tiri:
‘’Liibaanoow, laba su’aalood baan rabaa inaan ku weydiiyo ee diyaar ma u tahay’’?
Liibaan: ‘’Haa Luul waad i weydiin kartaa su’aal kasta oo aad dooneysid waana kaaga jawaabayaa haddii uu waqtiga booqashadu inoo ogolaado, maanta haddii uu noo saamixi waayana booqashadaada xigta ayaan sii wadi doonaa.
Luul : Ma i jeceshahay weli?
Liibaan: Inta aan noolahay waan ku jeclahay
Luul: Naagtii aad igu qayaantay( Ladan) ma qabtaa mise waad furtay?
Liibaan: Markii hore ee aad ogeyd waan furay laakiin hadda waan qabaa oo waan soo ceshaday.
Luul: Soo ceshadayaa? Ma mar kale?
Liibaan: Waxaan soo ceshadey maalintii maxkamadeydu dhacdey, waxaanan usoo ceshadey gabadhaas dulmi baan ka galay sidaan adiga kaaga galay, waayo iyadoon taladayda ahayn baan gurey adiga awgaa, haddana iguma nicin iguma colaadine xiriirkayagii waa sii waday, haddana waa xaamillo oo laba mataano ah ayay caloosha ku sidaa, waxaanay weli ku jirtaa cudadeydii maadaama ay xaamilo tahay, Qodobka labaad waxaan usoo ceshaday aniga maalintaas ma jirin xaas aan qabo oo gacanta iigu jirtey, wixii aan maxkamada dhexdeeda ka maqlayna ma ahayn waxaan rumeysan karayey, balse, dhaawac qalbiga ah ayay ii geeysteen, ninkii dartii lay xukumay inaad ku booqato isbitaalka kuna daryeesho inaad xaaskiisa tahayna uu isku diiwaangeliyo.
Luul ayaa argaxgaxii uu u sheegay inuu soo ceshaday waxaa kaga darnaadey garta hortaala ee ah, intaad ii iman weyday ayaad ninkii I xirey isbitaalka ku booqatey haddana uu xaaskiisa inaad tahay isku diiwaan geliyo, Luul oo dhuuntu engagtey haddana is diidsi is leh ayaa tiri. Hadda doodi waxba noo tari mayso aniga iyo ninkaas waxba nagama dhaxeyn ee adiga dartaa ayaan ku xiriirinayey, Xaaskaagu haddey carruur kuu leedahayna ilaahay ha badbaadiye kama xumi, anigase go’aankaygu maaha inaad xaas kale ila qabto, labadayada inaad mid doorato huri mayso markaad xabsiga ka soo baxdo, dacwadiina waa ka noqonayaa, gurigaaguna waa kuu furan yahay, balse waa markaan ka heshiino waxaan isku maandhaafsanahay.
Liibaan ayaa ugu warceliyey: Luuleey xaaskayga mar dambe kuu furi maayo, mase, sheegin go’aan aniga aan gaarey, Hal dalqad ayaa iigu hartay taasina maaha mid afkayga ciyaar uga baxaysa, adigana ku furi maayo oo sidaan shalay kuu jeclaa baan kuu jeclahay adiga iyo ubadkaaga.
Waxna kama qabo inaan wada hadalno marka xabsiga aan soo dhammeysto, iyadoo halkaas xaalku u marayo ayaa Luul iyo Liibaan ayaa askarigu ku wargeliye iney shan daqiiqo haystaan, waana lays maca salaameeyey.
Waxaa la gaaray maalintii ballantu ahayd arooska, Luul iyo Ladan mid weliba waxay dhinaceeda ka gashay inay is muujiso oo ay noqoto mida xaflada ugu quruxda badan uguna ilqabadka wanaasgan, waa haween iyo dhaqankoode mid weliba waxay gashay diyaar garoowga 12 saacadoo ka hor, iyadoo, is dagcid, facsid iyo bushxinba aan waxba laysu reeban, Huruud, cilaan, cusbur iyo kareemmada cusuba waa laysugu geeyey korka iyo oogada.
Mid weliba waxay diyaarsatay lebiska ugu qurxoona, waxaad mooda laba madaxweyne oo shir ku ballamay mid weliba gaarigeedii caadiga ahaa waa ka tagtay waxayna habeenkaas dalbatay gaari kiro ah, Luul waxay soo kaxaysatay Mercedes halka Ladana ay soo kaxaysatay BWM, hannaanka ay u soo lebisteen ayaa ahaa mid ay naftooda u hagarbaxeen, labadooda midkoodna ma oga in tan kale imaaneyso, balse waxay ogyihiin xanta mid walba suuqa ugu jirta iyo nuxnuxda xaalkooduna waa iska giijin iyo yaan lagaa dareemin.
Waxay mid weliba u soo shiraacatey dhinaca xafladdu goobtey ka dhacaysay, waxaana la soo wada gaaray goobtii Arooska waxaa si lama filaan ah barxad weyn oo haween ku buraanburayeen gadaashooda ay taallo kuraas aad u tiro badan oo maryo qurux badan lagu bilciyey iyo miisas ayay midba daraf iska soo taagtay labadoodii, waxaa meesha hore u taagneyd Ladan oo jeedaalinaysay iyadoon goobta ku jirin buraanburka kuraastana fadhiyin, waxaase si lama filaan ah horteeda isa soo taagay Luul markii indhaha qac laysku siiyey ayaa mid weliba tan kale ku naxday ileyn meesha kama fileyne.
La soco qaybaha dambe.
W/Q: Cismaan Qanyare