Saaxiibkaan eersaday Q17AAD. W/Q: Cismaan M. Qanyare

Saaxiibkaan eersaday Q17AAD.

Sida  qorshaha Xaali ahaa waxay muddoba  ka daba wareegayeen iyada iyo gabdhaheedii sidii ay uga dhaadhacsiin lahaayeen Samiira uguna qancin lahaayeen inay  aroosto, iyagoo u tilmaamay gabdho badan oo ay isku fac ahaayeen iyadana is raaci jireen oo disco iyo meel walba la joogi jirey haddana  reero yeeshay oo is beddelay.

Samiira ugu dambeyn waa yeeshay, waxaa maalin maalmaha ka mid ah la siiyey  waqti ay isku fahmaan, kaddib waxay Samiira u sheegtay in haddii uu guurka rabo uu fulliyo shuruudaha ay rabto, si aysan isaga hor imaan qandaraasna ay wada galaan aan laga baxayn.Looyaan waa ogolaadey  waayo danta haysaa ka weyn  waxay sheegayso xaalkiisuna  waa dheh waxaad rabto waan dhegaysanayaa.

Samiira waxay dhahday  waxaan kaa rabaa inaad shuruudahan oodhan oggolaato, haddaad ogolaan weysana waxba nama dhex mari karaan.Looyaan ayaa ku yiri: “ Ii sheeg horta aan ogaado waxay yihiin markaas ayaan dhihi karaa waan yeelay ama waa diiday“Samiira ayaa billowday inay  u kala dhig dhigto shuruudaha:

  1. Aniga ima weydiin kartid meesha aan aadayo iyo cidda aan raacayo
  2. Kama hadli kartid dharka aan gashanayo iyo qaabka aan u lebisanayo
  3. Kama hadli kartid balwadeyda iyo waxaan isticmaalayo
  4. Iimana qaban kartid waqti aan ku imaado ama ku baxo.

Looyaan oo yaabay ayaa yiri: “Maxaan ku beddelanayaa intaas ileeyn markaas nagama dhaxeeyo xiriir guur, haddaanan intaas oodhan  isugu imaaneyne?Samiira ayaa tiri: Adduunka waa is fahan ee i dhegayso waxaad ku beddelaneysaa sidan:

  1. Anigu dhaqaale kaama rabo(Marasho iyo masruuf)
  2. Haddaad joogto iyo haddaad maqantahay culeys ku saari maayo
  3. Haddaad shaqayso iyo haddaad seexato waxba igama gelin
  4. Haddaad balwad leedahay iyo haddii kale waxba igama gelin

Laakiin inta xiriirka naga dhaxeeyo ma guursan kartid cid kale, sidaas ma u tahay diyaar? xor u nooloow, anna xor baan u noolaanayaa, habeenkaan isu nimaadno waa isla joogeynaa Pizadeenana waa dalbaneynaa.Looyaan oo arrinkani ku yahay mid fajiciso ah ayaa yiri: Waxba kama qabo, balse mid keliya ayaan kaa rabaa oo ah in aadan shuruud ku xirin dhinaca nolosheena markaan wada joogno, oo aan si wanaagsan u wada macaamiloono, waqtigaad doonto habeenkii kaalay  balse, waa daalanahay iyo iga qalee kaa yeeli maayo.Samiira ayaa qosol la dhacday halkaas haka welwelin ayay tiri shuruudna kugu xiri maayo, balse inta kale waa inaad fulisaa hooyadeyna aadan u sheegin kalana hadlin.

Wada hadalkoodii markay isku fahmeen waxaa loo wacay wadaado xaafadda ah maalinimadii dambe waxaana loo sameeyey meher gaaba gaabeey ah, waxaana halkaas qol weyn loogu haggaajiyey gurigii Xaali, Aroos ayuuna meeshaas ku galay Looyaan.

Looyaan dabeecadaha dumarka wax badan kama yaqaan waxaase jirta baahi badan oo dhankaas ah, wax walba waa tan ku qasbaysa inuu fulliyo, isagoon ka hor imaanin inuu reerka uu qabo la dego, gabar uusan rabin loo dhiso iyo inuu noqdo qof layska maamulanaayo.

Looyaan maadaama jug gaartey oo dhaawac gaarey waxaa  dowladdu siisay lacag caddadkeedu wanaagsan yahay oo magdhaw ah, waxaana loo ogolaaday ilaa lix bilood inuusan shaqayn kareyn, wuxuu iibsaday baabuur ka fiican kiisii hore, wuxuuna iska watey shaqadiisii tagsiga inkastoo aannu saacaddo badan fadhi jirin oo uu mar mar ka dhigan jirey.

Maalinimadii dambe ayaa  waxaa ka soo baxay  xabsiga wiilka ay dhashay  Xaali ee Asad oo aan sidiisaba xabsi ka bixin maadaama uu markasta danbiyo kala duwan faraha kula jira, ka dib markii uu soo dhammeystay ciqaabtii  fal dambiyeed oo uu xirnaa wuxuuna yimid guriga,  markuu arkay ninka odayga ah isla markiiba waa jir diiday (jir nacay)  dhawr jeer ayuuna walaalihiis  weydiiyey muxuu meel gaar ah u degi waayey.

Maalimadii dambe ayuu Asad uga sheekeeyey xaaladda guriga saaxiibkiisa Xamse oo ahaa ninka maskaxda u ah Asad  wuxuuna dhahay: “ Ninkaan aad sheegayso waaba beello siduu guriga uga bixi lahaa, annaguna aan ku noolaan lahayn ayaan kuu hayaa“

Asad  ayaa la yaabay oo yiri: Waa sidee saaxiiboow arrinkaas waa rabaaye?

Xamse ayaa yiri: “ Hadda ka hor saw ima dhihin hooyadaa lacag dhan ima siiso waxeeda dhan dahab ayay ka dhigatay, gabdhaheeda bes ayayna ka fekertaa?

Asad  ayaa yiri: Haa saaxiiboow imaba arki karto

Xamse  ayaa yiri: Haddaba fursadaan ka faa’iidayso waxaan dhacaynaa dahabka iyo lacagta kaydka u ah  maamada, waxaadna ku nabeysaa duqaan cusub ee walaashaa loo guuriyey, isagaana  filinka dhan korka ka saareynaa!

Asad ayaa arrintii u qushuucay una riyaaqay, wuxuuna awooda  saarey sidii uu qolka hooyadiis iyo sanduuqa kaydka ah ee armaajada weyn ee qafilan ku jira u kala tuuri lahaa, Looyaana dusha uga saari lahaa.Sanduuqa lacagta kaashka ah ee ku jirta ka sakoow, waxaa ka buuxa dahabkii ay duq Xaali aruursan jirtay laga soo bilaabo gabarnimadeedii ilaa maanta oo ay islaan weyn tahay.

Asad  ayaa hooyadiis u sheegay inuu gobol aadaayo oo laba maalmood uusan imaaneyn guriga, habeenkiina ma soo hoyan, Hooyadiisna way rumeysatay  arrinkaas waayo waa dabeecad ay ku taqaanay inuu Party iska aaddo ama gobollo kale.

Galabnimadii ayuu Asad guriga yimid xili uu ogyahay in la kala maqan yahay, wuxuuna  durbadiiba arkay Looyaan oo qolkiisa jiifa isma tusine  ee intuu kor fuuley qolka Hooyadiis Xaali ayuu lacag gaareysa toban kun oo Boon iyo Dahabkii ay hooyadiis sanadaha badan uruursanaysey la baxay tartiibna u dusey.

Looyaan ayaa galabnimadii iska baxay oo qaxwo doontey, waxayse Xaali timid gurigii oo aan meel kale laga jabsan ee  armaajadeeda iyo sanduuqeeda kaliya la jabsaday, waxaana markiiba ku soo dhacday armey gabartaada Looyaan hawshan u adeegsatay oo labadii aad isku dartey ku dardareen!

Asad oo ninkii dhibka dhigay ah ayaa soo galay isagoo saaxiibadiis la socdaan baabuurna ku keeneen iskana dhigaya nin gobol kale ka yimid, markuu arkay hooyadiis oo barooraneysana wuxuu dhahay, waa ogahay cid kale maaha waa ninkaan tuugga ah ee aad soo xareysateen, hadduu noolaado ninba maahi, waxaana igu balan ilaahey ah inuu ka shalaayo ilmada uu hooyadey ka keenay indhaheeda, albaabka ayuuna ka baxay.

Xaalina waa ka daba orodey iyadoo maandhoow hanagu dilin anigaa la hadlayee iska dhaaf iyadoo leh, gabdhihii kalena waa yimaadeen iyo xaaskiisii Samiira arrintiina waa laysku raacay maadaama guriga aan weligiis waxba laga xadin, waxay dhaheen aan booliiska u sheegno, Xaalise  wax ka weyn bay ogtahay oo Looyaan iney ku degdegto ma rabto, waxay dhahday anigaa la xaalaya ee iska dhaafa.

Fiidkii ayaa waxaa  yimid Looyaan oo warmoog ah, wuxuuna  dalaq soo yiri guriga oo fadhiga la wada fadhiyo isagana la sugayo, kaddib salaan iyo bariiddo ka sakoow waxaa loo sheegay wixi dhacay, waxaana la weydiiyey isaga in galabnimadii ciddi u timid, wuxuuna ugu jawaabay inaan cidna u imaan uusan arkin uuna iska jiifey.

Wuxuu dhahay Looyaan booliiska hala waco oo haloo sheego arrinkaas, balse, Xaali ayaa tiri: “ Na keen oo qol la gashay una sheegtay inuu iska soo celiyo Dahabka tobanka kuna qaato, halkaasna arrinku ku dhammaado“ 

Looyaan ayaa cirka isku shareeray waana xanaaqay, Xaalina waa shakisay oo waxay dareentey in xaalku sidan ka duwan yahay, waa qof weyn wey aragtey inuusan isaga ahayn haddana  niyadeedu meel kale oo ay tuhmeysaa ma jirto.

Habeennimadii nabad ayaa lagu seexday, waaberigi ayaa Samiira lagu soo booday Matag iyo xanuun degdeg ah,  kaddib waxaa loo wacay Ambalaas, markiiba dhakhtarkii shaybaarey ayaa sheegay inaan dhib jirin ee gabarta ay leedahay  Uur ilaa afar bilood ah.

Looyaan ayaa afka kala qaaday waayo bilba ma qabo, dhulkaa la wareegay xaalkii  xalay ku dhacay  ninkii u dhaaraneyey, Islaantii lahayd lacagta barqaado ee dahabka iska keen,  Uurka xaaskiisa ku soo baxay, waxaas oodhan inay shirqool tahay ayuu arkay oo dabin uu ku dhacay, dhulkaa la wareegey, wiishkaa ku yeerey xaalkiisii ayaa bariga dhexe noqday.

Xaali ayuu la hadlay iyaduna iyadoo Afka maroojineysa ayay tiri: Oo yaa kale oo lahaan lahaa adigaa dhalaye,  Alxamdulilaah dheh, intaad dahab iyo lacag waxaan haystay dhacday miyaad haddana rabtaa inaad dhahdo gabartaada wacal sida?

Looyaan waxaa ku yaraaday dharkuu xirnaa dunidii oodhana waxay ku noqotey sanduuq iyo qol yar oo cariiri ah, yaab iyo amakaag ayaa isugu yimid, naftiisiina waxay la deristay walaac, kaddib ayuu la faqay  xaaskiisa intuu meel gooni ah la istaagay,  waxayna ku dhahday “ Maxaa ka macne ah? Just give your name dude“  haddaa dhasho iyo haddii nin kale dhalo, hadda saw ninkayga ma tihid? Adigaa u aabbe ah!

Looyaan cid uu la tashado iyo meel uu ku ciirsado ma leh, ninkii xoogga weynaa ee Asad ee biraha qaadqaadi jireyna waa ka sii hormuuqda, arrinta suuqa geli doontana  kasii darran gabartii xaali ayuu aroosay, uurbaa ku soo baxay, lacag iyo dahab ayuu xaday, waxaa guux iman doona ayuu ka sii welwelayaa!

Dhanka kale  Luul iyo Ladan  waxaa dhexmartey sheeko culus oo garnaqsi ah, Luul ayaa si geesinimo leh u tiri maya, Xaasha alle hakuu adkeeyo ubadkaaga, anigu cadow kuma ihi ubadkaaga waa carruurteyda walaalahood, sheekadaaduna waa I taabatey  ee haddaan wax kaa codsado mayga yeelaysaa?

Ladan ayaa tiri: Haa  waan kaa yeelayaa  haddii ay tahay  wax suurta gal ah.

Luul ayaa waxay  tiri: “ Walaaley  waxaan kaa codsanayaa ninkeyga adigaa iga soo daba galey ee inaad ii dhaafto oo  hadda ilmo waad heshaye aad iiga leexato noloshaydana ka dhex baxdo“

 

Ladan oo si mug leh u dhegaysanaysay warkeeda ayaa tiri: “ Waxba kama qabo arrinkaas Luuleey haddaad ku qaboobeysid, arrin baase jirta, taasoo ah anigu dalqada ma hayo ee liibaan afkiisa ayay ku jirtaa, hadduu isagu arrinkaas kaa ogolaado anigu waxba kama qabo, balse, ninkeygii oo i raba i fur haddaan dhaho if iyo aakhiroba waa dambi“

Luul waxay aad ula yaabtey sida degdega  ah ee  weydiinteedii looga jawaabay, waxaa hadalkii ku celiyey aniga go’aanku igama fullo ee  ninka ayaa wax furi kara, ugu dambeyn waxay tiri waxaan si wadajir ah ula hadlaynaa  Liibaan  go’aanka uu qaato iyo labadeena  qofka uu raaco maahine  kan kalena waa inuu hanneeyaa oo raali iyo cuqdad la’aan ku aqbalaa go‘aankiisa.

Arrintaas  ayaa laysku raacey  waxaana lagu ballamey in la sugo inta uu ka soo baxaayo oo hadda dhibka haysta inaan dhib kale loogu darin, waxaa kale  oo laysku raacay in aan dhexdooda laga shaqaynin oo ay  iska jiraan cadowga kala dilaya, isfahan iyo hawraarsan ayaana  shirkoodii ku dhammaaday.

Markii ay kala tageen ee Luul gurigeeda tagtay  ayaa arrintii culeys ku noqotey  waxayna go’aansatay iney la wadaagto Liibaan waagu markuu beryona inay balan ka sameysato oo la hadasho.

 

La soco qaybaha kale

 

W/Q: Cismaan M. Qanyare

 

 

 

 

SHEEKOOYIN