Home Qoraallo Dhallintu waa hoggaanka maanta W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

Dhallintu waa hoggaanka maanta W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

0
SHARE

Dhallintu waa hoggaanka maanta

Dhalinyaranimadu waa miley ugu mug weyn qofka noloshiisa, waa amkmin qofku haysto arrimo badan oo qofka ka gudbey heerkaanu aanu haysan dibna u heli karayn.

Waa lama huraan inaad mileyga dhallinyaranimada korodhsato waayo aragnimo, tab iyo xeel waayo waxaad haysataa:

  • Ammin kugu filan
  • Awood iyo xoog
  • Kanso iyo Kaalin

Bulsho kasta oo dunida ku nool, waxa lafdhabar u ah dhallinyarada. Dhallinyaradooddu sida ay u fikiraan ama u shaqeeyaan ayuu horumarka bulsho walbaa ku xiran yahay. Dhallinyaradu waxa ay leeyihiin awood ka badan tan duqowda, waxay leeyihiin maskax ka fir-fircoon midda odayaasha, dhallinayaradu waxa ku jira ama ku kaydsan awooddo cusub iyo garaad curdun ah.

Haddii laga adeegsado awoodda dhallinayarada waxaa la arkaa in la gaaro horumar ballaaran oo dhan walba ah, balse haddii dhallinyarada awooddooda la iska indho tiro, ama dhallinyaradu ayaga qudhoodu ay aqoonsan waayaan awoodda ay leeyihiin waxaa dhacda in dib-u-dhac iyo gadaal noqosho badan la dareemo, tartanka dunidana laga haro.

Dhallinayaradu waxa ay u qalmaan in ay noqdaan hurmoodka bulshada iyo sidoo kale indhaha bulshadu ay wax ku aragto, dhallinayaradu waa in ay rumeystaan in ay yihiin kooxda looga fadhiyo aayaha bulshadooda waana in aysan cidna u ogolaan in ay dhabqiso ama ay dhaawacdo bulshada milgaheeda iyo horumarkeedaba.

Inta badan marka la rabo in la saadaaliyo siiyaal dal ama bulsho waxaa la eegaa habdhaqanka dhallinyaradooda, sida ay dhallinayaradaas u maamiyaan iyo waxqabadka dhallinyaradaas.

Marka bulsho in ay tisqaado oo tallaabsato eebbe la doono, inta badan dhallinyarada ayuu u adeejiyaa; tusaale gaaban waagii soomaalidu ay gumaysiga ku hoos jirtay ee la addoonsan jiray, heeryadii gumaystaha waxaa Soomaalida ka dul qaaday dhallinyaro is xilqaantay, oo ka gubatay gaboodfalka dadkooda lagu hayo, uga danbayntiina way ku guulaysteen, waxa ayna dhaliyeen oo keeneen madax bannaanida Soomaali maanta ku naaloonayso.

Dhallinyaradu waxay u baahan yihiin in shaqo loo dirsado, si ay xilka ay u dareemaan; sidaas si la mid ah, dhallinyarada waxaa looga baahan yahay in ay xil iska saaraan hormarinta, baraaro iyo barwaaqo gaarsiinta dalkooda ama bulshadoodaba.

Dhallinyaradu waxay u baahan yihiin in ay helaan kaalin ay ku saameeyaan bulshadooda, aragtidoodana ugu bandhigaan, awooddoodana ku tusaan, si taas la mid ah dhallinyarada waxaa laga rabaa in ay baadigoob habeen iyo maalinba u galaan, helidda aqoon ka sarraysa tan bushadu taqaano, iyo farsamooyin cusub oo aysan bulshadu horay u arag, sababtoo ah dadku waxay daba kacaan qofka ay u arkaan in uu aqoon dhaammo, kana waayo aragsanyahay.

Waxaan maqalnaa hoggaamiyeyaasheenna oo inna leh waxa aad tihiin hoggaamiyeyaashii barrito, taasi waxa ay ka dhigantahay liidid ay dib u dhigayaan in aan adeegsano caqligeena hadda, waxa ayna rabaan marka aan xoog yarayno caqligeenii cusbayna dugoobo, in aan soo baraarugno goor xeedho iyo fandhaal kala dheceen. Si aysan taasi u dhicin waa in dhallinyaradu ku baaraarugsanaadaan in ay yihiin kuwo looga fadhiyo ama laga sugaayaba, wax walba oo ay bulshadoodu u baahantahay dalkooduna ku hormari karo.

Dhaqaaq dhallinyrada waa in meel walba laga dareemaa, firfircooni waa in ay muujiyaan, tuurtana u ritaan dalkooda iyo dadkooda, cid kalena aysan ku halayn.

Dhallinyaradu waa in ay si toos ah ula falgalaan waxyaabaha ka socda dalkooda iyo degaankooda, waa in ay u aragto hurmuudka horboodaya bulshada, waa in ay si dhab ah u shaqeeyaan si loo horumaro, ogaadaanna in horumarka bulshadoodu ku xiran yahay iyaga, sidaa darteed waa in ay guntiga u giijistaan, sidii ay mustaqbal ifaaya dadkooda u gaarsiin lahaayeen.

Dhallinyaradu waa in ay maskaxda ku hayaan ku jiifsadaan kuna soo toosaan in aysan xaglo laaban xoolo ku iman e, loo baahan yahay hawl adag dheer iyo hal abuur joogta ah, waana in ay ka fogaadaan quusta. Quustu aadanaha uma fiicna, mar walba waa in ay dhallinyaradu maskaxda ku hayaan in ay leeyihiin awood u gaar ah iyo in eebbe la jira oo xaaladdooda ogyahay mar walbana caawinaayo, waa in ay rajadaas ku noolaadaan oo aysan marnaba is dhiibin.

Had iyo jeer waa in ay muuqataa kaalinta dhallinyardu; waa in qorshe walba oo la dejinaayo dhallinyaradu ka ahaadaan qayb, wax kasta oo la qabanaayo waa in ay ka qaataan qayb libaax; dhalinyarada waa in loo arko hurmuudka dadka iyo dalka ayaguna isku arkaan.

Waa in ay dhallinyradu noqdaan horseedeyaal dadkooda u horseedi kara guul, barwaaqo iyo sama-ka-talin, kana weecin kara dhabbaha qaloocan ee aan dhur iyo dhaqanka lahayn. Dhalinyaradu waa in ay noqdaan ilaaliyeyaasha qaranka, midnimada iyo xasilloonida, sidoo kale waa in ay bulshadooda ka ilaaliyaan in ay is disho, is dhacdo amaba ay si kale iskugu xad gudubto.

Dhallinyaradu ayaga ayaa dad iskugu dhow, sidaa darteed waa in ay mar walba ilaashadaan midnimadooda, haddii aysan midaysanayn, ha u kacaan sida ay u midoobi lahaayeen, inta badan dhallinyarada waxaa la kala dhex dhigaa xurguf iyo is necayb waxaana hawshaas qabta dad dano gaar ah leh jaadkey doonaanba ha ahaadaane.

Mileyga iyo abbaarta qofka dhallinyaro lagu sheegi karaa waa ammin kooban oo ka mid ah, is rogroga koritaanka aadanaha, haddii uusan qofku baylihin, dhan kale haddii laga istaago oo la bar-bardhigo, hawsha laga rabo qofka dhallinyarada ah ayaa ah, inuu marka hore naftiisa diyaariyo, kaddibna uu bulshadiisa u adeego, iskaa wax u qabso ama arrin kaleba. Dhallinyaranimmadu waa inta u dhaxeeya 15jir-30jir.

Haddaba noqda dhallinyarow kuwa dalkoodu u aayo oo horumarkiisa wada, ha noqonina, dabka iyo dhuxusha lagu gubo dalkeena, sida in badan dhacday. Dhallinyaroow aqoonsada awoodiina, si aad u gaartaan hayaankiina nololeed ifka iyo dambeba.

 

W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

SHARE