Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q19AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q19AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Gabaygaan magaciisa waxa la yiraahdaa: “Qof u yaal” waxa tiriyay:  Abwaan Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil” (A.U.N.). Gabaygaan wuxuu tiriyay asigoo ah guddoomiyaha guddiga shaqaalaha ee National Tiyaatar, Generaal Maxamad Nuur Shareecana yahay; Maareeyaha guud ee Tiyaatar-ka waxa dhacday in Generaal Shareeco ka codsaday Abwaan Cabdulle Raage inow saxiixo warqad lagu bixinayay qarashka gaari bas ah oo uu sheegay in loogu talogalay in fannaaniinta lagu qaado, lacagta lagu iibinayay oo aan ahayn qiimo macquula ama maan-gal ah darteed ayuu u diiday saxiixi uu ku lahaa Abwaanku. Ka dibna Maxammad Nuur Shareeco wuxuu ku dacweeyay madaxweynii waddanka ee Maxammad Siyaad Barre (A.U.N.). Abwaan Cabdulle Raage waxaa looga yeeray madaxtooyada, markii uu la kulmay madaxweyne Maxammad Siyaad wuxuu wayddiiyay sababta uu u diiday saxiixa warqadda? Abwaan Cabdulle Raage “Taraawiil” Eebbe ha u naxariistee, waxa uu ku jawaabay: ma diidin inaan saxiixo laakin buugga aan ku magacaabanahay ee aad adigu feermaysay ayaa diiday, oo aan hantida dowladda iyo guud ahaan tan qaranka waardiye uga ahay. Lacagta lagu iibinayo baskana waa qiimo xad dhaaf ah oo intaas ma joogo. Maxammad Siyaad wuxuu yiri: dallaalliinta isaga celiya ayaan idin dhahay ee shaqada dowladda ha lays-ku hor taago idin-ma dhihin. Madaxwayne Siyaad wuxuu yiri: asigoo laashin Cabdulle u hanjabaya; “Howlihii aad kacaanka u soo qabatay ayaan kaaga xishoonayaa ee saxiix warqadda baska lagu iibinayo”. Abwaan Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil” (AUN). markaas ayuu codsaday in uu shaqada ka tago, isla markaana saxiixay warqaddii lagu Iibinayay baskii Shareeco codsaday iibkiisa. Markii uu gurigiisa tegay, ayuu tiriyay: gabaygaan “Qof u yaal” waxa uu kusoo koobay caddaalad darradii waaga jirtay iyo ina adeersigii Maxammad Siyaad Barre ee aan geedka loogu soo ganba jirin garba xoog le mooyee. Abwaanku wuxuu gabayga ku daray warbixin aad u dheer uu ku yiri: inta ow socday halganka siyaasiga ah waxa reed socday halgan dhinaca suugaanta ah. Sidaa aawgeed caddaalad darradu ma waarto ee ina Siyaad Barre ha isku xishoodo, waa se la ogaa wixii ka dhashay!” Gabayga amminkiisu waxa uu ahaa: 20/9/1983. Wuxuu na u dhacay sidaan:

Iyagoo Qabiil shirinayeey, Qaran u heesaane
Qoraaleey ku been sheegayaan, Qodob an loo hayn’e
Qaladkaa la saxayaa runtana, Waa la qubayaa’e
Qalloocey fulshaan xaqana, Waa kugu qabsaayaane
Qiilkeey cuskanayaan intay, Qawiga tuuraane
Qudbaa laygu maa weeliyaa, Qado la’aaneede
Qoryaan soo guraa had iyo jeer, Quudan la arkayne
Qarka waxan ka taagnahay xareed, Waana qadayaa’e
Qowsaar cid xoola u jiroo, Qaawanaan ahaye
Qumbo waxaan ilaalshaa nin kale Qaanddadii sido’e
Qarashaan saxiixaa anoon Qabihi wayddiine
Hadba qoys-ku sow doonayaan, Qalinka raacshaaye
Qadaf iyo xummaan kama qushiyo, Quurse iyo liide
Qasnadaha muftaaxooda waa, Layga qariyaa’e
Qayrkii nimow raranayoo, Loo qasdaan ahaye
Qumbulado lala boodayoo, Qaar sitaan ahaye
Qatar iyo halis markii la galo, Noloshu waa qaale
Nin qisaas ka baqayee wadnuhu, Qiiqayaan ahaye
Qof u yaal wixii loo dirsado, Qaabilaan ahaye
Noloshaas qayaaliga ahaan, Qaar ku dhaqayaa’e
Qabuuraha waxan uga duwnahay, Qolofka muuqdaaye.

Mase quusan weli ee talaan, Qaada dhigayaa’e
Haddow adiga malab kuu qotomo, Lagu quraacdaahi
Anna qaraxaan iidaan lahayn, Qayb ummaan helene
Qosolkayga farax ha u malayn, Qaan ka cararkaaye
Qabwayniyo haddii kibir wax taro, Lagu qaraabtaahu
Ama qoom Ilaah caasiyaa, Qaalib noqonaayo
Fircoonkii adduunyada qabsaday, Lagama qaadeen’e
Qiyaamana Raqiib iyo Catiid, Waana qorayaane
Adduunkana qasaa nagu hayaan, Dhib iyo qaaquure
Qabriga su’aaahiisa iyo, Dunida qoofkeeda
Rabbiyoow ma wada qaadi karo, Labada qayboode
Qowlaysataa nalan dul dhigay, Qaafil dhegalaahe
Qoryaa nalan la daba taagan yahay, Aniya qayrkaye
Waa nimaan qoraal iyo ruqsaba, Qof u la showrayne
Waa nimaan wuxuu kaa qabsado, Cidi ka qaadayne
Waa nimaan mas’uulka u qalmine, Lagu qasbaayaa’e
Kuwi loogu qayshadana waa, Nagu qanjiirsheene
Qareen daafacow leeyahaya, Qaa’in saan gadaye
Naga qabo Allahayoow adaa, Qawiyo taag laahe!”

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN