Home Qoraallo Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q12AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q12AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q12AAD.

Toxobow wuxuu wayddiiyay saaxibkiis Calasow Qoorleexshe, inuu garanayo jufada la yiraahdo, heer Geeddi Xaabweyne iyo Toxobeey adeerkeed Jimcaale Kediye Koba-naar jaho loo dooni karo? Iyo dhinac ay ka xigaan ceelkaan ma’wiga ah? Calasow Qoorleexshe, cabbaar ayuu shibbanaa asigoo gerkiisa jiidaya, marna foolkiisa gacanta ku balaashaya. Haddii uu xoogay fikiray, ayuu si kedis ah ugu jawaabay Toxobow, kuna yiri: Lo’da aan waraabinnay, ayaan u malaynayaa inay leeyihiin, waayoo sumaddi ay dhigan jireen ayaa ku taalla. Toxobow waa ku oobsaday in la helay raadraac ku saabsan, ciddii uu gacalisadiisa la baadi goobayay. Toxobow wuxuu kula kaftamay saaxibkiis Qoorleexshe, ma laga yaabaa in la helo cid soo daba gasha Lo’daan baxsadka ah ee aan u gargaarnay? Qoorleexshe oo saaxibkiis niyadda u dhisaya ayaa ku tiraabay waa laga yaabaa, haddiise aad nasiib leedihiin, adigaya gacalisaadu, way imaan doonaan rag daba jooga ee aan sugno waayaha iyo intii fulliinka laga gaarayo. Sacuhuna fuli maayaan amminkaan aadka u kulul oo hergelmo ayay gelayaan ee inna keen aan kulaylka ka qubaysanno’e.

Toxobey waxa dhacaya iyo waraysiga xogta lagu raadinayo war uma hayso. Kabadi Calasow Qoorleexshe oo kaxda ceelka gees ka taal ayay ku dul fadhidaa. Waxay heehaabaysaa hawada sare, hirarka kala kaanka ah ee horteeda tuban ayay ku hambaabirtay, shimbiraha koox kooxda ah ee qayba mar soo degayso ee biyaha daadsane rayska iyo ramaska leh ee wadaamaha lagu herdamayo ka daadanaya, kusoo heemaya ee in yar ka dibba bararaf leh, ayay ku mashquulsan tahay daawashooda. Waxaa dhegeheeda ka guuxaya bulxanka iyo bullaanka ka baxa bahaahinka ooman ee nooc walba leh. Muuqaalladaas kala macnaha duwan ayaa boggeeda isku herdinaya. Mar mar waxay la uur gobyoonaysaa il xumada iyo tamar li’da ka muuqata Geela, Lo’da iyo Ariga la shubayo, iyo dadka waraabinaya.

Amminku waa goor la teecdhigay, dadka iyo duunyaduna isu diyaariyeen, Roob filasho iyo raxmad Eebbe oo jiilaalku waa ku daba dheeraaday. Toxobey se waxaa niyaddeeda ku soo dhacaya hadalkii uu habeenkay geedka hoos jiifeen Toxobow ku yiri: kaas oo ahaa; Bishu waxay la deggan tahay caawa “Dirir Ceelka-geeye” sidaa darteed ayay cirka dammootaa markii ay isha ku hayn wayso dandarrada ka muuqata Ragga iyo xoolaha. Haddana markay cirka uga jeedi wayso caad Eebbeheey uga dhigay cabbuur ayay niyad jab la soo noqotaa.

Iyadoo badahaas dhex dabaalanaysa, Toxobow iyo saaxibkiis na iska waraysanayaan sida xaalka deegaanku yahay iyo halka ay kala marayso colaadda beeluhu, maadaama aan Toxobow ammin dheer imaan dhulkaan. Waxaa bugux ka soo muuqday wiil gaashaan qaad ah oo harraadka ka muuqda iyo oonka haaya dartiis laag-laagsanaya, mar na tallaabta dhulka la gefaya. Toxobow iyo saaxibkiis ayuu soo agroogsaday, waxay is garanayeen Calasow Qoorleexshe, wolow aysan isku deegaan ahayn haddana dusha ayaa layska yaqiinnay, oo muuquudu is kuma cusbayn, sidaa aawgeed ayuu salaantii ku hormariyay Calasow Qoorleexshe, ka dibna wuxuu salaamay Toxobow, Calasow Qoorleexshe is la markiiba wuxuu siisay biya kusoo haray wadaantii ay Lo’da baadida ah ku shubeen oo aan weli la aruurin.

Biyihii ayuu cabay wiilkii harraadsanaa markii uu oongooyay ee jawi deggan kusoo noqday ayuu u mahadceliyay, Toxobow iyo saaxibkiisi la joogay, wuxuu u raaciyay sacaha aad waraabiseen anigaa daba joogay, oo soo raadraacay. Beriga kalkoodi ma ahayn oo shalay ayay ceelka ka fuleen ee omoska iyo holomka dhulka ka jira ayay la joogi waayeen, sidaas ayayna ceelka kusoo abbaareen iyadoon la ogayn. Haddii aydaan arki lahayn uujinta iyo dacda ayay cabi lahaayeen ee intii qof loo mahadceliyo ayaad mahadsan tihiin. Intii uusan hadalka dhammayn ayaa Toxobow dareen galay, maadaama Calasow Qoorleexshe, haddaaya ku yiri: “Cidda aad raadinayso, waxay dhigtaan sumadda Lo’daan ku taalla. Toxobow oo afka la halaajiyay inuu hadlo ayaa Calasow Qoorleexshe, la soo booday Toxobow in yar ii sug aan wiilka si togan u waraysto’e.

Calasow Qoorleexshe, ayaa wiilkii ku yiri: “Magacaa” wiilkii oo shaki galay ayaa ku halceliyay waxaa lay yiraa: “Jiibshe” Qoorleexshe oo weli aan helin xogtii uu raadinayay ayaa ku celiyay “Jiibshow ina ayaad tahay?” Jiibshe oo dabcaleel galay waraysiguna kedis ku yahay ayaa damcay inuu ka meermeero, wuxuu is yiri: “Armaa nimanka dhiig ka maqan yahay oo tolkaagu nin ka dileen ee ay aarsi doonyihiin?” La ye: “Dad iyo duurba waxadan fileyn baa ka yimaad’e” Qoorleexshe oo dareemay in Jiibshe shaki galay ayaa si deggan u yiri: “Wiilkaan dhinacayga taagan iyo gabar la socota ayaa raadinaya Tolkoodi oo aanay waligood arag, cidda ay i wayddiiyeenna, waxay dhigtaan sumadda Lo’da aan hadda shubnay ku taalla. Marka haddii aad adigu leedahay sacahaan cidda aan baadi goobayno inaad taqaannaa laga yaabaa ee dhib kale ma jiro, dhiig na naga ma maqna ee shakiga iska daa oo toos noola hadlay.

Jiibshe oo neef weyn ka soo fuqday, markaanna abtiriskiisa kaftan ka hormarinaya ayaa ku furfurtay, “Nimanyohow waadba i cabsi geliseen, oo waxaan u qaadhay inaan dabin ku dhacay, marse haddii aad baadi doon tihiin ciddayda iyo abkayga ba waan idiin sheegayaa ee ka raalli ahaada daqiiqadihii aan idinka shibbanaa, anigoo og inaad tihiin niman abaal igu leh oo sacahaygi ka shubay ceelkaan ogahay dhibkiisa” Toxobow iyo Qoorleexshe oo qoslaya ayaa hal mar is la yiri: “Raalli ayaan kaa nahay” ee cidda aad tahay noo bayti. Jiibshe oo isku kalsoon ayaa si degganaani ku jirto u abtirsaday wuxuu yiri, waxaa lay yiraa: “Jiibshe Jimcaale Kediye Koba-naar, isirkaygu na wuxuu galaa tolka waynaha heer “XOOGWAYNE” jufa ahaanna waxaan ahay, “HEER GEEDDI XAABWAYNE” ee cidda doonayso ama na soo haybsatay waa aayo?” markii uu intaas yiri: Jiibshe Jimcaale ayaa Toxobow oo kala batay farxad darteed ninkii ku booday habna siiyay, Calasow Qoorleexshe oo isna la farxay ayaa labadoodi oo is haysta dusha hab ka sii siiyay. Markii keni la isku muufay oo laysku gaylaama dhawday ayaa la soo aaday dhankii Toxobeey fadhiday.

Toxobeey oo doc moog ah ayay soo agroogsadeen seddaxii wiil oo wada socda, Toxobow na ugu horreyo. Iyadoo is leh maxay sheegi doonaan, sidee wax u jiraan? Ayaa Toxobow la soo booday, “Bishaaro” Toxobeey oo aan niyaddedu degganayn ayaa ku hadaaqday “Bil kheyr” ee maxaa dhacay? Toxobow ayaa si debacsan ugu sheegay wixii dhacay iyo in la helay ciddii ay raadinaysay ee ay rafaadka iyo ruux huridda u soo mareen, wuxuu u sheegay in Sacaha ay tiri: ha la shubo ay lahaayeen ciddeedu, gaar ahaan adeerkeed aabbeheed la dhashay. Farxad ayay la sara kacday, kuna tiraabtay waa Eebbe mahaddii iyo arrin Alle is la doonay haddii waalidkey la helay xoolaha la shubana iyagu leeyihiin. Toxobow ayaa ugu laabqaboojiyay fadhiiso aan wiilashaan ku kala baro’e. Toxobey waxay diidday inay fadhiisato, waxay ku kaftantay rag hortiis lama fadhiisto’e warka ii dil-dillaaci. Raggi oo wada qoslaya ayaa Toxobow ku billaabay ninkaan dhinacayga midig taagan waxaa la yiraahdaa: “Calasow Qoorleexshe” sida aad ogataha ba waa ninkii nagu soo dhaweeyay halkaan, waa ninkii noo keenay shaawdii biyuhu ku jireen ee garab geliska ahayd, waa na ninkii ila shubay Sicihii aad tiri ha loo gargaaro ee iska baro, waa nin aan in muddo ah is naqaanno laakin aynaan ammin dheer kulmin, beriga ayaa se Eebbe nagu wada kulmiyay gole xusuuseed gaar ah.

Wiilkaanna waxaa la yiraahdaa: Jiibshe Jimcaale Kediye Koba-naar, waxaa dhalay adeerkaa Jimcaale oo aadan arag weligaa, maqal mooyee. Toxobeey oo markii hore ba diidday inay fadhiisato, ayaa wiilkii hab siiyay hammuun darteed, labada dhabanna ka shumisay. Goobta lagu sugan yahay waa kax ceel oo malaayiin ruux oo isku dhafani joogaan, Rag, Dumar, Carruur iyo Waayeel. Sidaa darteed Toxobeey waa hilmaantay dadkii hareereheeda joogay, markii ay soo baraarugtay ayay se aragtay islaaman afka gacantu u saaran tahay oo goon-goon usoo dayaya, hoos na ka leh, xay tahay Naagta ninka ku xabadsaarinaysa kaxda ceel ee intaasuu ummad ah markaatiga uga dhigaysa. Laakin Toxobey waxaas dheg uma dhigin, maadaama ay heshay, isirkii ay ka soo jeedday qayb ka mid ah oo aysan weligeed indhaha ka qaadin.

Halkaas ayaa laysku bartay, ka dibna waxaa la aaday, geed Qurac ah oo lagu hergelo, ceelka na dhinac uga yaalla si xaaladaha hoose laysugu waraysto. Qof walba waxay qaadatay, wixii jiscin ahaa ee ay ugu talogashay inay beriga ku qadeyso. Geedkaas hoostiisa ayaa lagu wadaagay caana ay siteen Toxobow iyo Toxobeey iyo qaloon uu sitay Qoorleexshe, maadaama Jiibshe uusan wadan jiscin soo aaditaanka ceelka na uusan ku talo gelin. Markii in door ah la nastay qorraxdina cirka kala bartay ayaa loo holladay in la aado, arradii reerku jiray, Lo’di oo hergelaysana waa la rakaaday, ka dibna dhabbiga hoyaadka ayaa lagu dhacay. Kobta beeruhu ku yaallaan ma dhawa, ceelkana waxaa looga socdaa qaddar dhan lix saacadood, sidaa aawgeed waa in ammin hore ceelka laga fulo.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHARE