Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q11AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q11AAD 

Shariifka waa garayay in Daahir aad uga carooday hadaladiisa ,wuxuuna ku yiri”Daahir ina keen waa kaa iridka laga baxo gurigeena ,waxaansa ilaahey innooga baryayaa in uu na soo haddaayeeyo dhamaanteen, isugu kayn keenana wanaag”.

Daahir iridka ayuu ka baxay isagoo aamusan,kana aanan jawaabin hadalki u danbeeyay ee Shariif axmed, wuxuuna aaday gurigiisa isagoo iskula hadlayo ,war ninka xaasidsanaa, iimaankaada yaa ugu warramay? Xaggee kuugu bartay? Maxaad ka halaysay? Muxuuse kuugu diidan yahay ma nicmada aad heshay? allow yaa u sheego in aadan jeclayn ku dhax jirida wixi Ilaahey looga fogaanayo, haddana wuxuu isweydiiyay, horta adiga maxaad u dukan-weysay? war waa halkaa meesha lagaa maagay, Daahir wuxuu gurigiisa gaaray isaga oo aan meel dhigin su’aalihi iyo jawaabihi maskaxdiisa isaga soo daba dhacayay.

Daahir marki uu galay gurigiisa wuxuu telefoon u diray saaxiibkii Muraad,wuxuuna weydiistay in uu u yimaado habeen danbe,laakin Muraad wuxuu ku yiri “Walaal habeen danbe ma kuu imaan karo, ee habeenka jimcaha ayaan kulmaynaa sida caaddada inoo ahayd”.

Daahir kama harin Muraad wuxuuna ku yiri”Waa in aad ii timaadaa ninyahow, adiga war ma lihid, caawa waxaa gurigiisa igu casuumay Adeerkaa Shariif Axmed,wuxuuna ii sheegay hadalo si aad ah iiga yaabiyay, ee isku day in aad habeen danbe ii timaado”.

Muraad kolkuu maqlay adeerkaa ayaan is aragnay iyo wuxuu ii sheegay hadalo aanan la dhagaysan karin ee iga yaabiyay, wuxuu Daahir ku yiri”Sidaas haddii ay arrinta tahay waa kuu imaanayaa, laakin waa wixi ka danbeeyo Sagaalka fiidnimo”.

Daahir iyo Muraad waa isu yimaadeen habeenki ay balanta lahaayeen,waxayna ka wada hadleen arrinti uu Muraad adeerkiis kala hadlay Daahir iyo tuu kala hadlay Muraad naf ahaantiisa, waxayna isla meel dhigeen in aynan meel ka soo qaadin waanadi uu Shariif Axmed u soo jeediyay labadooda, kaddib marki uu Muraad u sheegay Daahir, in uu adeerkiis Shariif Axmed beryahanba aad u xanuusanaa, miyirkana laga galay,wuxuuna Daahir ku yiri “Iska daa warkiisa yuunan na waalin annaga  howlahaadana halkaada ka wado”.

 MuraAd wuxuu ku noqday xaafadiisa, DAahirna wuxuu habeenkaas seexday wel-wel la’aan, wuxuuna meel iska dhigay hadaladi uu ku yiri Muraad Adeerkiis, isagoo rumaystay hadalki uu saaxiibkii Muraad ku yiri oo ahaa “Adeerkay beryahanba miyirkiisa ma dhamayn”.

Daahir, habeenkaas wuxuu seexday isagoo dhinacna isu sheegayo hadal uu Muraad ku yiri mar hore, isagoo ku dhiirigelinayo, in uu Kaahin Marwaan ugu tago dalka Masar, hadalkaasna wuxuu ahaa “Kaahin Marwaan waa nin jecel dadka tago goobaha ilaahey lagu caabudo”, Daahir wuxuu habeenkaas isku canaantay isagoo ka duulayo in kaahin Marwaan jecelyahay dadka ku fiican diintooda oo iyada ah mid aad uga fog xaqiiqada dhaqanka Faaliyayaasha (Kuhanada)  , wuxuuna naftiisa ku yiri “war ninyahow ma  jiraan wax ka fiican in aad gudato cibaadada ilaahey ku faray, Salaadda oo aad tukato, Sakada oo aad iska bixiso iyo adiga oo ku dadaalo diintaada sidi ay Hooyadaa iyo Aabbahaa ugu dadaali jireen gudashada cibaadada Ilaahey na faray”.

Daahir subaxdi kolkuu Maqaayada furay, waxaa in uu macsalaameeyo ugu yimid Abu-Cali oo marki horaba ku yiri, waan wada fadhiisanaynaa inta aanan aadin Yeman, waxayna ka wada hadleen arrimaha maqaayada, isla meel dhigeena sida ay hawsha u soconayso maqnaashihiisa keddib iyo sida uu Daahir ugu soo diraayo qeybtiisa ama faa’iidada dhaqaale ee laga helo maqaayada .

Daahir si fiican ayuu maalintaas u sagootiyay Abu-Cali, wuxuuna maalintaas howsha maqaayada ku daayay mid ka mid ah shaqaalaha maqaayada ,waxaase nasiib-darro  loo soo sheegay bixitaanki Abu-Cali laba maalin keddib, in uu Abu-Cali ku dhintay Shil Baabur oo ka dhacay meel u jirto xuduudka Yeman boqol kilo-meter, dhinaca Degmada Najraan ee dalka Sacuudi-Carabiya.

Daahir oo ka naxay geerida deg-degta ah oo ku timid Abu-Cali, oo isaga ku soo dhoweeyay in uu maqaayadiisa shirka kula noqdo, isaga oo aanan wax ku darsan, ayaa wuxuu bilaabay in nuski uu maqaayada ku lahaa Abu-Cali ka iibsado Abu-Cali ina Adeerkiis oo ay soo wakiisheen Reerka Abu-Cali oo iyaga joogay dalka Yeman, waxayna Daahir iyo Reer Abu-Cali ninki ay soo wakiisheen ku kala baxeen maqaayada oo Reer Abu-Cali loo celiyo lacag u dhiganto qiimaha maqaayada haddii la iibiyo nuskeed ,Daahirna waxaa u soo haray Maqaayadi ,wuxuuna sidaa ku ahaaday nin aanan lagu wehlin lahaanshaha Maqaayada.

Daahir wuxuu noqday Badrooni weyn oo Maqaayad ku leh bartanka magaalada Riyaadh, wuxuuna ka dhabeeyay in uu Salaada tukado, wixi Zaka ahna iska bixiyo, wuxuu bilaabay waqtiyada uu firaaqada yahay in uu aqrista kutubta ka hadlayso cilmiga diinta Islaamka, Daahir wuxuu goostay in uu xajiyo xajka soo socdo.Daahir wuxuu noqday nin u dhaxeeyo maqaayada iyo Masjidka .

Daahir wuxuu soo xasuustay ,muddana uunan la xiriirin Hooyadii ,wuxuu u diray lacag buuran ,waxaa kale oo uu  lacag u diray Xasan qaboobe(ninki kookaha ahaa ee ku soo dhaweeyay sacuudiga) oo ay isagana ku-wada hadleen Telefoon , Xasan Qaboobe wuxuu isagana  dhankiisa Daahir weydiistay in uu isaga u soo diro Iqaamo si uu uga shaqeeyo Maqaayadiisa , keddib Marki Daahir u sheegay in uu leeyahay maqaayad ku taallo bartanka magaalada  Riyaad. Daahir,isagana waa aqbalyay codsiga Xasan Qaboobe ,wuxuuna u sheegay in uu ku tilaabsanayo sidi uu Iqaamo ugu soo diri lahaa. Daahir waa isku dayay in uu ka dhabeeyo in uu Iqaamo u sameeyo Xasan Qaboobe oo isaga aad u Soo dhoweeyay marki uu yimid dalka Sacuudiga,magaaladaa Jeddah, laakin nasiib darro uma suurta-gelin arrintaa, waxaana noloshiisa ku soo kordhay arrima badan oo uunan filanayn in ay dhaqsidaas isaga daba imaanayaan.

Daahir waxaa ku soo kordhay Culays dhan walba kaga yimid kolkuu bilaabay dukashada Salaada, la xiriiray Hooyadiis iyo marki isku dayay in uu iqaama u sameeyo Xasan Qaboobe, Daahir ma garan halka laga helay ,waxaa ku bilawday in uu aad u yaraado dhaqaalaha ka soo galo Maqaayada ,waxaa ku bilawday in ay farahiisa si aanan xisaab lahayn uga baxdo lacagta, intaa keddib wuxuu u tegay saaxibkii Muraad ,wuxuu u sheegay sida wax u jiraan ,laakin markaan Muraad waxba kuma soo kordhin, waayo kolkuu u tegayo Muraad wuxuu xanbaarsana kutubo diiniya oo uu  galabtaas soo aqristay, Daahir aqoon buuran uma lahayn, mana ogayn haysashada kitaabka ilaahey iyo  ku dheganaantooda in aynan meel wada gelin Xirsiga Kaahin Marwaan u soo qoray iyo ku dhaqanka talooyinka Kaahinka .

Daahir dhacdooyinkan isdaba-jooga ah keddib, mudda laba bil gudaheeda ah wuxuu arkay isaga oo aynan gacatiisa ku jirin lacag uu ku sii wadi karo howlaha Maqaayada, intaa keddib wuxuu dib ugu laabtay Xirsigi loo soo qoray oo uu kolki horaba ku xirtay Boorsadiisa. Daahir waaga ayaa ku baryay, xirsigi kumaba jiro Boorsada ,wuxuu isweydiiyay, war yaa kaa qaatay ,wuxuu soo xasuustay hadalki kaahin Marwaan ee ahaa “Xirsigeena waa nagu soo noqonayaa haddii aad tagto meelaha aynan jeclayn khaadimiinteena”, Daahir wuxuu isweydiiyay, tolow xagee tagtay oo aynan ogolayn khaadimiinta Kaahin Marwaan. Daahir kolki uu waayay meel uu saaro dhibka soo gaaray, wuxuu istusay oo kaliya, siduu u arkayay markaas, oo ahayd, in aanan laga maagin meel aanan ahayn imaatinga ay u timid Qamar Sharif, Wuxuu haddana isweydiiyay , “araga Qamar Sharif muxuu dhibayaa” ,wuxuu isugu jawaabay ,jawaab uunan isagaba ku qanacsanayn markaas ,wuxuuna yiri “Sow ma’ahan adiga oo la joogsaday haweeney aadan shaqo ku lahayn”. Maya,maya war sidaa ma’ahan arrinta waxba fakir iyo wel-wel yuunan ku daalin ,dhib kaagama imaan meel aanan ahayn Reer Sharif Axmed oo iyaga ku caasiyay Kaahin Marwaan iyo Khaadimiintiisa”. Daahir mar kale jawaab cad uma helin su’aaladihi isaga soo daba dhacayay maskaxdiisa,wuxuu go’aansaday  in uu iibiyo Maqaayada iyo in uu dib ugu noqdo dalka Masar iyo Kaahin Marwaan, si uu mar kale u soo qaato xirsi kale haddii kii hore ka dhumay iyo haddii uu Kaahin Marwaan dib ula noqdayba  .

Daahir maqaayadi waa iska-iibiyay saddex bil keddib tegisti guriga Shariif Axmed iyo geeridi ku timid Abu-Cali iyo kolki uu bilaabay u noqoshada ilaahey isago oo aanan taa u yeelin waanadi kaga  timid Reer Sharif Axmed ,balse is lahaa ku dheganaashada gudashada cibaadada ilaahey na faray, waxaa raali ka ah Kaahin Marwaan oo iyada dhab’ahaanti ah mid ka fog dhaqamada Kuhanada ku shirkiyay Jiritaanki kelinimo ee Ilaahey..

Daahir marki uu Maqaayada iibiyay wuxuu u safray Qaahira, Caasumada dalka Masar. Daahir kolki uu gaaray magaalada Qaahira, wuxuu abbaaray Qaryadi uu ku yiilay guriga Kaahin Marwaan, wuxuu guriga kaahinka tegay waqti ku aadan Casirki, wuxuuna gadaal ka galay saf dheer oo ay ku jireen dad badan oo Kaahinka sugayay, waxaa isaga oo safki ku jiro ku soo galay habeenki, waqtigana wuxuu fooda la galay tobanki fiidnimo,  Daahir aad ayuu u daalay, waana awoodi kari waayay in uu safka ku sii jiro, wuxuu habeenkaa ku noqday magaalada Qaahira. Daahir ma uunan nasan, meel kalana kuma leexan tan iyo inti uu soo galay waddanka Masar,horana uga tegay Kaahin Marwaan, marka laga reebo waqtigi uu kiraystay Hoteelki uu dhigtay Boorsadiisa ee ku yiilay bartanka magaalada Qaahira, uguna tala galay in uu seexdo marki uu  danahiisa ka soo dhamaysto Kaahin Marwaan.

Daahir marki uu ku noqday qolki uu ka deganaa Hoteelka,wuxuu habeenkaas ka bixi waayay cabsi, wel-wel iyo in uu ka fikiro kolki uu subixi ku noqdo Kaahin Marwaan muxuu kala kulmi doonaa, wuxuu isweydiiyay , maxaa laguugu yeeri waayay Adiga oo safka ku jiro, sidi kalki hore laguugu yeeray marki aad u timid Kaahinka, wuxuu isugu jawaabay su’aal kale ,war ninyahow xaggee lagaa maagay? maxaa ku helay ,tolow xirsigi ma kaa dhunyay,ma lagaa xaday ,misa waxaa soo ceshtay Kaahinka,war sidee wax u socdaan?.

Daahir waa waayay jawaab naftiisa dejiso, waa istaagyay,waa soo weesaqaatay, wuxuu dukaday Salaad Sunna ah, wuxuu u noqday Ilaahey, wuxuu weydiistay howsha uu Qaahira u yimid in Ilaahey u fududeeyo.

Daahir Salaadi sunnah keddib waa seexayay,wuxuuna soo toosay Salaadi Subax,waa dukayay,waa ducaysatay,wuxuuna ku noqday Qaryadi uu degganaa Kaahin Marwaan. Daahir, safki loogu jiray Kaahinka ayuu haddana gadaal ka qabsaday, kow iyo tobanki Subaxnimo ayaa waxaa ku yimid dowrkiisa, wuxuu u galay Kaahinki isaga oo aqrisanayo aayatal Kursi, niyaddana iska leh”kol haddii aad ilaahey ku dhegantahay, howshi aad halkan u timid waa kuu fududaanaysaa “, Kaahinki aad ayuu cod-dheer ugu qayliyay kolki uu Daahir u soo galay,wuxuuna adeegayaashiisa ku yiri, “ninkan iga bixiya ee geeya qolkaas”. Daahir waxaa la geeyay qol kale oo aanan ahayn qolki uu Kaahinka ku qaabilayay dadka u yimaado ee tixgelinta gaarka ah ku leh aktooda, Daahir waxaa ka daba yimid Kaahin Marwaan.

Kaahinki wuxuu Daahir ku yiri,”maxaa doonaysay oo aad innoogu timid”. Daahir wuxuu Kaahinka ugu jawaabay”waxaa iga dhumay xirsigi aad I siisay,sidaas darteed waxaan kuugu imid in aad mar kale ii qorto xirsi kale”,.

Kaahinka waa istaagyay isaga oo carraysan,haddana waa fadhiisayay ,wuxuuna cod gaaban ku Yiri “Daahir waad ka soo bixi-waysay mas’uuliyada kaa saarnayd ilaalinta xirsiga, waxaadna tagtay meel aynan khaadimiintayna kuugu khidmayn(adeegi) Karin ,welina waad ku dhex jirtaa ,waadna aragtaa halka aan kuugu qaabilay in ay ka duwan tahay, halki aan marki hore kuugu qaabilay ,ilayn khaadimiintayna way diideen in aan kuugu qaabilo qolka aan ku qaabilo dadka na soo siyaarto oo ay raali ka yihiin”,

Kaahinka hadalkiisa kalama goyn ,wuxuuna Daahir ku yiri, “ma banaano, mana hayno meel aan kaa-kaalmayn karno waqtigan hadda la joogo ,sidaas darteed waxaad nagu soo noqotaa kolki  uu cimrigaaga gaaro Afartan Sano, markaas ayaan go’aan ka gaaraynaa in aad tahay nin ka soo bixi karo iyo nin aanan ka soo bixi Karin mas’uuliyada la saaro. Haddana, orad bax ee ku noqo halki aad ka timid”.

 Daahir waa baryootamay ,wuxuuna ku celceliyay in uu ka soo bixi karo mas’uuliyadi la saaro ,waa haddii uu Kaahin Marwaan u sheego khaladka dhacay ee uu ku waayay xirsigiisa iyo haddiiba khalad jiro in uunan ula kac uga dhicin isaga. Laakin Kaahin Marwaan waa ku gacan sayryay  waxaas oo dhan ,dhegna uma dhigin hadalka Daahir, ilayn Kaahinka waxay khaadimintiisa ku wargeliyeen in uu qalbiga Daahir aad ugu dhegay ku dheganaashada gudashada Cibaadada Ilaahey, sidaas  darteedna waxaa ku adkaatay in ay Daahir ku sii haayaan in uu ahaado nin ka mid ah dadka u diyaarsan maqalkooda kol haddii uu khilaafay dhaqankoodi, waxaa kale oo uu Kaahin Marwaan kari-waayay in uu si toos ah Daahir ugu sheego khaadimiintayna uma adeegi karaan nin ku dhegan cibaadada ilaahey, masaajidka iyo shaqadana u dhexeeyo.

Kaahin Marwaan waa ogaa in uu jiro khalad uu galay Daahir saaxibkiis Muraad oo isaga Daahir ku yiri”Kaahin Marwaan waa nin dadka ku dhiirigeliyo tegista goobaha ilaahey lagu caabudo ,mana ahan nin jecel dadka tago goobaha aanan lagu caabudin ilaahey ,fasaadana taal”, iyado oo ay xaqiiqada tahay caksiga Hadalkaa uu Muraad u sheegay saaxibkii Daahir.

Kaahin Marwaan ,wuxuu hadalkiisa ku soo gabagebeeyay, Daahirna ku yiri “orod ku noqo halki aad ka timid ,hana noo imaan mar kale,cimrigaaga oo aanan lugta la gelin afartan Sano, haddii aadan rabin in aan ku tusno wejigeena kale “.

 

 W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

 



         

Top