Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q14AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

 

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q14AAD   

Saadaq intaa keddib Iimaamka iyo isaga waxay isla garteen in uu imaamka Salaadda cishahi keddib jameecada masjidka uga hadlo mowduuc ku saabsan dhibaatada ay leedahay u tegista kuhanada, rumaysigooda iyo ku dhaqanka camalka ay ku faraan.

Daahir wuxuu soo aaday Salaadi cishihi kolki uu waayay Saadaq oo isaga marti u ahaa una sheekay maqribki keddib in uu wax yar sii joogayo masjidka, kana daba imaanayo. Daahir kolkuu masjidka soo galay wuxuu arkay Saadaq oo meel gees ah fadhiyo,aqrisanayo Quraan, isagana wuxuu dukaday salaad sunna ah ,keddibna waxaa la aqimay salaadi cishaha.

Shiikha Masjidkan wuxuu ahaa nin firfircoon,  oo codkar ah awoodna u leh gudbinta  waxaa uu  rabo inuu gaarsiiyo si heer sare ah dadka dhegaysanayo wacdigiisa, qof welibana jeclaysto habka gudbintiisa iyo heerka aqoontiisa diimeed.

Salaadi cishe keddibna wuxuu jameecada masjidka weydiistay caawa in uu ka hadlayo mowduuc muhim ah iyada oo weliba aynan caadadiisa ahayn in uu muxaadaro aqriyo cishaha keddib, balsa taa uu u yeelayay codsi kaga yimid Saadaq oo mar doonayay in arrintan laga wada faa’iidaysto ,marna doonayay in ay daawo u noqoto Daahir Guuleed Cali. Shiikhi masjidka  wuxuu soo qaatay mowduuc uu ugu magac daray xadiiskki nabigeena Moxamed Ibni Cabdullahi Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee (من أتى عرافا أو كاهنا فصدقه بما يقول فقد كفر بما أنزل على محمد صلى الله عليه وسلم) “Ninki u Tago Faalliye ama Saaxir, rumaystana waxay ku yiraahdaan wuxuu ku kufriyay (Diinta Islaamka) wixi ku soo degay Rasuulka, Moxamed Ibni Cabdallah nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Imaamka kuma uunan dheeraan ka faallaynta cinwaankan uu kaga hadlayay mowduuca Faaliyaha, Saaxirka iyo khuraafaadka guud ahaan. Imaamka labaatan daqiiqo gudahood wuxuu si diiran u tifatiray khatarka ay leedahay u tegista faaliyaha iyo cawaaqibka ku imaan karo ruuxa aanan Ilaahey uga towba keenin munkarkaas uu ku dhacay,Imaamka inti uu ku guda jiray sifeynta ama ka war-bixinta qaabka ay dadka u khiyaanaan Faaliyaha iyo Saaxirka, Daahir Guuleed wuxuu dareemayay in Shiikhan uu ka sheekaynayo sheekadi isaga iyo Kaahin Marawaan dhax-martay,waxayna muxaadaradan aad u cabsi gelisay naftiisa ,waxayna kor u qaaday tayadiisa dhegaysi si feejignaan ku jirto, si uu  u fahmo hadalka Shiikha si sax ah.

Waxaa kale ee Imaamka uu muxadaradiisa ku sheegay in aynan jirin cid Ogaan kartaa  arrimaha qarsoon  iyo   dhici doona timaadada, ah oo aanan ahayn Ilaahey oo kaliya! Wuxuuna arrimahaas oo dhan u cuskaday aayado qur’aaniya iyo axaadiis ku soo aroortay Nabigeeni suubanaa (nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), wuxuu jameecada masjidka u sheegay tusaalooyin fara badan oo ay ka mid ahayd in faalLiyaha ruuxi u tago uu u sheego waxyaaba markaas Geyb ka ah ruuxa u tegay, balsa iyada ka dhacay meel kale oo aanan isla goobtaas ahayn ,meeshaas wax ka dhaceena ay faalliyaha uga soo warramayaan Jin iyaga la shaqeeyo oo u adeego danaha Shaydaanka iyo xertiisa.

Wuxuu jameecada u-sheegay dhacdo dhacday in aynan ahayn Geyb ,Geybkana uu yahay wax dhiman oo aanan weli dhicin ,iyo wixi dhiman oo aanan weli dhicin in uu ogyahay Ilaahey oo kaliya.

Imaamka wuxuu muxaadaradiisa kaga hadlay risqiga iyo in risqiga uu bixiyo Ilaahey oo kaliya, Ilaaheyna uu yahay khayru raasiqiin iyo in ay dadka wax bixiyo(risqi) ay sabab u yihiin risqiga allah kuugu tala galay oo kaliya. Imaamka marki uu soo gebagebeeyay Muxadaradi waxay jameecadi Masjidka arkeen Daahir Guuleed oo dhidid waaweyn ka socdo ,aadna u ilmaynayo, cod dheerna ku leh “Ilaahow Towba, Ilaahow Towba”.

Saadaq wuxuu ku soo dhowaaday Daahir wuxuuna ku yiri inna keen isaga oo ka haayo garabka Midig kolki uu saadaq dareemay in uunan Daahir lugihiisa ku istaagi Karin ,waxaa isagana soo istaagay,Daahirna  garabka kale ka qabtay Imaamki Masjidka ,waxayna Daahir keeneen Gurigiisa . Imaamka ,Saadaq iyo Daahir inti ay ku sii socdeen guriga ma jirin wax wada hadala oo ay is-dhaafsadeen, Imaamka kolki uu ku hubsaday Daahir iyo Saadaq Gurigooda wuxuu isagana aaday gurigiisa.

 Habeenkaa oo dhan Daahir ma hadlin, waxaana ku dhacday xumad culus korkiisana waxaa ka baxayay kulayl iyo dhidid waaweyn .

Daahir halki uu fadhiistay marki guriga la keenay marnaba kama kicin ilaa waqtiga ka gaaro labadi habeennimo oo uu tegay sariirtiisa, Saadaq isagana waxba lama hadlin Daahir,habeenkaa lama shaahin ,casho warkeedaba iska-daa, Daahir waxaa hurdo ka soo dhacday saddexdi habeenimo ,Saadaqna habeenkaa oo dhan isagana marnaba lama hadlin Daahir , wuxuuna ku dhax jiray ducaysi iyo dukasho oo kaliya, Saadaq isaga habeenkaa ma helin hurdo wacan, waxaa la adimay fajarki salaada subax ,kolki la adimayna wuxuu aaday Masjidka , salaada dukashadeedana uma uunan kicin Daahir.

Saadaq, salaada subax keddib waxay is-arkeen Imaamka Masjidka, isbariidin keddibna, Saadaq wuxuu u mahadnaqay Imaamki ,Imaamkina wuxuu saadaq ka warraystay Daahir, wuxuuna weydiiyay xaaladiisa siday tahay iyo muxuu fajarka ugu soo dukan waayay masjidka, Saadaq wuxuu yiri ninkaas xalay oo dhan wuxuu ka qoomamayay falkii uu ku dhax jiri jiray, waxaa kale oo ku dhacay xumad Culus, kolki uu hurdayna wuxuu u ekaa sidi qof mayd ah, anigana juuq uma dhihin, waxaana tala ku goostay in aan faraha ka qaado inta uu isaga kasoo kacaayo hurdadaa.

Saadaq gurigow ku soo noqday wuxuuna horay u soo qaatay Quraac ,Daahirna wuxuu soo kacay Salaadi Duhur wax yar ka hor, wuxuuna saadaq weydiiyay saaxibow war salaada Subax maxaad ii kicin weyday ,Saadaqna wuxuu ugu jawaabay “Al-xamdulilahi adiga oo nabad ah,warna leh haddii aad soo kacday ,war salaadda iska qaleey keddibna  cun quraacdaa aan kuu dhigay ,shaahna cab waan is-wareysanaynaaye”.

Daahir Salaadi subax ayuu iska bixiyay ,wuxuuna dukaday laba rakcadood oo uu Ilaahey kula shukriyay, keddibna wuxuu Saaxibkii Saadaq uga warramay in xalay khudbadi shiikha ka hor uu ahaa nin dhunsanaa oo jooge maqan ah,munkarna la tegay.

Daahir wuxuu saadaq intaa u raaciyay isaga oo aanan hadalkiisa kala goyn “walaal mar kale lagama yaaba in aan falkaa ku noqdo aniga oo miyar qabo, waxaana ilaahey ka baryayaa in uu iga aqbalo towbada, jidka toosana i tusiyo, iguna hadaayeeyo .

Kolkaas ayaa Saadaq ku yiri ‘Al xamdulilah haddii aad garatay in aad munkar ku jirtay, Ilaaheyna u towba keentay waa sida aan rabay,aabbahaa iyo hooyadaana ay ku farxayaan “, wuxuuna Saadaq si kaftan ah u raaciyay hadalkiisi  “annaga sideen ku ogaanaynaa in ay kaa dhab-tahay Towbadaa”.

Daahir wuxuu la soo booday ,”magaca Ilaahey ayaan ku dhaaratay in ay iga dhab tahay” .

Saadaq ayaa markaa ku yiri isaga oo kaftanki la aaday arrin kale oo habeennimadi  xalay ku soo dhacday inti uu soo jeeday, kana welwelsanaa, Daahir saakay tolow muxuu la -soo toosi doonaa, wuxuuna Daahir  ku yiri “aniga iyo dad kale oo aanan doonayn in aan magcyadooda soo xuso shay kaliya ayaan kuugu rumaysan karnaa in ay towbadaa kaa dhabtahay iyo in aad ka harayso u tegista kaahin, caraaf iyo xero shaydaan dhammaanba.

Daahir wuxuu ka naxay hadalkaa ,waxayna dan ku qasabtay in uu muujiyo ka dhab’ahaanshaha towbadiisa wuxuuna Saadaq ku yiri “horta waxaan is-leeyahay Saadaq ku beeninmaayo, haddana  adiga iyo dadka kale oo aad sheegayso waxaan balan qaadayaa fullinta waxaad iga dalbataan oo idinku qancin karo in ay iga dhab-tahay towbadan, wallow aan hubo in aan u towba keenay Ilaahi i-abuuray ,igana koriyay ku sii dhax-jirida Shaydaanka Xeradiisa ,xalayna igu soo hadaayeey dariiqa toosan ee aan ka habawsanaa, Al-xamdulilah”.

Saadaq waa faraxyay wuxuuna Daahir ku yiri ,”saaxib waxaan kaa rabaa in aad mas’uul ka noqoto xafiiska xawilaada ee aan rabno in aan ka furno magaalada Riyaad, sidaana aad shaqo ku bilawdo ,taana waxaa xiga in aad isla-caawa Shariif Axmed ka doonato gabadhiisa, Qamar Shariif oo iyada Sabab u ahayd khayrka aad dhax-dabaalanayso maanta, ogowna in ay wax aad u fiican tahay  khayrka oo la dedjiyo”.

Daahir arrintan waxay ku noqotay lama filaan,waxaana ku adkaatay in uu si dhaqsiya kaga jawaabo dalabka kaga yimid saaxibkiis ,wuxuuna aamusnaan gaaban keddib Saadaq ku Yiri “Walaal waa kaa aqbalay in aan wakiil ka noqdo xafiiska aad doonaysaan in aad ka furataan magaaladan, laakin ma aanan filayn in aad taa ku darayso in aan doonto Qamar Shariif oo aan mar is-lahaa ebtalo iyada kaagama horayn, wallow aan caawa hubo arageeda in uu khayr ahaa”.

Saadaq wuxuu yiri “walaal  waxba isma-saarno  arrimahan ee waxaan isleeyahay mar haddii Daahir shaqo bilaabo ,ha u la jirto in uu yahay nin degan ee guri leh, sidaana waxaa ii dheer in aynan jirin gabar ka fiican Qamar Shariif ee aan  maanta kugula talin lahaa doonashadeeda ,waaba haddii ay Qamar iyo Aabbaheed naga aqbalaan dalabkeena, midda kale xitaa shaqadaada  tayadeeda kor ayey u kacaysaa haddii tahay nin degan ,mas’uulna ka ah reer”.

Daahir si farxad iyo rayrayn ka muuqato ayuu u aqbalay codsigi kaga yimid Saadaq ,wuxuuna Saadaq ku yiri “walaal adiga iyo Qamarba waxaad tihiin dad ahlu khayr ah ee Ilaahey ii soo diray,waxaana diyaar u ahay Adiga iyo Aniga in aan u wada tagno Shariif Axmed oo isaga ah Qamar aabbaheed si aan uga raali geliyo hadala kulul oo aan horay ugu iri isaga ,keddibna aan uga sheekayno qisadayda iyo sidaan ku soo noqday ,munkarka aan ku jirayna uga baxay ,markaas keddibna aan Shariif Axmed u soo jeedino in aan doonayno gabadhiisa in uu i siiyo haddii ay iyadana taa oggolaato”.

Saadaq iyo Daahir arrintaa waa isku raaceen ,waxayna isla garteen in uu Saadaq maalmo kale sii joogo si ay habeen danbe ugu wada tagaan Reer Shariif Axmed. Habeenki labaad Saadaq iyo Daahir waxay isula tageen Shariif axmed ,iswareysi dheer iyo raali gelin keddib ayaa Saadaq wuxuu Shariif Axmed u soo jeediyay in ay jirto arrin kale oo ay isaga ka doonayaan iyo arrintaa in ay tahay in uu gabadhiisa la doonayo Daahir Guuleed ,codsigaana uu ka yimid Daahir oo isaga Qamar u arko in ay maanta yar tahay helitaanka gabadh leh garashada Qamar marka loo fiiriyo da’deeda.

Codsigan ma filanayn Shariif Axmed wuxuuna Daahir iyo Saadaq ku yiri “waxaad tihiin dad kuwi ugu wanaagsanaa ee lala xididi lahaa ,laakin arrintan waxay u baahan tahay wada tashi reer ahaan annaga noo khaas ah iyo ogalaanshaha Qamar shariif ,sidaa darteed idinka oo iga raaliya waxaa nagu soo noqotaan usbuuc keddib haddii allah idmo”.

Saadaq iyo Daahir sidaas ayey isku macsalaameeyeen reer Shariif Axmed ,Saadaq habeenkaaba wuxuu aaday Magaalada Makkah oo iyada ahayd deegaankiisa ,Daahirna wuxuu ku soo noqday gurigiisa isaga oo aad ugu faraxsan kulanki uu la kulmay Saadaq iyo in ilaahey ka koriyay mukarki uu ku dhax jiray  iyo isaga oo shaqo wacan helay oo ay weliba taa u dheer-tahay in uu weligiis marki ugu horeysay ka soo go’oday in uu guursado.

    Saadaq wuxuu soo noqday usbuuc keddib ,waxayna isaga iyo Daahir wada fureen xafiis ay leedahay shirkada Heegan ee xawilaada lacagaha ,saddex maalin keddib furitaanka xafiiska waxay u tageen reer Shariif Axmed ,waxayna guriga reer Shariif Axmed kala kulmeen soo dhoweyn heer sare ah oo iyada dareensiisay in codsigooda aqbal yahay , kolki ay Shariif Axmed weydiiyeen codsigoodi ahaa in Daahir loo guuriyo Qamar ,waxaa loo sheegay in ay reer Shariif axmed ogol-yihiin, aadna u soo dhawaynayaan in uu Daahir guursado Gabadhooda  iyo weliba in ay dowr ka qaadanayaan dhisida aqalka Daahir iyo gabadhooda, waxaa kale oo ay isla garteen meherka in uu dhaco laba usbuuc keddib hebeenkaas, arooskana ahaado mudda gaaban keddib kolki taa la isla garto haddii allah idmo .

Lix bil keddib Daahir iyo Qamar Shariif waa aqal galeen,  Daahir isagana wuxuu muujiyay kartidiisa shaqo ,xafiiski shirkadana wuxuu ka yeelay mid ay Soomaalida deggan magaalada Riyadh lacagta ku xawishaan aadna u jeclaadaan dhaqankiisa(mucaamaladiisa). Dahir iyo Qamar wuxuu guurkooda ahaaday mid guulaysto ,waxayna isu dhaleen afar caruur ah(laba wiil iyo laba gabdhood oo mataana ah) ,Daahir waxaa taa u dheerayd in uu kor u qaaday aqoontiisa xagga diinta islaamka, xitaa uu gaaro darajada in uu dacwo u fidiyo ummadda Islaamka ah ,Daahir waxaa kale oo uu ku guulaystay in uu hooyadiis keeno Riyadh, lana ay noolaato isaga iyo xaaskiisa..

 

Dhammaad

Qore        Cabdullahi Mocallim Maxamud

                 Cabdullahi Siyaasi

 

 



         

Top