Waddada suubban. Q30AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q30AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Daalacashada Eebbe ee Addoomihiisa”

Eebbe wayne kor ahaaye wuxuu yiri:

الَّذِي يَرَاكَ حِينَ تَقُومُ ﴿٢١٨﴾ وَتَقَلُّبَكَ فِي السَّاجِدِينَ ﴿٢١٩﴾.

Eebbe waa kan ku arka marka aad kacayso iyo marka aad wax ka sujuudaysaba” (Suuradda Ash-Shucaraa:Aayadaha: 218-219).

waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

وَهُوَ مَعَكُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ ۚ .

Eebbe waa idin la joogaa “macnaha idinka warqabaa Ilaahay meel aad joogtaanba”. (Suuradda al-Xadiid: Aayadda 4).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

إِنَّ اللَّـهَ لَا يَخْفَىٰ عَلَيْهِ شَيْءٌ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ ﴿٥﴾

“Ma jiraan wax Alle ka qarsoon oo cirka iyo dhulka ku sugan”. (Suurada Al-Cimraan aayadda 5).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

إِنَّ رَبَّكَ لَبِالْمِرْصَادِ﴿١٤﴾.

“Rabbigaa kaabiguu joogaa oo u diyaar san yahay abaal marinta” (Suurada al-Fajar aayadda, 14.).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

يَعْلَمُ خَائِنَةَ الْأَعْيُنِ وَمَا تُخْفِي الصُّدُورُ ﴿١٩﴾.

Wuxuu og yahay Eebbe weyne wixii ay ishu khiyaanto iyo wixii ay laabtu qarinaysaba” (Suuradda Qaafir:Ayadda 19.).

وأما الأحاديث ؛ فالأول‏:‏ عن عمر بن الخطاب، رضي الله عنه ، قال ‏”‏ بينما نحن جلوس عند رسول الله، صلى الله عليه وسلم ذات يوم إذ طلع عينا رجل شديد بياض الثياب ، شديد سواد الشعر، لا يرى عليه أثر السفر، ولا يعرفه منا أحد، حتى جلس إلى النبي ،صلى الله عليه وسلم ، فأسند ركبتيه إلى ركبتيه، ووضع كفيه على فخذيه وقال‏:‏ يا محمد أخبرني عن الإسلام، فقال‏:‏ رسول الله صلى الله عليه وسلم‏:‏ الإسلام أن تشهد أن لا إله إلا الله ، وأن محمداً رسول الله وتقيم الصلاة، وتؤتي الزكاة ، وتصوم رمضان ، وتحج البيت إن استطعت إليه سبيلاً‏.‏ قال صدقت‏.‏ فعجبنا له يسأله ويصدقه‏!‏ قال ‏:‏ فأخبرني عن الإيمان‏.‏ قال أن تؤمن بالله، وملائكته، وكتبه ورسله، واليوم الآخر، وتؤمن بالقدر خيره وشره‏.‏ قال صدقت‏.‏ قال فأخبرني عن الإحسان ‏.‏ قال أن تعبد الله كأنك تراه؛ فإن لم تكن تراه فإنه يراك‏.‏ قال‏:‏ فأخبرني عن الساعة‏.‏ قال‏:‏ ما المسؤول عنها بأعلم من السائل‏.‏ قال ‏:‏ فأخبرني عن أماراتها قال‏:‏ أن تلد الأمة ربتها، وأن ترى الحفاة العراة العالة رعاء الشاء يتطالون في البنيان‏.‏ ثم انطلق، فلبثت ملياً، ثم قال‏:‏ يا عمر أتدري من السائل‏؟‏ قلت‏:‏ الله ورسوله أعلم‏.‏ قال‏:‏ فإنه جبريل أتاكم يعلمكم أمر دينكم‏”‏ ‏‏‏(‏رواه مسلم‏‏‏)‏ ‏.‏

Cumar bin Khadaab (A.K.R.) wuxuu yiri: Annagoo maalin la fadhinna Nabiga (S.C.W.) si kedis ah ayaa nin soo muuqday kaa soo ay dharkiisu ahaayeen kuwa aad u cad cad. Timahiisu na ay aad u madoobaayeen, ayna ka muuqan wax astaan safar ah, cid garaneysana aysan nagu jirin. Wuxuu la fadhiistay Nabiga (S.C.W.) oo jilbaha jilbaha u saaray, bawdyahiisana calaacalahiisa saartay, oo yiri: Muxammadoow waa maxay Islaamku? Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Islaam waxaa waaye inaad qirto Ilaah xaq ah oo aan Alle ahayni inuusan jirin iyo in Muxammad yahay Rasuulkiisii, iyo inaad Salaadda aad oogtid, Sekadana aad bixisid “oo ah xaqa saboolka iyo baahanaha” Bisha Ramadaana soontid, soona xajisid haddii aad kartid, awoodid “mar nolosha. Ninkii wuxuu yiri: waa runtaa. Waxaan markaas la yaabnay inuu wax su’aalo sida qofaan wax garaneyn waa runtaana leeyahay oo wuxuu sugayaa inay jawaabtu sax tahay.

Dabadeena wuxuu yiri: Wax iiga sheeg Iimaanka? Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waa inaad rumaysaa Alle iyo malaa’igtiisa iyo rusushiisa iyo kutubtiisa, iyo maalinta dambeysa ee aakhiro, iyo qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisaba. Ninkii wuxuu yiri: waa runtaa ee haddaba ixsaankana ii sheeg? Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: waa inaad Alle u caabuddid sidii adigoo u jeeda, illeen haddii aadan adigu u jeedin isagaa kuu jeeda’e. Ninkii wuxuu yiri: Maalinta qiyaamo goortay tahay ii sheeg? Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: taa iskuma dhaanno, oo cid og ma jirto “goorta qiyaamuhu dhacayso” Alle maahee. Ninkii wuxuu yiri: waa yahay, ee wax iiga sheeg calaamooyinka maalinta qiyaamaha iyo astaamaha muujinaaya inay soo dhowdahay. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: waa inay addoontu wax u dhasho sayidkeeda, oo aad aragto ari jirtii cagaha caddayd ee qaawanayd ee cayrta ahayd oo dhismayaal ku tartamaysa. Dabadeed waa uu tegey ninkii, cabbaar baana halkii joognay Nabigu (S.C.W.) wuxuu igu yiri: Cumaroow ma garaneysay ninkii wax Su’aalayey cidduu ahaay? Waxaan iri: Alle iyo Rasuulkiisa ayaa iiga cilmi roon. Markaasuu yiri: wuxuu ahaa Jabriil oo idiinku yimid inuu idin baro mabaadii’da iyo qodobbada asaaska u ah diintiinna.”

Fiiro gaar ah: Imaam Nawawi wuxuu yiri inay addoonta wax u dhasho sayidkeeda iyo qofka iska leh waxaa loo la jeedaa inay badan doonaan dumarka addoomaha ah ee ku hoos nool boqorradda iyo suldaannada kuwaasoo laga yaabo inay carruur u dhalaan sayidkooda ama carruurtiisa oo markaa caado iyo dhaqan ahaan loo yiraahdo waa reer boqor, halka ay hooyadood weli tahay addoon kuwaa ay dhashay ka amar qaadanaysa, ama waxaa loo la jeedi karaa inay carruurta ay ku caasin doonaan waalidkood carruurtaa oo hooyooyinkood ula dhaqmi doona sida ay yihiin booyaasooyin ama addoomo guriga u jooga.

عن أبي ذر جندب بن جنادة، وأبي عبد الرحمن معاذ بن جبل، رضي الله عنهما، عن رسول الله صلى الله عليه وسلم، قال‏:‏ ‏”‏ اتق الله حيثما كنت واتبع السيئة الحسنة تمحها، وخالق الناس بخلق حسن‏”‏ ‏(‏رواه الترمذي وقال حديث حسن ‏‏‏)‏‏.‏

Abuu Darr iyo Mucaad ibn Jabal (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Alle ka cabso, meel aad joogtidba, samaanna ka daba geey xumaantii kaa dhacda waa ay dhaqaysaaye, kulana dhaqan dabci wanaagsan dadka”. (Tirmidi) Wuxuu yiri waa xadiis cuskasho iyo sanad wanaagsan leh).

‏ عن ابن عباس، رضي الله عنهما، قال‏:‏ ‏”‏ كنت خلف النبي، صلى الله عليه وسلم، يوماً فقال‏:‏ ‏”‏ يا غلام إني أعلمك كلمات‏:‏ ‏”‏احفظ الله يحفظك، احفظ الله تجده تجاهك، إذا سألت فاسأل الله ، وإذا استعنت فاستعن بالله، واعلم‏:‏ أن الأمة لو اجتمعت على أن ينفعوك بشيء، لم ينفعوك إلا بشيء قد كتبه الله لك، وإن اجتمعوا على أن يضروك بشيء، لم يضروك بشيء إلا بشيء قد كتبه الله عليك؛ رفعت الأقلام، وجفت الصحف‏”‏ ‏(‏رواه الترمذي وقال حديث حسن صحيح‏)‏‏.

Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: anigoo maalin Nabiga (S.C.W.) daabbad (xoolo ah) la saaran gadaashiisana fadhiya ayaa wuxuu yiri: Maandhow, waxaan doonayaa inaan ku baro kelmado ee iga xafid kelmadahan: Taxaddar oo fuli Alle wuxuu ku amray oo si wanaagsan u ilaali. Alle ha iska kaa xilsaaro oo ha ku dhowro’e. Waana inaad dhowrtaa xuquuqdiisa, Waxaad mar walba ka heli doontaa la jirkaaga, haddii aad wax dooneyso, Alle weydiiso, markii aad kaalmo dooneysidna, ka dalab Alle oo keliya kaalmo. Waxaadna ogaataa haddii ay ummaddu isugu tagto inay wax ku tarto, kuma tari karto wax Alle kuu qorey maahee, haddii ay isugu tagto inay wax ku yeeshana kuma yeeli karto wax Alle kuu qoray maahee. Qalinkii waa la joojiyey, wixii lagu qorayna buugga qaddarka iyo waraaqihiisiina waa qallaleen. (Tirmidi) wuxuu yiri: waa xadiis sanad wanaagsan oo cuskasho leh.

Kutub kale oo sunanka ah waxay dhigayaan siyaadadan: Fuli oo dhowr amarrada Alle, waxaad ka helee hortaada’e. Xusuusnow Alle goorta barwaaqada, wuxuu ku xusuusanayaa goorta dhibta. Waxaadna ogsoonaataa wax kugu dhacay inuusan ku seegeen, Wax ku seegeyna uusan kugu dhaceen. Waxaad ogaataa in guushu ay sabarka ku jirto, kurbadana ferej ku xigo; culeykana fudayd ka dambeeyo.”

عن أنس رضي الله عنه قال‏:‏ ‏”‏إنكم لتعملون أعمالاً هي أدق في أعينكم من الشعر، كنا نعدها على عهد رسول الله صلى الله عليه وسلم من الموبقات‏”‏ ‏(‏رواه البخاري ‏)‏‏.‏ ‏وقال ‏:‏ ‏ ‏الموبقات‏ ‏ المهلكات ‏‏.‏

Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaa badanaa aad fashaan waxyaalo tin idin kala yar oo waxba aan idiin kugu fadhiyin, dembi inay yihiinna aadan u qabin sida aad u yareysaneysaan ha yeeshee waagii Nabiga (S.C.W.) aan ku tirin jirney waxyaalaha lagu rogmado ee halista ah”. (Bukhaari).

عن أبي هريرة، رضي الله عنه ، عن النبي صلى الله عليه وسلم، قال‏:‏ ‏”‏ إن الله تعال يغار، وغيرة الله ، تعالى، أن يأتي المراء ما حرم الله عليه‏”‏ ‏‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏.

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Alle kor ahaaye waa qiiroodaa, waxayna timaaddaa qiiradiisu markuu arko qof ku dhex jira fal uu ka reebay, markaasoo uu qiiroodo, kana caroodo taa, qofkiina uu ciqaab ka muto inuu toobad keeno maahee qofku, ama Alle naxariistiisu haleesho.’ (Bukhaari Muslim).

‏ عن أبي هريرة رضي الله عنه أنه سمع النبي صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ ‏”‏ إن ثلاثة من بنى إسرائيل ‏:‏ أبرص ، وأقرع، وأعمى، أراد الله أن يبتليهم فبعث إليهم ملكاً، فأتى الأبرص فقال‏:‏ أي شيء أحب إليك‏؟‏ قال ‏:‏ لون حسن، وجلد حسن ، ويذهب عني الذى قد قذرني الناس؛ فمسحه فذهب عنه قذره وأعطي لونا حسناً‏.‏ قال‏:‏ فأي المال أحب إليك‏؟‏ قال‏:‏ الإبل-أو قال البقر-شك الرواي- فأعطي ناقة عشراء، فقال‏:‏ بارك الله لك فيها‏.‏

فأتى الأقرع فقال‏:‏ أي شيء أحب إليك‏؟‏ قال‏:‏ شعر حسن، ويذهب عني هذا الذى قذرني الناس ، فمسحه فذهب عنه وأعطي شعراً حسناً‏.‏ قال‏:‏ فأي المال أحب إليك‏؟‏ قال‏:‏ البقر، فأعطي بقرة حاملاً،وقال بارك الله لك فيها‏.‏

فأتي الأعمى فقال‏:‏ أي شيء أحب إليك‏؟‏ قال‏:‏ أن يرد الله إلي بصري فأبصر الناس، فمسحه فرد الله إليه بصره‏.‏ قال‏:‏ فأي المال أحب إليك‏؟‏ قال‏:‏ الغنم، فأعطي شاة والداً‏.‏ فأنتج هذان وولد هذا، فكان لهذا واد من الإبل، ولهذا واد من البقر، ولهذا واد من الغنم‏.‏

ثم إنه أتى الأبرص في صورته وهيئته، فقال له‏:‏ رجل مسكين وابن سبيل قد انقطعت بي الحبال في سفري، فلا بلاغ لي اليوم إلا بالله ثم بك، أسألك بالذي أعطاك اللون الحسن، والجلد الحسن، والمال، بعيراً أتبلغ به في سفري، فقال‏:‏ الحقوق كثيرة‏.‏ فقال ‏:‏ كأني أعرفك، ألم تكن أبرص يقذرك الناس فقيراً، فأعطاك الله ‏؟‏‏!‏ فقال ‏:‏ إنما ورثت هذا المال كابراً عن كابر، فقال‏:‏ إن كنت كاذباً فصيرك الله إلى ما كنت‏.‏

وأتى الأقرع، فقال له مثل ما قال لهذا، ورد عليه مثل ما ردّ هذا، فقال إن كنت كاذبا فصيرك الله إلى ما كنت ‏.‏

وأتى الأعمى في صورته وهيئته، فقال‏:‏ رجل مسكين وابن سبيل انقطعت بي الحبال في سفري، فلا بلاغ لي اليوم إلا بالله ثم بك، أسألك بالذي رد عليك بصرك شاة أتبلغ بها في سفري‏؟‏ فقال‏:‏ قد كنت أعمى فرد الله بصري، فخذ ما شئت ودع ما شئت، فوالله ما أجهدك اليوم بشيء أخذته لله عز وجل فقال‏:‏ أمسك عليك مالك فإنما ابتليتم، فقد رضي الله عنك، وسخط على صاحبيك‏”‏ ‏‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏.

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: Alle si uu u imtixaano seddex nin oo reer banii Israa’iil ah, mid baras qabeen ah, kan kalena bidaarleh “Timihii ka go’een” kan seddexaadna indhool yahay, ayaa Alle wuxuu u soo diray malag qaab Aadane leh. Malaggii wuxuu u yimid baras qabeenkii wuxuuna weydiiyey: Maxaad wax ugu jeceshahay? Wuxuu yiri: Midab iyo dub Wanaagsan iyo inaan ka bogsado cudurkan dadkii igu nacay. Malaggii baa gacantiisa mariyey korkiisii markaasaa cudurkii ka ba’ay, jirkiisiina yeeshay midab wanaagsan. Malaggii baa sii weydiiyey maal waxa uu ugu jecel yahay? Ninkii wuxuu yiri: Geel aama lo’ weriyihii xadiiska ayaa shakiyey labadaas miduu yiri. Ninkii sidaa ayaa waxaa lagu siiyey hal riman oo toban sidda ah; malaggiina yiri: Allaha kuu barakeeyo.

Markaa ka dib ayuu wuxuu u tagey malaggii kii timuhu ka bideen “Bidaarre” oo weydiiyey: Maxaad wax ugu jecelshahay? Ninkii wuxuu ku jawaabay: Timo qurxoon iyo inaan ka bogsado cudurkan dadku igu nacay. Malaggii ayaa gacantiisii mariyey madaxiisii, cudurkiina waa laga bogsiiyey. Waxaana la siiyey timo wanaagsan. Dabadeedna malaggii ayaa weydiiyey: Maal maxaad ugu jeceshahay? Ninkii wuxuu yiri: lo’. Markaa ayaa sac rimman la siiyey; malaggina yiri: Allaha kuu barakeeyo.

Markaa ka dib malaggii wuxuu u yimid ninkii indhaha la’aa oo weydiiyey: Maxaad wax ugu Jeceshay? in Alle araggayga ii soo celiyo oo aan dadka arko hareerahayga ah. Malaggii ayaa gacanta mariyey indhaha indhoolkii Allaana araggiisii u soo celiyey. Dabadeedna malaggii ayaa wuxuu weydiiyey: Maal waxa uu ugu jecel yahay? Ninkii wuxuu yiri: Ari’ markaa ayaa la siiyey Ri’ rimman oo ilmo caloosha ku sidda. Xoolihii ayaa kulligoodba u tarmay oo u batay oo mid wuxuu yeeshay kadin geel ah, kii kalena wuxuu yeeshay lo’ fadhi ah, kii seddexaadna wuxuu yeeshay kumaan kun ari ah.

Muddo ka dib, ayuu malaggii soo booqday kii barasqabeenka ahaa malaggii oo u eg siddii uu isagu ahaan jirey oo ku yiri: Waxaan ahay nin sabool ah, oo baahan, safar ah, sahaydiina ka go’day, Alle dabadina ciirsi aan adiga ahayn heysan ee si aan u gaaro meeshii aan safarka u socday. Waxaan kugu waydiisanayaa magaca Allihii ku siiyey midabka iyo dubka wanaagsan iyo maalka inaad i siiso rati aan safarka u kaalmaysto. Ninkii wuxuu muujiyey inuusan kari-karin inuu wax u qabto malaggii oo wuxuu yiri: deyn badan ayaan ku jiraa oo layga rabo inaan gudo. Malaggii wuxuu yiri: waxaad mooddaa inaan hadda ka hor ku arkay. Sow ma aadan ahayn barasqabeenkii, dadku ka carari jiray, fiqiirkana ahaa, Allena uu deeqda siiyey? Ninkii wuxuu yiri: Mayee waxaan ka dhaxlay maalkan awoowayaalkey. Malaggii wuxuu yiri: Haddii aad been sheegaysid, sidaadii hore Allaaha kugu celiyo. Dabadeedna wuxuu u yimid malaggii kii ay timuhu ka bidi jireen isagoo sidii uu ahaan jirey oo kale ah, oo yiri: wixii uu kan hore ku yiri oo kale, isna sidii barasqabeenkii ku jawaabay oo kale ayuu ku jawaabay. Isagana sidoo kale wuxuu ku yiri: haddii aad been sheegaysid, sidaadii hore Allaha kuu celiyo.

Kad dib malaggii wuxuu booqday kii indhaha la’aa isagoo malaggu iska soo dhigay sidii uu ahaan jirey oo kale kaa indhoolaha ahaa oo ku yiri: Waxaan ahay nin sabool ah, safar ah, sahaydiina ay ka go’day Alle dabadina aan wax ciirsi haysan ii suuro geliya inaan gaaro meeshii aan ku socday. Waxaan magaca Allihii araggaaga kuu soo celiyey kugu weydiisanayaa Ri’ aan safarka u kaalmaysto. Ninkii wuxuu yiri: Alleylehe indhool waa ahaa araggaygiina Alle waa ii soo celiyey ee wixii aad doontana kaxayso, wixii aad doontana ka tag, Allaan ku dhaartay, inaanan kuu diidayn waxa aad doonayso inaad ku qaadato magaca Alle, Rabbiga cisada iyo sharafta iyo waynanka u saaxiib ahaaday. Malaggii wuxuu yiri: Hayso xoolahaaga oo dhan. Seddexdiina waa la idin wada imtixaanay. Alle, run ahaan, raalli ayuu kaa yahay, wuxuuna u careysan yahay labadaadii saaxiib. (Bukhaari iyo Muslim).

عن أبي يعلى شداد بن أوس رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال‏:‏ ‏”‏ الكيس من دان نفسه، وعمل لما بعد الموت ، والعاجز من أتبع نفسه هواها، وتمنى على الله الأماني‏”‏ ‏‏‏(‏رواه الترمذي وقال حديث حسن‏)‏‏.

Abuu Yaclaa Shayddaad ibn Aws (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qof caqli lihi waa kii naftiisa iyo jirkiisaba xaaraan ka dhowra iyo wax dhibaya, naftiisana wax xil leh ka fogeeya kuna dadaalo wixii anfacaya geerida ka dib. Dabbaalkuna waa kii naftiisa xarigga uga fura wax kasta oo ay doonto oo hawa raaca ah, Allena ka sugaayo fulinta ididdillada iyo hawadiisa xun. (Tirmidi).

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏”‏ من حسن إسلام المرء تركه ما لا يعنيه‏”‏ ‏‏‏(‏حديث حسن رواه الترمذي وغيره‏)‏‏.

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofka Islaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu isku howlin arrimo aan faa’ido ugu jirin adduunka ama aakhiradiisa” (Tirmidi) wuxuu yiri waa xadiis xasan ah.

عن عمر رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال‏:‏ ‏”‏لا يسأل الرجل فيم ضرب امرأته‏”‏ ‏‏‏(‏رواه أبو دواد وغيره‏)‏‏.

Cumar ibn Khaddaab (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Xaq iyo dow ma aha in maxaad u dishay la yiraahdo nin naagtiisa u dilay inu toosiyo. (Abuu Daawuud iyo rag kale ayaa weriyey).

Jimco Suubban. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN