Wuxuu gurtay mirihii godobtiina!! (Sheeko kooban)

 

10672300_634722843313928_1169928553380477306_n

 

Wuxuu gurtay mirihii godobtiina!! (Sheeko kooban)

Naftiisii ayaa canaanatay. Wuxuu cusleystay oohinta iyo calaalka hooyadiis ay maalin iyo habeen la dul joogto isagoo ku jiifa sariirta oo uu bukaan ku dul yahay sanado badan. Qaarka hoose ee jirkiisa ayaa dareenkii gabay, wuuna ka curyaamay oo dhaqaaq kama sameeyneyn sanadihii uu sariirta dul saarnaaba. Isla sheekeysiga kaligiis ah iyo canaanta qarsoon ee naftiisa uga imaanaysa ayuu isku tusiyay inaanay hooyadiis oo ka shaqaysata iibinta Caanaha ahayn qof heli karta lacag ay isaga ku bogsiiso, sidoo kalena intii ay barooraneysay aanay dhicin inay cidi kusoo baxdo oo birmad isaga baxnaano u keena hooyadiisna oohinta ka baajiya laga helo.

Waa geyi naxariistu ka guurtay. Waa dad godob iyo gocasho mooyee aan gargaar aqoon. Aroortii ayeey guryahooda kasoo wada yaacaan iyagoo qolfo dadeed leh, asii qorshe dugaag ku socda. Waxay u qalab qaataan inay quud ka dayaan qalooc iyo habab qaldan oo aan nolol-qaybsigooda guud u qumanayn. Mid waliba inuu kan kale qalo ayuu qaneecaad iyo qurux nololeed ka fishaa. Kii aan quwad lahaynna qayladiisa cidi ma maqasho oo dhagaha dadkaani qolof baa ku dabuulan.

Ilahay ayaa qadartiisa ka dhigay inuu Saalim ka dhasho lana dhasho kuwan dugaagta ah ee aan saaka gurigoodii laga qoslayay mooyee aan moodeyn inay guryaha qaari qandho iyo qaxar ku joog dad ahi jiifaan.

Waa yeelkeede, wuxuu dayay dhabbo uu uga dhaqaaqi karo dhibtan. Ma aha dhibta isaga heysata kaliya, ee waxaa ugasii daran ilinta hooyadiis oo sidii ay dhulka ugu dhibceysay biyo meel dhooban ka dhigantay.

Hooyadiis buu la doonay xaalad ka duwan teey hadda ku jirto. Wuxuuna ugu dambeyntii ku fekeray inuu gacantiisa sababsado oo uu noloshan adag ka nafiso. Tallaabadii uu dhankaas u qaadayna waxay noqotay inuu xubintiisii taranka iska jaro.

Nasiib daro ayeey isaga u tahaye waa kan hadlaya oo wali lasii nool kuwii uu naxariis daradooda ka cararayay. Waase nasiib wanaagga hooyadiis iyo intii damiir dadnimo ku jiro oo waxay ku farxayaan wiilkan isku dayga is-dilka ah ka badbaaday. Ilahay ha caafiyo, hadda Isbitaalka ayuu jiifa. Hooyadiisna wali kama quusan inay u qayla-dhaansato kuwii qalbyada dhagaxa lahaa ee naxariistaba ka qaday. Samafal allaa lehe isaga ha saacido Insha allaah.

SHEEKOOYIN