Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q7AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q7AAD 

Haddaan kasii amba qaadno halki ay noo joogatay, Xeerka iyo Xikmadda Shiribka. Qeybtaanna waxay xariir la leedahay isla qeybii hore ee halxiraalaha aheyd laakin waxaan u weecinaynaa xagga “Diinta” maadaama guud ahaan Suugaanta gaar ahaan Shiribka lagu cabbiri karo dhinac kasta ee la doono, sidaan horeba ugasoo hadalnay.Shiribka  xeerkiisa  miisaanka iyo habdhiciisaba   hore  ayaan uga soo faallooney, waxaana u kala saarney qaybo badan oo habdhaca iyo haaneedinta shiribka ah.Shiribku tireynta maansada marka laga hadlayo, waxaa loo tiriyaa laba nooc,  mar waa Alanka marna waa shaqalka,  Shiribku  dhinaca  shaqalka marka lagu tireeyona waa  10- 12 Shaqal lugtiiba,  marka alanka lagu tireeyona waa Sideed alan ilaa 10 allan.Sidan oo kale ayaa loo tireeya suugaanta oodhan Tusaale:

  • Ninkii barbaarshey bahal nool
  • Ka Baxsey ama boqna gooy.

1(Nin)2(ki) 3(bar)4(baar)6(shay) 7(Ba)8(hal) 9(nool) 9 Allan ama 12 shaqal

1(Ka) 2(bax)3(saey) 4(a)5(ma)(6(boq)7(na) 8(gooy).8 Allan ama 10 shaqal

 Waa xeer lagama  gudbaan ah, in tireynta shiribku aysan ka gudbin oo aysan ka badan, ka gaaban oo aysan ka yaraan si dhadhankiisu uusan u lumin dhalankiisuna isu rogin.

Halxiraalaha Shiribka.

Halxiraalaha aan maanta ku soo qaadanaya  waa mid ku saabsan diinta, weli waxaynu bartanka uga jirnaa faalleynta iyo falanqeynta shiribka iyo jaadadkiisa  si aynu dhan walba uga bogano,Shiribka qaabka laysu weydaarsada marna waa laba kooxood marna waa laba qof, hadba  waa  qaabka iyo goobta uu ku dhaco, mararka qaarkoodna waaba farriin laysu diro oo lays weydaarsado iyada oo aan la wada joogin, sida  jaadadka kale ee suugaanta.

  • Qaaf shidan qaala aayada
  • Qoomkaas ku qabbiraan lahaay’

Wuxuu ku halxiraaleeyay qaaf shidan oo Qur’aanka kareemkaa kali ku ah. sababtoo ah”QAAF” labaad oo shidan lagamasoo helaayo Qur’aanka dhexdiisa. Iyo qaala Aayad ku dhammaata. iyaduna waa kaligeed oo ma jirto mid la mid ah. waaxidki ayaana looga yaqaan qur’aan dhexdiisa labadoodaba! Waxayna ku kala jiraan Suuradda “Anfaal” iyo Suuradda “Arracdi” wuxuuna laashinkii kale ku jawaabay:

  • Anunna qaanfil maahinoo
  • Inay qaliil tahaan qabnaa

Laashinkaan waxaa lagu sheegay taariikhda aan la qorin inuu ahaa nin aan aqoon qur’aanka laakin wuxuu fahansanaa sida ka muuqata in Labadaan qodob ee lagu halxiraaleeyay aanay qur’aanka ku badneyn; waana sababta uu u leeyahay annaguna dabbaala ma nihin oo waa ognahay inay yihiin Xarfa qur’aanka ku yar:

Waxaa jira halxiraala kale oo caan ah oo laba laashin isku xujeeyeen laakin aanan magcahooda iyo meesha ay ka dhaceenba aanan heyn. Waxayse u dhaceen sidaan:

  • Afarjir geela oo irmaan
  • Alif ku sheeg ambiiga aal?

Wuxuu ku halxiraaleeyay 4-sano jir geel ah oo irmaan ii sheeg haddaad Shirib isku heyso! Sida caadiga ah geelu marka uu afar jir yahay waa yaryaryahay waaba marka layiraa “Qaalin ugub” mana ahan suurta gal iney irmaan noqoto oo inta Awr loo deyo ay dhasho,

  • Afarjir geela oo ilceel
  • Afar ka soo fulshaa irmaan

Su’aashii wuxuu u furay si aqooni ku jirto laguna wada qanci karo. Waxaana uu yiri: Qurbac ama rati Afar sano jir ah oo ceelka aad u dhaansatay ee Afar haamood kaagasoo fuliyay macnaha kaaga keenay ayaa irmaan!Laashinkii markii koobaad su’aasha keenay sidaa ugama herine wuxuu isla markiiba ku xujeeyay Halxiraale kale wuxuuna yiri:

  • Afar allaahu akbarood
  • Alif ku sheeg ambiiga aal?

