Home Qoraallo Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q7AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q7AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

“Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q7AAD.”

Toxobeey legdanka hareereheeda ka dhacaya war umma haayso da’deedu waa afar gu’ iyo hal caana maal. Korkeeda waxaa isku haysta Ruush iyo Maraykan, caddaalad iyo caasinnimo ayaa ku hertamaya. Abootadeed Roobo, waxay go’aansatay inay dhabarka u ridato, gabadha gabadheedu dhashay ee saqiirta ah. Wiilashii Roobo Ratiwaal ee ku hamminayay inay bireeyaan Toxobeey iyagii ayaa is bireeyay qaar na cadawgooda ayaa bireeyay. Waxaa soo haray dhowr gabdhood, oo Toxobeey habar yarro u ah oo qaar na guri joogto yihiin, “Gashaanti” kuwa na marwooyin reer dhaqanaya yihiin. Aayo yaalka Toxobeey ma ahan kuwa dhib badan sida wiilashii walaalahood ahaa intooda badanna waa hooyin og, dhibka laga soo maro dhalmada iyo rafaadka uu leeyahay, kuma dhiirran karaan inay bireeyaan oo ay nafta dhaafiyaan saqiirta ay walaashood muuqeeda ka xasuustaan. Ciil iyo calool xumo na ma hayso oo kaftan iyo dood ma galaan sidii wiilasha. Xeradooda, beertooda iyo aqalladooda soo ma dhaafaan. Waxaa se jirta: Calaseey gaanjibo oo ah gashaanti madaxa soo qaadday oo Roobo Ratiwaal ku da’ goysay. Waxay hal gu’ ka yartahay Koba-geed oo ah wiilkii ay bireeyeen heer Xaayow ma Jabe. Gaanjibo waxaa asiibay shayddaankii walaalaheed ka soo fara xashay, awood se ku ma dhammo, wiilashii’e waxay ku maamisay inay si dadban u khaarijiso cunagtaan hooyadeed Roobo ku sastay, walaalaheed na madaxeeda u dhammaadeen.

Gaanjibo waxay u tagtay Islaan deriskooda ah oo sixir lagu sheego, waxay tiri: waxaan kaa rabaa inaad qof iigu sixirto’e ka waran?’ Islaantii sixirrayda ahayd, waxay waraysi ugu dhaqaaqday Gaanjibo bal si ay u ogaato cidda ay maaggan tahay inay is dhaafiso. Gaanjibo wixii ay doonaysay iyo wixii ku kallifay inay jariimadaa gasho ayay u tilmaantay Islaantii falaanfulka iyo sixirka taqiinnay. Sixirraydii “Dhiilbujiso waxay Gaanjibo ku tiri: maalin heblaayo, gellinka dambe, saacaddaas ii immaaw, markaas ayuu sixirkaagu abshir yahay’e. Sixir Abshir ma noqdo, balse ballantaas ayaa lagu kala tegay iyadoo lagu heshiiyay in Toxobeey laga takhalluso. Toxobeey ma jiro dhib ay gaystay, dembi ay gashay oo loo hoojinayo, hooyadeed iyo Aabbaheed na nikaax xalaal ah ayay isugu galmoodeen, laakin shayddaan oo inkaar qabe ah ayaa u qurxiyay inay garac tahay ilmo duur.

Waxaa la gaaray maalinkii ay ballameen Dhiilbujiso iyo Calaseey Gaanjibo Dhiilbujiso, waxay soo diyaarsatay lafa Abeeso, dheecaan Abeeso, iyo dhuunkaal isku daran iyo waxyaabo kale oo la isku qas-qasay. Sixir kale ma taqaanno ee qaraabkeedi nolol raadis ayaa waddadaas xun ku dhigay. Sixirka saxda ah waxa yaqaanna culimada waliba kuwa Diinta ku qalin jebiyay oo kutubta cilmiga si qumman u bartay, iyagu na dadka kuma dhammeeyaan kuma na summeeyaan, halkoo habaaran mooyee. Gaanjibo waxay soo qaadatay budadii yarayd ee marada faraqeeda loogu soo xiray. Habartii dadka summayn jirtay, Dhiilbujiso waxay kula soo dardaarantay budadaas inay ugu darto, Caano ama raashinka ay siinayso Toxobeey. Ku ma na dhihin ka taxaddar, ilmaha kale ee hooyadaa guriga u joogaa ee gabdhaheedu dhaleen, Toxobay na la filka ah.

