FILANWAA Q11AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

FILANWAA Q11AAD 

Sagal markii ay Maxamed usheegtay in saaxiibteed Canab la soo furay  aad ayuu uga naxay, waxa uuna yiri: “waan ka xumahay in walaashay gurigeedu dumo” intaa kaddib waxauu Sagal u sheegay in uuna diyaar u ahayn arrinta ay usoo jeedisay oo ah  in uu Canab la kulmo.

 Waxa uu ku yiri: “Wax walba wakhti ayay leeyihiin, Canab anigoo jecel ayay nin iga raacday dhibaatadii isoo martayna ma ahan mid aan halkan ku soo koobi karo, balse nasiib wanaag maanta waan ka soo kabtay, inkastoo ilaa hadDa aan dareemayo dhaawacii qalbigayga soo gaadhay oo  wali aan bogsan, haddana waan ku niyad samahay qaddarka Eebbe, sidaa darteed ma doonayo inaan dib ugu laabto mowjadihii murugada een shalay ka soo gudbay, ma dhacayso oo lagama yaabo inaan Canab la kulmo, waan ogahay Canab waan jeclahay mar walbana qalbigayga kama baxdo, waliba waxaan aaminsanahay inay farxadeydu iyadda ku xidhantahay, laakin nafta ayaan doonayaa inaan Samir iyo adkaysi baro, waxaan rajaynayaa inshaa’alaah inaan heli doono mid aan Canab ku ilaawo”

Sagal saaxiibteed ayay kula noqotay waxyaabihi ay Maxamed kala ku lantay waxayna Canab usheegtay in Maxamed si qayaxan u diiday arrimihii ay u bandhigtay,Canab markay ogaatay in uuna  Maxamed hadda diyaar u ahayn in ay wada kulmaan, waxay go’aan ku gaadhay inay magaalada isaga tagto oo ay ka indho qarsato, dhaga hadalka asxaabeeda iyo dadka warxumo tashiilka ah ee marwalba xanteeda meelahaas la fadhiya. 

Kaddib diyaar garow safar dheer ayay qorshaysatay, iyadoon cidna la tashan qofna aan usheegin ayay si dhuumasho ah ugu amba baxday Magaalada Boosaaso ee Gobalka waqooyi Bari, intii ayna bixin ka hor waxay diyaarisay warqad ay ku qortay, arrimo xaasaasiya oo ubadan garnaqsi, cabasho, iyo codsi, kadib boshqad ayay ku riday, inkastoo ayna korkeeda ku xusin cida ay ku socoto warqadu, haddana waxay dusha sare kaga sawirtay wadne falaadhi ku qotonto iyo il murugaysan oo ilin ka gobalaynayso!!!

Kaddib warqadii waxay u dhiibtay saaxiibteed Sagal waxayna ka codsatay inay warqadaa uxafiddo oo ay meel adag ku qariso ilaa intii muddo ah, waxay tiri “waxaan rabaa marka aan kusoo waco qofka aan ugee ku dhaho waa inaad iigu gaysaa, inta ka horraysana aad ii xafido”.

Muddo laba todobaad kaddib waxay isu diyaarisay inay u tahriibto dalka Yeman, maalmihii koobnaa ee ay magaalada Boosaaso joogtay dhagaheedu war lagu farxo mayna maqlayn, waxaa isa soo tarayay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo tahriiba ah oo badweynta ku halaagsamay, doomo qaraqmay ama quusay iyo dad naakhuudayaashu ay bada dhaxdeeda ku daadiyeen, qaarna ay xabbad la dhaceen.

Canab iyadoo cabsi badan dareemaysa haddana go’aankeeda marna ka ma aysan laba labayn, halista iyo dhibaatada baaxada weyn ogaal ayay ugu badheedhay iyadoo og safarkaa aadka u’adag.

Xili galab gaaba ayaa Canab iyo tobaneeyo qof oo tahriibayaala ah gaari yar  lagu geeyay meel magaalada ka durugsan, halkaas oo ay sii joogeen tiro aad ubadan oo iyanaguna safar ahaa.

Dooni alwaax ka samaysan oo naftaba lagu aamini karin ayaa dhammaan tahriibayaashii sidii adhigii laysku dul raseeyay cidhiidhiga iyo rafaadka waxaa uga daran cabsida qofkii hadlaba madaxa laga garaacayo.

Naakhuudayaasha doontu waa rag hubaysan oo naxariis iyo calool jileec aan aqoon waxay dadka ula dhaqmayaan si bini’aadanimada ka baxsan, muddo laba hebeen markay bada ku jireen ayaa waxaa kacay dabaylo mowjado waawayn wata, kaddib doonidii awalba xaalkeedu aanu wanaagsanayn waxaa ka luntay jihaddi, dhowr jeerna waxay ku sigatay inay dhacdo, xaaladu markay faraha ka baxday shaqaalihii doontu waxay bilaabeen inay dadka qaar doonida ka tuuraan qofkii isku dayaa inuu dagaalamana xabad ay madaxa uga dhuftaan.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa war la hayo xiiso male Canab wixii ay idaacadaha ka maqli jirtay ayay si dhaba u aragtay, iyadoo yaaban oo noolasha ka quusatay ayuu ilaahay faraj ufuray, nasiib wanaag dalaylihi ayaa istaagay oo baddi ayaa xawaali noqotay, kaddib safarkoodi ayay halkii kasii wateen iyadoo dooniduba iska faaruq ay tahay oo dadkii saarnaa qaarna badda lagu daadiyay iyagoo nool qaarna inta la dilay doonta laga tuuray, ammin daakiraadi ku beegan ayaa tahriibayaaashii lagu daadiyay xeebta dalka Yeman.

Dhanka kale Habeen habeennada kamida, Maxamed ayaa wuxuu damcay telefoonka lineka ah oo dhawaan gurigooda lasoo galiyay inuu iskaga falaado, nambaro badan oo ku nasiibso ah ayuu wacay, balse inta badan dad waayeela iyo ciyaal ayaa ka qabtay, kaddib wiil ay saaxiibo ahaayeen oo Dagganaa xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baladweyn ayuu waydiiyay lambar uu isku mashquuliyo oo gabdho joogaan, wiilki ayaa guri uu ku ogaa hablo badan oo bulshaawiya ayuu nambarkooda siiyay.

Maxamed durba horay ayuu ka garaacay, nasiib wanaag waxaa ka qabatay gabadh aad moodo inayba diyaar ku ahayd goobta telefoonka yaallo, salaan kaddib, hadalo taagtaaga oo kaftan u badan ayaa dhaxmaray, barasho gaaban kaddib cabbaar markay wada hadleen ayay gabadhii ku tiri: “Walaalo waxaan doonayaa inaan seexdo ee habeen wanaagsan, waa inoo jeer damba, bari ama habeen dambe xiligan oo kale.”

Kaddib subaxdii ayuu hadana sidii si lamida uwacay, balse waxay usheegtay Inay mashquul tahay xiligan la joogo, laakiin waxay ku balameen caawa fiidkii inay si fiican uwada sheekaysan doonaan hadduu allah idmo.

Markii wakhtigii la gaaray ayay gabadhii soo garaacday Telefoonkii Maxamed, salaan ka bacdi si dagan oo xushmo ku jirto oo sidii hore ka duwan ayaa hadalkii lagu ibo furay,waxaana si kadisa laysku dhaafsaday, magacayadooda oo seddexan iyo xaafaddaha ay magaalada Baladweyne kaga noolyihiin,  sheeko guud oo waayaha dhallinyarada u badan ayay isla qaada dhigeen, inkastoo ayna is aqoon laakin sheeko aad uwanaagsan ayaa dhaxmartay, iyagoo aad moodo inay saacad badhkeed wada hadlayeen ayuu waaagii baryay.

La soco qaybaha dambe………..

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN