Home Qoraallo Istookolma iyo kulankii suugaanta carruurta W/D: Bashiir M. Xersi

Istookolma iyo kulankii suugaanta carruurta W/D: Bashiir M. Xersi

0
SHARE

Istookolma iyo kulankii suugaanta carruurta

Waxaan isu sii diyaarinayey socdaal aan ku aadi lahaa Yotoboori. Waxaan qado ku ballansanayn Cabdi Bashiir, oo ka soo laabtay socdaal uu Jabuuti ku tagay, oo uga qaybgali lahaa kulan dhaqan afeed madlanaa, ee gu’ walba qabsooma.

Qado, is warayso iyo sheeko ka dib, ayuu Cabdi Bashiir igu wargeliyey, in ay qabanqaabinaiyaan qabashada kulan looga hadlayo SUUGAANTA CARRUURTA. Ay afkiisa ka sii dhammaanaysay, sidii carruurtii ayaan boodboodi gaaray. Farxad ayaa i qaadday. Waxaan dareemay, in ay ahmiyad leedahay ka sokow, ayba tahay ahmiyadda nolosha, in ubad, carruur, dhallaan iyo ilmo laga hadlo suugaantood, soojirkood, sasabiddood iyo siijirkood. BARBAARINTOOD.

Si halhaleel ah, oodba mooddo, in degdeg badan ku jiro, ayaan ku guddoomay ka qaybgalka kulankaa, maxaa yeelay, waxaa ii muuqday carruurta, ee wax kale ma fiirin, anoo weliba aad ugu mashquulsanaa bandhigga buugga Hilaadin, oo waddammo iyo magaalooyin badan oo Yurub ah aan ku marayey wareeg dheer. Ani iyo CabdiBashiir, waxaan is ku afgarannay, in aan ka qaybgelidoono, sidaas ayaanna is ku nabaadinnaynay.

Waxaan u sii gudbay Yotoboori isla Iswiidhan, ka dib Oslo oo Norway ah, Turku iyo Helsinki oo Finland ah. Anoo Oslo jooga ayuu Cabdibashiir igu wargalshay, in kulanka suugaanta carruurta ay qaybihiisa bandhigeed ka mid tahay qayb bandhig buugaag ah, buuggeyga Hilaadinna uu ka mid noqon doono. Farxad kale ayey eheed taasna, oo aanan filayn.

Ani oonba weli aabbe noqon, maxay sidan iigu noqotay muhim kulan suugaaneedka carruurta? Way sahlan tahay, oo halkan –GALBEEDKA-, dhibaatooyinka soomaali ahaan nagu haysata waxaa ugu weyn labo; qoyska iyo carruurta, ha ahaadaan kuwo ka dhasha ama kuwo ku barbaara, ee la keenay iyagoo yar. Qoys burburka, carruur dayaca, ilmo qaadashada dawladaha galbeed, irdhow iyo ilxumadaa ayaa marar badan i hortimid, siyaabo badanna iigu muuqata, marka, ma wax aan lagu farxin baa, in uun mar dhallaankii laga dhigo dhexda iyo dhumacda kulan suugaaneed la qabanayo? Hubaal farxad dhaaftay farxad ayey eheed.

Badi bandhigyada la qaban jiray, ee af, suugaan, dhaqan, hidde, aragti bulsho IWM waxay xoogga saari jireen suugaanta dadka waaweyn waxtarka u leh iyo curisyada odoyaal waa hore geeriyooday, oo hubaal, aan looga maarmaarin qaybaha sare, haddana, anaga oon baahitir iyo haqab bi’in u samayn carruurta, oo ah dhibka u gu adag ee haysata Soomaalida dibadda ku nool, gaar ahaan galbeedka.

Marka, waxay eheed kulan qoysaska, tawalka, dhallaanka, dhallinyarada dalka Iswiidhan ku dhalatay ama ku kortay iyo guud ahaan qaybaha bulshada Soomaalida u eheed is arag, casharro barbaarin qaadasho, sheekayn carruureed, maaweelo, riwaayadeyn, bandhig suugaan, buugaag iyo ka la faa’iideysi, oo ku dhammaaday qurux iyo qaayosan.

Barnaamijku wuxuu ka koobnaan sidan:

 

1- Suugaanta carruurta

2- Suugaan kale

3- Bandhigga buugaagta guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa carruurta

4- Bandhigga dhallinta hal-abuurka leh

5- Bandhigga dhallinyaro horumar gaaray

6- Maaweelada carruurta

7- Aqoon isweydaarsiyo ku saabsan kobcinta iyo badbaadinta da’yarta

8- Afcelis Iswiidhis-Soomaali halxiraale ah

 

Martida barnaamijka ka qaybgashay, oo isugu jiray abwaanno, qorayaal, barbaariyaal, tusaalooyin nool iyo buug-faafiyeyaal maktabadeed waxay ka la ahaayeen;


Caasha Siciid Yuusuf, Nimco Noor, Yuusuf Xsan, Siciid Maxamed Xuseen, Jama Musse Jama, Cabdalla Cusmaan Shafay, Yuusuf Cabdillaahi Xaaji Xasan, Sayid-Axmed Maxamed Jaamac, Muuse Maxamuud Ciise, Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahin Garyare, Cabdiraxmaan Xaashi, Cabdulqaadir Seeraar iyo Bashiir M. Xersi.

Maalinnimadii jimcaha 23/02/2018 waxay eheed soo dhaweynta, oo ay jeediyeen Cabdibashiir iyo Cabdirisaaq Xaadir, ka dib, Cabdalla Cusmaan Shafay, Yuusuf Xsan iyo Anwar Yuusuf ayaa soo jeediyey sooyaalka suugaanta carruurta iyo tusaalooyin badan oo dhan walba lahaa.

Ka dib, Cabdulqaadir Seeraar oo qoray buugaag suugaaneed iyo sheekooyin carruureed ah ayaa ka warbixiyey sababaha iyo ujeeddooyinka ay u qorey, sidoo kale sharraxay ahdmiyadda ay carruurta u leedahay buugaagta ku qoran afkeenna.

Waxaa xigay Axmad M Cabdullaahi, oo ah soosaare filim, kuna koray Iswiidhan ayaa ka qaybgalayaasha tusiyey qaybo ka mid ah muuqaallada filimmadiisa. Ka dib, Siciid Maxamed Xuseen, oo ah qoraha buugga (Autism) ayaa falanqeeyey xaalad nololeedkaa, oo ubad badan oo soomaaliyeed oo ku noo galbeedka laga helay, isaga oo faahfaahiyey, in uusan cudur ahayn, ee tahay xaalad nololeed ay tahay la la qabsado la noolaashadeeda.

Maalinnimadii sebtiga 24/02/2018 waxaa la qabtay maaweelada carruurta, waxaana garwadeen ka ahaa Muuse M Isse, Nimco Nuur iyo Fartuun Xaashi waxaana xigay tababbarro waalidka loo qabtay, oo ku saabsanaa hababka ugu habboon ee ubadka loo barbaariyo, oo uu jeediyey Cabdalla Cusmaan Shafay. Nasashada ka hor xilli qadada waxaa dhacay la kulanka qorayaasha, oo ahaa kulan furan.

Riwaayad ay carruurtu qudhoodu ka ahaayeen atoorayaal, oo aad u qurux badneed kana hadlaysay qaab nololeedka qoysaska soomaaliyeed ee galbeedka, oo in badan dadka ka qoslisay ayaa la qabtay, oo ay Asli Sayid Jaamac wadday hagiddeeda.

Waxaa xigay Dr. Jaamac Muuse Jaamac, oo qiso qiiro leheed la wadaagay ka qaybgalayaasha, oo ku saabsaneed dhib mar soo wajahay nolol qoysaydkiisa, ka dib markii wiilkiisa oo afar jir ahaa laga helay cudur aad u halis badan, oo inta ka kacdaa ay yaryihiin, gaar ahaan marka uu dhallaanka ku dhaco.

Wuxuu ahaa casharrada ugu cuslaa, haddana ugu cosobsanaa, maadaama uu waalidka hordhigay xanuunka iyo xalalka dhaw ama dheer ee looga baahan yahay, marka qoyska dhib soo wajaho, ahna xaalad nolosha laga filan karo.

Si fiican ayuu u qaadaadhigay sida wax u dheceen qaabka ay u wajeheen, kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyashaaha, xiriirka ka dhexeeyey isaga iyo wiilkiisa, ooba ahaa unugga iyo nudda qudbadiisa, maadaama carruur laga hadlayey. Waxaa laga bartay sida ay muhim u tahay, in ilmaha la la yeesho xiriir fiican oo dhaw.

Ka la ma dhacaane, waxaa xigay cashar barbaarin ahaa, oo ay jeediyeen Nimco Nuur, Foosiyo Yuusuf iyo Caa’isha Yuusuf, oo ay ka soo baxday, in ilmaha la dhagaysto, warka iyo doodda aan lagu celin, la geliyo kalsooni, oon la niyadjebin iyo kaalinta maqan ee aabbaha oo dhibkeeda adag ku leh ubadka barbaarintiisa dibad ku korka ah, gaar ahaan galbeedka. 

Waxaa lagu soo gunaaday bandhigga buugaagta ka la ah; Hilaadin, oo aan aniga (Bashiir M. Xeris) ah qoray, buugga Qaybaha Jidhka, oo uu qoray Dr. Cabdiraxmaan Xaashi iyo buugga Riyaaq, oo uu soo jeedinyey Sayid Axmad. 

Gunaanadka; waxay eheed aragti fariid ah, oo jaadkeeda ay yar tahay, in aad maqasho ama aad aragto. In aan goobjoog u ahaado kulankaa waxay ii eheed runtii sharaf iyo muunaad. La kalanka waalidkaa, ubadkaa, iyo waxgardakaa waxay eheed al aan mar walba dhicin ama aan soo laaban. Si ka weyn, waxaan ku bartay aqoonyahanno aan badi magacooda maqal u haystay iyo kuwo aanan xog hore ka ahayn. Wuxuu ahaa kulan aan wax badan ka bartay kuna bartay.  Xusuus aan xiska go’i doonin iyo casharro la xigto ayey ahaayeen.

Dhigidda ubadka dhexda walxaha aan ahmiyadda koowaad iyo tan ugu dambaysa aan siinayno, waxay caddayn u tahay baraarug iyo bisayl is ku lammaanan, oo mar waxaa lagu baraarugay, in aan aayo lagu lahaanayn galbeed inaga oo ubadka layacayna, sidoo kale, waxaa la gaaray bisayl gu’yaal badan ku dhisnaa milicsi, is weydiin, dareen iyo guux waalidka, barayaasha, qorayaasha, aqoonyahannada, dhaqanka iyo qaybalaha kale ee bulshada ku dhexjiray. 

Waxaan ku telin lahaa, in kulammada caynkan marar iyo meelo badan lagu qabto, si bulshadeenna galbeedka ku dhaqan ay u hesho aragti ugub ah, oo barbaarin, barid af iyo bulshayn ubad la xiriirta. Ka muhimsane, si loo ka la kororsado waayo’aragnimada bulsho walbaa ka dheefsatay dalka ay ku nooshahay iyo hab nololeedkiisa.

Badi bulsho ahaan, waxyaabaha dhibka nagu ah buugga Hilaadin ee aan qorayna aan ku falanqayno waxaa ka mid ah, in ay midnimada iyo is kaashigu nagu adag yihiin, marka, waxaa hubaal ah, haddii aan laga daalin, lana docfaruurin, in aragtiyaha jaadkan ah, in dhismaha bulsho ee dalka xitaa qayb weyn ka qaadan karaan, marka halkan guulaheeda iyo gundhiggeeda la wada gurto.


Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 

SHARE