Gaanjibo budadii sixirka ahayd ee loo soo dhiibay ayay soo qaadatay. Shaqadeedu waxay ahayd inay Ariga raacdo, cidda na waxay u ahayd gacan yare, guriga uga adeegta. Sideeda kale waa gabar baarri ah, wixii dulloobi raba ayaan se maaro loo helin’e, waxay ku fikirtay inay dhowr Riyood oo ariga ugu caano badnaa barqadii dhiil yar oo Toxobeey caano loogu shubi jiray ugu soo listo “Shiciro iyo horguduudo” waa laba riyooday oo ay xalay gaaxisay saakana aan waxarihii lagu hellin, oo ay ka ilaalisay. Barqadii intaan ariga la ood qaadin, ayaa duq Roobo oo ariga subax walba isha marisa idahana sii ood qaadda inta ari cadku moorada ku jiro, aragtay labadaan riyood ee gaaxsan. Gaanjibo ayay wayddiisay, maandhaay labadaan Riyood xaa ku dhacay, waa iyaga gaaxsan’e. Gaanjibo waxay hooyadeed ku afjigtay, waxaan hadhoow u lisi rabaa Toxobeey. Hooyo Roobo niyadda ayay ka faraxday gabadheedaan naxariista badanna waa la yaabtay! Ma gelin wax shaki ah oo ku saabsan inay shirqool halis ah maleegayso Calaseey Gaanjibo, illeyn xerkihii ugu dambeeyay ayay xirxirowsaa ee lagu halaagi lahaa saqiirtaan Toxobeey ah ee Hooyadeed iyo aabbaheed iska daba hayaameen, adduunka na faaruqeen. Hooyo Roobo Arigii ayay daday-day wixii xalay xirraday iyo wixii soo xera galay, markii ay tiradii ku dhammeysay Idaha Ari cadka na isha marisay, Riyihii ugu dhibka badanaa ee gaar daaqa ahaa na joogaan, sida: “Cija dheer iyo Caado” moorada ugu jiraan waxay gunudday inaan baadiyo ku jirin Ariga. Dugaalkeedi ayay isaga laabatay iyadoo tukubaysa oo usheeda cuskan.

Gaanjibo arigii ayay ood qaadday, howlihii guriga ayay kala agaansintay, Toxobeey iyo laba dhabdhood oo ay habar yar u tahay oo Roobo korsato waxarihii ayay raacisay. Waxaruhu qaar waa kuwa guriga jafkiisa lagu ilaaliyo, qaarna waa kuwa edgaysan oo edegtooda cagaar loogu dhigo’e Duq Dhiblaawe oo lac-lac ah (80) seddeetan jir ayaa inta misaartiisa qaatay wuxuu waxarihii edegta ku jiray usoo gooyay dhowr laan oo “Waxara abaawshe ah” carruuntii Toxobeey ka mid ahayna si fiican ayuu u la ballamay inay waxaraha u ilaaliyaan, kuwa edgta ku jira na ka ogaadaan gabsasta iyo gariirka mar mar soo weerara.

