Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q13AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q13AAD

Daahir iyo saadiq waxay wada galeen guriga Daahir.Saadiq waa qubaysayay, qubays keddibna wuxuu Daahir ku yiri”Ninyahow waa daalanahay adiga oo iga raali ah,waan seexanayaa ilaahey idinkiisna subixi ayaan kala warbogaynaa”.

Daahirna wuxuu Saadiq ku yiri”Walaal iska seexo,waqtigan ma’ahan waqti sheeko,waa sidaad u tiri ,waa inoo subixi,ilaahey idinkiis”.

Saadiq wuxuu ku soo toosay Aadaanki Salaada fajarka,wuxuuna bannaanka ugu yimid Daahir oo isagana ku soo toosay Aadaanka,Daahir iyo Saadiq waxay isu raaceen Masjidka, salaaddi Subax keddibna waxay ku soo noqdeen guriga. Daahir ayaa wuxuu aaday kushiinka,wuxuuna soo kariyay Shaahi,wuxuuna u keenay Saadiq oo gudaha qolka ku aqrisanayo quraan,wuxuuna ku yiri “walaal aan shaahno ee soo dhawoow”.

 Saadiq: ” waa runtaa aan shaahno,waxaansa ku weydiiyay Somaalida Xaafaddan deggan iyo magaalada Riyaad,walaal,adiga maku fiicantahay.Daahir ayaa Saadiq ku yiri”aad ayaan ugu fiicanahay Soomalida deggan Riyaad,badankoodana waxaan isku baranay Maqaayad aan ku lahaa xaafaddan oo ay usoo cunta doonan jireen, laakin, walaal adiga weli iigama warramin danta aad Riyaad u timid ,si aan kaaga kaalmeeyo,wixi aan isleeyahay wax waad kala qaban kartaa”.

Saadiq wuxuu Daahir ku yiri”walaal waa runtaa kaagama warramin danti aan Riyaad u imid ,su’aashaa aan ku weydiiyayna waxay la xiriirtaa danta aan Riyaad u imid ,oo waxaa jira rag aan shirko ku nahay Shirkad xawisho lacagaha Soomaalida ku nool dalalka Khaliijka, reerahodana u gaarsiiso si ammaan ah. Walaal raggaas ayaa ii soo wakiishay in aan Shirkada Maktab uga furo magaaladan,walaal arrintaas ayaan u imid ,waxaana ilaahey ka rajeynayaa in uu ii fududeeyo howshaas”.

 Saadiq hadalki kalama goyn,wuxuuna Daahir weydiiyay “walaal waxaad igu tiri,Soomaalida badankooda waxaan isku baranay Maqaayad aan ku lahaa Xaafadan,walaal waxaan ku weydiiyay aaway maqaayadi maxaadsa hadda haysaa?”.

Daahir wuxuu Saadiq ku yiri “walaal Saadiq, waa sheeko dheer tan iyo maalinti aad iga soo qaaday garoonka magaalada Jeddah, aniga oo aad uu caaboon, kuna fikarayo in aan si dhaqsiya uga biyo keeno karti badan oo aan isku tabayey iyo balaayada igu habsatay marki aan albaabada u laabay Maqaayadaas keddib”.

Daahir hadalkiisa isaga oo sii wato ayuu wuxuu Saadiq ku yiri “walaal yaanan kuugu daalin sheekadayda, walaal beryahan waxan ahay baagamuundo (shaqo la’aan). calaa kulli-xaal, waxaan kuugula talinayaa in aad maktabkiina ka furataan xaafada Manfuuxo ,waayo Soomalida badanaa waxay deggan yihiin xaafadaas,aniga ayaana caawa ku geynayo Maqaayad ku taal xaafaddaas oo ay Soomaalida isugu yimaadaan ,si aad u indha-indhayso,ugana war bogato xaaladda guud ee Soomaalida ku nool magaaladan”.

Saadiq oo dareemay in Daahir saaran-yahay culays fara badan oo ay u dheer tahay shaqa-la’aan, dhinacna la dhacsan in uu saakay la aaday salaada Subax, ayaa wuxuu si deganaan fog ku jirto Daahir ugu yiri, “walaal kol haddii aadan shaqo lahayn ,caawana aan ku ballanay in aad    i geynayso maqaayad ku taalo xaafada Manfuuxa oo ay Soomaalida ku badan yihiin , deegaan ahaan magaalada Riyaadh, sida aad ii sheegtay,  ma wax dhib ah ayaa ku jiro in aan iska sheekaysano, khaas ahaan aad iiga warranto arrimahaaga caadiga ah tan iyo maalinta aad timid waddankan, adiga oo aad ugu caaboon in aad si dhaqsiya uga mira dhaliso safarki shaqa doonka ahaa ee aad dalkaan Sacuudiga ku timid, walaal maalinti aan garoonka diyaaradaha Jeddah kaa soo qaaday waxaan kuugu arkay firfircooni aanan horay ugu arkin badanaa Soomaalida timaado dalkaan Sacuudiga,Calaa kulli xaal ,walaal waxaad iiga warrantaa muddada aad waddankan joogtay maxaa kuu qabsoomay maxaase jeclayd oo aanan kuu qabsoomin ,waxaansa ku weydiiyay, adiga ma guursatay ,haddii aad guursataysa ,carruur ma kuu joogtaa??”.

 Daahir kuma daahin Jawaabta ,wuxuuna Saadiq ku yiri , walaal maa mar kale innooga dhigtig in aan kaaga sheekeeyo maalmihi aan dalkaan joogay waxaan kala kulmay dheef iyo dhibaataba ,ilayn ma doonayo in aan kaa mashquuliyo dantaad u timid magaalada Riyaad “.

Saadiq waa ku adkaysayay in aynan meel kale aadin subaxdaas iyo in ay iska sheekaystaan, isuna warramaan si ay ugu suurta-gasho labadoodaba in ay si fiican isu sii bartaan.

Daahir wuxuu Saadiq ku yiri “waxba kama qabo ,waan sheekaysanaynaa “.

Daahir inta uunan bilaabin sheekada ayaa Saadiq ku yiri “Horta walaal waxaan ku weydiiyay hooyo iyo aabe ma joogaan ,xageesa ka deggan tihiin waddanki”.

Daahir oo aad uga tiiraanyooday xusuusta geerida aabbihii ku timid isaga oo aad u yar ,aadna ay u dan yaraayeen reerkooda ayuu wuxuu saadiq ku yiri “Aabe allah ha u naxariisto ,wuxuu xijaabtay aniga oo aad u yar ilaaheyna jannadi ha ka waraabiyo, Hooyana way joogtaa waana fiicantahay, waxaansa aad uga xumahay in aanan diinta ugu dhegin goor hore sida ay uga dheganaayeen,welina ay hooyadeey uga dhegantahay, walaal waxaan deganayn gobalka Hiiraan ,Magaalada Beledweyne, waxaansa ku weydiiyay ,adiga maalinta aad Garoonka iga soo qaadaysay Aabbaha oo baaqday ayaa cimra u imaanayay,ma yimid markaa, misa mar kale ayaad u yeertay”.

 Saadiq oo yara ka tiiraanyooday geeridi ku timid Daahir Aabbihiis ayaa yiri”Aabbe allah ha u naxariisto ,janadina allah ha ka waraabiyo”.  Wuxuuna saadiq intaas raaciyay in uu aabbihiis u yimid markaas iyo in uu marar kale oo badan la xajiyay Aabbe iyo hooyadiisba, iyo in ay hadda deggan yihiin magaalada Muqdisho labadoodaba,waxaa kale oo uu Daahir u sheegay  in uu leeyahay xaas iyo laba caruur ah, gabar iyo wiil lana joogaan magaalada Makkah.wuxuusa mar kale Daahir weydiiyay, adiga xaas ma leedahay, wuxuuna Daahir ku jawaabay, “maya ma lihi, welina iskuma dayin ,kumana fikirin beryahan in aan guursado”.

Daahirna kolki hadalki ka so dhammaaday Saadiq wuxuu bilaabay in uu saadiq uga sheekeeyo badanaa taariikhdiisa inti uu joogay dalka Sacuudiga ,weliba wuxuu si aad ah uaga warramay sheekadi kaahinka uu ugu tegay dalka Masar iyo wuxuu kala kulmay iyo in uu waqtigaas la joogo isaga tebaayo dhibaatada haysto in ay salka ku hayso siyaaradi ay ugu timid Qamar Shariif iyo tegisti gurigooda iyo kulanki uu la yeeshay Aabaheed, waxaa kale oo uu uga sheekeeyay taariikhda saaxibtinimo ee isaga iyo Muraad ka dhaxaysay iyo in uu Saaxiibkiis Muraad xumaan ku kala maqan yihiin isaga oo aanan ogayn dhankiisa wuxuu Muraad ka tabanaayo ee gaarsiiyay in uu isaga xumeeyo.

 Saadiq oo ay ka soo hareen indho ,marna ay cabsi ku beetray sheekada uu uga sheekeeyay Daahir, marna isweydiinayo war ninkan aad saakay salaadda Subax kuwada dukateen Masjidka siday u suurtoobaysaa in uu isla isaga yahay ninkan ka hadlayo Kaahin ayaan u tegay, xirsina ii qoray. Saadiq ayaa Daahir weydiiyay horta waxaan ku weydiiyay gormaad billowday Salaada iyo in aad masaajidka ka barato tacliinta diinteena? .

Daahir ayaa markaa yiri ,Saaxib aad ayaan ugu liitay xagga Cibaadada laakin sidaan kuu sheegay waxaan salaadda dukashadeeda bilaabay keddib  imaantinki ay Qamar Shariif iigu timid maqaayada, markaa keddibna marnana igama tegin Salaad kaliya ,welina taa waxaan ku darsaday in aan galab walbo casirki keddib aqoon kororsi u tago masjidka halkaana kaga tixnaado kitaabka towxiidka.

Saadiq oo marna ku farxay hadalka Daahir iyo sida uu hadda ugu dhegan-yahay cibaadada Ilaahey na faray ,marna la yaaban sida uunan Daahir weli xog-ogaal ugu ahayn in uu galay denbi gaarsiisan caasinimo, kufrinimo iyo ka furashada waddada toosan ee Ilaahey ayaa isaga oo aad uga baqay ku degdegida hadalka, islamarkaasna ka fekerayo isaga oo aanan Daahir ku tuhmin in uu galay caasinimo iyo kufrinimo ,una sheegin waqtigan xaadirkaa in ay Qamar iyada wax weyn u qabatay halka uu isaga ku tuhmayo dhibka haysto dhammaantiis in uu kaga yimid dhankeeda ayuu aayar Daahir ugu yiri. “walaal galabta ma kula tagaa masjidka aad kaga tixan tahay dhegaysiga towxiidka”.

Daahir oo dareen yar ka galay in uu isbedel ku dhacay wejiga Saadiq ayaa si fudud wuxuu Saadiq ugu yiri “taasi waa mid farxad weyn ii ah aniga, walaal waan is raacaynaa galabta, haddii allaha weyn Idmo”.

Daahir iyo Saadiq intaa keddib way qada doonteen ,kolki ay salaadda casir soo gashana waxay isu raaceen in ay casirka ku soo dukadaan Masjidka uu Daahir kaga tixan yahay dhageysiga iyo barashada kitaabka Towxiidka oo beryahaaas uu halkaas ka aqrinayay Shiikha imaamka ka ah Masjidkaas oo isaga aad looga ixtiraamo xaafadda uu masjidka ku yaalo, aadna ugu weynaa dadka deggan deegaankaas ,sidoo kalana ka mid ah culumada waaweyn oo aad looga yaqaan dalka Sacuudiga.

Galabtaa waxay casirka ku soo wada dukadeen masjidkaa ,dhegaysiga duruusta masjidka keddibna waxay maqribki keddib aadeen xaafada Manfuuxo oo ay Daahir iyo Saadiq ku balameen in ay soo ogaadaan halka ay gaarsiisantahay ku haboonaashada in ay xaafadaa oo ay Soomaalida aad u degan-tahay ka bilaabaan mashruuci xawaalada ee uu saadiq u yimid magaalada Riyaadh .

U Kuur gal aanan waqti badan qaadan keddib waxay labdoodaba afarti saac oo habeeninmo ku soo gurya noqdaan xaafada Xaara-difaac oo guriga Daahir ku yiilay. habeenkaas Daahir wuxuu seexday isaga oo aad ugu faraxsan soo dhoweynta uu soo dhoweeyay Saadiq, halka Saadiqna uu aad uga fekarayay sheekooyinka uu Daahir uga sheekeeyay kuna aadanaa xaga nolashiisa tan iyo intuu joogay dalka Sacuudiga iyo ka fekerida sidi uu uga  gungaari lahaa howlihi uu u yimid magaalada riyaadh waqtigi  uu ugu talagalay. Waxaa kale oo aad maskaxdiisa u hareereeyay meel saarida fiicnaanta, wanaaga dad ladhaqnka iyo firfircoonida ka muuqanaysay Daahir Guuleed iyo haddana sida  uu Daahir u ahaa nin aanan weli ka warqabin in uu ku dhacay munkar weyn, waxaa kale oo Saadiq madaxiisa ka guuxayay ka fekerida qaabki uu Daahir guuleed ugu sheegi lahaa in uu galay munkar weyn iyo sidi uu uga dhaadhicin lahaa in Muraad ahaa adeege uu shaydaan u soo diray iyo in saaxiibkii Muraad weli uu yahay nin ku jiro munkar iyo ka dheeraashada cibaadada ilaahey iyo sidi uu u tusi lahaa in gabadha uu dacwada ka yahay Qamar shariif iyada ahayd bilowgi nolol fiican oo u bilaabtay isaga, una jiidayso dhanka ku tiirsanaashada Ilaahey iyo fulinta cibaadadiisa sida uu inooga dalbaday.

 Saadiq fikir dheer  keddib habeenkaa waxay gelisay in uu heli waayo hurdo aanan dhaafsiisnayn halhaleel, laakin wuxuu soo jeedkiisii dheeraa ka dhax helay sida uu ula tacaali am ula dhaqmi lahaa qaabka uu ugu sheegi karo Daahir in uu ku dhacay munkar weyn ee loo baahan yahay in uu ka soo noqdo, Ilaaheyna uga towba keeno.

Saadiq wuxuu subaxdi marki lasoo toosay ,fajarkana la dukaday ,shaah cabid keddib bilaabay in uu isagana Daahir markiisa uga sheekeeyo taariikhdiisa iyo muddadi uu joogay waddankan iyo halka uu hadda joogo iyo sida uu ku soo gaaray Ilaahey idinkiis keddib.

Saadiq iyo daahir waa qada tageen, kaddibna wuxuu Daahir weydiistay in uu galabtana u raaco mar kale dhegaysiga towxiidka ee masjidka uu ku tixan-yahay ,Daahirna waa ka aqbalay taa ,Saadaqna kolki darsiga dhammaaday galabtaas ,maqribkina la dukaday, wuxuu Daahir mar kale weydiistay in uu xoogaa yar sii joogayo masjidka, kagana daba imaanayo guriga haddii Allah idmo .Daahir waa soo baxyay ,Saadaqna kolki Daahir baxay wuxuu ka baxay iridka kale ee masjidka isaga oo bannaanka uga daba tegay Immaamki masjidka, wuxuuna Imaamka weydiistay in uu xoogaa yar  ka siiyo waqtigiisa, Imaamkina waa aqbalay taa. Saadaq wuxuu Imaamka u sheekay sheekada Daahir iyo sida wax isaga dhax yaacsan yihiin iyo sida uu jaahil uga yahay umuura badan oo ku saabsan diinta Islaamka, gaar ahaan aqoon xumida ka heyso dhibka ay leedahay u tegista faalliyuhu , kuhanada guud ahaan iyo rumaysigooda iyo sida uu isla markaas Daahir Guuleed u jecel-yahay ku dheganaashada  diintiisa iyo barashadeeda.

Saadaq intaa keddib Imaamka iyo isaga waxay isla garteen in uu imaamka Salaada cishahi keddib jameecada masjidka uga hadlo mowduuc ku saabsan dhibaatada ay leedahay u tegista kuhanada rumaysigooda iyo ku dhaqanka camalka ay ku faraan.

 

W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)



         

Top