Home suugaan Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q8AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q8AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal

53
0
SHARE

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q8AAD.”

Shuurtii ayay tageen iyagoo humamaawsanaya, isha farta la la ma helo oo waa gudcur saqdhexe ah. Toxobeey faraqa ayay uga dhegan tahay Toxoboow, wadnaheedu waa belbelayaan cabsi darteed. Dhididku wuxuu ka tifqayaa dhabankeeda, Shuurtii Xagarka iyo Dharkaynka u badnayd ee Durbaanku ka ortamayay, ma joogaan wax nuuxsada marka laga reebo dabaysaha geeda luxaysa, iyo foorida ka jabaaqaysa qodxaha boollayda, geed Sarmaanka ku teedsan. Durbaankii la raawinayay shib ayuu yiri, soddii la jiidaayay waa la hakiyay, debkii reeddooda ku ordayay waa demay, yaab iyo farajac ayay dhabannada haystaan! Dhulkii waa cidlo, wax neefsanaya waxa ka jooga Toxoboow iyo Toxobeey.

Shuurtii afkeeda hore markii ay galeen ayay dareemeen, in meesha xawaala ba’doodin ah ku yaallin oo maantoo hore lagu aasay. Toxoboow oo markii hore ba ka dareen qabay ayaa Toxobeey gadaal u soo jalleecay, una sheegay in shuurtu tahay xawaala ba’ay oo geedihii ka hareen, wixii caawa oo dhan ka guuxaya na ay ahaayeen Cillanaad iyo Geeri gacandheer. Toxobeey nafta ayaa kusoo naqotay, neef wayn ayaa ka soo go’day. Lafteedu wax yaabahaas waa maqli jirtay, laakin caawa ka hor indhaha kama qaadin, runna uma arag.

Geedkoodi duggaalka lahaa ayay dib ugu laabteen, intii aysan ka lug bixin Shuurta, ayaa geed baalkooda ah Huburuq saarnayd bararaf ka tiri: Toxobeey naxdin darteed ayay hag la tiri, markii ay indhaha la halaajisay ba waxay himbiriirsatay hummmaag shimbir sii buubaysa laabtu na waa u degtay. Geedkoodi duggaalka ahaa ayay tageen, markii ay in muddo ah sheekaysanayeen iyadoo qofba dhinac u jiifto oo xusulku dhulka u yaallo, gacanta na barkan. Toxobeey oo aan ku qancin rabta caawa lagu dhaxayo ayaa Toxoboow ku beer dulcaysatay, naga wad meeshaan ma ahan goob lagu hurdi karo’e. Toxobow daal xun ayaa haayay’e wuxuu si hoose u yiri rabtaada jiifo, wax noo imaanaya ma jiraan Eebbe idankiise. Halkaas ayay qof walba jiif u hedlatay, Toxoboow intuusan seexan ayuu cirka eegay, wuxuu ka tilmaansanaya amminka iyo saacadda ay maryaan, si ay ugu dheelmadaan iftiinka Bekaalka waa beri ee soo baxaya marka lixu dhacaan, xiddigaha sacaha loo yaqaanna raaracsadaan.

Toxoboow oo dhinac u jiifa cirka na si togan u eegayaa, ayaa isha balac ku yiri: Xiddigga DIRIR oo bisha la deggan. Si fiican ayuu u fadhiistay asigoo si kama dambays ah cirka u fiirinaya. Markii uu hubsaday: in DIRIR bisha la deggan yahay, ayuu Toxobeey dhankeeda u soo jeestay ku na yiri: “Toxobeey Bishaaro” say tiri: “Bilkhayr ee maxaad aragtay?” Sow yiri: Cirka kicin ayaa ku jira, gugu na waa barwaaqo, waxaan isha ku hayaa TODOB oo billaawday iyo xiddigga Dirir oo bisha la deggan. Say tiri; woloow xow yahay Dirir odayaasha ayaan ka maqli jiray’e.

Toxoboow oo go’iisi shanlayda ahaa jilbaha ku xirtay salka na dhulka dhigtay ayaa yiri: Toxobeey Seddex bilo Gu’ waa amminka roobka gugu dhulka ku hooro, wuxuu kala da’aa seddax bil oo is xiga. Kicinka koobaad waa: Caawa oo kale marka bishu xiddigga DIRIR kula degto Toban iyo Toddobo, waxaa loo yaqaan TODOB. Kicinka labaad ee bisha labaad, waa: “HABAR ARI” waa bishu markay (15) shan iyo toban kula degto Xiddigga DIRIR. kicinka seddaxaad ee bisha Seddaxaad, waa: “CEELKAGEEYE” waa amminka bishu (13) toban iyo seddax kula degto Xiddigga DIRIR. Waxaa kaloo da’ roobab badan sida: Jar, Yaare, IWM. Haddaba ku bishaarayso Gugu waa barwaaqo’e. Toxobeey markii ay aqoontaas gunudday, ku na faraxday aqoonta uu xilliga u leeyahay Toxobow ayay yiri: hurda boqran gacaliye.

 

Toxoboow oo la ballamaya ayaa yiri: adiga na sidoo kale, balse yaan hurdo na la tegin oo markii uu soo bidhaamo Bekaalka waaberi hurdada naga toosi si aan socdaalka u sii wadanno inta xaaddayno qabowdahay. Waayahay iyo waayahay ayaa lagu kala seexday, iyadoo indha kalgacal iyo bogag isu hammuun qaba lays la dhinac yaal. Toxobeey oo aan hurdin, ayaa dhanka bare ka dareentay carceero iftiin ah oo aan buurnayn, kolkii ay jalleecdaba, waa Bekaalkii u astaysnaa inay ku socdaalaan, Toxoboow ayay cod debacsan oo naxariis leh ku toosiyay si aanu u nixin, hurdadii uu khuurinayay ayuu si tartiib ah fooc uga soo yiri, wajiga na gacanta ayuu ku salaaxay si uu carceerada iyo iftiinka Bekaalka u arko. Bekaalkii waaberi markii ay hubsadeen inuu soo baxay dhabbigay ku habjaqeen. Wixii sheeka la qaruufa ba waxaa afarray jaceyl ah oo jidka sii yaalla laysku illowsiiyo Toxoboow ayaa ku maansooday:

 

  • Muxibbooy tilmaantaada mudan, magac haddaan siiyo
  • Miiraale roob hoorayoo, jooga milaygiise
  • Manka ubaxow soo bixiyayoo, muuqsan baa tahay’e
  • Medebkana masciideed dhalaal, maarrinbaa tahaye
  • Sida miidda subaggaa qalbigu, Kuu muhdaa abide
  • Miliilacaya daymada indhuhu, daba ma jiirtaane
  • Miisaanka iyo socodku waa, muunad gooniya’e
  • Magacana muluug sharaf leh baa, Mowle kaa dhigaye
  • Maqaab iyo Ugaasbaa ku dhalay, Hooyo magac wayne
  • Marya laba ma kulannaa, maqsuud calafle meeshiiye
  • Milga sharafleh waa lagu wacaa, maahir xaalgarane
  • Muxibbooy waxaan kuu qabaa, caashaq meel foga’e.

 

  • Mudda badan ba waataan kalgacal, mayracoon jiray’e
  • Milic kululya gowraha in badan, aan muskuu xulaye
  • Ambaan milayga jiilaal xeryaha, mooro kula guulay
  • Ma’wi ceelka waataan ka shubay, dowlisnuu maray’e
  • Moora duugga maan doonayiyo, Maal la kala qaado
  • Ka maroogsi xoogaya maskoxo, xiilad iyo maanba
  • Maldahaadda sheekada mugga leh, Mooge maan ihiye
  • Magli warana iyo maarrihiyo, Mootarkiyo hawsar
  • Igu meersan nabadduna macaan, maagna laga roon’e
  • Maarriin dhalaalkaaga iyo, muunaddiyo joogga
  • Maanka ubaxa geedaha la mood, mohasha daadiiye
  • Mankaaga wayn iyo aqliga, Mowle kugu deeqay
  • Iyo inaad muluug boqora iyo, Reera magac waynle
  • Muxibbooy ka timid baa, rag badan kugu majeerteene
  • Garta meel ku moos madashu, yay muran ahaan uune!”