Gaanjibo, dhiishii ayay labadii Riyood ku listay, inta aysan Ariga ood qaadin, waxayna gelisay geed moorada reeddeeda ku yiillay, intaysan kaayin dhiisha caanaha gaaxdaahu ku jiraan waxay ku qastay suntii budada ee sixirraydu soo dhiibtay. Markii ay geedka ku kaayeysay, waxaa meel shishi ka fiirsanaysay gabar toddobo jir ah, oo walaasheed ka wayn dhashay, iyo mid lix jir ah, oo waxaraha inay oodqaadaan haddii arigu dhaqaaqo la soo faray. Toxobeey Abootadeed Roobo ayay is ka la joogtaa oo aqalka ayay u naqatay. Ma oga ceelka aayadeed Gaanjibo u shaaqalayso, ma na oga in la sii rabo sun laysku qas-qasay oo dhuunkaal u badan. La ye: “Allaa watoo wehel uma baahna” ama tii kale ee ahayd: “Alle dilaa dhinta” belo waa tan dambaysee, markii la gaaray barqinkii, carruurtii labada ahayd ee waxara jira na kululaadeen, sideey dhuu-dhuumashow iyo u ciraayeen burciid baabuur, koor iyo weelal laga sammeeyo. Waxay soo xasuusteen dhiishii Gaanjibo geedka moorada u dhawaa gelinaysay, Bilan oo da’ ahaan ka wayneed Baxsan ayaa ku talisay inay dhiisha Gaanjibo kaayday caanaha ku jira qayb ka soo xadaan ka dibna soo saan tirtaan, maadaama Gaanjibo ilmaha garraacdo, haddii ay wax uga dheelaan. Dhiishii ayay la soo bexeen, Bilan ayaa dhiishii haruubka ka bujisay, waxayna ugu shubtay Baxsan caano dhan afaf kabboosho, ka dibna waa siisay. Markii ay dhammaysay ayay iyadu na qalaf fiican ku shubatay, qalaw na isku siisay. Intii aysan dhammayn cantuugyadii ugu dambeysay, Baxsan ayaa mantag la soo boodday, geddi cad na u dhacday, iyadoo sirirsan. Qorraxdu mar ayay soo kululaatay, oo dhinacay kaa qabato waa kaaga dhagaysaa. Bilan intii ay taataabanaysay Baxsan oo dhididaysa, iyadiina waa saaqantay miidaantii ayaa gaddoontay, leeqaanyo ayaa milif ku tiri, Baxsan ayay baalka ka seexatay iyadoo mantagaysa, labadoodiba halkaaseey ku qur go’een. Markay halkaa marinayso dhacdooyinka, Toxobeey waxaa fataq kusoo yiri: Gabaygii Cabdulle Raage Taraawiil (AUN) ee magaciisu ahaa: “Daa’in” ka na mid ahayd tuducdii oranaysay; “Deb munaafaq shiday muuminaa lagu dulleeyaa’e” waxay na marisay, is la gabaygii

Allahayow adigaa daa’ina iyo dowlayaan dhicin’e
Daalicul quuluubaa tahaya deeqsi taajira’e
Adigaan wax kaa dedane jirin laba daarood’e
Adaan daacad moogiye wixii dulu na kaalmayn’e
Sow doona yeeloow adigaan lagula doodayn’e
Xaq ma doodsiyow maalinkay sare ka duubnaato
Daciifkaad abuurtaan ahayoo koo dacwoon jiray’e
Derejaya adaa sharaf iska leh doorasha la’aan
Xariggaaga aan duugaabinaan dacal ka heestaa’e
Marka doonta ow fuushan yahay daqalka loo gooyo
Dabaal kuma fakado Eebbeheey ruuxow dilayaa’e
Cirku goortow da’ayo iyo markow maydku soo degayo
Iyo Dumarka uurka leh ilmaha doorka ow dhalayo
Diintaada adigaa ku yiri waa sidi daakhiliye
Laba dirirsanaan kala dhex iil gu’ iyo dayrtiiye
Mid haddow isoo diro kan kale way dib celiyaa’e
Deb munaafaq shiday muuminaa lagu dulleeyaa’e
Arrintaa haddaan daba galee doonay xididkeede
Wali igama daadegine waa laygu dilayaaye
Waligoodsa qoomkii damcayo hays dibbiriyaane
Dugsigaaga Eebboow adaan daalim soo geline
Dariiq nabadahaan kaa baryaya degin nabaaddiino.

Toxobeey illinaa indhaheeda kusoo joogsatay, xasuus ayay la gucatay, Eebbeheed ayay gacmaha kor ugu taagatay, waddooyinkii dhibka badanaa ee nolosheedu soo martay, iyo karkaarradii qarsoonaa ee Daa’in ku dhinac dhigay. Aqalkii Dhiblaawe Qaydar iyo Roobo Ratiwaal ka dhaxeeyay mar kale ayaa uugaaw iyo ba’yaysi ka yeeray, cirkii ayaa soo dumay, dhulkii ayaa gariiray, arradii waxay noqotay, la ma arag iyo la ma maqal. Labadii gabdhood ee Roobo Ratiwaal soo korsatay waa is ag yaalliin iyagoo qallalay. Waxaa dhinac yaallaa dhiishii Toxobeey Caanaha loogu lisi jiray, oo kala xooran ganuunkiina meel yaal dhiishiina meel taal. Caanihii yaraa ee ku haray na mar hore dhulka ku qubteen, quraanjo, Unrees iyo shimbiro soo raacay qoyaanka caanaha, oo iyagu na dhinac daadsan oo wada dhintay, naf walba oo urisay suntaas halaagga ah ee laga sameeyo Nukliyeerka adduunyadu isugu faanto, wixii sanka duleelkiisa ka uriyaba waa hammaansadeen. Roobo Ratiwaal, Dhiblaawe Qayday iyo deriskii dhamaa dhabannada ayay haystaan. Qof walba waxay habaaraysaa ciddii sidaan yeeshay oo layska garanayo inaan Calaseey Gaanjibo dhaafin, fajacaanna aan qof kale samayn. Roobo Ratiwaal waa iska garatay in waxa loo danleeyahay Toxobeey yihiin, waxay soo gucatay tabtii wiilasheedu u dhinteen iyo xaq darrii hallaagtay.

Waxay bogga iyo niyadda ka leedahay: “Nin gardaran ma guulaysto” waxay se isku qancisaa in balaayadu baalal leedahay ay ku buubto, wiixi dhici raba na kumannaan sano kaa wayn yihiin. La ye: “God sireed ha qodin, haddaad qodda na ha dheerayn, ku dhici doontideeba ma ogid’e”

Calaseey Gaanjibo, waa cusub iyo waayo murugeed ayaa dul hullaaban, halkii ay farxad sugaysay iyo Toxobeey oo geeriyootay, waxaa u beddelay Toxobeey oo nool iyo Bilan iyo Baxsan oo dhulka loo faagayo si loogu aaso. Waxay rumaysatay in shayddaankii walaalaheed laayay, iyada na uu rartay, god dheer ku riday, waxay xaqiiqsatay in Ilaahay agtiisa laga lacnaday, adduunka na ku ceebowday ku na fadeexowday. Hadday shalay ahayd gashaanti loo han wayn yahay maanta waa ardaalad aan indha loo dhammayn karin. Wixii xaaladahaas murugo iyo meel ka dhacyada ah lagu jiro. Waxaa la go’aamiyay in laysugu yeero beesha Cigwaaqe Caanamaal loo na durraanto heer Dhiblaawe Qaydar in balaayadaan dul degtay Mawlahood ku dhinac dhigo. Beeshii Cigwaaqe Caanamaal waa soo gogol galeen, waa na loo xoola qalay, si fiican ayaa loogu loogu loogay. Waxaa goobtii lagu bireeyay: Afar cad-cad iyo debi, “Summal iyo Summayn” iyo Sogob iyo Ceesaan” dhiiggoodi ayaa lagu tacdaatay, wixii shar dambo keena, ama Gabadhaas saqiirta ah Toxobeey xaggeeda eega na waxaa Eebbe looga tuugay inuu meel daran ku aaddiyo. Waxaa lagu heshiiyay in wixii dhacay oo xummaan iyo xil ahaa, xalay dhalay laga noqdo, cidna aan wax loo raacan. waxaa duceeyay Curadkoodi ugu dhalasho waynaa Beesha, waa: Suldaan Bayaxaaw Gerre, waxaa ku xigsaday, cirib dambeedkii beesha ugu dhalasho dambeeyay, waa: Beeldaajiye Kulmiye Carboon. Dhaqanka beeshu waa curad iyo cirib in laysu xushmeeyo’e halkaas ayaa alla barigii lagu qatimay, lagu na faatixaystay. Maalintaas wixii ka danbeeyaay waxaa loo guntaday inaan dhib dambo dhicin, wixii hore na sooyaal qalloocday loo aqoonsado.

