“Waddada Suubban. Q5AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Waddada Suubban. Q5AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Ujeeddada ka dambaysa abuuridda Aadanaha:

Ku billaabid Magaca Eebbe ee Naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista dhammaan ammaano iyo mahadi waxay u sugnaadeen Allaah, (S.W.). Ee Awoodlaha, Maamulaha, xukuma Uunka, dembi dhaafaha, dul badanaha cafiska badan iyo dhimrinta, ee keena habiinka oo ku beddela maalin, si ay u ahaadaan daliil wanaagsan iyo digniin dadka lagu manneystay oo hibo loo siiyey qalbi daahir ah iyo dareen wanaagsan iyo waano iyo calaamad ifeysa,
Kuwa ah indheer garadka ee wax odorosidda badan. “Eebbe” waa waaxid,waa midka kasoo saaray qaar kamid ah addoomihiisa oo ka kiciyey hurdo iyo suurid culus (seexasho weyn) oo ku galladeystay kheyrka Suubbanaanta iyo taqwada iyo “Eebbe’ Ka kacsida, oo ka yeelay kuwa awood iyo karaan u leh fikir qoto dheer, garasho, iyo hoos wax u eegid, ka baaraan degid iyo wax u fiirsasho badan iyagoo ku fiirinaaya aragga qalbiga; waxuuna ka yeelay kuwa kara inay ka toobad keenaan gefaf iyo dembiyo ay faleen iyagu iyo inay aqbalaan waanadiisa wax ku oolka ah, iyo inay dib uga noqdaan ka rujuucaan waxii xun qowl ama ficil, uuna ka yeelay dhaqanka sidaa ah qeyb muhiim u ah noloshooda.
Waxuu siiyay dadkaa xulka ah awooddii iyo karaankii inay Caabudaan Isaga(Allaah). oo u diyaar garoobaan nolosha dambe ee Aakhirada, oo dabadeed waxuu u suura galiyay inay ku sugnaadaan oo ay joogteeyaan dhaqanka sidaa ah iyo Asluubtaa wanaagsan. waxaan “Eebbe” (S.W.) ku ammaanayaa wixii wax ugu bayaansan uguna sita oo erayo wanaagsan ah iyo kelmado daahir ah oo gaara dhammaan tilmaamaha iyo hadallada wanaagsan. waxaan ka marag kacayaa oo qirayaa inayan jirin cid mudan in la caabudo Eebbe mooyaane, ma jiro Ilaah xaq lagu caadudu oon aheyn (Allaah) ee ah samaanle, kariim, deeqle, naxariis iyo turid badane ee kaligiis ah kan mudan Cibaadada. Waxaan ka marag kacayaa oo qirayaa in sayidkeenna iyo imaamkeennu yahay (Nabi muxammad S.C.W.). uu yahay addoonkiisa iyo rasuulkiisa, xabiibkii iyo saaxibkii “Eebbe” waxuunna nagu hanuuniyay jidka toosan, oo ugu yeeraa dadka xagga Diinta xaqa ah. Ee “Alloow” ku galladeyso nabad iyo naxariis korkiisa iyo dhammaan Nabiyada iyo dadka xumaha iyo fisqiga ka dhowrsoon iyo ehelkoodiiba:
Intaas kadib “Eebbe” weyne kor ahaaye: waxuu yiri;

{وما خلقث الجن والانس الا ليعبدون¡ مااريد منهم من رزق ومااريد ان يطعمون}

Oo anigu(Allaah) uma aanan abuurin jinka iyo insiga waxaan aheyn inay i caabudaan Aniga kaliya kama dalbo wax risiq iyaga “yacni risiq aan siiyo iyaga naf ahaantooda, ama uumankeeyga” oo mana weydiisto inay i quudiyaan waan quudiyaa iyaga naf ahaantooda ama uunkeeyga. Xaqiiqdii “Allaah” isagaa ah Irsaaqaaga Awoodlaha, Xoogga badan.”

Aayaddaasi waxaay si cad oo biyaan ah u sheegeeysaa in u jeedddada abuuridda “Jinka” iyo “Insiga” ay tahay oo kaliya caabudidda “Eebbe” sidaa awgeed waa ku waajib iyaga inaay ku hayaan u jeeddadaa iyo gunta abuuriddooda mar waliba maankooda; waa inayan ku dagmin quruxda, soo jiidashada, iyo dhal-dhalaaka adduunka, maxaa yeelay daartani ma ahan middii waaridda, loo mana abuurin oo loo guma tala gelin inay noqoto daartii waaridda. Dunidani waa wax waqti gaaban ku siman oo muddo yar ku eg. Oo socoto lagu yahay, qof meel uun in yar jooga oo ka gudbaaya iyo gaadiid noo qaada meel kale. Ma ahan meel la doonayo qofku inuu isa siiyo oo maqsuud iyada uun ku ahaado, ood ka muraad la’aatid noloshaa dhabtaa ee daarta waaridda:
Nolosha adduunku waa tegeysaa oo lagu waarimaayo adduunkaan.
Haddaba dadkaa waa feejiganyihiin kuwa isku dhaafiya waqtigooda nolosha Caabudaadda “Eebbe” (S.W. T.). iyo adeeciddiisa, dadkaas baana ah wax garad iyo ildheerayaal, kuwa ka yeeshay taqwada iyo suubbanaanta hannaanka Noloshooda:

“Eebbe weyne kor ahaaye waxuu yiri:

《انما مثل الحيات الدنيا كماء انزلناه من الاسماء فا ختلط به نبات الارض مما ياكل الناس والانعام حتى اذا اخذت الارض زخرفها وازينت وظن اهلها انهم قادرون عليها اتاها امرنا ليلا او نهارا فجعلناها حصيدا كان لم تغن با لامس كذلك نفصل الايات لقوم يتفكرون》

“Xaqiiqdii mataalka nolosha adduunka waa sida roobka aan kasoo dejinno Cirka, oo isku bixiya Dhirta dhulka oo ay dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ilaa markii uu dhulku qaatay bilicdiisa oo is qurxiyay oo ay dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas amarkaygii u yimaado habiin ama maalin ee aan ka dhigo gabaahiir, sidii isagoo aan jirin shalayba! sidaas ayaan ugu faahfaahinnaa Aayadaha “Xujooyinka Caddeymaha, Qodobadda, Casharrada Calaamooyinka Si tafaf tiran Qoon fikeraya”

Aayado badan ayaa jira oo ku saabsan mowduucaan.
Waxaa jira addoomo Eebbe oo in dheer garad ah, oo qalbigooda ka gooyay adduunka, iskana dhowray fitnooyinka iyo fasahaadka. Waxay u fiirsadeen oo u kuur galeen adduunka, oo waxay ku qanceen inaysan horeba u a hayn daarta dhabta ah ee aadanaha. Waxay u arkeen “Adduunka” sida badan aan sal la gaaro lahayn oo waxay xarkaha u fureen maraakiib lagu qalabeeyay Camallo Suubban badda gudaheeda.
Haddaba marka ay tusaalaha iyo xaaladda adduunka ay sidaan tahay ujeeddada iyo gunta abuuriddaydana ay tahay midda aan soo xusay waxay noqoneyso wax ku waajib ah qof kasta oo qaan gaar ah, oo garaad iyo kasmo leh oo Muslim ah inay tahay inuu raad qaado dakaa ah “Saalixiinta iyo Suubbanayaasha ee Gacalka ah” si uu u raaco isla caqiiddadii ay raaceen akhyaartii indheer garadka ahaa, uuna u sameeyo diyaar garoow dhan u jeeddadaa aan soo xusay. Sida iyo habka ugu fiicanna si aad u gaarto hadafka iyo ujeeddadaa, Waa raacidda iyo adeecidda Nabiga (Muxammad S.C.W.). Sidaa darteed “Eebbe” weyne kor ahaaye Waxuu yiri:

《وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعا ونوا على الاثم والعد وان والتقوا الله ان الله شديد العقاب 》

“Ha ku caawiya midkiinba kan kale Al-Birr iyo At-Taqwaa” Samaan fal, Suubban iyo dhowrsanaan oo yuusan midkiinna ugu kaalmeyn kan kale dembi iyo xad gudub. Kana cabsada Eebbe, Xaqiiqdii, Allaah waa ciqaab adagyahaye”) Xadiis saxiix ah “Macnaha sugan” oo ay soo wada weriyeen Imaam Muslim, Nisaa’i iyo Tirmidi, wuxuu leeyahay Inta Qof Muslim ahi uu ku howlan yahay kaalmeynta walaalkii Muslimka ah, Allaah kor ahaaye, wuxuu awoodaa inuu u kaalmeeyo Isagaa “Kan hore”

Waxuu Nabigu(S.C.W.). sidoo kale yiri: Qofkii ugu yeeraa uun Qof inuu falo wax san, waxuu heli doonaa Ajar u dhigma kan uu helayo Qofkii waanadiisaas qaata oo ku camal fala.” (Muslim iyo Abuu Daawuud).
Sidoo kale waxuu yiri: Nabigu(S.C.W.). Qofkii Qof ugu yeeraa wax san, wuxuu heli doona ajar u dhigma ajarka uu helayo Qofkii ka aqbala ee ku raaca kheyrka, iyadoo aan waxba laga naaqusin ajarka kaa kale.” (Muslim iyo Abuu Daawuud).
Nabiga(S.C.W ). waxaa laga soo weriyay inuu yiri: Cali Bin Abii Daalib Alle haka raali noqde; Caliyoow haddii uu Alle sabab kaaga dhigo Xitaa qof inuu kugu hanuunaa oo ku garowsadaa Dhabbaha toosan, Sababtaada sidaas ayaana kaaga wanaagsan oo ka kheyr badan geela gadgaduun “acni hanti iyo xoolo kasta oo qaali ah maxaa yeelay geela gadgaduun waxay ka ahaayeen Jasiiradda Carabta wax qaali ah oo qiimo leh” (Bukhaari iyo Muslim).

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN