Heesta: Xeel gurracan!
Xusas dhigatooy
Xiiso badaneey
Xis madoobeey
Xusuus laayeey
Xan ku nooleey
Xamaasado iyo
Xiisad kicisooy.
Â
Xiiqsan oroddooy
Xuurto daashaay
Xuquuq qarisaay
Xaq dabooshaay
Xaqiiq diiddaay!
Â
Xurgifhii hore
Ee la xallin rabay
Xanateeyaay
Xalay iyo shalay
Xaggii lagu jabay
Ku xadraysaay!
Â
Xoolo dhaqashiyo
Xamaal qaad iyo
Xoogsigii shaqo
Hawl xalaaleed
Is ka xoortaay!
Â
Xalaal diiddooy
Xaaraan dubatooy
Xaqu naasyada
Xaabsatooy cuna.
Â
Xeer dadweynaha
Xukun dawliga
Loo xadidday shalay
Ku xadgudubtooy.
Â
Xal ma eegtooy
Xil ma garataay
Is xagxatooy
Xujo hadal iyo
Xin ku tookhaay.
Â
Xer qabiil iyo
Xubno beelaha
Laga soo xulay
Oo xasaasiya
Xarxareeyaay.
Dad xubeera ah
Oo xasaanado
Loo xambaariyey
Xaakin mooddaay.
Â
Samaan xoortaay
Xumaan doontaay
Ma xishootaay
Ceeb xambaaraay.
Ballan ma xajiya
Been xawilataay
Xiqdi gunuddooy
Af xawaashleey
Xabad qurunleey
Xeel gurracanleey.
Â
Waxba xuunshada
Xasharaadkaa
Yaanan xigashada
Xog warbixinteed
Ku xabeebsane
Xa’da maansada
Waxaan ku xaddidey;
Â
Xoon quraanjooy
Xuubab badaneey
Xarraan oroddooy
Xilli tegayaad
Xaadir mooddaye
Xagaayaha haray
Xisaabo u dhigo!
Dhammaad.
15/05/2017
Curiye:Â Bashiir M. Xersi