Salaad afar Allaahu akbar kaliya in lagu dukado ay waajib tahay ii sheeg haddii aad tahay laashin is huba?Isla markiiba wuxuu yiri: laashinkii su’aashu ku taagneyd.

  • Afar allaahu akbarood
  • Waxaan ku arkay iilya meyd!

Wuxuu ugu jawaabay Afar allaahu akbarood waxaa leh oo kaliya salaadda Janaasada ee ruuxa meydka ah lagu dukado. Sidaas ayuuna ku qoolfurtay oo isaga dhiciyay laashinkii kale ee saaxibkiis ahaa!Halxiraale kale ayaa jira oo aad loo adeegsado waxaana kamid ah Shiribyadaan soo socda: laba laashin ayaa goob heeraaran lana wada joogo isku qabsaday iyadoo laysu awood sheeganayo dhinaca aftahanimada iyo hal abuurka. Haddaba si  ay u kala heraan ayaa laashinkii isu heestay in asiga looga dambeeyo xagga Shiribka ayaa ku halxiraaleeyay dhiggiisa kale Shirib caan noqday, wuxuuna ku yiri:   

  • Adeeyga joogi diidayee
  • Afar jiho inteey jiraan?            

Laashinkii kale oo raba inuu dhowrto laashinnimadiisa rabana inaan koobka laga qaadin ayaa ugu jawaabay sida tan:

  • Jameecadii is jiitadaa
  • Maheey u jeesataa jihaa,
  • Maheey kasoo jaheeysataa
  • Jaha lamaadki kaa jirtaa,
  • Qorraxdaan jiidanoon jebeyn
  • Maheey u jeesataa jihaa,
  • Maheey kasoo jiheeysataa
  • Jahadi afarraad jirtaa!

 

Wuxuu ugu jawaabay dadka tukada meesha ay u jeestaan oo qiblada ah ayaa jahadii koobaad kaa xigtaa. Meesha dhabarkooda ku aadaan ee ay kasoo jeedaan waa dhinaca koofureed ayeey jahadi labaad kaa jirtaa.Wuxuu yiri: Meesha qorraxdo u dhacdo oo ah Galbeed ayeey jahadii seddexaad kaa jirtaa, halka ay kasoo baxdo oo ah Bari waxaa kaa jira jahadii Afarraad! Sidaas ayuuna isaga dhacsahay laashinkii kale.Sidaas ugama herine wuxuu isla markiiba kusii xujeeyay su’aal kale oo kadis ah wuxuuna ku yiri:

 

  • Jawaabtaas Waa jeheysayee
  • Afarti joowqanafna sheeg?

           Jawaab

  • Iyaguna waxay jiraan
  • Afarta jiho jiiradood

Laashinkii Shiribka bilaabay ayaa leh su’aashii hore si sax ah ayaad uga jawaabtay ee middaan kale ee ah kala reebtada, Afarta joowqanaf sheeg, haddaad wax isku heyso?

laashinkii kale fikir dheer kuma qaadane isla markiiba waa ka jawabay wuxuuna yiri: afarta joowqanaf waxaay jiraan Afarta jiho jiiradood.Haddaba waa maxaay “Joowqanaf?”Joowqanaf waxaa layiraa: “ Koonfur bari, Koonfur galbeed, Waqooyi Bari, Waqooyi Galbeed.

Shiribka sidaas ayaa loogu xifaaltami jiray aqoonta iyo ogaalkana looga kororsan jiray dadka laashimiinta ah, waana qayb ka mid ah deeqaha hal abuurka iyo curinta  ee  eebbe baxsho, oo dadka qaar la siiyay, laakin dadka aqoonta durugsan u leh waxay yiraahdaan haddii  shiribku waa kan ugu habboon  dhinaca xifaalada iyo halxiraalaha kooban,  waana mida keenta in  durtaba  hal lug oo shiriba  ay  ambaqaadi ogtahay  halxiraale  aad u mug weyn oo haddii suugaan kale lagu sheego  badan lahaa.Shiribka laftiisa ayaa iyada oo la wada shirbo loo sii kala aqoon badan yahay laguna kala xeeldheer yahay  hufidiisa iyo hubintiisa.$

 

La soco qaybaha kale.

W/Q: Xasan Cuute  (Shiribmaal)



         

Top