Home Qoraallo Waddada suubban. Q21AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q21AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

Waddada suubban. Q21AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Sabarka iyo Adkaysiga”

Mowduucaanu wuxuu toos ula xariiraa qeybahaan hore u soo qaadannay.

Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Abuu Dalxa wuxuu lahaa wiil xanuunsan. Abuu Dalxa ayaa dan ka yeeshay debadda oo baxay wiilkii na wuu dhintay intuu maqnaa. Markuu soo noqday Abuu Dalxa ayuu xaaskiisii waydiiyay: ka waran wiilkii? Ummu Sulaym, xaaskiisii oo wiilka na hooyadii ahayd, waxay ku jawaabtay: ka xasilloon intii hore. Dabadeed waxay u keentay cashadii oo hor dhigtay. Markii uu casheeyay ayuu la seexday oo u tegay. Ugu dambayntii warkii ayay shaaca ka qaadday oo ku tiri: U howl gal aasidda wiilka. Markii uu waagii beryay ayuu Abuu Dalxa Nabigii (S.C.W.) aaday oo u sheegay xaalkii. Wuxuu waydiiyay Nabigu (S.C.W.) “Xalay ma isu tagteen?” Abuu Dalxa wuxuu yiri: HAAH! markaasuu Nabigu (S.C.W.) yiri: “Alloow labadaba barakeey” ka dibna waxay dhashay wiil. Abuu Dalxa wuxuu ka codsaday Anas inuu u qaado wiilka dhashay Nabiga (S.C.W.) wuxuu na horay u sii qaatay dhowr xabbo oo timir ah sidoo kale. Nabigii (S.C.W.) Ayuu u geeyay oo wqydiiyay: ma wax baa wehliya? Wuxuu yiri: HAAH! xabbado timir ah. Nabigu (S.C.W.) inta xabbad timir ah qaatay oo calaliyay ayuu wiilkii afka u galiyay inta uu barakeeya na waxaa uu u bixiyay, Cabdullaah. (Bukhaari iyo Muslim).

Werin kale oo Bukhaari leeyahay waxay leedahay: ibnu Cuyayna wuxuu yiri: nin Ansaar ka mid ah ayaa wuxuu ii sheegay inuu arkay sagaal wiil uu Cabdullaahigaanu dhalay oo mid kasta oo ka mid ah Qur’aanka dusha ka qabtay oo bartay. Xadiis kale oo Muslim weriyay oo arrintaan la xariira wuxuu leeyahay: markii uu wiilkii Abuu Dalxa ay Ummu Sulaym u dhashay dhintay waxay ku tiri: reerkii intiisii kale: ha u sheegina Abuu Dalxa geerida wiilka, anigaa u sheegayee. Markii uu yimid cashadii ayay u keentay oo hor dhigtay isagu na cunay. Dabadeed na waxay isu soo qurxiyay oo u soo labbisatay si wanaagsan oo ay bilic iyo qurux ka muuqato sidii ay awal ahaan jirtay, way na isu tageen. Markaa ka dib ayaa waxay tiri: Abuu Dalxoow, bal ka warran haddii ay qolo alaabo ka soo ammaansato qolo kale, oo ay dabadeed ammaanadoodii usoo doontaan ma inay haystaan oo u diidaan bay xaq u leeyihiin? Wuxuu ku jawaabay: maya, markaasaa waxay ku tiri: haddaba rejeey oo sug inuu ajar iyo abaal Ebbe kaa siiyo waxaa ku yimid wiilkaagii. Abuu Dalxa intuu Carooday ayaa wuxuu yiri: waxaad iga qarisay xaalkii wiilkayga oo dib dhigtay illaa aan isu tagnay. Markaas ayuu ka tegay oo uu aadey Nabigii (S.C.W.) u na sheegay wixii dhacay. Wuxuu yiri: Allaah ha idin barakeeyo habiinkiinna. ka dibna uurbay yeelatay. waa dambe Nabiga (S.C.W.) safar ayuu ahaa Abuu Dalxa iyo xaaskiisii Ummu Sulaym ayaa na la socday. Waxaa caado u ahaa Nabiga (S.C.W.) in markii uu safarka kasoo noqdo uusan Madiina guuro habiin kusoo geli jirin. Markii ay Madiina usoo dhawadeen, fooshii xanuunkeedii ayaa ku bilaabatay. Sidaa aawgeed Abuu Dalxaa ku haray Nabigiina (S.C.W.) horey u sii socday. Markaasuu Abuu Dalxa Eebbe baryay wuxuu yiri: Rabbiyoow! Waad ogtahay sida aan u jecelahay in aan la socdo Nabiga (S.C.W.) markuu tegayo, iyo in aan la noqdo marka uu noqonayo. Hadda na halkaan ayaan ku xayiranahay hoowshaan xaaskeyga la soo gudboonaatay darteed. Waad aragtaa. Markuu sidaa yiri: ayay Ummu Sulaym tiri: Abuu Dalxa, waa iga ba’ay xanuunkii ee ina wad. Meeshoodii ayay na ka dhaqaaqeen, waxay na dhashay wiil markii ay Madiina gaareen. Anas (A.K.R.) asigoo hadalkii sii wata wuxuu yiri: waxay hooyadeey i tiri: Anasoow waa inayan cidna Nuujin wiilka, jeer loo geeyo Nabiga (S.C.W.) berrito. Markii uu waagii beryay ayaan waxaan u geeyay Nabigii (S.C.W.) Xadiiska intiisa kale wuxuu la mid yahay kan koobaad!’

Abuu Hurayrah(A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in Nabigu (S.C.W.) yiri: “Nin adayg iyo xoog badane ma ahan kan legda ee ka xoog badiya asaaggii” ee nin adayg waxaa ah kii Naftiisa celiya goorta uu caroodo.” ( Bukhaari iyo Muslim).

Sulaymaan bin Surad (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay inuu la fadhiyay Nabiga (S.C.W.) markii ay laba nin isku dhaceen oo is dhaafsadeen hadallo kul-kulul. Wajiga mid labadii ka mid ah ayaa casaan noqday, xididdadii wajiga na kareen, ama xawl mariidkiisii” Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: haddii uu dhihi lahaa hadal duco aan garanayo, way ka baabi’i la haayeen waxa haaya. Hadalkaa na waxaa waaye “Acuudu Billaahi minasheyddaanir-rajiim” waxaan EEBBE ka megen gelayaa sheyddaanka dhagaxa lagu soo celiyo, ee naxariistii Eebbe laga fogeeyay markaas ka dib waxay gaarsiiyeen ducadaan ninkii xaalkiisu sidaa la sheegay ahaa.” (Bukhaari iyo Muslim).

Mucaad bin Anas (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in Nabigu (S.C.W.) qofka asigoo aar goosan kara gef laga galay dartiis is qabta oo caradiisa naqsada. waxaa loo saari doonaa gees kaligii waxaa na Allaah ugu yeerayaa kor ahaaye, maxfalka maalinta qiyaamo, siin si uu u kala doorto Xuural ceynta cad cad ee indhaha waasicaa ee qurxoon leh!’ (Abuu Daawuud iyo Tirmidi).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in uu nin Nabiga (S.C.W.) ka codsaday inuu u dardaarmo. Nabigu (S.C.W.) wuxuu kula dardaarmay: “yaaneey kaa xoog badinin Caradu” ninkii ayaa ku celceliyay codsigiisii dhowr jeer. Nabigu na mar waliba wuxuu ku lahaa: “Yaaneey kaa xoog badinin caradu.” (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in Nabigu (S.C.W.) yiri: qofka muslimka ah lab ama dheddig kuu ahaadaba wuxuu u bandhignaanayaa imtixaanno iyo dhibaatooyin adduunkaan soo gaaraya naftiisa, ilmihiisa, iyo maalkiisaba, jeer uu Eebbe kala kulmo maalinta qiyaamo asigoon wax dembi ah laheyn.” (Tirmidi wuxuu yiri: waa xadiis saxiix ah).

Cabdullaah Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Cuyaynah ibn Xisin ayaa Madiina yimid, wuxuu na kusoo degay wiilkii walaalkiis Xurr ibn Qays, oo ka mid ahaa xaafidiintii Cumar uu soo dhawaysan jiray oo la taliyayaashiisa ka mid ahaa. Cuyaynah wuxuu ku yiri: Xurr adeer adaa waji ku leh amiirka’e idan ii waydii aan ku arko. Sidii ayuu na yeelay Xurr uu wuxuu u waydiiyay Cumar idankii Cumar na waa u idmay. Markii uu Cuyaynah uu usoo galay Cumar ayuu wuxuu ku yiri: ina khaddaaboow, na ma siisid wax badan, noolama na dhaqantid si caddaalad iyo sinnaan leh. Cumar inta xanaaqay ayuu damcay inuu wax yeelo, markaa ayaa Xurr wuxuu yiri: Amiirul-mu’miniinoow Eebbe kor ahaaye wuxuu Nabigiisa (S.C.W.) ku yiri: Cafiska caadeyso “Muxammadoow” far na samaanta iyo isu naxariisashada, isaga na jeeso jaahiliinta. Suuradda Al-acraaf: Aayadda 199. Kanu na Cuyaynah wuxuu ka mid yahay jaahiliinta. Markii uu akhriyay Xurr Aayaddaan ayuu Cumar degay oo kama nuuxsan kursigiisii. Wuxuu mar walba ahaa mid ku adag oo raaca kitaabka Alle oo xudduuddiisa ku istaaga, oo dhowra, sinnaba aan u dhaafin.” (Bukhaari iyo Muslim).

Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Dabaday waxaa dhici doona eex waxaad na arki doontaan waxyaalo aydaan raalli ka noqon doonin. Nin saxaabi ah ayaa waydiiyay: Rasuul Alloow! maxaad na fareeysaa inaan falno haddey arrimahaasoo kale dhacaan? Wuxuu yiri: kasoo baxa waajibka iyo xilalka idin saaran, Allena waydiista deeqda iyo kheyrkiisa.” (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Yaxya Usaid ibn Xuzayr (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin Ansaarta ka mid ahaa ayaa yiri: Rasuul Alloow! maad shaqo isiisid wanaagsan oo agaasime iga dhigtid sida aad ugu magacaawday shaqo hebel iyo hebel? Wuxuu ku jawaabay: waxaad arki doontaan eex dabadey ee sabra inta aad igula kulmeysaan xawdka Kawsar ee jannada dhexdeeda ah.” (Bukhaari iyo Muslim).

Cabdullaahi ibn abii Awfaa (A.K.R.) wuxuu sheegay in Nabigu (S.C.W.) uu mar duullaan ahaa, intuu sugayay inay qorraxdo dhacdo, ayuu istaagay oo khudbad u jeediyay asaxaabtii: wuxuu yiri: Ha kicinnina dagaal oo waydiista Alle nabad iyo ammaan, markii se aad madaxa is la gashaan cadawga, adkaysta oo sabra, xusuusnaada na inay Jannadii taal hooska seefaha. Ka dibna Eebbe ayuu baryey isagoo leh: Alloow adaa soo dejiyay Kitaabka, socodsiiyay daruuraha, jebeyay kooxihii isa soo baheystay ee gaalada ahaa, jebi gaalada oo nooga hiilli’ (Bukhaari iyo Muslim).

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE