Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q28AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” Q28AAD W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Haddaan sii amba qaadno qormooyinkii taxanaha noo ahaay ee “Xeerka iyo Xigmadda shiribka” qormooyinkii hore ama tii noogu dambaysay waxaan kusoo qaadannay, Laashin: Macallin Xasan Maxamuud Maxamad (Macallin Xasan Filadheere) Eebbe ha u raxmadee, Macallinku wuxuu caan ka ahaa dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Goballada Shabeellaha dhexe, Galgaduud, iyo Banaadir. Shiribyadiisana waxaa loo adeegsadaa mah-maah ahaan, awooddooda, iyo miisaanka culayskooda. dadka aan aqoonta buuran u lahayn shiribka iyo habdhiciisa waxay u haystaan mah-maah xigmadaysan. haddaba shiribyada aan ku faaqidayno qoraalkaan waxaa leh: Sheekh, Macallin, murtiyahan, Laashin: Macallin Xasan Maxamuud Maxamad (Macallin Xasan Filadheere, A.U.N.). Laashinku wuxuu ahaa Eebbe how raxmadee, hal-abuur Shiribyadiisu ku milmeen maskaxda dadyowga Soomaaliyeed ee Shiribka xiiseeya, wuxuuna ku noolaa ama uu ka soo jeeday Degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha dhexe laakin ma ahayn nin xaafad ku xayndaaban oo wuxuu shirib iyo wacdiba u aadi jiray, Xarardheere, iyo Mareeg ilaa Muqdisho maadaama uu ahaa macallin usoo joogay dhacdooyinkii saancaddaalaha, gumaytihii reer Yurub gaar ahaan Talyaaniga. Ma ahayn sheekh Caalim ah oo dadka kala xugmiya wuxuuse ahaa macallin bartay Qur’aanka Kariimka, oo shaqal ruug ah dugsina haayay oo Diinta faafinayay, Ilaahayna wuxuu ku mannaystay Murti iyo macno miisaaman, Eebbe ha u nuuriyo Qabiraga’e.

Haddaan ku billaabo shirib seddaxlay ah oo markii aad dhuuxdo ku saamayn doonaya waaqafsanna xaddiis ka sugan Nabi Nuurre (S.C.W.). Iyo aayad Qur’aanka kariimka ah wuxuu ku shirbay Macallinku asiga oo dadka u sheegaya sababta iyo sifaha loo abuuray, iyo sida Ilaahay dhabbaha ugu jeexay guud ahaan noolaha gaar ahaan Aadanaha. Qof kastana uu u qoray, waqti iyo xilli lama dhaafaan ah, sida aan ognahayba Sheekhuna shiribka noogu sheegi doono waxaan soo marnaa ” Calool dhexdeed, annagoo Uur jiif ah, Dhalasho, iyo Dhimasho ayaana noo xigta” haddaba Macallin Xasan Filadheere (A.U.N.). Asiga oo noo sii caddaynaya wuxuu ku shirbay:

“Horta intaadan dhalanaa
Seddax walxaat laguu dhigaa,

Intaad dhibacya dhiig tahaa
Waxaad dhunxee laguu dhigaa,

Dherir iyo dhawaan shirkaad
Dhimeena waa laguu dhigaa,

Dhicis dhamays waxaad
Dhaleena waa laguu dhigaa.

“Afmeer”

Wax laysu dhaafimaa hadbee
Waxaad dhahdaa laguu dhigaa!”

    Dulucda shiribka;

“Intaad dhibacya dhiig tahaa,
Waxaad dhunxee laguu dhigaa,

Halkaan Sheekhu wuxuu noogu sheegay, in Ilaahay qofka u qoro, Risqigiisa, kheyr wade iyo shar wade midka uu noqon doono, Janna iyo Naar midda uu mutaysan doono, xilli uu dhalan doono laga soo billaabo, Afartan habeen, oo cabdhuuf ah, afartan habeen oo carun iyo dhiig ah afartan habeen oo uu cad yar yahay, markii uu gaaro, uur jiifku (120). Boqol iyo labaatankaa maalin, waxaa Eebbe usoo dirayaa “Malag” ku afuufa ruuxda una qora Shar iyo kheyr wixii u sugnaaday, sidaasna uu ku dhasho haddii Eebbe u oggolaaday inow bannaanka yimaad ee uu layrta arko. Waxaana caddayn noo ah Aayaddaan:

وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن سُلَالَةٍ مِّن طِينٍ ﴿١٢﴾ ثُمَّ جَعَلْنَاهُ نُطْفَةً فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ ﴿١٣﴾
ثُمَّ خَلَقْنَا النُّطْفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقْنَا الْعَلَقَةَ مُضْغَةً فَخَلَقْنَا الْمُضْغَةَ عِظَامًا فَكَسَوْنَا الْعِظَامَ لَحْمًا ثُمَّ أَنشَأْنَاهُ خَلْقًا آخَرَ فَتَبَارَكَ اللَّـهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ ﴿المؤمنون: ١٤

Waxaa dhaba inaanu abuurnay, dadka, waxaana ka abuurnay sooc-sooc, aan ka sooc-soocay dhoobo. Markaas ka gadaal waxaan ka abuurnay dhacaan, ilma galeen gudihii ku sugan,  ilma galeenkaasoo aamin ah, oo la ilaaliyay wax ka daadanayana aanay jirin. Markaas ka gadaal waxaan ku abuurnay ilma galeenkii candhuur dhabarka ku dheggan, candhuuftiina waxaan ka yeelnay, dheecaan iyo carun, ka gadaal waxaan ka yeelnay cad hilib ah. Cadkii hilbka ahaana waxaan ka abuurnay lafo,   lafihiina waxaan ku dednay Hilib, markaas ka gadaal waxaan abuurnay Insaanka asigoo qurxan, macnaha “Candhuuftii, carunkii, cadkii hikibka ahaa, iyo lafihiiba ma muuqdaan ee waxaa soo baxay qof nuuraya oo laf iyo ludba leh;  Eebbe ayaa ceeb la,aaday Eebbahaasoo inta wax abuurta ugu wanaagsan!” (Suuradda Al-Mu,minoon, ee loo yaqaan “Qad aflax” aayadaha,12-14.). shiribkaas koobaad sheekhu wuxuu ku waafaqay seddaxdaan Aayadood, iyo kuwa kale oo aan soo gudbi karin, si aan tusaaluhu noola talax tegin.

Intaas kaddib maxaa dhacaya sheekha oo sii bidhaaminaya markii qofka ay u billaabatay noloshii adduunka oo uu layrta iyo hawada hanfiga iyo hardankaba leh Ilaahay usoo saaray, laahinka oo na tusaalaynaya ayaa lugta labaad ku leh:

“Dherir iyo dhawaan shirkaad
Dhimeena waa laguu dhigaa”

    Dulucda shiribka:

Macallinku wuxuu na tusay in qof walba leedahay Ammin lama dhaafaan ah oo ajashu u timaado ruuxda markii saacaddu, ku idlaato; waana halka Aayadaha Qur’aanku ka ahaayeen:

. وَلِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌ فَإِذَا جَاءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ﴿الأعراف: ٣٤﴾

2. قُل لَّا أَمْلِكُ لِنَفْسِي ضَرًّا وَلَا نَفْعًا إِلَّا مَا شَاءَ اللَّـهُ لِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌ إِذَا جَاءَ أَجَلُهُمْفَلَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ ﴿يونس: ٤٩﴾

3. وَلَوْ يُؤَاخِذُ اللَّـهُ النَّاسَ بِظُلْمِهِم مَّا تَرَكَ عَلَيْهَا مِن دَابَّةٍ وَلَـٰكِن يُؤَخِّرُهُمْ إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى فَإِذَا جَاءَأَجَلُهُمْ لَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ ﴿النحل: ٦١﴾


Hal sikin ama il biriqsi looma dib dhigayo marka ajashu u dhamaato, qofka hal ilbiriqsina looma soo hor marinayo. inkastoo aayadu Saacad sheegtay, haddana runtu waa inaan ammin kale laguugu darayn, wax kastoo dhaca, waqtigaagina aan lagaa hormarinayn. Halkaas waxaan ka ogaannay in Qur’aanka oo dhan ay kusoo arooreen seddaxdaa aayad ee aan soo sheegay, oo ku kala jira;

Aayadda koobaad: oo kusoo aroortar (Suuradda Al-acraaf, Aayadda; 34).

Aayadda labaad: Oo kusoo aroortay, (Suuradda, Akaan, ama loo yaqaan, “Yuunus” aayadda. 49).

Aayadda seddaxaad: Oo kusoo aroortay, (Suuradda, Ataa amru-llaah, loona yaqaan Al-Naxli” Aayadda. 61).

Haddaba waxaa halkaas nooga cad awoodda curineed ee macallin Xasan Filadheere iyo aqoonta Diineed ee uu lahaa, iyo sida uu isugu xejiyay, hadba sida aan usoo cilfaafno, qof walbana waxay sugee cimrigeeda ha u dheeraado, hase u gaabnaado’e. 

Laashinku lugta Seddaxaad wuxuu noogu tilmaamay:

“Dhicis iyo dhamays waxaad
Dhaleena waa laguu dhigaa”

     Dulucda shiribka;

Haddii uu Eebbe qofka gaarsiiyo inow baaluq noqdo, oo uu qaan gaaro, waxaa lagama maarmaan ah inow raadsado lammaanihiisa, lab iyo dheddig kow ahaadaba, inow tarmo uu ow carruur dhalaahisa waxay ku xiran tahay qaddarta Eebbe waana tan uu laashinku na xasuusinayo, qofna waxa Eebbe siiyaa taran nool dad hana qaada oo gadashiisa tubnaada, magaciisana xambaarta. Halka qaar uu Ilaahay siiyo saqiir oo uur jiif kastaahi marka uu dhasho u saqiiro ama uu uurkaba ku dhinto, halka dadka qaar aanu siin dhicis iyo dhamays toona ee ay sidooda ku xijaabtaan iyagoo gaboobay ama ay gablamaan iyagoo wali dhalin yaro ah. Haddaba Macallin Xasan Filadheere (A.U.N.). wuxuu nooga tegay dhaxal suugaaneed aan dhamaan, dhabbaha Diineedna ku jaan go,an!’

Lugta nikaxa ah oo koobsatay inta uu laahinku noo tisqaaday, wuxuu ku yiri:

“Wax laysu dhaafi maa hadbee
Waxaad dhahdaa laguu dhigaa!”

    Dulucda shiribka;

Hadal kasta ee kasoo fula afka Aadanaha waxa qoraya laba Malag oo Ilaahay u xilsaaray howshaas halkaasna macallinku wuxuu ka waafaqay ama uu ka haleelay Aayaddaan:

مَّا يَلْفِظُ مِن قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ ﴿١٨﴾

Qowl ma jiro la yiri; illaa waxa kaydinaya qoraya “Raqiib iyo Catiid” 

Haddaba laashin: Macallin Xasan Filadheere (A.U.N.). wuxuu ahaa laashin dhul mareen ah oo dhaqan yaqaan ah Diintuna waxay u ahayd: halloodka noloshiisa.

Haddaan soo qaadanno dhacdo kale, waxaa hadda ka hor is raacay Macallin Xasan Filadheere (A.U.N.). Iyo laashin kale oo la yiraa: Cali Carraale “Cali Raas” (A.U.N.). Oo ay macallinka saaxibbo, iyo qaraabo ahaaheen, marna Macallinka Abti ugu aaddanaa oo hoodayii la ilama adeerahaay, ayaa waxay isu raaceen deegaan u dhaw Tuulaada Hilowle gaab ee hoos timaada Degmada Ruunnirgood, waxayna aadeen Laashin: Cali Carraale “Cali Raas Abtiyaalihii oo halkaas degganaa waxayna u tageen Siddeeddi Cirroole oo ku kulmaya “Xus Mowliid”  ku dhigaya meel la yiraa: “Xawaala odayaalood, markii lasoo dhaweeyay oo la marti sooray si fiicanna loogu loogay maadaama macallin Xasan Filadheere (A.U.N.). Uu ahaa wadaad aad looga qaddariyo dhulkaas Laashin: Cali Raasna abtiyaala loo yahay asiguna macallinka abti u yahay sidaan soo xusay oo waalid iyo wiil laysu wada yahay. ayaa sida caadada ahaydba waxaa la heeraaray goob shirib, waxaana la ogyahay inay yihiin laba laashin oo aan la loodi karine waxaa la siiyay, dhinac, saf iyo dhallin yaro shiribka u qaadda, oo dhinacooda camirta. 

Wixii shiribkii la raawiyaba macallin Xasan oo aan isagu xoola doonad ahayn ee qaraaba salaan u socda ayaa shirib lagu weydiiyay:

“Wadaadkiyow woqooyigaan
Maxad kasoo wadiis leheed?”

Waxaa lagu yiri: Sheekhayniyow, danahaagu ma xay ahaayeen? Maadaama aad soo dheeraatay oo aad safar noo soo gashay, ma duca ayaad noo sidday oo xoola ayaad naga doonaysay mase diiqa ayaad noo sidday oo igaarkaan waalidka u nahay adigana waalidka kuu ah ayaad kaaliye u ahayd?”

Macallin Xasan oo ahaa wadaad kaftamaa ah, oo dhinac walba u yaqaan galgaladka, ayaa ku shirbay:

“Waxaan kasoo wadiis lahaay
Walaalahaagi wayna Geel!’

Shiribka waxaa caada u ah in si maldahan oo anshax iyo asluubaysan qofka socotada ah ee shiribka yaqaan loo waydiiyo waxa uu doonayo. Sidaa darteed Sheekhu ma aanu ahayn nin ku tuugsada shiribyadiisa se waxaa jirta mar mar aan wadda kale kuu furnayn. Markii macallin Xasan sidaas loo ogaaday xoddiisi iyo xaajadiisi ayaa waxaa soo galay laashin abti u ah Laashinka macallinka la socda ee Cali Raas waxaana asigana shirib lagu waydiiyay; 

“Wadaadki waaba warsannee
Waciig xumow maxaad waddaa?”

Shiribkaanu waa duritaan, waxaana sababay waxaa la yiri: Laashin: Cali Carraale “Cali Raas ma aanu ahayn nin suurad wacan qofkana laf iyo ludba Ilaahay ayaa u qaddima ee ma ahan waxa aadanuhu la imaan karo. Sidaa oo ay tahana Aadanuhu ma daayaan gefka iyo gardarrada, oo qofkii suurad xun waa lagu caayaa qofkii suurad wacanna waa lagu amaanaa waxayna ka mid tahay dabeecadaha Bani Aadamka.

Laashin Cali Raas oo aad u yiqiin ninka shiribka ku duruya taariikhdiisana la socda oo ay qaraabo ka yihiin dhanka Hooyada ayaa ugu jawaabay:

“Inaadan Wiil la,aan waglayn
Wadnaha hayga siin wirraac!”

Marka uu laashin: Cali Raas sidaas leeyahay wuxuu  ogaa ninka shiribka ku duraya inowsan ilma lahayn oo uu ahaa dadka la yiraahdo: “Hebel waa waqaya wiil laaway” sidaa aawgeed wuxuu tusayaa dadkii uu ka dhashay in ninka dulmay uu yahay nin nuucaas ah. Marki shiribkii cabbaar la degaabiyay, ayaa waxaa laga beddelay xarafkii uu ku socday shiribku, markaas ayaa waxaa soo galay Laashin: Cali Madax oo Cali Raaska Abtigiis labaad ah wuuxuna ku shirbay, asigoo nimankii martida loo ahaay u sheegaya, inaanay hadal qadaf leh ku dhihin wiilkooda iyo wiilkiisa, wuuxuuna yiri:

“Cali Carraale caayiddii
Cirroole Muuse waa ku ceeb!”

Markii shiribkii lagu kala tegay, ee cid walba raradeedi aadday, ayaa waxaa la bilaabay: “Subac” macallin Xasan Maxamuud Maxamad “Macallin Xasan Filadheere” (A.U.N.). Oo ahaa qaari,ul Qur’aan xafidsan Qur’aanka kariimka ah ayaa subicii loo dhiibay, waxaa la sheegay: in lagu aqriyay Boqol iyo toban iyo afarta Qur’aanka. macallinkuna aanu aayad qura ka gefin, walibana subaca isagu toosinaayay, markii “Subicii dhaamaday” ee la nastay ayaa haddana waxaa la heeraaray goob shirib, macallin Xasan oo maddaale ahaa ayaa goobtii daraftiisa qaatay, wixii shiribka jaanta iyo jiibta lays la helaba, laashin: shiribka joogay ayaa ku yiri: Macallin Xasanow, Subicina saan ogaay ayaad wacdara uga dhigtay, shiribkina waa kan oo ulihi ayaad gurubsatay oo lagu hollin waa macallimow! Markaas ayuu ugu jawaabay: shiribkaan Sooyaalka u galay macallinka ee ah:


“Saanaan sargooyaduu aqaan
Subacna kaaga seexa maa!”

    Dulucda shiribka;

Macallin Xasan Filadheere (A.U.N.). Wuxuu ninki u sheegayaa inaanay jirin meel uu kasoo noqonayo wuxuu u caddaynayaa inow fahmi karo wax kasta oo dadku xiisaan, iyo inaan Subaca iyo shiribkaba looga badinayn!”

 

la soco qeybaha xiga oo aan shiribyada Macallin Filadheere kusoo qaadan doonno, haddii Eebbe idmo.

W/Q/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

 



         

Top