Home Qoraallo Daraawiishta:Milicsi taariikheed W/Q: Cabdikariin Xuseen

Daraawiishta:Milicsi taariikheed W/Q: Cabdikariin Xuseen

0
SHARE

 Daraawiishta:Milicsi taariikheed

 

                

Hordhac

Taariikhdu waa daraaseynta tagtadii si taaganta loo qiimeeyo timaaddadana loo oddoroso tabaabushena loogu yeesho. Taraariikhda Soomaalida in badan oo ka mid ahi, waxa ay ku luntay keydin la’aan, inaha badbaadayna waxa ay ku badbaadeen gacmo shisheeye. Dhacdooyinka taariikheed ee sida aad ka ah wax looga qoray shisheeye iyo sokeeya ba waxa ka mid ah, tariikhda Sayid Maxamed C. Xasan iyo Daraawiishta. Sooyaalka daraawiishta waxa muunad gaar ah u yeelay isagoo ah, iska-caabbintii ugu tunka weynayd ugu na muddo dheerayd ee gumaysiga lagaga hor yimaaddo. dadka wax ka qoray daraawiishtu waa saddex kooxood:

  • Qolo waa shisheeyihii dirirtu dhex martay oo dhacdooyinka u soo tebiyey sidii ay iyagu arkayeen mar walbana libinta iyo garta siinayey gumaystaha ay ka midka yihiin.
  • qolada kalena waa Soomaali aad ugu talax tegay in ay muuneeyaan oo dheeh ashqaraar leh u sameeyaan Daraawiish iyo halgankooda.Kana dhigay in aan halgan kale ba geyiga ka dhicin.
  • qolada saddexaad waa koox saluugtay habka loo soo bandhigay taariikhda daraawiishta una arka in la buunbuuniyey, ha yeeshee iyaguna gef kale ku dhacay oo Sayidka iyo daraawiishba ka dhigay, dadqalato shufto ah oo ummadda silciyey! Kooxdani inta badan waxa ay soo ururiyaan gefafka daraawiishta sida dhacii ay geysan jireen, aflagaadooyinkii tixaha Sayidka qaarkii ku jirey ee uu qofafka iyo qabiilooyinkaba wax kaga sheegay, gaar ahaan intii ka soo horjeesatay.

 Waxa aan ku qanacsanahay dad kalena ila qabaan in aan weli si dhab ah oo cilmiyeysan loo qorin  halganka daraawiishta.  Sayid Maxamed C. Xasan oo ah ninka udub dhexaadka u ah, aasaaskana u ahaa Daraawiishta taariikhdiisa dhinacyo dhowr ah ayaa laga daraasayn karaa, Mar waa wadaad dariiqo diineed hormuud u ah oo dariiqadaas ayaa saameynteeda iyo sidii loo qaatay la baadhayaa, marna waxa loo daraasayn isagoo  hoggaaminayey kacdoon gumaysi diid ah, oo shisheeye iyo sokeeyaba la galay dagaallo qadhaadh oo dad iyo duunyaba ku le’deen, mar kale sooyaalkiisa waxa loo daraaseynayaa isagoo ah gabyaa cabqari ah oo maansooyinkiisa  iyo murtidiisa cilmiga Suugaanta ayaa lagu abla ableynayaa. Qoraalkani waxa uu ku kooban yahay soo tebinta dhacdooyinkii taariikheed ee ku saabsanaa kacdoonkii gumeysi diidka ahaa ee muddada dheer ka taagnaa qaybtii Ingiriisku Gumaysanayey ee dhulka Soomaalida (Somaliland imika). Dagaalka iyo dirirtu laba kooxood ayey ku jihaysnaayeen; kooxi waa gumaysigii dalka haystay, qaybta kalena waa Soomaalidii gumaysigaa ku hoos noolayd ee heshiiska la ahayd, waxa la odhan karaa isku si ayey ula dagaallameen gumaystaha iyo Soomaalida.Qormadani waa uun guudmar taariikheed, ee maaha gorfeyn iyo lafagur lagu sameenayo halganka daraawiishta, waase arrin mudan in la naqdiyo qoraalladii muddada qarniga ah laga Samaynayey Sayidka iyo daraawiishtiisa, si aynu u helno taariikh badhax la’ oo dhito inoo noqota.

Sayid Maxamed Waa kuma ?

Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxa uu dhashay, 1864kii sida uu tibaaxay I. M Lewis,(1) ha yeeshee Aw Jaamac Cumar Ciise wuxu xusay waraysiyo badan oo uu la yeeshay  rag daraawiish ah ka dib in Sayidku dhashay 1856kii (2). Waxaanu ku dhashay ceel u dhexeeya Widhwidh iyo Buuhoodle  gugii la magac baxay Gobeysane.

Toddoba jir isagoo ah baa malcaamad Qur’aanka la qoray, toban jir buu Qur’aanka ku dhammeeyey, intii aanu labaatan jirsanna wuxu gaadhay darajada sheekhnimada. Sida qoraallo badan ku xusan Maxamed waxa uu aqoon barasho diineed ugu kicitimay dhulal badan oo ay ka mid ahaayeen magaalada Herer;dalka Suudaan iyo Nayroobi(Lewis 1965),muddo ka dibna waxa uu ku soo laabtay deegaankiisii. Sanadkii  1894kii ayaa Sheekh Maxamed iyo koox la socotay oo ay isku deegaan ahaayeen u kicitimeen Maka, si ay u soo xajaan, markii xajkii ay gutteenna waxa uu sayidku ka xeraystay, sheekh Maxamed Saalax  oo ahaa sheekhii dariiqada Saalixiyada(3) halkaas oo muddo sanad iyo badh lagu hillaadiyo uu la joogay. Markii uu ka soo noqday Maka, wuxu ka soo degay Magaalada Berbera. Sheeko aan la hubin oo buugaag dhowr ah ku qoran dadkana aad ugu dhex faaftay waxa ay sheegaysaa: In Sayid Maxamed kolkii uu kasoo degay marsada Berbera gaalkii gumaystuhu waydiiyey in uu alaabadiisa cashuur ka bixiyo, isna ugu hal celiyey : adigu kolkii aad timi yaa cashuur kaa qaaday? Ha yeeshee qof kii u tarjumayey gaalkii u sheegay in ninkani Wadaad waalan yahay! Halkaasna ay ka soo raacday naanaysta kolkii danbe gaaladu u adeegsan jireen ee Wadaadka Waalan ( The Mad Mullah), ha se ahaatee Saciid S. Samatar waxa uu xusayaa in Nanaystani ay ku dhejiyeen wadaaddii Qaadiriyada ee ay aadka u doodeen.
Markii uu magaalada Berbera ku negaaday, waxa uu watay dariiqada Saalixiyada in kasta oo ay dhulka Soomaalida ka jirtay,haddana saamayn kuma lahayn Berbera. [lama sheegin in sayidku wixii intaa ka horreeyey dariiqo ka tirsanaa] Waxa se gaashaanka u daruuray culimadii dariiqada qaadiriyada ee dhulka uga soo horreysay, doodo badan baa la galay, magaaladiina buuq diineed baa ka aloosmay, dadka qaar waxa ay ku doodayaan  Sayidku markii uu taageero u waayey dariiqadiisa ayuu Berbera isaga tegay, Halka qolyo kalena soo tebiyaan in uu magaalada ka bilaabay olole gumaysi diid ah, waxaana la sheegaa sheekooyin aan sugnaantooda la hubin oo ay ka mid tahay in sayidku arkay nin baadari ah, dabadeed inta uu ul ku dhuftay yidhi: Ilaahow maanta intaasaan jihaad karaa.

Gugii 1898kii ayaa Sayidku ka amababaxay Magaalada Berbera, Intii uu dhexda ku sii jireyna waxa uu sii maray xarun dhaymoole ku taallay oo diinta Masiixiga lagu faafinayey(4) sida la soo tebiyana waxa uu halkaas kula kulmay carruur Soomaaliyeed, waxaana la odhan karaa waa meelaha uu ka bilaabmay dareenkiisa gumaysi diidka ahi. Ceel qoryaweyn la yidhaahdo, oo Caynabo u dhow ayuu ka samaystay Waab uu ku tukado dadkana diinta ku baro, halkaas ayaanay ka unkantay xertiisii u horraysay, duubkii caddaa ee astaanta u ahaana loogu xidhay, waana meesha ay xerta Sayidku kula baxday magaca Daraawiish(5). Muddadii uu halkaas degganaana waxa hawshiisu ku koobnayd diin dhigid iyo dib u heshiisiin uu ka dhex sameeyey beelihii deekaankaas ku dhaqnaa, waxa kale oo la sheegaa in reerihii dhulkaas degganaa xoolo badan oo siyaaro ah siiyeen. Dadka wax ka qoray taariikhda daraawiishtu waxa ay sheegayaan in diin dhigista Sayidku dhex waday olole uu dadka ku kicinayo, kuna abuurayo kacdoon gumaysi diid ah. Gumaysiga Ingiriisku aad isuguma ballaadhin dhulka gudaha oo ilaalo inuu marmar u diro mooyee, lug badan kuma lahayn, biishii may 1899 kii,ayaa la sheegay in la waayey hal qori oo ilaalada Ingiriisku lahaayeen, sida dad badani xuseenna ninkii qorigaa sitay baa xerta Sayidka u galay dabadeed qorigii xoolo soo dhaafsaday, kolkii uu berbera ku soo noqdayna waxa uu sheegay in Sayidku qorigii ka qaaday. Hawlwadeennadii Ingiriisku farriin bay u direen Sayidka ay kaga dalbanayaan in uu qoriga iska soo celiyo. Sayidkuna waxa uu ku soo warceliyey in aanu qorigaa haysan ee Ingiriisku baadidiisa raadsado. Dabayaaqadii sanadkaana waxa xarunta gumaystaha la soo gaadhsiiyey in Sayidku isku dubariday col 3000 oo nin gaadhaya iyo hub 200 qori ah.

Dhinac halabuuridda maansooyinka lama hayo wax ka horreeyey 1904tii, sidoo kale, Sheekada ah in Sayidku Mahdi sheegtay oo dadka qaar aad u buunbuuniyaan lama hayo caddaymo ku filan.

 2-Unkankii Daraawiishta iyo Hawlgalladoodii

Xertii Daraawiishtu kolkii ay dhanka Buuhoodle u guurtay, dhaqdhaqaaqoodiina kordhay, hub iyo xoolana gacantooda soo galeen, waxa hoggaamiyihii Daraawiishtu ku baaqay jihaad gaalo la dirir ah. Hawlgalladaa bilowday waxa ay tuhun ku abuureen, garaadkii beelaha Dhulbahante, Garaad Cali garaad Maxamuud, Garaadka iyo Sayidka wada xaajood baa dhex maray, waxba se laguma heshiin, ka gadaal Daraawiishtu waxa ay soo allifeen in Garaadku xujoobay oo Ingiriiska warqad sir ah u diray, ugu danbeyntiina rag Daraawiish ah ayaa dilay Garaadkii, in kastoo dadka qaar isku dayeen inay dilkaas Daraawiishta ka leexiyaan, waxa la odhan karaa, dilkaas ayaa sabab u ahaa in Daraawiishi u qaxdo, dhulka galbeedka beelaha Ogaadeenna dhex degaan, muddodii hore soo dhoweyn badan baa ay halkaas kala kulmeen Sayidka iyo colkiisu, lagu ma se waarin markiiba tuhun baa soo kala dhex galay, ay sal u ahayd dilal la geystay, ugu danbeyntiina dagaal baa dhex maray Daraawiishtii iyo beelihii aaggaa degganaa, Daraawiishina dib baa ay ugu soo qaxaday halkii ay kolkii hore ka guureen. Soo noqodkoodaas oo ku beegnaa gugii 1900, Daraawiishtu waxa ay weerar ba’an ku qaadday, beelaha ku dhaqan hawdka oo la sheegay in ay ka soo dhaceen 2000 oo neef oo geel ah, waxyeello nafeed oo aan tiro lahaynna u gaysteen, waa dhacdada la baxday (dayax- weer).

Dhacdadaasi waxa ay daaha ka fayday, dadkana u fasirtay Daraawiish iyo waxa ay damacsan tahay, waxa la ogaaday in Sayidka iyo colkiisu tubtii dariiqo diineed lagu yiqiin ay waydaarteen, Halabuur arrintaa ka maansoonayaa wuxu yidhi:

Col ashraafi waccaysiyo, caalin reero dhacaaya,
Cilmi geel lagu qaado, Sayidkii Calmanaayow
Cimri yuu ku simaayoo, Cidhibteeda ogaada.

Geel kala qaadistu waxa ay ahayd arrin iska caadi ah, Soomaalida dhexdeeda xilliyadaa, waxa keliya ee Daraawiishtu ku soo kordhisay waxa uu ahaa, in fatwo diineed loogu banneeyey xoolaha ay leeyihiin beelaha ay ula baxeen gaalo raaca.

Isla xilliyaadaa ayaa Sayidku Warqad u diray gumaystaha Ingiriiska, dhambaalkaas waxa ka mid ahaa, {………….. Waxa aan ku ogaysiinayaa, in aad wax kasta oo aad rabteen samayseen, diintayadii wacnaydna cadaadiseen,…………… Haddaba kala doorta dagaal haddaad doonaysaan waannu oggolnahay, haddaad nabad doonaysaanna sedo bixiya} (6)

Gugii 1901dii ayaa Ingiriiska ay Daraawiish dagaalkii u horreyey dhex maray, waa dhacdada la baxday Af bakayle, Ciidanka gumaystaha  khasaare badan baa loo gaystay, Daraawiish qudhoodana waa la wiiqay.
Sannadkaa iyo kuwii ka danbeeyey ba dagaalladu si joogto ah ayey u socdeen, meelo baddan baa foodda la is daray, waxaana ugu magac weyn goobahan: Fardhidin (1901), Beerdhiga (1902), Cagaar weyne (1903), Jidbaalle (1904).

Waxa intaa barbar socday dhaca iyo dilka Daraawiishtu u gaysanaysay, beelaha Soomaaliyeed ee ay ku sunteen Gaalo raacnimada, Gabayada Sayidka ayaana laga la soo dhex bixi karaa in uu Daraawiishta u xalaaleeyey dhiiga iyo xoolaha bulshada Soomaaliyeed, meerisyadan baa ka mid ah:

Nin aqdaamo faranji ah, maantiyo abuurriin
Ama aaladuu sida, ama awrtaba u rara
Ama adhigaba u qala ama laba ugaadhsada
Ama uba ilaalaa ama uurka kala jira
Ashaada beeniyo Islaamnimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama odhan anna ma ogolaan karo.

Dagaallaas lagu riiqday ee kala danbeeyey waxa ay keeneen in Daraawiishtu u durugto xeebta bariga, 1904 tii ayaa Daraawiishtu fadhiisin ka dhigatay degmada Ayl, halkaas waxa ay ka dhiseen afar qalcadood oo kala ahaa: Daawad: oo laga dhisay xeebta Ayl, Ilig, Gabbac iyo Baday. 22 Abril 1904tii ayaa ingiriisku duqayn dhanka xeebta ah, ku burburiyey qalcaddii Ilig. 

Xeebaha bariga xilligaas waxa ka jirey, saddex maamul beeleed, midi waa Boqor Cismaan oo  Gara-cad xarun u ahayd, tan kalena waa Cali Yuusuf oo Hobyo saldhig u ahayd, tan saddexaadna waa Garaad Maxamuud Cali shire oo deegaanka beesha Warsangeli ka arriminayey. Labada hore Talyaani bay kula jireen, heshiis ilaalineed, kan danbana Waa beelihii Ingiriisku kolkii uu imanayey heshiiska la saxiixday.

Talyaaniga oo ka baqa qaba in Daraawiishtu ku durugto deegaannada uu maamulo, wuxu ka shaqeeyey, in heshiis dhex maro, Ingiriis iyo Daraawiish, wada hadallo iyo waan waan Cadan ka soo bilaabmay oo uu Daraawiishta uga wakiil ahaa, Sheekh Cabdalla Shixiri ayaa ku dhammaaday in heshiis la kala saxiido  5tii maarso 1905 tii, heshiishkaasi waxa uu ka dhacay Ilig, qodobadii ka soo baxayna waxa ka mid ahaa:

1- In Daraawiishta  looga ogaalaado dhul, qaybtii uu Talyaanigu xukumayey.

2- In Sayidka iyo Daraawiishtiisa la siiyo xorriyad diineed, iyo madax bannaani ganacsi.

3- In Daraawiishtu  Deegaannada raacsan, ay iyagu ka taliyaan.

Heshiiskani dhanka Daraawiishta wuxu u fududeeyey, in ay saldhigtaan, maamul iyo kala danbayn samaystaan, waxa ay heleen koboc dhaqaale, iyo mid maamul. Intii nabadda la ahaa, waxa la xusi karaa, inuu jirey, dagaal dhanka afka ah, oo u badnaa gabayadii Sayidku tirinayey, iyo kuwo isaga loo tiriyey.

2.1 -Qaybaha Ciidanka Daraawiishta

Daraawiishtu maamul ahaan waxa ay u qaybsanaayeen afar qaybood oo kala ahaa:

  • Qusuusi: Waxa ay ahaayeen Culimo iyo Waayeel guurti ah, oo iska leh go’aanka ugu danbeeye ee la qaadanayo.
  • Maarraweyn : Waa ciidaanka duullaanka gala, ee abbaanduulayaasha leh, waa iga kuwa inta badan la diriray gumaystaha, ama beelaha Soomaaliyeed ee aan Daraawiishta taageersanayn.
  • Gaadh haye : Ilaalada Xarumaha saadka iyo xarunta Sayidku deggan yahay.
  • Reer beede : waa Maatida Daraawiishta iyo kuwa raaca xoolaha Daraawiishta, fardaha dagaalkana xannaaneeya.

Ciidamada dagaalka gala ee Daraawiishtu waxa kale oo ay nidaam ahaan u qaysanayeen unugyo mid waliba magac gooni ah leeyahay, hawl gaar ahna u qaynsan yahay sida Shiishyaale, Goleweyne, Taargooye, Indha badan, Miinanle, Dharbash iyo Ragxun(7).

2.2-Daraawiishta iyo dadka ka soo horjeeday

Daraawiishtu duullaannadii ay ku qaadi jireen beelaha Soomaalida ah ee aan taageersanyni waxa uu u soo jiiday cadaawad badan, beelahaasi kolkii ay u fursad helaan xoolo Daraawiishtu leedahay, waa ay dhacayeen. Saddexda maamul beeleed ee aynu soo sheegnay in ay Daraawiishta la deris ahaayeen, in kastoo kolkii hore Sayidku isku deyey inuu soo dhoweysto oo la xididay (guur siyaasadeed), iyaguna aanay wax diidmo ah kala hor iman kacdoonka wadaadka, ugu danbeyntii iyaga iyo Daraawiishtu waxa ay noqdeen col daahii go’ay. Dhanka kale dad badan oo indheergarad ah, judhii horena Daraawiish ku biiray baa ay u cuntami wayday sida Wadaadku wax u wado, qaar badan oo saluuggooda soo bandhigay waxa lagu abaaliyey in dhegta dhiigga loo daro. Xarunta daraawiishta waxa laga jideeyey wax loo bixiyey xujoobid, inta badanna qofkii la yidhaahdo wuu xujoobay macneheedu waa in qudha laga jaro; hab dhaqankaasi waxa uu keenay in rag badani xarunta ka firdhadaan. Dadka Sayidka afka kula dagaallamay, falalka gurracan ee gudaha Daraawiishta iyo debeddeeda ka socdana soo bandhigay waxa ka mid ah labada maansayahan ee Cali Adaan Gorayo (Dhuux) iyo Cali Jaamac Haabiil.

Cali Dhuux oo Wadaadnimada Sayidka durayaa waxa uu yidhi :

Allaahu akbar eedaanku waa kaa afkiyo beene

Ashahaaday gaalkuba se waa ehelu naarkiiye

Ubbo weyso waan kugu arkaa agab salaadeede

Asxaabihii olol ku dhece waa u abtiriyaaye

Hadduu uurka kaa jiro werdigu kaama orodneene

Abtiyaalladaa iyo ku nece ururkii reer khayre

Arbow Jaamac iyo Aadan iyo Oogle kaa taga’e

Waxaan uubateeyaba tolkay oodda soo jebiye.

Markale isagoo hogatusaya dhaqannada kelitalisnimo ee xarunta ka jira, waxa uu lahaa:

Ninkii weligii diintaa bannaan daacad ugu sheega
Daw kulama soo baxo cilmiye waa la diriraaye
Doofaarraduu wadan jiruu dila yidhaahdaaye
Iyaguna markaasay ku didi diidi mahayaane
Bal in meesha lagu doorsan yahay waxa u daliilkiiya
Duqaydii badnayd ee ku lumay duudsi iyo jeedal.

Cali Jaamac Haabiil isna Sayidka waxa uu ku maagay gabayo badan, waxa aynu tusaale uga soo qaadanaynaa, gabay durraamasho ah oo uu Alle kaga tuugayo in uu ninkaas arlada ka qabto.

Allahayow middii uur leh iyo tii irmaan dumarka

Allahayow ummulihii nin dilay ubad jaqsiinaayey
Allahayow agoon iyo miskiin aadanaha liita
Allahayow nimaan oday da’ ah iyo habar ka oollaynin
Allahayow mid aabbi iyo kibir muumin ku idleeyey
Allahayow Ilaahnimo nimaan kugu addeecaynin

Allahayow Ibliis sheekh u eeg aannu garan waynay
Allahayow mid oogada jidhkana aad insiga mooddo
Allahayow misana aan ahayn awliyana sheegta

Allahayow mid ruuxuu arkaba ku adyadoonaaya
Allahayow ninkaa ku inkiree diidey amarkaaga
Allahayow mid aayadaha iyo diinta ku adeegta

Allahayow misana aan u odhan siday ahaayeenba

Allahayow aqoonlaawahaa eydu daba joogto
Allahayow adigu waad ogtahay waanad aragtaaye
Allahayow aroor iyo galab goor alliyo leyl ba
Allahayow Ibliiskaa khalqigu ka ashkatoonaayo

Allahayow ha nagu eegin kaa kuu ergaan bahaye.

Dhanka kale Sayidku isna waxa uu tirinayey tixo uu qolyahaas ku weerarayo, ama cid kaleba ugu halcelinayo. Gabayo badan oo Sayidku leeyahay waxa ka buuxa aflagaaddo loo geystay reero Soomaaliyeed iyo qofaf ba. Waxa kale oo jirey gabayo badan oo uu ugu hanjabayo beelo ay is hayeen iyo dad kacdoonkiisa ka soo horjeestay, meerisyadan baa aynu u soo qaadan karnaa muunad ahaan:

Haddii aannan Majeerteen sidii adhi u iideynin
Ararsamiyo Iidoor haddaan idhan ka loo qaadin
Oo aan irbaha dheer ka jarin Eyda reer hagar ah
Awlaxa haddii aanan la dhicin niman Ogaadeena
Ololaha colkaan wado haddaan laga ashaatoodin
Jidka Adari loo maro haddaan laga ugaadhoobin.

Hab dhaqankaa gurracan ee Daraawiishtu ku kacaysay ee aan looga baran dadka Culimada ah, iyo Wadaad hormuud u ah dariiqo diineed, waxa  ay kicisay Wadaadadii Soomaaliyeed qaarkood, cod dheer baa ay ku sheegeen in Wadaadku waxan uu wadaa aanay diin shuqul ku lahayn, sida aynu hore u soo marnayna isku dhaca wadaadada, gaar ahaan dariiqada Qaadiriyada iyo Sayidku waxa uu ka soo bilaamay Berbera.
Khilaafka Culimadii Soomaaliyeed iyo Sayidka ka dhexeeyey waa ka ugu danbayntii galaaftay Buunigii Qaadiriyada koonfureed homuudka u ahaa ee Sheekh Aways Baraawe(8), oo daraawiishtu ku dishay Biyooley, Sayidka oo dilkiisa ka maansoonayaana waxa uu yidhi :

Wuxuu dookhaneeyoo xumaan deli la meeraaba
Denbiguu Falaayaa Uways loogu dawgalaye
Candho dogoble goortaan diluu roobku noo da’ay.

 3-Ka guuristii Ingiriiska ee dhulka Miyiga

Gugii 1909kii ayaa maamulkii Ingiriisku wuxu ka soo guuray dhulka miyiga ah, isagoo isku ururinaya xeebaha, waxa se uu qaaday tallaabo aan loo aayin, oo ahayd in uu hub u qaybiyey beelihii deggaanaa dhulkii uu ka soo baxay, si ay isaga difaacaan Daraawiishtu haddii ay soo weerarto, oo ka dhignaa “lafo Maroodi iyagaa la isku jebshaa”. Hayeeshee waxa dhacay arrin aan gumaystuhu haabka ku hayn,ama ku talagal u sameeyey, reerihii hubka loo qaybiyey waxa ay u adeegsadeen in ay iyagu isku dhacaan, utumo colaadeed oo hore uga dhaxeeyey, waxa dhacday colaad baahsan iyo macaluul galaafatay dadkii  dalka ku noolaa, saddex meelood meel ahaan, waana xilliga la baxay Xaaraama Cune.

4-Dacwaddii loo gudbiyey Sheekh Maxamed Saalax

 Isla gugii 1909kii waxa magaalada maka u ambabaxay culimo geyiga Soomaaliyeed Misaan ku leh oo laga xusi karo, sheekh Cabdillaahi Nayoobi(9) iyo Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq(10), ujeeddada socdaalkani wuxu daarraa in Sheekh Maxamed Saalax oo hormuudkii dariiqada Saalixiyada ah la  gaadhsiiyo, falaadka wadaadka Daraawiishta haysta. Dadka taariikhda Daraawiishta qoray qaar baa aaminsan in ay tani ahayd xeelad gumaystuhu ku dhabar jebinayey halganka Daraawiishta. Sidii doontaba ha ahaatee Culimadaasi waxa ay sheekhii dariiqada gaadhsiiyeen in Sayidku dalkii iyo diintiiba fasahaadiyey. Waxa isna Culimadaa u marag furay Sheekh Cabdalla Shixiri oo Daraawiishta ka mid ahaa, kolkaa se ka goostay. Sheekh Maxamed Saalax waxa uu Sayidka u soo direy warqad uu ku canaananayo uguna sheegayo inuu joojiyo falalka diinta ku lidka ah ee uu ku kacayo. Aw Jaamac Cumar Ciise oo ah buuniga ururiyey taariikhda Daraawiikhtu waxa xusayaa in warqadaas la been abuuray, sheeko la yaableh ayuu qorayaa oo odhanaysa: Sheekh Maxamed Saalax waxa uu waraaqaha ku shaanbadayn jirey kaatunkiisa oo marka keliya ee uu iska saaraa ahaa, kolka uu musqusha gelayo, dabadeed isagoo suuliga ku jira ayaa karraanigiisii hoos laga la heshiiyey, oo warqad madhan shaambaddii lagu dhuftay, markii danbena wixii la doono lagu soo qoray. Hase ahaatee waxa la odhan karaa sheekadaa far baa ku godan oo dhawr siyoodba macquul uma aha,dadka sheekha Maka ugu tegay gaalo la socotay oo qorshaha maleegaysay lama sheegin, Culimada waaweyn ee halkaas tegayna dhaqan xumada sidaad u liidataa kama suurtawdo, cidda sidan ku doodaysaana ma ay soo bandhigin labadii warqadood, tii asalka ahayd iyo tii la been abuuray. Maamulka gumaysigu warqaddan sheekha ka soo baxday waxa uu uga faa’iidaystay hoos u dhigidda sumcadda Daraawiishta, oo warqaddii oo la badiyey ayaa culimadii Soomaaliyeed oo dhan la gaadhsiiyey.

Daraawiishtu dacwaddaa laga gudbiyey waxa ku eedaysay inuu soo maleegay sheekh Cabdalla Shixiri, Sayidka oo u hanjabayaana waakii lahaa:

Asay xidhatayaa amase weer kugu abaadyaaba
Amminkii habeennimo hurdada alalad booddaaba
Raggii uu waraabuhu axadhay agas u qaaddaaba
Ashkatootayaa iyo warqado ku andacootaaba
Ararihiyo dibadaha marba naga ufootaaba
Awtaamisaa iyo sidii geel u oloshaaba
Arki maysid ina shixiriyow inamadaadiiye
Adiguna Amxaar baad tahay iyo ehel nijaaseed.


4.1-Canjeel Talo waa

Warqaddii sheekh Maxamed Saalax kolkii ay xaruntii Daraawiishta Soo gaadhay, nuxurkeediina la ogaaday, waxa bilaabmay guux hoose iyo hugun,rag door ah oo ay ula muuqatay in aan xaaladdan la sii eegan karin baa is urursaday oo goor habeennimo ah ku shiray geed Canjeel ah oo xarunta ka durugsanaa, haddii talo la rogrogayna waxa la dhaafin waayey laba middood in la sameeyo; in xarunta laga hulleelo oo Daraawiish sidaa lagaga baxo, iyo in Sayidka laga takhaluso, meeshiisana qof kale loo dhiibo, si halganku u sii socdo, hase yeeshee iyadoo aan weli wax tallaabo ah la qaadin baa warkii gaadhay madaxdii Daraawiishta, waxa la sheegaa midhadh firxaday mooyee intii kale in dhegta dhiigga loo daray. In kastoo kacdoonkaasi dhicisoobay haddana waxa la sheegaa in wixii intaa ka danbeeyey, Daraawiish dhexdeeda is aamminku ku yaraaday.

 4.2-Degistii Taleex

 Dabayaaqadii 1909kii ayaa Daraawiishi u soo guurtay dhanka Nugaaleed, waxaanay degeen meesha la yidhaahdo Dameer oo laga dhisay qalcad la yidhaahdo Daarcad.

Taleexna waxa laga dhisay, afar qalcadood oo kala ahaa:

  • Silsilad : oo ahayd xarun loogu talagalay inay ku hoydaan ilaa 5000 neef oo xoolo ah iyo 2000 oo ciidan ahi.
  • Falaad : waa taliska ay degganaayeen Sayidka iyo Khusuusigu.
  • Daawad : oo loo dhisay dadka martida ah.
  • Daar ilaalo : Waa qalcadda laga Laga ilaalinayey xarumaha kale iyo deegaanka oo dhan. Waxa jiray qalcado badan oo deegaanno kala durugsan laga dhisay.

Kolkii Daraawishtu soo degtay Taleex ayaa Ingiriisku 1912kii dib ugu soo noqday dhulkii miyiga ahaa ee uu ka guuray, waxaanu sameeyey ciidan rakuubley ah oo uu hoggaamiye ka yahay Rijaadh Koofil. Xilligaas Daraawiishtu waxa ay lahayd ciidaan Dooxato la yidhaahdo oo wareega, saldhigna aan lahayn, waxa ay hawshiisu ahayd in Ingiriiska iyo Beelaha xukunkiisa ku hoos nool dhac iyo argagixin joogto ah ay ku hayaan. Ciidankaas ayaa weerar ba’an ku qaaday beesha Burco iyo agagaarkeeda deggan, dad wixii ay layn karayeenna way layeen, wixii xoolo ay heleenna waa ay soo dhaceen. Ciidankii rakuublayda Ingiriiska oo ay weheliyaan Soomaalidii xoolahooda laga soo dhacay ayaa ka daba baxay Daraawiishtii,  sanadkii 1913kii ayaa la isku haleelay meel Dulmadoobe la yidhaahdo, waxa ka dhacay daagaal lagu riiqday, oo Ruugga la baxay, labada dhan ba khasaare baaxad leh ayaa soo gaadhay, Ingiriiska waxa halkaas kaga dhintay, hoggaamiyihii ciidanka rukuubleyda Koofil, Sayidku dilka ninkaa wuxu ka tiriyey gabay ashqaraar leh.

Daraawiish ayaa damacday in ay isku ballaadhiyaan dhulka Garaad Maxamuud Cali Shire ka taliyo, hase ahaatee Garaad Maxamuud oo kaashanaya boqor Cismaan  ayaa col ku soo saaray, ciidankaas is bahaysiga ahi waxa uu soo jebiyey Daraawiishtii, lakiin xaruntii Taleex ayaa laga soo abaabulay col, isbahaysiga u waydaarta maatidii iyo xoolihii ay ka yimaaddeen, waxa la sheegaa in Daraawiish iyo cidamadaas dagaallo aan waxba la isu la hadhini dhex mareen. 

Xilliyadaa Sayidku waxa uu xidhiidho la sameeyey Boqorkii cusbaa ee xabashida Lij Iyaasu iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo kolkaas aan itaal la sheego lahayn, lama sheegin wax caawimo ah oo ay soo gaadhsiiyeen. 

 5-Jabkii Daraawiishta

Gugii 1918kii ayaa daraawiishtu Taleex ka guurtay, una digarogatay Jiidaali oo qalcadi uga dhisnayd, muddo ka dibna waxa ay saldhigteen Mirashi, halkaasna ku negaadeen.Ingiriisku  1919kii ayuu bilaabay hawlgal aan la shaacin oo uu doonayey in lagu soo afjaro iska caabbinta muddada dheer socota ee Sayidka iyo Daraawiikhtu wadeen,  hawl galkaas oo aad loo qariyey waxa loo qorsheeyey sidan:

  • Ciidanka badda  3 markab
  • Ciidanka Cirka   8 diyaaradood.
  • Ciidanka dhulka   oo saddex madax ah.

    Daraawiishtii Mirashi fadhiday markii lagu kediyey duullaan aanay waxba ka ogayn, waxa ay u firdhadeen dhanka Taleex. 4tii Febraayo 1920 kii ayaa diyaaradihii gumaysigu duqeeyeen, 7dii Febraayana ciidankii Ingiriiska ayaa la wareegay xaruntii Taleex.
    Sayidka iyo koox qoyskiisii u badan ayaa u baxsaday dhankaa iyo galbeedka, halkaas oo ciidan aan badnayn oo Daraawiish ahi degganaayeen, middo yar ka dibna  Ingiriisku ergo culimo iyo salaaddiin ka kooban ayuu u diray sayidka si loogu qanciyo inuu hubka dhigo oo nabad qaato, hayeeshee waxba kama soo bixin waan waantaas, beelahii hawdka Maxmiyadda degganaa oo Ingiriiska taageero ka helaya ayaa ugu danbeyntii weerar ba’an ku qaaday, Daraawiishtii oo markaas cudurro iyo tamar la’aani isugu tageen, wixii weerarkaas ka danbeeyey Sayidka iyo ciddii raacay waxa ay tageen Iimay, halkaas oo Sayidku ku geeriyooday dabayaaqadii 1920kii isagoo 64 jir ah, halkaasna waxa ku soo gabagaboobay kacdoonkii Daraawiishta oo Muddo 21 gu’ ah taagnaa.

Gebogabadii dhacdooyinka taariikhda Daraawiishta qof ba dhankii uu jeclaystay ayuu ula kacay, waxa se mudan in xaqiiqda laga sheego. waxa la odhan karaa Sayidka iyo colkiisu gumaysiga waa la halgameen intii itaalkood ah. Umadda ay u halgamayeen se gefaf waaweyn ayaa ay ka galeen, sidaa daraaddeed, mar waa halgamayaal gumaysi la dirir ah, oo taariikhda galay, mar kalena waxay ahaayeen col geel qaadnimada iyo umuladooxa ku ibtiloobay, oo bulshada dhiiggooda iyo xoolahoodaba xalaashaday, waxa la odhan karaa jabka daraawiishta sababaha keenay waxa ka mid ah, colaadda dhex taallay Soomaalida iyo daraawiishta, iyo colaadihii soo jireenka ahaa ee beelaha Soomaaliyeed ka dhexeeyay, oo beelaha qaar colka daraawiishta waxa ay u arkayeen beel isbalaadhinaysa oo dhulkooda iyo xoolahooda damacsan, waa isla sababta qarni ka dib, dawladnimada Soomaalidu u hanaqaadi la’dahay, maamulladooduna u hagaaseen.

 

1-I.M lewis :the modern history of Somalia p.63.

2- Aw Jaamac : Taariikhda Daraawiishta bog. 15

3-Saalixiyadu waa dhambal ka falliidhmay Dariiqada Axmediyada ee suufiyada, waxaana hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Saalax oo fadhigiisu ahaa Maka.

4- French Roman Catholic Mission waxa ay Berbera soo gaadheen 1886kii, waxaanay xarun waxbarasho oo diinta masiixiga lagu faafiyo ka furteen, tuulada dhaymoole  1891.

5- Erayga Darwiish oo asalkii Beershiyaan yahay, waa  eraybixin suufiyeed loo la jeedo qofka saahidka ah, ee u go’doomay cibaado iyo alla bari.

6-Sedo waxa lagu micneeyey cashuur ama gunno. 

7- Qaabdhismeedka Daraawiishta iyo qiyaasta ciidamadooda waxa soo tebiyey dad daraawiishta ka soo fakaday xilliyo kala duwan .

8- Sheekh Aways waxa uu ahaa buuni hormuud u ahaa qaadiriyada koonfurta Soomaaliya.

9- Sheekh Cali Nayroobi fadhigisu waxa uu ahaa Laamuu, hormuudna waxa uu u ahaa dariiqada Saalixiyada ee deegaankaas.

10-Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq, waxa u ahaa reer Berbera.

Tixraac

– Aw Jaamac Cumar Ciise : Taariikhda Daraawiishta: akademiga dhaqanja, Muqdisho  1976.

– Aw Jaamac Cumar Ciise  : Diiwaanka gabayada Sayid Maxamed C. Xasan, Akademiga dhaqanka, Muqdisho 1974.

– Samatar  Said S.  : Oral poetry and Somali Nationalism, the case of Sayyid Mohamed Abdille Hasan, Cambrige University Press, London 1982.

-Lewis I. M :  A modern History of Somalia~wet view press~London 1988.

– H. Rayne : Sun Sand and Somalis :Leaves from the note boook of a district commisioner in British Somaliland- London- 1921.

-Swayne, Major George C. Swayne : Seventeen Trips Thought Somaliland and a visit to Abayssinia- Rowland word ltd, London 1903.

– Douglas Jarndine : The Mad Mullah of Somaliland~Herber Jenkins ltd London 1921.

– BBC Soomaali : Qarnigii tegay iyo taariikhda Soomaalida (2000) qaybaha 1aad iyo 2aad
– RTD : Tixmaal: Taariikhda Daraawiishta.

 W/Q:Cabdikriin Xuseen

SHARE