Toxobeey waxay u bogtay siduu Toxoboow dhaqanka iyo suugaanta u yaqaan, nin karmeed na u yahay. Waa gii ayaa u baryay, amminku waa is guraya, wali lama soo cid gelin oo dhul jolob ah ayaa u dhimman. Intii aan si fiican loo barqaysan oo aan la kululaan ayaa Toxoboow arkay raad xoolaad oo dhabbiga gooyay dhowr neef oo geel ah. Asigoo Toxobeey u bishaaraynaya ayuu dib u soo jalleecay una sheegay inay soo cid galeen. Intii aan Toxobeey u jawaabin ayay hadda na arkeen, toobi Lo’ badan ku dureersatay. Halkaas waxaa laga maamiyay inay cid heli doonaan iyo wehel, Toxobeey oo u bogtay inay soo cid galeen iyagoo nabad ah ayaa la soo boodday, laba bayd oo farxadi ka keentay oo tiri:

  • Ebedkay adduunkay Arwaax, iiga badan maarag
  • Adoon Ubad lehaynoo Igaar kuu dhasha na sheeg’e

Toxoboow markii uu ka dhuuxay labaalaydaas macaanta badan ee nayaayiirto keentay ayuu as na laba bayd oo uu ku jikaarayo u dhiibay, ku na yiri:

  • Waxay wiicsanaata ba mugaa, wacad rumoowyaa’e
  • Welwel biima haayo wed iyo, Naag ba la ma waayo

Toxobeey qosol ayay ilkaha la caddaysay iyadoo u bogaysa maansada Toxoboow, habluhu dhibka waa ka helaan’e halkaas ayaa sheeko ka billaabatay.

Toxoboow iyo Toxobeey oo dhabbiga ku jiqiifaya, haraca kulkuna soo karay oo ay tahay barqa heraad oo qorraxdu foolka kaa gubayso, ayuu Toxoboow isha balac ku yiri; geed Xagar ah oo hortiisa ka soo muuqday, oo dhuunyaal badani ku heemheemayo. Dhuunyaalka gudaha geedka oo guri iyo gasar u ah waxaa ka keenay, nohda iyo kulaylka qorroxda dayreed ee kaldambeedka ah. Geedkii Xagarka ahaa ayay malliiq ku yiraahdeen, mase waxaa ka soo taagan “Il Sureed” oo malab badan hoosta ka yaal, ” Ibta ama isha Surta” waxaa lagu gartaa, in malab ka buuxo iyo inay billaawtahay, Ibtu marka uu cusub tahay ee uu dhalaalayo, Sur badan ma leh, oo Dhuunyaalku mar dhaw ayuu geedka soo degay. Haddii se uu boor leedahay, Ibtu ama Ishu waa bahal gaamurtay, oo malab badan la yaallo. Toxoboow oo waligiiba juq ku jire ahaa, aad na u kala yaqaan, Dhuunyaalka iyo Malabkiisa, Toxobeey na ammin fiican ku haysta uu ku tijaabin karo garashadeeda iyo gabar ahaanteeda ba. “waayeelku kaftanka ayay sheekada ku dhammaystaan’e” Toxoboow is la markiiba wuxuu la soo booday horta Weleey Toxobeey:”Dheddig iyo Dhuunyaal maxaa ka dhaxeeya?”

Toxobow waa garasho maandoogle Ilaahay baray habka hadalka loo maldoho iyo meelaha ku habboon in qofka laga waraysto habkuu u noolyahay. Toxobeey lafteedu kama garaad iyo garasho yara Toxoboow oo waa dhaqan yaqaanad ay soo korisay abooto waayeel ah, in kastoy da’ ahaan ka yartahay Toxoboow. Inta dhoolla caddeysay iyadoo yara xishoonaysa ayay cod hoose ku tiri: Wolow maad naga daysid, wax badan oo aan carrabku karin ayaa ka dhaxeeya “Dheddig iyo Dhuunyaal’e!” Toxoboow asigoo ilka caddaynaya ayuu ugu jawaabay: haddii aan carrabku karin, sidee Afkeena loogu daray?”

Toxobeey oo hadalkaas dhiirranaan ka heshay, balse aan ku qancin xishood dartiis ayaa tiri: “Toxoboobow waxaan jeclaan lahaa inaad adigu nooga sheekaysid, anna aan kaa koobbiyo, inaad ogaal iyo aqoon buuran u leedahay waan ogahay mar haddii aad “Dheddig iyo Dhuunyaal” isku nabtay’e. “Gammuunkii cirka loo geno, dhulka ayuu kusoo noqdaa’e” Toxoboow arrintii uu rabay inuu Toxobeey ka ogaado, dib ayay ugu soo noqotay. La ye: “Fallaaru gil-gilasho kaaga ma harto” Toxobow wuxuu u billaabay sheeka dheer oo hadoof ah inta salka dhulka dhigteen, geedki Xagarka ahaa ee surtu ku tiillay baalkiisa.

Toxobow wuxuu hadalkiisi ku billaabay, ma ogtahay gudniinka Fircooniga ah ee hiddaha iyo dhaqanka noo ah ee gabdhaheenna lagu gudo/qodbo in looga dayday “Dhuunyaalka?”

 

Toxobeey oo sheekadaan ka maqli jirtay abootadeed Roobo Ratiwaal ayaa tiri: Haah! Laakin iyadoo dhammeystiran mahaayo’e qaabkee, sidee looga dayday Dhuunyaalka, mase yahay warkaasu mid sugan?”

Toxobow oo ku oobsaday, hadalka Toxobeey una bogay, haddii aanay ka qajileyn sheekada ayaa yiri: Sooyaallo kala duwan ayaa la soo weriyaa, dhankeenna se waxaa keentay Islaantii dhashay Abuullankeey oo la dhihi jiray: “Dhugilay maqaar xirato” markii dambo na loo bixiyay: “Madiino Jafle” ee miyaadan maqal Hooyooyinku markay xanaaqaan inay ilmaha ugu dhaaran jireen: “Murtii Madiina Jaflaa igu taal minaadan ka shallaayin beriga?” Marka ay ballanqaad u sammaynayaanna yiraahdiin: “Layma gudin minaanan sidaa kuu yeelin” oo ka dhigan, malabkii ay goyn jirtay Madiino Jafle.

Toxobeey oo qosol yar ku jiidday ayaa la soo boodday oo Islaanta gabdhaha in la haryabaaniyo maamisay miyaa abuullankaa dhashay? Dhiig dheexaa oo ay xaq darro ku bixisay waa loo haystaa iyada iyo intii uga dayatay ee yaa Diyadaydi iiga qaada, wixii iga soo gaaray iyo wixii dhiig iga baxay ayaan ogaaye.

Toxoboow si hagar la’aan ah ayuu u qoslay, mar haddii uu helay sirtii uu rabay inuu ogaado, halkaas na wuxuu ka gartay in Toxobeey maantoo la biliseeyay. Toxoboow wuxuu yiri: “Gudniinka waxaa la bartay intaan dhar xirashada la baran” waxaa na laga hidda raacay “Dhuunyaalka” Dhuunyaalku wuxuu u kala baxaa: “Malab iyo Guunso” malabku waa macaanka shaniinka ah, Guunsadu na waa gufar jaalle ah “HURUUD” oo lagu dhanaansado. Waxaa tusaale loogu soo qaataa “BALKA” oo as-na leh: “Qaran iyo Kiinjo” QARANKU waa midka Sabuulka leh KIINJADU-NA waa kan Quwaaxa leh. Midka Quwaaxa leh, dhuuxiisa waxaa laga helaa wax aad u macaan.

Soomaalida dhexdeeda gobalba si ayaa looga yaqaan, meelaha qaar waxaa la yiraahdaa: “Kiinjo” halka qaarna u yaqaanniin “Kiin” ama “Kiinta” waa tii mahmaahdu ahayd: “Kiinjo raadis badan, Quwaax la’aanbeey leedahay, Gaari raadis badanna Guur la’aanbeey leedahay” sidaa aawgeed KIIN waa magaca guud ee lagu tilmaamo, wixii macaan ee dahsoon sida surta Malabka iyo Malabyarowga Dumarka.

Waa na sababta gabdhaha loogu bixiyo magaca “Kiin” iyo halka laga keenay asal ahaantiisa. Toxobeey oo fadhigii quruxsatay sheekaduna ku tifqayso boggeeda, ayaa ku hadaaqday Haye haye ii wad sheekada.

Toxoboow oo arkay siday sheekadu ugu duxayso Toxobeey ayaa sii laba jibbaaray wuxuu yiri: “Surta malabka” waxaa sameeya bahal yaroo loo yaqaan Dhuunyaal, Dhuunyaalku markuu geedka dhuuxiisa ku diyaariyo surta ee uu bannaanka usoo baxayo, wuxuu dhistaa dhuun dheer oo uu kasoo duso dhexdeeda. Waxaa loo yaqaannaa: “Il ama Ib dadka qaarkoodna waxay yiraahdaan KINTIR ” taa soo ah raadtir uu ku dhowranayo keydka malabkiisa.

Geedka surta leh waxa kasoo taagan waxaa koofurta looga yaqaannaa “Mur ama Sur” iBTAASI waa staan dadku ku gartaan geedka surta malabkaa leh. Qofku markuu rabo inuu jabsashada malabka dib u dhigto, wuxuu baabi’yaa Ibta soo taagan, ka dibna waa il-xiraa, waxaa na loo yaqaannaa “Gudow ama Gudid/Qodbid” waa halka laga soo minguuriyay gudoowga Gabdhaha, sidaas ayuu gudniinka xarrir ula leeyahay oo looga dayday Dhuunyaalka. Taranka Dumarka oo ah meesha ku qaamaysan Dhurowga waxay magacyo badan la wadaagtaa geedka surta leh sida: “Kintir iyo “Sur/Mur” waxaa kale oo ay wadaagaan gudowga iyo adeegsida erayga “Jebinta” falka lama huraanka marka la sameynayo malabka surta ama dhurowga Dumarka waxaa loo yaqaan “Sur-jebin” iyo “Bekra-jebin”

Toxobeey oo fadhiga xejisatay una bogtay siduu Toxoboow u kala dhig-dhigay waxa ka dhaxeeya “Dhedig iyo Dhuunyaal” ayaa tiri: Toxoboobow haddii aanan qaldanayn warkaaga waxaan ka fahmay in malabka surta iyo habdhiska taranka Haweenka ka dhaxeeya uu kusoo ururayo wax soo saar macaan, gudoow iyo dhowrasho, xafidasho?. Toxoboow oo ka yaabay sida fudud ee Toxobeey u fahantay sheekada iyo sooyaalka laga soo weriyo siduu nagu soo gaaray gudniinku ayaa yiri: Toxobeey waa sidaas biya dhocona waa intaas ee hadda ma jabsannaa Surta iyo malabka Dhuunyaalka?”

Toxobeey oo aan hadalku ka hoos bixin oo garatay waxa Toxoboow uga jeedo ma jabsannaa Surta? ayaa inta qosol gariirtay ku tiri: haddii aan jabsanno hadda waxaa na dilaya oon, ma na haysanno biyaan cabno iyo hoos aan ku nasanno ee ammaan la sugnaa inta laga helayo Godin/Misaar wayn oo geedka lagu fali karo, iyo annagoon daal nagu jirin oo bijeeno haysanna?” Toxoboow wuu gartay in si maldahan oo maad ah loogu jawaabay, xoogaay sarbeeb ah na loo qariyay. Inta gerkiisa jiid-jiiday oo wajigiisa gacanta ku salaaxay, ayuu yiri: Dhoolgaadda aan haysto iyadaa ka af iyo awood badan Godin/Misaar wayn, oo waxba looga ma baahna ee malabka aan jabsanno. Toxobeey inta labada sacab isku dhifatay oo sarac madowda qabsatay, kaftanka Toxobona run moodday ayay gabay afarray ah ka soo tuurtay, si ay Toxoboow u xasuusiso, inuu dareenkiisa ceejiyo ayay tiri:

  • Safar-dheer socdaal looma galo, saad adoon wadane
  • Yaan sibiqu moogaan ku gelin, sahalna how qaadan
  • Sun dhunkaala lama quuto iyo, sixirya waabaaye
  • Sedka-na qaar la diidaa jiroo, saanyad aan geline
  • Suurayso wiilyohow Cishqigu, waa sidoo kala’e
  • Sidka nuugga kuma suubbaniyo, soof wadaag galaye
  • Inow ruux sakaro awfuraa, suubbanoo wacane
  • Su’aashaa jawaabteeda runa sugayo kaa dhowray!

Toxoboow oo madixiisa xoganayaa laabta na ka qoslaya, Gabayga Toxobeey ba biya dhiciisa ogaaday, ayaa yiri: maxaad garasho dheertahay Gacaliso. Toxobeey oo hadalku u baxay wax badanna ka faa’iidday Toxoboow barqa heraaddaan, ayaa tiri: Beribaa waxaa is la jidqaaday, lix qofood oo kala ah:

  • Laba garaadsame
  • Laba dabbaal
  • Dabbaal iyo garaadsame

 Toxoboow oo hooskii uu fadhiyay qorraxdu ka daba timid, intuu istaagay ayuu yiri iigu kaadi sheekada geed hoos leh ayaan u raadsanayaa’e dhabbiga ayay na ku dheceen iyagoo geed goobaya. Wax yar ka dibna waxay heleen geed Dhumay ah oo isku humbulan hoos kaliyans ah, jiridda ayay ka fadhiisteen. Toxobeey halkaas ayay ka billaawday sheekadii lixda qofood ee is la jidqaadday!”

La soco qayta xigta.

 W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal