Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q5AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q5AAD

Daahir habeenki iyo maalinti ka harsanayd bixidiisa aad ayey u yarayd muddadi uu hurday ,waxaana mar walba ku soo kordhayay cabsi uu ka qabo mustaqbalka ,wuxuu isweydiinayay xaggee howl  ka bilaabaysaa kolki aad ku noqoto dalka Sacuudiga ,tolow arrinta ma waxay ku biya shubanaysaa adiga oo waayo fursad dhaafsiisan shaqooyinki ku ekaa, ka shaqaysiga iyo dhammaystirka dhismooyinka uu dhammaaday dhismahooda guud ,ka xamaalashada warshadaha yar yar ee ku yaallo magaalada Jeddah, misa sida Sugaal Caynte ayaad Darawalnimo barataa ,kuna shaqaysataa Darawal kaxeeyo baabuurta waaweyn ee xamuulka qaado , isagana gooshto in ka badan laba kun oo kilo meter dhaxdooda.

Hadba meel ayuu  talanka iyo walaahoowgu la aadaa, wuxuu naftiisa ku yiri,war sidaa maaha ,shaqa fiicana waad heleysaa illaahey idinkiis ninyahow welwelka iska daa .oo ma adiga ayaa ku fekerayay helitaanka intaad heysato haddeer haddii aan Ilaah ku siin ,war Ilaah tala saaro oo Shaydaanka iska naar ,tawakal calal-allah. Daahir kolkuu in yar is-moogaysiiyaba ka fekerka mustaqbalkiisa iyo arrimaha ku aadan ku noqoshadiisa dalka Sacuudiga wuxuu u dhexeeyay mar uu shaydaanka dhinac xun wax ka tuso iyo mar uu illaahey u noqdo iskuna canaanta talooyinka shaydaanka iska fogeey, ilaaheyna talo saaro.

Daahir subaxnimadi Isniinta toddabdi subaxnimo wuxuu soo istaagay waddada hor marto gurigi uu degganaa ,waxaana halkaa ka soo qaaday Taksiila uu kula balansanaa in uu geeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.Daahir kolkuu in yar taagnaa waddada,waxaa soo hor istaagay Tagsiilihi uu kula balansaa in uu geeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqisho, tagsiilihi ayaana ku yiri “waryaa Soo kor gaariga “.

Daahir wuxuu horay kaga dhacay Tagsigi ,Tagsiilihina wuxuu Tagsiga ku dhigay waddada ,in yar keddibna wuxuu ku soo dhacay waddada dheer ee Makah al Mukaramah, Daahir welwelki ku taagnaa ,kana uu seexan waayay xalay ayaa halkiisa ka bilaabay kolkuu koray Tagsiga,waxaana markan culays weyn ku haayay in uu ka fekero sida uu uga faa’idaysan lahaa khibrada saaxibkii Muraad ee ku aadan joogitaanka iyo ka shaqaysiga dalka Sacuudi Carabiya oo isaga ay ku balansanaayeen in ay ku wada duulaan duulimaadka 711 ee Soomaali Airlines ,maalintaana ku jeeday dalka Sacuudiga,Jeddah ,garoonka caalamigaa ee Malik Cabdul-caziiz.

Daahir marnaba kuma mashquulin daawashada waddada hareeraheeda ama la sheekaysiga Tagsiilihi waday Tagsiga oo isaga xaafad la deganaa ,Daahir waxaa madaxiisa ka guuxayay oo kaliya, ka fikirka mustaqbalkiisa iyo qaabka uu kaga faa’iideysan karo saaxibkii Muraad, Daahir isaga oo weli dhax gooshayo adduunya aan la gaarin ayaa waxaa Tagsiilihi ku yiri .”Saaxiib ,Daahir garoonka daqiiqad ka hor ayaan ku keenay ,walaal miyaadan rabin in aad baxdo” .

Daahir, wuxuu ku soo baraarugay hadalki Tagsiilaha, wuxuu Tagsiilihi ku yiri “goormaad na keeni lahayd”. Tagsiilihi ayaa ugu jawaabay “war ninyahow bixid ma rabtid ee lacagti aan kuugu soo qaaday I sii, gaarigana iiga deg”.

Daahir wuxuu iska bixiyay ijaarki lagu soo qaaday ,wuxuuna la soo degay boorsa yar oo uu gacanta ku watay ,wuxuuna abbaaray albaabka garoonka keddib marki uu macsalaameeyay Tagsiilihi keenay.

Daahir kolki uu galay albaabka garoonka saacadda waxay ahayd sideedi subaxnimo, maalin isniin ah ,wuxuuna howl ka bilaabay sidi uu u dhammaysan lahaa howlihi bixitaankiisa. Keddib marki uu howlihiisa dhammeysaty ,baasaboorkana bixid loogu dhuftay wuxuu u gudbay fadhiga weyn ee lagu nasto tan iyo inti diyaaradi ku qaadi lahayd u diyaargaroobayso daad guraynta rakaabki ku qornaa bixitaankeeda.

Daahir wuxuu soo iibsaday Koob Shaahiya, wuxuuna fadhiiistay meel gees ah oo ka soo horjeedo iridka laga soo galo waaxdaas oo ay ku diyaargaroobaan rakaabka baxayo, si ay ugu sahlanaato in uu arko goortuu soo galayo saaxibkii Muraad oo ay ku balansanaayeen Sideeda Subaxnimo in ay isku arki doonaan waaxda Socdaalka ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

 Daahir kolkuu fadhiyay Saacad ku dhowaad ,waxaa soo dhowaaday waqtiga kicitaanka duulimaadka 711 oo ay ku wada qornaayeen isaga iyo Muraad, waxaa ku billowday shaki ,welwel iyo isweydiimo uu iska weydiiyo ,saaxiibkii maxaa ku dhacay ,miyuu been kuu sheekay ,ma kaa dhuumanayay,muxuu kaaga dhuumanayaa ,ma adigaa wax weydiistay ,war iska daa welwelka ,Muraad waa intaa oo uu isaga dhibtaysan yahay,war sidaa maahan ee Shaydaanka iska naar ,hadduu maqnaado maxaa dhibaato ku jiro ,ma isagaa kolki aad waddanka Sacuudiga tegaysay kaaga horreeyay ,saaxibowis deji, isagaa irsaaqada haayo ,wixi calafana lama waayo ,war Muraad waa imaanayaa, welina waqti ayaa haray ee welwelka iska daa.

Daahir kolkuu isku dayo in uu is-moogaysiiyaba ka fikirka Muraad ,waqtigana sii guda galo waqtiga bixitaanka, waxaa ku soo kordhayay shaki ka galo in uu run ahaa balanki Muraad ee ahaa in ay ku kulmayaan garoonka diyaaradaha maalinta Isniinta.

 Muraad ma imaan ,tobanki subaxnimo ayaa waqtiga galay ,rakaabki duulimaadka 711 waxaa loogu yeeray in ay ka baxaan iridka labaad ee waaxda socdaalka ,koraana diyaarada. in yar keddib Daahir Guuleed wuxuu gaaray kursigi uu ku lahaa fadhiga diyaarada ,weli lama haayo Muraad .Daahir isaga oo iska daayay ka fikirka imaantiga Muraad ayaa toban daqiiqo keddib dushiisa waxaa soo istaagay Murad,wuxuuna  ku yiri ,”Saaxib, Daahir iska warran”.

Daahir maqalka codka Murad wuxuu ku noqday la filan waa “waa nabade ,adiga ma nabad qabtaa Muraad” ayuu ugu jawaabay.Murad ayaa yiri walaal waa nabad qabaa ,waana kala war bogaynaa Ilaahey idinkiis ee qofkan dumarkaa ee kula fadhiyo maa inoo weydiisid ,iyada oo ka raali ah in ay kursigayga tagto oo isagana ay ila fadhido qof kale oo dumar ah”Daahir inti uunan hadalkaa ka jawaabin ayaa haweeneydi la fadhiday tiri “walaal mee kursigaagi”.

Muraad ayaa ku yiri ,”abaay waa kan gadaashiinaa ,raalina naga noqo ,mudda dheer isma’aanan arag aniga iyo saaxiibkay”.

Haweenaydi waa kacday waxayna fadhiisatay kursigi Muraad ku lahaa fadhiga diyaarada ,Muraadna wuxuu soo fadhiistay Dhinaca saaxibkii Daahir oo isaga hammuun badan u qabay la sheekaysiga saaxibkii .

Daahir  wuxuu u mahadnaqay haweenaydi la fadhiday oo iyada kursiga u banaysay saaxibkii Muraad ,waxaa kale oo uu Muraad ku yiri “war ninyahaow Ilaahey ma ku nabad keenay ,maxaasa sidan ugu soo daahday,mase ogtahay in aad fara ciji leh kaga baxsatay in ay diyaarada kaa tagto”.

Muraad ayaa Daahir ugu jawaabay inta uunan si fiican salka ula helin kursiga, “war ninyahow iska aamus ,waa Ilaahey mahadiis, aniga oo nabad qabo haddii aan kula joogaba ,saaxibow wixi ka danbeeyay maalinti sabtida oo aan isku aragnay xafiiska shirkada Somali airlines, ilaa waqtigan aan kula hadlayo ,dhibaatadi i soo martay sheeko laguma soo koobi karo ,balse waa Ilaahey mahadii haddii aan ka imid aniga oo bed qabo”.

Daahir hadalki saaxibkii ayaa dhiilo geliyay wuxuuna si fudud u yiri “Muraadow,walaal waad iga nixisay ee siday wax u jiraan ,maxaase ku helay?.

 Muraad : Daahir,walaal aniga ayaa kuu warramayo ,weligayna isma aanan dhihin dhacdadi shalay aan la kulmay ayaad Soomaaliya kala kulmaysaa ,laakin bal aan horta ka dalbado mudiifada (Hostes) diyaarada koob Shaahiya oo aan maskaxda ku dejiyo”

 Muraad wuxuu u yeeray mudiifadi ,kana dalbaday koob Shaahiya, iyadana waxay ku tiri bal horta suumanka xirta, diyaarada way dhaqaaqaysaa daqiiqado keddib ,kolkey hawada gashana walaalayaal waan idiin keenaynaa dalabkiina .

Diyaarada way dhaqaaqday waxayna mudda gaaban gudahooda dhaxqaaday hawada sare ee magaalada Muqdisho. Daahir uma kaadinin inti Shaahiga looga keenayo Muraad oo isaga wejigiisa laga aqrisan karay, in saacadihi u danbeeya ay soo mareen duruuf adag, wuxuuna ku yiri ” walaal ,bal ii warran sidee wax kuu gaareen ,miyaa lagu dilay ,miyaa lagu xiray, miyaa lagu dhacay ,walaal sidee wax u jiraan?.

 Muraad : “walaal ii kaadi oo aan in yar is kala bixiyo inti shaahiga laga keenayo” .Daahir : “waayahay walaal, is kala bixi oo in yar naso, waxaad ii warami doontaa kolki shaahiga naloo keeno”.

Kolkay mudda ka gaaban labaatan daqiiqo hawada ku jirtay diyaaradi Somali-airlines, ayaa Muraad oo aan isaga doonayn in uu saaxibkii uga sheekeeyo dhibaatadi soo martay saacadihi ugu danbeeyay nolashiisa inta uu diyaarada kaga hubsanayo in ay ku fogaatay hawada sare ee Dalka Soomaliye, daahir ku yiri “Walaal ma iga hubtaa in ay diyaarada na sido hawada dhax goosahayso, mise weli waxaan taaganahay garoonki diyaaradaha ee Muqdisho”

Daahir oo yaaban ,gartayna in saaxibkii weli baqdin kaga jirto in ay daba joogaan kooxihi dhibka uu tirsanayo maanta u gaystay ayaa yiri “walaal ,goor hore ayaan hawada ku fogaanay ee ii waran ,Shaahigi waa kaa gabadhi aan u dirsanay noo soo wadee”.

Muraad oo aad moodo in ay ka soo fuqday neef ka saareyso caburnaanti ay ku abuurtay dhibaatooyinka uu soo maray saacidihi la soo dhaafay ayaa wuxuu Daahir ku yiri ” War ninyahow ,ma xasuusataa maalinti sabtida oo aan isku aragnay xafiiska shirkada diyaarada Soomaali-airlines in aan kuugu iri, waxaan ku degdegsanahy meel”.

Daahir:”haa waan xasuustaa”.

Muraad :”Daahir,walaal halkaas ayey ka bilaabatay rixladi dhibaatadi aan galay iyo sababti keentay in aan ku sigto duulimaadkan oo aan ka haro”.

Daahir: ” war ninyahow warka soo daa ,aniga xitaa, baqdin ayaad I gelisay ee sidee wax u jiraan”.

Muraad:”anigaa warkoo dhan ku siinayo,. walaal, maalintaa duhurnimadeedi waxaan balan lahayn nin dhallinyara ah oo aad u edeb badan,aadna uu u fiican yahay dad la dhaqankiisa sidaan u arkayay markaa ,walaal ninkaa waxaa la yiraa Cali Agoon, waxaana isku baranay maalintaa maalinti ka horreyasay guri ay leedahay Habar Aleelaha shabiso ,dadkana uga waranto xaalka dhibaatooyinka ay sheekanayaan iyo arrimaha ku aadan nolashooda guud ahaan, keddibna waxaan ku balanay in aan maalinta sabtida isku aragno Hoteel Wadaamo Goys wejigiisa hore. Sidi aan ku balanay aniga iyo Cali Agoon waxaan isku aragnay goobti aan ku balanay , waxaana Hoteelka ka cabnay Kafee ,keddibna waxaan ku casuumay in aan qaddo u wada doonano Maqaayad ku tiilay Shineema Banaadir dhinaceeda qorax ka soo bax ,walaal Maqaayadi marki aan ka wada qadaynay ,muddana aan sheekaysanaynay, Cali Agoon wuxuu igu yiri, “walaal galabta howl badan ayaa ii taal ,adiga oo iga raali ahna Caawa sagaaalka fiidninmo aniga ayaad ii casumantahay ee isugu kayn keen bannaanka danbe ee Hotel Jubba ,caawaana kala war-bogaynaa ,haddana barasha wanaagsan iyo nabadgelyo”, walaal anigana waan aqbalay casuumaadi uu ii fidiyay Cali Agoon.

Daahir Guuleed oo ay isaga arrin cusub ku ahayd maqalka Habarta Aleelaha shabiso ayaan u tegay ruux leh ayaa yiri, ” War u kaadi Saaxib ,sheekada inta aadan ku dheeraan ,waxaan ku weydiiyay Habarta Aleelaha shabisa maxaad adiga ka doontay ,maxaasa kaa galay oo aad ka doonaysay in ay kuu sheegto”.

Muraad: ” War ninyahow habarta aleeesha shabisa arrinta aan ugu tegay gadaal inoogu dhig ,aniga ayaa kaaga warami doono hadhow , ee bal dhegayso sheekadan oo aanan aniga xitaa rumaysnayn in ay dalkeena dhibaato noocan ah ka jirto”.

 Daahir:’ walaal ka soco ,habeenkisa mar kale ma is aragteen yarki ku casuumay”.

Muraad :” walaal ma adigaaba war leh ,haa waan is aragnay waxaana sagaalki fiidnimo sidi aan ku balanay ugu tegay hoteelka Jubba bannaankiisa danbe isaga oo ay la joogaan saddex gabdhood oo ay mid Jilibka midigtaa kaga fadhido ,midna ay dhinaca midig ka fadhido, midda kalana ay fadhido ka soo horjeedkiisa ,walaal kulligood waa gabdha da’ yar oo aad u qurux badan,waxayna labisan yihiin dhar gaagaaban oo ay ka muuqanayso xushma la’aan iyo in aynan ka soo bixin guri loo taliyo .

Walaal waan salaamay kolki aan gaaray aktooda ,waa layga qaaday salaanti ,laakin fadhigi waxba lagama beddelin ,Cali Agoon ayaa igu yiri, barasha wanaagsan, gabdhahan waa saaxibaday, anigaana casuumay si aan u wada cashayno, keddibna mid walba ayuu I baray magaceeda ,wuxuuna u sheegay sidoo kale magacayga.

Kursi ayaa la ii keenay, waana fadhiistay. waxaan dalbanay Shaahi ,Kafee iyo Cabitaan kalaba ,walaal kolkaan in yar fadhinay ayaa Cali Agoon igu yiri”Muraad sow gaarigaagi ma wadatid” ,waxaan ugu jawaabay “haa”, wuxuu haddana igu yiri”waa loo bogay ,caawa waxaan idinka soo cashaysiinayaa Baar Aqab”. Waan aqblay in aan ka soo wada cashayno Baar Aqab. Walaal ,weli isaga oo cabitaanki noo yaal ,saacadi aan ku balanay in aan baxnana aanan la gaarin ,waa tan Boona kastuumo,saddex nin oo isugu kayn sheegay in ay yihiin Booliska adaabta ,waxayna markiba nagu yiraahdeen shantiinaba istaaga ee kora gaari u yiil iridka woqooyi ee bannaanka danbe ee hoteelka, kana soo horjeedo maamulka Booliska Gobalka Banaadir ,walaal arrinta waxay igu noqotay lama filaan, waxaana ku iri “ma korayno, oo maxaan haleynay oo aan ku kornaa gaariga”. Maba la is waraysan jeebbo ayaa gacanta la igaga qabtay ,Cali agoon iyo gabdhihina si tartiib ah ayey gaarigi u koreen ,anigana sidoo kale gaariga gadaashiisa xoog ayaa laygu saaray.  walaal in yar keddib, waxaa nala geeyay xabsiga Bari(Oriantale), waxaana nalagu xiray aniga iyo Cali Agoon qol ku yaal gudaha fog ee xabsiga, Gabdhihiina malaha waxaa la geeyay qol kale ,markaas ayaa aragooda iigu danbaysay , walaal ma jirto cid na waraysatay iyo cid nagu war gelisay denbiga nalagu haysto midnaba ,habeenkii Axaddda halkaa ayuu nagu gudbay ,suibixi Axadda tobanki barqadnimo ayaa aniga la ii yeeray, waxaana lay geeyay qolki aan ku xirnayn qol aanan ka fogayn oo uu joogo nin da’ dhexaad ah ,da’diisana aan ku qiyaasay shan iyo afartan jir ,wuxuuna durbadiba igu yiri “waryaa magacaaga oo saddexan”.

  Markuu Murad halkaa sheekadi marsiinayo ayaa mudiifadi ku tiri ” walaalayaal waa waqtigi qadada ee diyaarsada miiska hortiinaa”, in yar keddibna qadadi waa loo soo dhigay ,keddibna Daahir Guuleed oo aad ula yaaban falkan saaxibkii lagula kacay, ayaa  Murad ku yiri, ” war ninyahow waa wax laga naxo howsha lagula maray ee sidee wax yeeshay ,goormaysa ku soo daayeen”.

  Daahir ,walaal yaanan war kuugu daalin ,dhibka la ii gaystay, ma’ahan mid sheeko lagu soo koobi karo, mana ahan mid si sahlan maskaxdayda uga tirmayo inta aan noolahay, calaa kulli xaal ,walaal magacayga oo saddexan ayaan u sheegay ninki  I waraysanayay oo kaligii ku ahaa qolka, taasoo ah mid aan caadi ahayn marki war laga qaadayo qofka denbi lagu haysto ,ka soco . walaal ninki kolki aan magacayga u sheegay ayuu qoslay ,wuxuuna igu yiri ,”Saaxib nin oday ah ayaa tahay” ,markaas ayaan ku iri ,”maxaad ku qosashay walaal, maxaadse igu haystaan”, wuxuu igu yiri ‘waxaan ku qoslay miskiinimadaada , waxaana kuugu haysanaa in aad adiga iyo yarki kula jiray aad gabdhihi idinla joogay ka iibinayseen Gaalada hoteelka deggan ,banaankiisana u yimaado nasashada, danbigaana ma ahan mid uu xukunkiisa ka yar yahay lix bilood ,adigana xaalkaada waad ogtahay oo fisaha (khuruujul cawdada) aad dalka sacuudiga kaga soo baxday, kulana aad noqonayso, wuxuu ku egyahay bishan Sideed iyo Labaatankeeda sida aan ka warqabno,oo ku aadan maalinta jimcaha oo ay shan maalmood naga xigto ,saaxib yaanan war kuugu daalin, ma aqaano sida aad uga lug baxayso denbigan, iyada oo uunan fiisahaaga kaa dhicin, taa waa mid adiga kuu taallo”

 Walaal kolkuu ninki I wareysanayay dhammeeyay hadalkiisa ayaan ku iri “walaal wax denbi ah ma gelin, waxaansa ku weydiiyay ,adiga yaa kuu sheekay in fiisahayga khuruujul cawdada ku egyahay maalinta jimcaha “, markaas ayuu si kooban ii yiri “waryaa waa hadal badan tahay, mana doonayno hadal badan, iska-daa fiisahee ,lacagta aad heysato tiro inta ay la egtahay waa ognahay oo waa 1200 oo Dollar, war iyo dhammaantiis , kunka doolar iska dhiib ,ama waxaad ku uraysaa xabsigan ,keddibna waxaan kuu gudbinaynaa xabsiga dhexe si maxkamad laguugu geeyo denbiga caawa laguugu soo qabtay”.

Walaal ,waa yaabay ,waxaana arkay arrinka in uu meel xun lugaha la galay iyo in la doonayo baad cad oo layga qaaddo ,waayo nimankan waxay xitaa og yihiin lacagta  gacantayda ku soo hartay inti aan joogay Muqdisho ,iyadoo saas ah ayaan haddana is adkeeyay waxaana ku iri “Ma jirto lacag aan idin siinayo ,wax denbiya oo aan galayna ma jiro ,qaanuunkaana ku kala baxaynaa”. Kolkaan intaa ku iri ayuu istaagay ninki ,wuxuuna u yeeray nin kale ,wuxuuna ku yiri ” doqonkan ku celi qolkiisi ,kolkuu meesha ku uro, ayuu garan doonaa dantiisa halka ay ku jirto”.

 Walaal waxaa laygu celiyay qolki aan ku xirnaa ,waxaan ugu tegay Cali Agoon oo aan isaga loo yeerin, waxaan weydiiyay “maxaa adiga laguugu yeeri waayay,gabdhihisa ma loo yeeray” ,wuxuuna si fudud u yiri “walaal annaga nimankan waan isnaqaanaa ,horaana isugu daalnay ee adiga ilaahey ha kaa lug baxsho dhibaatadan kula soo gudboonaatay”, walaal waxaa i taabtay shaki weyn iyo in dabinkan la ii dhigay uu yahay shirqool loogu tala galay in laygu baado oo loo dhan yahay, fakir iyo cabsi dheeraad ah ayaa igu billowday ,waxaa i hor yimid su’aalado badan oo ay igu horreyso, sideed uga baxdaa shirqoolkan laguu dhigay ,adiga oo aan baad lagaa qaadin ,adiga oo aadan ka harin diyaarada maalinta isniinta ah oo ay naga xigto saacado oo kaliye , walaal si kasto oo aan u fikiray waa waayay dariiq kale oo aan ahayn in aan baada iska dhiibo ,dantana ka fiirsho hadba yaa culays badan 1000$ oo lagaa qaato iyo in aad diyaarada ka harto ,iqaamadaadana qalqiil gasho iyo hirig-hirig ,waqti badana uu kaaga dhumo joogitaanka Muqdisho,shaqadina aad sidaa ku sii wayso.

Walaal waqtiga wuxuu galay shanto galabnimo ,saacaddana waxaad moodaa in ay cadowgayga heshiis la tahay dhaqsida ay u socoto,walaal ma jirto cid aan qaraaba nahay ama aan si fiican isu naqaano oo aan ku tashanaayo ee joogto Magaalada Muqdisho, si ay dowr uga qaadato sidi aan uga bixi lahaa bohoshan aan ku dhacay.

Daahir Guuleed oo ay labada indhood bannaanka yimaadeen ,lana yaabay dulmigan aanan geed lagula soo ganban ee lagula kacay Muraad kana dhacayo goobihi dowladda u abuurtay ilaalinta amniga Muwaadinka Soomaaliyeed, ayaa waxaa yiri”walaal hadal ma leh in shirqool laguu dhigay ,laakin waxaa iga sii yaabshay xagay ka baxeen mas’uuliyiinta xabsiga Bari mise arrinta wax bay ka ogyihiin”.

Walaal aan kuu soo gaabshee ,waxaan qaatay in aan baadda iska dhiibo ,waan istaagay, iridka qolki aan ku xirnaa  ayaan garaacid ku bilaabay,waxaa in yar keddib ii yimid Askari ,waxaan ku iri “walaal waxaad iigu yeertaa Askariga gacanta ku haayo qadiyada Muraad Xaaji suufi”, wauxuu igu yiri “Murad garan maayee ,Askariga howshaada gacanta ku haayo ,magaciis”. Waxaan ugu jawaabay “ma aqaan”. Wuxuu igu yiri mar kale haddii aad iridka garaacdo ,adigana waan ku garaacaynaa  laakin kolki aad magaciisa aqoonsato waad noo yeeri kartaa, si aan annagana kuugu soo wacno”.

 

 Askarigi waa baxyay ,walaal ninki magaciisa lama haayo,cabsidina waa igu soo korortay , waqtigana wuxuu galay Lixdi Maqribnimo,caawa waa Isniin,berrina waxaan ku qoranahay bixitaanka diyaarada Somali-Airlines ,haddii aan ka harana dhibkeeda ayey leedahay ,aniga oo weli yaaban ayaan is iri, war niyahow doqonka ah, ma hilmaantay hadalki Cali Agoon oo ahaa “nimankan waan isku daalnay”,  Cali agoon oo isaga uu shaki iga galay in uu gacan ku leeyahay dabinkan layla helay, ayaan ku iri “saaxibow ninka la ii geeyay,magaciisa ma taqaanaa “. Cali agoon wuxuu igu yiri “Ninyahow ma aqaan ,oo aniga layma yeerin ,laakin howsha dadka ay soo qabtaan Booliiska adaabta waxaa gacanta ku haayo nin la yiraa Xasan Dhega-Yare”.

 Walaal ma daahin ,mar kale ayaan iridka garaacay ,waxaa ii yimid Askari kale oo aanan ahayn kii horay iigu yimid kolkaan iridka garaacay,wuxuu igu yiri “kaagan ,maxaad doonaysaa ,waadna wareerisaye”. Waxaan ku iri “waxaad iigu yeertaa Xasan Dhega-yare”, askarigi wuxuu igu yiri “waad nasiib badantahay ,waan kuugu yeerayaa, haduu isu diyaarinayay in uu shaqada ka baxo”.

 Walaal waa kan xasan dhega yare ,waaba ninki igu handaday in aan meeshan ku urayo haddii aanan kun Dollar (1000$) iska bixin,Shakigi aan ka qabay Cali agoon iyo gabdhihi layla soo xiray in ay gacan ku leeyihiin shirqoolkan aan ku dhacay waa igu sii ballaartay. Walaal dhega yare kolkuu yimid wuxuu igu yiri “waryaa maxaa doonaysaa”, waxaan ku iri “waxaan doonayaa in aan wada hadalno”, wuxuu iigu jawaabay “saaxib hadal waqti uma haayo ee ma doonaysaa meeshan in aad isaga baxdo”, waxaa ku iri “haa waan doonayaa in aan ka baxo meeshan”.

  Walaal markiba Dhega yare wuxuu u yeeray Askari kale ,wuxuuna ku yiri “soo bixi wiilkan ,xafiiskaygana iigu keen”.

 Xafiiskiisa ayaa laygugu geeyay ,wuxuuna igu yiri “waryaa hadal ma doonayo ee diyaar ma u tahay in aad iska bixiso lacagti”, waxaan ku iri “waan iska bixinayaa laakin shan boqol oo doolar ka badan ma haysto”.

  Waa qosolyay ,wuxuuna u yeeryay askarigi I keenay ,wuxuuna ku yiri ,”war ninkan ku celi halkiisa “,

 Waa soo booday ,waxaana Dhega-Yare ku iri “waxba ha igu celin meeshi aan ka soo baxay ,lacagtina waan iska bixinayaa ,laakin Hadda ma wato oo Hoteelka aan jiifto ayey ammaana ahaan iigu taallaa”. Dhega-Yare waa istaagyay ,wuxuuna u yeeray labadi nin ee la socotay habeenki uu na soo xiraayay annaga ,wuxuuna ku yiri “Gaariga bannaanka yaal noo saara, ninka waa nin garashe leh”

  Gaarigi ayaa lay saaray ,gadaal ugumo noqon Cali agoon, laakin inti lay sii waday ayaan askarti I waday ku Iri” waxaan idin weydiiyay ,miyaanan isku denbi ahayn dadki aad ila soo qabateen ,goormaase daynaysiin”. Waxaa ii jawaabay Askarti mid ka mid ah,wuxuuna igu yiri”waryaa kaagan ,hadal  badan ma doonayno, misa adiga ma rabtid in aad mixnadan ka baxdo”.walaal ,Daahir Su’aal kale kuma celin askarigi, waan aamusay ,waxaana in yar keddib aamusnaantaydi, saacaddaa markay ahayd Sideedi iyo Rubi oo fiidnimo lay geeyay Hoteel Qaahira oo aan degganaa, kuna yiil Bosteejada Tagaasida ee Shikh Muxidiin, waan joogsanay,waxaana ku iri ” I dejiya lacagta waxaan idinkugu keenayaa gaarigiina dhaxdiisa”, way diideen ,waxayna igu yiraahdeen ,kolkey jeebo igu qabteen keddib, lacagta waxaad Hoteelka ka soo qaadaysaa annaga oo kula socono,haddii kale waxaan kuugu celinaynaa qolki mugdiga ahaa”. Walaal waan aqbalay ,waa ila dagteen ,lacag gaareyso kun Doolar ayaan Hoteelka ka soo qaaday iyada oo uu ila socdo mid ka mid ah askarti Dhega-yare la socotay ,gaariga ayaa laygu soo celiyay ,kun doolar ayaa layga qaatay ,gaarigi mar kale ayuu dhaqaaqay ,waxaan ku iri” I dejiya walaal, sow idin ma siin lacagti aad iga doonayseen, cid ila hadashay  ma jirto ,nin yahow baqdin ayaa haddana I gashay, waagaa igu baryay ,waayo lacagtina waa layga qaatay laymana daynin , in yar oo toban daqiiqo ka yar koklkuu gaariga socday ayaa jeebadi layga furay ,waxaana laygu tuuray iridka hore ee Shineema Xadarmuut, halki ayaan aniga oo marna faraxsan ,marna naxsan ka lugeeyay ,waxaana u lugeeyay dhinaca Hotel Jubba oo aanan ka fogayn meeshaa ,waxaana ka soo qaatay gaarigi ijaarka ahaa oo aan watay ,halkaana kaga tegay kolki ay booliskan baas Iga wateen hoteelka,keddibna waxaan imid Hoteelki aan deganaa .

Muraad oo marayo dhammaadki sheekadi murugada lahayd oo uu soo maray maalinti Sabtida duhurnimadeedi ilaa habeenki Isniinta oo laga sii daayay xarigi looga baaday lacagta, ayaa waxaa soo dul istaagtay Mudiifadi Diyaarada oo doonayso in ay ka aruuriso maacuunki qadada loogu keenay ,wayna ka qaaday ,waxayna mar kale ka codsadeen in ay u keento Kafee iyo Shaahi haddii ay heli karayso ,Mudiifadina waxay ku tiri “waan idiin keenayaa ee iga raali ahaada haddii aan idinkala soo daaho”.

 Kolkay arrinta halkaas marayso ayaa Daahir wuxuu Muraad ku yiri”Al xamdullilahi mar haddii aad gacantooda ka soo baxday tuugadi isu aruursatay dulmiga dadki laga doonayay in ay amnigooda ilaaliyaan, waxaansa ku weydiiyay kol haddii xalay lagu sii daayay, maxaa haddana maanta ku soo daahiyay?”

Muraad ayaa Daahir ku yiri: “walaal ma adigaaba war leh ,iska sug aan sheekada kuu dhammeeyee , walaal habeenkaa ilaa iyo saqdi dhaxe ma seexan ,waxaan ka fikirayay nimankan i dhacay qaabki ay ku ogaadeen asraartayda ,sidee Cali Agoon gacan ugu yeeshay shirqoolka lay dhigay ,yaa ku kaalmeeyay, . walaal calaa kulli xaal ,maadaama aanan sirtayda hoose uga warramin Cali Agoon iyo Gabdhihi uu i baray habeenki lay xiray ,waxaan iska dhaadhiciyay in ay Habarta Aleelaha Shabiso gacan ku leedahay shirqoolkan lay dhigay, iyadana uga warrantay Cali Agoon asraartayda kol haddii aan isaga isku baranay agteeda, uuna iiga danbeeyay u gelideeda maalinti aan ku kulanay guriga Habartaan.

Walaal waxaan saakay oo Isniin ah halki saac saf u galay arkida Habarta Aleesha shabiso oo aad moodo dadka oo dhan in ay akteeda ku balansanaayeen, marka aad u fiirsato safka subaxdaas loogu jiray intuu dherer la ekaa, walaal  labadi saac iyo nus ayaan u galay Habarti, Waxaan wax ka weydiiyay in ay iiga warranto yaa ka danbeeyay dhibaatadi I soo martay Sideed iyo Afratanki saac ee noloshayda u danbaysay ,walaal Habrati waxay ii sheegtay sida ay wax iigu dhaceen laakin iima aynan sheegin xagee laga helay asraatayda ,intaa keddib waxaan weydiiyay Ma taqaanaa Cali Axmed oo loo yaqaan Cali Agoon,waxay igu tiri “Ma aqaan,ee macsalaamo shaqa badan ayaa ii taal ,waadna u jeedaa dadka I sugayo tiradooda”, walaal waan ka soo tegay aniga oo aan ku qanacsanayn in ay habartan ka madax bannaan tahay dabinka lay dhigay ,walaal sidaas ayaan diyaarada uga soo daahay ,waxaana imid garoonka diyaaradaha daqiiqad ka hor inta aynan saalada waaxda socdaalka ka soo dhammaan rakaabka diyaaradan aan saaranahay .

 Daahir Ayaa yiri isagoo oo naftiisana ku dejinayo, nafti saaxibkiisna ku dejinayo “Al xamdu-lillahi dheh ,waana ilaahey mahadiis, marba hadddii aad gacantooda ka soo baxday, maxay lacag tartaa ,waxaa ka daran adiga oo mustaqbalkaada qalqiil geli lahaa Muraadow ,waxaan rabay in aan ka faa’iidaysto safarkeenaan ,kaana waraysto arrimo badan oo aan is-lahaa waa kaaga xog roon yahay ,haba ugu darnaatee sidee Riyaad shaqo looga helaa ,iyo adiga maxaad arrintaas igala qaban kartaa, laakin nasiib darro waxaa ii muuqato in aynan noo suurta galayn in aan ka wada sheekaysano arrimahaas oo dhan, waayo waxaan ku dhownahay gaarintaanka magaalada Jeddah oo aan aniga kaaga harayo ,calaa kulli xaal waxaan rajeynayaa in aan Aniga Riyaad kuugu imaado ee i sii telfoonkaaga iyo xagee ka deggan-tahay magaalada Riyadh”.

 Muraad : Saaxib, dhib ma-laho ee Riyaadh iigu imaw, kolkaas ayaan ka wada hadlaynaa waxaan kula qaban karo inti karaankayga ah ,xaqan ,waan dadaali doono, ka hor inti aadan isoo gaarin, telefoonkayga iyo cinwaanka shaqadayda waa kuwan ku qoran kaarkaan ee qaado,waxaana gurigayga ku yaal Xaafada Naasariyah”.

Daahir Guuleed : “walaal waa mahadsan-tahay ,aniga ayaa ku soo wici doono, ka hor intaanan soo bixin ,waxaansa ku weydiiyay, gadaal haddii aan ugu noqdo sheekadaadi ,maxaad Habarta Aleesha Shabiso ka doontay ,Xamarse ma waxaad u timid Fasax?”.

 Muraad oo aan isaga doonayn in uu su’aashaan ku soo celiyo saaxibkiis  ayaa si fudud u yiri “Haa ,Walaal ,Xamar fasax ayaan u imid waxaana joogay oo kaliye labaatan maalmood “.

  Daahir “Habarta Aleesha Shabisana Maxaad ka doontay”.

Muraad : ” Saaxibow arrinta waxay dabada la galeysaa arrima u khaas ah qoyskeena ,laakin waxaan isku dayayaa in aan kuu dulmaro si kooban, maxaan habartan ka soo doonay, walaal horta Habartan Waxaa ii soo dirtay Hooyaday oo ka mid ahaan jirtay dadka u yimaado waagi aan waddanka joognay , Habartan maahan Habar Fiican wallow ay ii soo sheegtay danahi aan ugu imid dhammaan,Habarta waxay noqotay sida ii muuqato mid faraha la gashay in ay la shaqayso casaabo(koox Tuuga ah) Boolis iyo tuugo isugu jiro ,calaa kulli xaal ,Hooyaday ayaa ii soo dirtay in aan wax ka weydiiyo xaalkiisa guud wiil aan qaraabo nahay ,soona doontay gabarta ugu yar carruurta hooyadeey, wiilkan waxaa na loogu sheegay in uu qamriga cabo,qamaarna dheelo ,laakin Habarta Aleesha Shabiso waxay noo sheegtay in aynan waxba ka jirin waxaas oo dhan iyo in uu yahay nin toosan, gabartana jecel-yahay ,waxaysa nagu soo siyaadisay in uu horay u galay meher kale, iskana furay gabadhaas uu guursaday isaga oo aan guri geysan ,hadalkaas waa run oo Hoyadeey ayaan telefoon ugu sheegay ,kolki isaga la weydiiyana wuxuu ku yiri “waa run””.

Sheekadi oo meel kale oo ka yaabisay Daahir Guuleed Madaxa la gashay, ayaa waxaa rakaabki diyaarda saarnaay loo sheegay in ay diyaarada degayso daqiiqado keddib ,suunkana ay xirtaan. Diyaaradi waxay soo caga dhigatay garoonka Malik Cabdulaziz ee Jeddah ,Murad wuxuu ahaa (Transit) nin si ku meel gaar ah ugu hakanayo garoonka, ugana gudbayo diyaarad kale oo ku socoto garoonka caalamiga ah ee magaalada Riyadh, Daahir isagana wuxuu banaanka uga soo baxay garoonka diyaaradaha ee Malik Cabdulaziz keddib marki ay si fiican isu macsalaameeyeen isaga iyo saaxibkiis.

 

W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

 

SHEEKOOYIN