Toxobeey oo qisadii yaraanteedi iyo dhibka soo maray ka sheekaynaysa, Toxobow na dhabannada haysto murugu darteed, mar na ciil is la cullinayo, ayay arkeen mugdi soo galay. Illeyn gabbalkii ayaa mar hore dhacay, inta Toxobeey sheekada wadday waxaa lagu socday bikaalka fiid ee “Waxara xiraha” loo yaqaan oo iftiin dhellax leh. Toxobeey oo soo baraarugtay ayaa Toxoboow ku tiri: meel aan seexanno noo dammoo inta aan mugdigu nagu soo badan, Bikaalku na naga dhicin. Wax yar ka dibba waxaa hortooda ka soo muuqday shuur isku humbaalan oo xagar iyo dharkayn u badan. Toxoboow oo ka lug horreeyay ayaa isha ku dhuftay shuurta, markii uu hubsaday ayuu Toxobeey dib u soo jalleecay ku na yiri: “Shuur” ayaa horteenna ka bidhaamaysa ee duggaalkeeda ma seexannaa?’ Toxobeey oo aan ku qancin shuurta aadna u neceb ayaa tiri: “Shuurtu waa baahalo galeen ee ha noo dhawayn” ee walba geedkaas ka sokeeya ee Shamamaxleeyaha ah baalkiisa na seexi, asigaa kaliil badan leh oo dhaylka iyo dharabka soo dhacaya na naga celiya’e.

Caawa waa uga duwan tahay dhulkii usuudka badnaa, oo Waraabe iyo Libaax ka cabsan maayaan, Shabeel, Weer iyo Dawaca na waxba u qaybi maayaan. Toxoboow laftiisu kuma kalsama Shuuraha oo waa ogyahay in baahaluhu hoydaan oo ay guri u tahay. Sidaa aawgeed taladii Toxobeey na ma qaadan’e wuxuu ku taliyay inay hore uga sikadaan shuurta haddii aanay duggaashanayn, wax yar markii ay dhaafeen ba waxay heleen Sorog iyo Xay isku dhex baxay, baalka ayay na ka dhabbacdeen, dhankii dabaysho ka socotay maahee dhinicii kale, qof walba meel ayay xaarxaaratay, xayaabadi iyo xashaafulkii inta iska xaaqday. Wixii ay hayateen ee saad iyo jiscin ahaa ayay rabtii ku cuneen.

Intii aan wali la hurdin, mar se loo diyaargaroobay in la khuuriyo, ayaa Toxobeey indha ku dhifatay walax aad mooddo qoray deb leh ee qof gacanta ku siddo oo jedda ku dhex socda. Toxoboow oo indha is geliyay daal ba’an ayaa haayay’e ayay ul baay ah oo ay sidatay inta laashay gacantii uu barkanaa maahee tii kale ee feeraha u saarneed jug uga siisay. Toxoboow waa dareemay in Toxobeey u baaqayso, dhinaceeda ayuu soo fiiriyay, iyadu na ma hadlin’e Debkii hawdka ku sii dhex socday ayay farta ugu fiiqday. Cabbaar markii ay dayeen, waxay dhica kale ka maqleen qarfafax, wax aad mooddo “Sod” magaar xoolaad oo dhulka lagu jiidayo. Qof walba fadhiga ayay xejisatay, waa laysu soo dhawaaday, markii hore waa la kala fogaay’e. Toxobeey filim dhiillo iyo nadxdin ah ayaa u daaran, goobtii ay is lahayd caawa meel nabad ah ayaad seexanaysaa waxaa u beddelay gariir iyo galiilyo hor leh. Toxoboow isagu cabsida Toxobeey haysa kuma jirto, wiligiina kama baqan walax uu u jeedo waxay rabaan ha ahaadeen’e balse wuu la yaabban waxaan muuqan ee debka sida iyo kuwa hawdka ka dhex qaryabaanaya. Ilaa yaraantiisi wuxuu ahaa duur joog, juqda kula nool Geela’e, wuxuu u qaatay inay cillanaad yihiin, waxa kan ee argagaxa leh. In xoogaa ah haddii ay niyadda ka tallameen, wali na la kala shibban yahay, ayaa waxaa durbaan ka yeeray shuurtii ay fiidki hore dhahaayeen aan baal seexanno si aan u dugaashanno. Durbaanka wixii la raawiyaba haddii ay rabtoodi, dhaafi la’yihiin Toxobeey iyo Toxoboow. Durbaanki waa soo dhawaaday, wuxuu yimid goobtii ay fadheen iyo shuurti bartankeeda, gabdhaga ku xareedinaya way maqlayaan. Toxobeey ayaa is hayn wayday oo tiri; caawa waa nalan hayaa ee aan ka orodno, ama aan meesha ka tagno.

Toxoboow oo waxa socdaa ogaaday, ayaa Toxobeey ugu jawaabay: Waxaanu waa cillanaad ee dhulkaan Bili aadam ma joogo, intii aan soo jidniil na raad Aadane iyo mid Xoolaad ba soo ma arag, ee waxaan debka sida, soddaan la jiidayo iyo Durbaanku ba waa geeri gacan dheer laga ma cabsado ee aan durbaanka aadno soona hubinno, waxay yihiin. Haddii aan ka orodno ama amminkaan mugdiga ah socod galno naga hari maayaan ilaa waagu ka baryo’e. Toxobeey waxay la yaabtay ninkaan balaayada aan sahminmo leh, iyo cabsi la’aanta ka muuqata, waxay na ku tiri: “Ma balayo ayaan lugaheenna ku aadaynaa? Halkii aan ka dheeraan lahayn?” Toxoboow inta dhoola caddeeyay ayuu ku yiri: haddii aad cabsanayso, qalabka ii qabo ee rabtaan igu sug anigaa soo dammoonayee!! Toxobeey oo Toxoboow laftiisi shaki ka galay oo lugaha ka jaraynaysa ayaa tiri: “Haaddii aad aadayso anna kaama harayo ee ammaan iska dhaafnaa haddii aan rabteenna uga nabad gelayno?” Toxoboow waa roogsaday, mar haddii aan durbaanki demayn oo la tumayo.

Toxobeey faraqa ayay ka qabsatay, markii ay dhaqaaqeen ee Durbaanki xaggiisa aadeen, debkii dhinac ayuu ka raacay dhinicii kale na waxaa ka raacay soddii la jiidayay. Yaab! iyo amankaag! Hor leh ayaa galay Toxobeey, laakin Toxoboow waxaan hore ayuu u arki jiray’e. Markii ay u dhawaadeen Toxobeyna faraqa uga dheggan tahay Toxoboow ee gadaal fiirinayso, oo ay mooddo in ballaayo gadaal ka dafayso. Guntiinadii shanlayda ahayd ee ay garraareed, waxaa uga dhegay Cadaad ay la wareegaysay cabsida haysa darteed, waxay aragtay guntiinadi oo garraarka maraysa, waxay na is tiri: wixii hugmaayay ayaa ku qaatay ee Toxoboow si fiican ugu dheg, gacantii ay Toxoboow faraqiisa ku haysatay ayay si xooggan ugu dhegtay Toxoboow maradii uu duubnaa, waxaa isu celiyay Geedki Cadaadka ahaa ee guntiinadeeda ku dhegganaa iyo Toxoboow oo sii socda. Toxoboow asna xooggii Toxobeey u jiidaysay ayaa turaaxaddi uu hoos ka duubnaa gacantii Toxobeey u hartay waa na ka furatay. “Murux madow ayuu noqday”

Toxobeey oo dhar la’ oo ba’yaysanaysa iyo Toxoboow oo dhar la’ ayaa indhaha isku dhiftay asigoo malafsanaya ayuu Turaaxaddiisi soo qabsaday cowradiina ku detay intuu ka guntadu laga ma gaaro’e. Toxobeey oo maradii geedka ku hirikaabinaysa ayuu arkay oo aan xulli ku xirnayn inta la weeragay ayuu shanlaydii oo qayb ka waaxantay geedkii uga soo fujiyay, ku na yiri: Duubo maradaada cabsida na iska daay, waxaanu waa cillanaad’e. Intii dhibku haystay ee ay indha xileed kala kayayeen ayaa Durbaankii is taagay. Xoogaa ayay u dhegtaageen, mase waa shib iyo shib. Gadaal ayay u soo laabteen intii aysan laba tallaabo dib usoo qaadin ayaa rabtiisi laga rikibay Durbaanki, hadda na dhankiisa ayay aadeen, mar kale ayuu shibshaashay juuq na la waayay, gadaal u ma soo gaddoomin ee shuurtii Durbaanku ka yeerayay ayay isku shubeen, iyagoo saaman jiidaya.

La soco qaybaha xiga.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE