Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q53AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q53AAD 

Waxaa weli lagu dhex jiraa dooddii dacwada, kolkuu Avv. Cosoboow dhammeeyay weydiimaha su’aalaha marqaatiga, ayaa waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda isagoo leh: Xeer ilaalinta Wax su’aalo kale ood weydiineyso Xaajiyo Faadumo?

Xeer ilaaliyaha: Maya, Guddoomiye.

Guddoomiyaha Maxkamadda: Xaaji Faadumo, Waad fasaxan tahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda: Wax kale maad heysaan oo caddeymo iyo hadal ah ood qabtaan.

 Xeer ilaaliyaha:Mudane Guddoomiye, Mudanayaal,

Waxaan filaa in maxkamaddu ay hadda heysato caddeymo buuxa oo ku filan dacwadda aan ku soo oognay eedeysanayaasha hortiina taagan, waxaan idin hor keenay caddeyntii ”Forensic”aheyd ee aasaaska u aheyd fal dembiyeed walba.

  • Waxaan soo gudbinay qiraalkoodii oo ay saxiixeen.
  • Waxaan keenay caddeymankii dhiigga marxuumadda oo laga helay Kabaha iyo usha uu sitay Dalmar.
  • Hadda waxaan maxakamadda hor keenay Marqaati nool oo maxkamadda ka hor caddeeysay in ay iyaga yihiin dembiilayaasha saxda ah , muwaadinadaas oo ah mid run lagu yaqaan oo si aada looga yaqaan deegaanka. Sidaa daraadeed, Xeer ilaalinta doorkeedu waa ineey hubisaa in muwaadin kastaa helaa Caddaalad waafi ah, Waxaa kale oo ay mas’uuliyad ka saaran tahay xeer ilaalintu  in ay kiis walbaa u soo bandhigto si xirfadeysan oo caddaaladi ku jirto, caddeyn walbaana ahaataa mid saldhig u ah dhabta, una horseeddaa Guddoonka maxkamadda xukun caddaalad ah. Haddaba , dembiga hortiina yaal oo ah laba fal dembiyeed”Isku day Kufsi” iyo ”Dil”. Xeer ilaalintuna ay keentay caddeyntooda Maxkamadda,Waxaan maxkamadda sharafta leh ka codsaneynaa in eedaysanaayshaan la marsiiyo ciqaabta ay mudan yihiin, sida uu qabo xeerka ciqaabta dalka qodobkiisa xx xarafkiisa x, si ay ugu waana qaataan kuwa kale ee damacsan ineey dembiyo la midihi ku kacaan, waadna mahadsan tihiin.

Xeer ilaaliyuhu kolkuu intaa yiri, Waxaa istaagay Avv. Cosoboow, waxuuna hadalkiisii ku bilaabay: Guddoomiye, Mudanayaal,

Sida aad la socotaan Xubinta ugu muhiimsan ee xuquuqda qofka muwaadinka ah waa inuu helo caddaalad sida ku cad Dastuurkeena qodobkiisa xx, xarfahiisa x, y, iyo Baaqa caalamiga ee Xuquuqul insaanka (aadamiga) iyo qaanuunka Dawligaaba iyo dhammaan sharciyada caalamiga ah ee dalkeenu wax ka saxiixay waa in qof kastaa loo aqoonsadaa inuu yahay Dembi laawe illaa maxkamad caddaalad ah la marsiiyo maahane ay iyadu ku riddaa xukun. Mabda’aas ayaa mas’uuliyadda dusha ka saarayo xeer ilaalinta iyo dhammaan hay’adaha kale ee fulinta sida Booliiska iyo Dembi baarista in ay caddeyn dhab ah u keenaan fal dembiyeed walba. Sidoo kale iyadoo la tixraacayo mabaadii’daas waxaa reeban in qof lagu qasbo inuu qiro dembi uuna gelin ama qoro caddeyn lid ku ah nafsadiisa. Xeer ilaalinta iyo hay’adaha kale ayaa looga baahan yahay in ay la yimaadaan caddeyn sugeysa gelitaanka faldembiyeedka ee ma ahan in qofka uu caddeeyo in uu yahay qof aan dembi gelin.Ma ahan ”Mutahamku Muddaan xataa yusbit Baraa’atuhu” laakiin ”al Mutaham Barii xitaa yusbit idaanatuhu”.

Sidaa daraadeed iyadoo aanan tixraacin aanan ku fogaan dhibta ka muuqdo eedeysanayaasha waxaan filaayaa in taasi keliya ay caddeyn u tahay  in xeer ilaalinta iyo hay’adaha dembi baaristu ay ku xadgudbeen xuquuqdii beni’aadnimo iyo tii dastuuriga aheyd ee muwaadiniintan dhallinyarada ah. Sidoo kale Markhaatiga  kaliya ay xeer ilaalintu maxkamadda hor keentay waa qof Da’ ah oo indhaha daciif ka ah sida ay maxkamadda ka hor qiratay aanan caddeyn u heyn faldembiyeed isku xiraaya oo loo fasiran karo marqaati galkeeda waa saameyn lagu yeeshay aragtideeda , mana jiro marqaati kale oo goob joog ka ahaa faldembiyeedkaas oo ay xeer ilaalintu la timid.

Goddoomiyaha Maxakamadda: Avv. Cosoboow, Xoogaa noo haki halkaan.

                                                    Ma na tusi kartaa Dhaawacyada loo geystay

                                                    Eedeysanaayaasha?

Avv. Cosoboow: Haa, waa kuwaan hortiina taagan. Waxaa la soo bixiyay Dalmar iyo Axmed waxaana maxkamadda la tusay Dhaawacyo ka muuqdo jirkooda si gaara dhabarka iyo gacmaha.

Intaa kaddib, Guddoonka maxkamadda waxuu yiri : Avv. Cosoboow, sii wada warbixintaada.

Avv.Cosoboow:

Mudane Guddoomiye, Mudanayaal,

Waxaan aad uga caalool xumahay in maanta ay halkaan wax ka fadhiyaan ehelkii Marxuumad Toosheey, oo ay sugaayeen ineey mar uun arkaan dadkii Dilka u geystay gebertooda ay jeclaayeen oo la hor keeno caddaalada, mase sugeyn in Dhallinyaro aan dembi gelin loo soo qabto arrinkaas,Reerkaas waxeey mudan yihiin in la gacan siiyo, Dembiilayaasha falkaas geystayna caddaaladda la horkeeno.

Mudane Guddoomiye, Mudanayaal,

Waxaan filaa in xaalku dhan yahay, ayna caddahay in wiilashu yihiin kuwa aan laheyn dembi, sidaa daraadeed Maxkamadda sharafta leh anoo ku kalsoon waxaan codsanaa in si dhaqsiya loo siiyo xuriyaddooda, Waadna mahadsan tihiin.

Kolkuu fadhiistay Avv.Cosoboow, waxaa showr hoose bilaabay Guddigii Garsoorka, iyagoo isku mashquulsan ayaa waxaa istaagay Cabdi Carar oo ah Marxuumadda aabbaheed isagoo ay indhahiisu ilmo ka tibiqleedahay, Waxuuna yiri:

Asalaamu calaykum, kolkuu intaas yiri waxaa kol qura ka soo wada jeestay showrkii ay ku jireen Golihii garsoorka, Guddoonkii maxkamadda ayaa yiri:

Fariiso. Cabdi Cararse isagoo aan fadhiisan ayuu yiri: Waxaan ahay Geberta la dilay aabbaheed, waxaana ii muuqato in ay jiraan wax qarsan oon muuqan, Dawladdana waxaan ka codsaa in ay waxa qarsan ay bannaanka keento.

Guddoomiyihii maxkamadda: Waxa qarsan maxaad ula jeeddaa?

Cabdi Carar: Waxaa ii muuqda in dad geberteyda dilay aaney aheyn wiilashaan na hor joogo ee masaakiinta ah, Waxuuna Guddoomiyihii maxkamadda u dhiibay Journal ku qoran luqada Ingiriiska oo ka hadlaayo dilkii loo geystay Toosheey iyo ineey tahay eedda loo heysto wiilashaan mid wax kale lagu qarihaayo.

Hoolkii Maxkamadda waxaa ka dhex bilaawday guux fara badan, taas oo keentay in Guddoomiyuhu ku celceliyo aamusnaan iyo BURUS oo miiska dhawr jeer ku gargaraacay si uu dadka u aamusiyo.

Waxaa showr kale ku laabtay golihii Garsoorka, xoogaa kadibna Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa soo jeediyay : Maxkamaddu waa xiran tahay, xukunkana waxaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta Talaadada Bishuna tahay xx.xx.xxxx.

La soco 

Waxaa qoray :

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

 



         

Top