Dawankii Dhiillada! Qore: Cabdiraxiin H. Galayr

fhiilada

  Aqriste, markaad aragto qormadan waxaad dareemaysaa digniin iyo weliba in halis ay ku jirto, laakiin, haddii sida caadada ah ay baxaan dhawaqyada dhiillo ka digeenka ama dhiila sheegeenka naftu waxay u dhegtaagtaa maxaa soo yeedhi doono waan ogahay inaad is weydiinayso su`aashan balse jawaabtooda addiaga ayaa lagaa doonayaa . Geela waxaa lagu xantaa inuusan u dareen fogayn sida uu u adkaysi badan yahay, iyada oo loo dardaarwarinayo loona sheego inay jiraan geedo ka caagan oo hadduu damac ka galo helis geliya naftii ayaa waxaa la yidhi sidan (Geelloow geed walba daaqdaye markaad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa?) Aqriste innagu geel ma nihin balse haddana waxii geela dhibaa way ina dhibayaan oo Noole ayaan nahay. Mar keliya ayaa waxaa is qabsaday hugun iyo guux waa maxay tolow? Waxaa dhacaya Jaras, Gambaleel iyo Dawankii dhiillada,  buunkii baaqa dheeraa, qaylo iyo sawaxan ayaa kuu baxay ma colaadbaa tolow? Ma dab ayaa kacay? Mise dad waxyeello gaadhay  ayaa loo gurmayaa? Yaa og?! Waxaa judhiiba maskaxdaa miranayaa  Su’aalo dhawra, waxaad ku jirtaa baadigoob, waad ku qasban tahay inaad hesho jawaab waafiya,   waase is weydiin labaade, oo xaggee baad ka helaysaa? Mooji! Ayay haddana naftu kugu soo warcelisay, haddana waxaad isku qancisay waad ogtahayoo meeshaad joogto inta badan war wanaagsani kama soo yeedhee maxaad isugu mashquulinaysaa, haddana, kama maaranto, waa naf iyo xaalkeede, inay hesho waxay  jammato, waxay doonaysaa oo ay awoodda saaraysaa, inay hesho jawaabtii ay ku daashay. Waxay yididiilo ka dhigaysaa (Tacab dabadii ayaa la doogsadaa)  waxaad gashay socdaal dheer, illaa iyo intee baad socon kartaa? Si aad  xal ugu hesho, helitaanka dhawaqa  baxaya, waxii dhaliyey Alla dheera  gu’ba gu’ ayuu kuu dhiibayaa,  dayriba dayr ayay kaaga talaabsatay, xaggaa iyo diraaco badan ayaad sii jiidhay surmi iyo harraad badanaa daal iyo daalaadhac badanaa, baqdin iyo werwer badan, naxdin iyo argagax badanaa, naftaadu adkaysi badanaa illeen waatan go’aaanka ku gaadhay inay hesho jawaab kaafisee. Waxaad talo ku soo waabtay markaad safarkii iyo socdaalkii xaqiiqo raadiska iyo xog ogaalnimada ku soo daashay, inaad -illeen-  waa lama huraane, bal dadka wax weydiiso. Illeen haddaadan weydiin dadka waxa waad ku waalanaysaa, waxaad qiil ka dhiganaysaa Maahmaah magaaleedkii dhaliyaradu isku maaweeliso: ( Keligaa waalo wareer waaye, halagu waasho wadaag waaye) mise  waxaad leedahay sidan: (Colkaa badan iyo biyo kaa badaniba waa ku harqiyaane) Su’aashan baxaadda  leh, ee baxaadsooraha ku geysay iyo bankii geeriyaad ee aad cidlada la baaxaa- degayso, wax kula qaybsada hel, oo u ciidan badso ama u odayo badso. Mise, adigaan ogayne, dadkoo dhami way raadinayaan, oday  iyo wiil, gabadh iyo marwo, caruur iyo cirroole. Waxaad keligaa is weydiinaysaa su’aalo badan, oo ka dhashay su’aashii hore  raadraaceeda, oo waa maxay  imtixaankani? Ma waxaa naloo diray   Kedis iyo shaqo guri? Maya, dad waawayn baanu nahay oo waxbarasho waqtigeedii kuma jirnee, maxaa naloogu dirayaa?  haddaa maxaa su’aashan jawaabteeda loo waayay? Maxaa kale oo loo waayay hal qof oo ku  guulaysta jawaabteeda, oo si saxa uga jawaaba? Keligaa baad is qancinaysaa, haddana, weger iyo ka waasacan, dadkoo dhami saxdeeda way og yihiin, way ka warwareegayaan, oo adigu maad sheegtid hadaad sheegto, ma (War la qabaa xiiso maleh) ayaan la gole imaadaa, oo ummada isla hor cayuubaa? Maya, maya, iska aamus  cidna waxba ha weydiin, cidna waxba haw sheegin. Go’aanka danbe si toosa uma aadan qaadan, waayo, ma aamusi kartid,  hadalkiina waadigan oo quus ayaad iska soo taagtay, saw xaalkaagu maaha markaas (Haddaanu hadalnana waa af salax ku dheg haddaanu aamusnana Adhiga sidan laga dayn maayo!) weger,  wallee hawl baa taagan, kama aadan hadhin welli waad daba socotaa, maxay tahay sababta  shanqartan iyo gariirkan is qabsaday iyo dhawaqan dhiillada leh? waxaad naftaada ku qancisay  orod ku dhaaf taariikhdii madoobayd, illeen kama wada gayoonaysid inaad maalin iyo  habeen u tiriso ama aad miridh iyo ilbidhiqsi uga bogato, ma awooddid anigaaba hubo, inaadan qabyadan dhamaystirkeeda helayne, maad  meel aad ku nasato, oo aad ku  nafaxaadid doonatid, waadba ku daashay su’aashan Jaane, oo halkeed tagtaa oo aad kaga baxsan karaysaa ayaad is weydiisay? Dee  gebigeeda su’aashan oo dhan intaan  shanqartani billaabmin, ka hor intaan dhawaqu yeedhin xasuustaada dib ugu celi, bal inaad hesho xal iyo wax isbedela, waad dhaqaajisay xadhkaha isku marane ee maskaxdaa is dhexqaaday muruqyada dareenka xasuustaa iskala bixiyey xawaare iyo kaynaan u dhiganta sayruuqyada iyo gantaalaha laysku gamo orodkooda ayaad jartay. waxaad is dultaagtay  maalmihii iyo saacadihii ka horreeyey dhawaqan baas ee aad dhibsatay Alla, Alla cajiib! Mise qurux badanaa wax weliba  dalka iyo dadka marxaladda iyo jawigu macaanaa, muuqaalka hortaada yimid oo dhami malaha wax ku dhibayaa ma lahan, beero cagaara iyo doog iyo simaar is haysta,  farxad iyo rayn  iyo bulsho caafimaad qabta, oo sidata  diraysyo kala midaba, oo qaarkood  isku eg yihiin, qaarkoodna kala duwan yihiin,  goortu waa waaberi, waxaa meel kasta oo meherada ka baxayaa heeso gubaabo iyo baraarujinaya dareenka jiifa ka soo jeedana dardargelinayaa, oo waa tee (Arday baan ahayoo, arday baan ahayoo+Shaqaaluhu waa shaqaaluhu+ Ummadyahay umadyahaw qoys iyo qaranimadu waa laba …..) iyo qaar kale oo badan, dhinacii magaalada ayaad ka yara baxday mise dhulka oo dhami waa beero  sarac ka baxayo, kala duwan  muuqaalka iyo higilka beeraha  dhinaca isku haya ruxanka dabaysha dhawaqooda waxaad moodaysaa xer digriyeysa, guuxa ka baxaya. Hore ayaad u sii socotay  waxaad aadday halkii aad fasaxyada iyo mararka qaarkood u caano doonan jirtay oollintii beesha, mise  durbaan ayaa baxayaa iyo jiib iyo jaan, tolow waad maqli jirtaye, waa maxay? Ayaad is weydiisay. Waa Ballooley hablo iyo innamo yaqaana  isla helleen luuq macaan, sacab iyo durbaan, muxuu yidhi(Naa gobeey gaaridiyeey, Anigu guur baan rabaaye. Markaasay gabadhiina tidhi: Garaad geesiyooboowa  gayaankay baad ahayde..) waad u sii dhawaatay, mise dhinaca kale  geed sal weyn oo Barde ah ayaa waxaa hoos hoganayaa Fardo  haddaan Fardo idhi Senge iyo geenyaba meesha waa ku qoofalantahay, Maansha Allaah,  waxaa fadhiya Duubab iyo Odayaal nabbadoona ah, dhib ma jiro, balse waxaa laga arinsanayaa sidii beesha  iyo beeraha iyo xoolaha dayaca looga ilaashan lahaa, looguna wax qaybsan lahaa sanadkan haddii dayrtiisu samaanweydo. Waxaan saqaafe ku soo marnay aqriste waa magaalo iyo miyi waxaad gashay   dad wada nuuraya, oo lebisan, ma riyaa? Maya, waa run, maalmahan waad garanaysaa Alla xasuustani wacanaa! Waxaad ku dhex wareegaysaa maalmihii dhawaqa ka horreeyey oo yaad uga sheekaysaa waxaan keligaa ma ogaan karayside  jaallahaaga, addigoo wejigaaga  farxadi ku dheehan tahay, oo aad mooddo in farriin gaara meel lagaaga soo diray fog, ayaad  ku tidhi ma xasuusataa ……… hebeloow ? Maxaad kala kulantay Jaallahaagii haba odhan lahaydee,  saw ninkan wanaagaaba dhiba, oo waxaas dhegihiisu ma jecla, jaw, hayaaay  weji bir ah, mayee, weji kab,  huruuf iyo indho kulul, hadal aan ku cajab gelin iyo wixii wanaagsanaa ee aad soo aragtay waa kan wada gadafeeyey, ee yidhi,  ee ka dhigay  nolol qalafsan oo xun inay ahayd oo iminka xornimo iyo  wanaag iyo  horumar iyo ilbaxnimo la gaadhay, oo waxaasi ahaayeen aad ka sheekaynaysaa waxa dadka la hadhay. Yaab iyo ammakaag!  Adigaa naftaada weydiiyey, ma runtiibaa? Haddana, waad isu jawaabtay, maya. Waad ka jeesatay, adigoon ku faraxsanayn, waxaad kala kulantay  waxay ishaadu qacdiiba qabatay Kuray yar, waa mid aad waxoogaa ka ayni weyneyd oo aan isagu si aad u suureyn karayn, waxna ka xasuusan maalmihii ka horreeyey  dhiillada iyo dhawaqan baas,  waxaad tidhi bal uga sheekee  layligan aan weli nolosha  majaraheeda la qabsan dal waxuu ahaan jiray iyo dad siduu ahaan jiray, adiguna waxaad ka dayeysaa caafimaad si aad isugu dejiyo, Kuraygii, Barbaarkii waxaad uga sheekaysay oo u sawirtay   Sooyaalkii quruxda badnaa iyo soo jireenkii dhinac walba beled iyo baadiye, aad buu ula dhacay wuu farxay intaad faraxday ka daran, wuu kula qoslay waxuu ku weydiiyey su’aal: anigu nasiibkayga maan arag maalmahaase, maxaa hadda  dhawaqan iyo jaraskan baas ee dhiillada ah noogu wacane, aan la joogi weynay la jiifi weyney? Bello   waa kaas meeshaad ka timid, dib kuugu celiyey oo xaggeey ahayd su’aashii aad ka soo firdhatay ee aad nafta ka sasabaysay, kulahaa maxaa noogu wacan? Waxuu ku weydiinayaa hadda aqristoow miyaad garanaysaa? Waa su’aashii aad ka cararaysay ee  dhibkaad ogayd aad ka soo martay . Keligaa ayaa garnaqsaday, maxaad ula yaabaysaa su’aasha Kurayga,  saw kuguma sifoobin Maahmaahdii odhanaysay (Nin Durbaan qaaday ilaaq dalbay ) haddana waxaad ku cataabaysaa, maxaan maantoo dhan iska daalinayay, oo isu maaweelinayay? Waa kaas meeshaan ka imid igu celiyee (Jug jug meeshaada joog) Waxa kuu soo baxay inaad dabarto sheekada, haddaba, aqriste,  maalmahan aan soo sheegnay  sidee bay kuu saameeyeen? Sidee bayse naftaada dareen ugu reebeen? Ma awooddaa inaad hesho  su’aasha jawaabteeda ku daalisay?. Xalraadiska iyo baadhitaanka  qotada dheer leh, ma mid keligaa kugu koobanbaa? Mise waa shaqsi kasta oo kula qaba arrinkan ayay saamaysay?. Dabcan, waxaan filayaa inaad su’aal cusub aan dib u amba qaadnay,  haddaba, su’aashan jawaabteeda waxaad ka helaysaa dunidan bulshada ku dhaqani way soo mareen maalmahan kala duwan, balse, way ka gudbeen, waxay heleen jawaabta su’aasha ina wareerisay, ee ah: Sidee Xal  loo helayaa ? Ama sidee isbedel  wanaagsan loogu samayn karaa xaaladdeena murugsan?. Aduunka cid aan soo marin ma jirto  hawsha maanta aan la dakaansanahay, ee xarraanka iyo xuurtoowga nagu riday, balse, waxay kaga gudbeen is af garad iyo aqoon iyo midnimo, waxayna ka shaqaysiiyeen maankooda, waxay  noqdeen talo keen iyo talo raac,  waxay hormariyeen danta guud, waxayna dib dhigeen danti gaar ahaaneed, waxaan u malaynayaa kama jawaabin su’aashii dhabta ahayd, balse, waxaan furay dood cusub ( Su’aal  jawaab u  baahan iyo dood  aan xalkeedii la helin)   Waa Qalinkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr Galayr1977@hotmail.com    

         

Top