Home Qoraallo Gorfeynta buugga NOLOSHII SILLOONEYD W/D: Cabdi Xafiid Wasiirka

Gorfeynta buugga NOLOSHII SILLOONEYD W/D: Cabdi Xafiid Wasiirka

0
SHARE

Gorfeynta buugga NOLOSHII SILLOONEYD

NOLOSHII SILLOONEYD, buugga uu qoray bare, abwaan, qoraa Cabdiraxiin H. Galayr, waxa uu kaga hadlay si guud xaaladihii dalka uu so maray burburkii dowlafdii dhexe ka dib ilaa laga yegleelay dowladihii ku meel gaarka ahaa, ee dalka isaga dabamaray.

Aqrinta buuggan waxaan bartay casharro nololeed aad u qara wayn, oo runtii ii noqon doona halbeeg aan wax ka cabbiro hadda ka dib. Intaa ka sokow, buuggu wuxuu ku qoran yahay af aad u culus, erayada uu adgeegsaday abwaanku waa kuwo macaani iyo macno ahaanba aad u mug leh. Waxaad ku dhex arkee buugga qaybahan aan anigu idiin soo xulay;

(1) Carruurta loo yaqaanno darbijiifta, koollacabta, bacbaclayd IWM, Carruurtas dhab ahaantii waxa ay u kala qeybsan yihiin laba qeyb oo waliba mid aad u yartahay in la helo. Midda koowaad oo yare waa carruur ay labdiisa waalid nool yihiin, gacanna aysan ku hayn ciddii dhashay, in aysan gacanta ku hayan waxaa saldhig u ah, in uu qax ka yahay WAXBARASHADA, iyadoo ay sabatu tahay ka qaxidisa waalidka iyo macallinka waxbaraayay oo aaminsan, in carruurta ay wax ku leeyihiin garaac, qeylo joogta ah, si ay wax u bartaan, iyadoo laga rabay waalidka, in ay carruurta la noqdaan saaxiib ka wada shekeysta xaaladaha ku hareersan, si cunuggo uu kalsooni iyo hididiilo ugu helo, in uu wax barto.

Midda labaad waa kuwa aan helin waalid, madaaba waalidin badan ku wayeen naftooda dagaalladii sookeeye iyo kuwii JIHAAD ku sheegga ahaa. Dhimashada waalidka ka dib, ubadkay ka tagaan waxaa habboon, in ay la wareegan nanaaneyntooda iyo waxbariddooda ehelka ama xigtada waalidka dhintay, balse, waxa jira ubad badan oo aan helin xaqii ay lahaayeen, kuwaasoo doorbida, in asaaggood ama bulshaduba ay ugu yeeran magacyo aysan mudneyn, iyadoon la is waydiinayn sababta ku qasabtay, in ay halkan Jiiftaan.(2) Carruurtu markay yar yihiin waa kuwa inta badan loo adeegsado horinta dagaallada ha noqdan kuwa loo yaqano darbijiifta ama caasi waalidinta. Waxaa ka faa’iideysta mooryaanta dagaalka, oo ku barbaariya, in dhaca, boobka iyo kufsigaba uu yahay wax iska caadiya. Waxaa sidaa si la mida uga faa’iideysta wadaad u ekeyaasha, oo carruurta ku habaabiya, in daadinta dhiigga dadka aan ku aragtida ahayn Alle ay ugu dhawaanayaan, ajir aan xisaab lahayna uu siinayo, kuwaaso carruurta aysan jirin cid ka ceshanaysa, madaaba ay waalidkood dhinteen, ehel haystana yasan helin ama waalidkii nool yahay, laakiin isagu cadaab uu u gestay darteed gacantooda uga baxeen.

(3) Xaaska, oorida, xaajiyadda, (marwada la qabo) waa madaxweynaha guriga, marka laga sheekenayo suubbanaheenna Muxamed NARIIS IYO NABADGALYO KORKIISA HA AHAATE, waxan ka barangay, in xaaskaga ay tahay qofka kaliya ee kula qeybsanaysa xanuunka, walaaca iyo IWM, madaaba ay sidaa tahay waxa laga maarmaan ah, in afadaadu ay noqota midda kaliya, ee aad la wadaagtid wax kasta ee noloshada la soo gudboonaada.

Buuggu waxa uu ifinaya dhibta ay leedahay, in ragga qaar ay aaminsan yihiin, in marwadiisa ay tahay ADDOON uu soo gatay oo kale, ay kaliya fac la tahay cunta karinta iyo in loo galmooda, madaaba ragga qaar ay ku maahmaahan (WAX BARASHO GABAR JIKAA U DAMBEYSA!), sida saxda ahna waa GABAR WAX BARATAY WAA BULSHO WAX BARATAY, Ilaalinta qalbiga Dumarku waa quruxda Bulshada.

(4) Mararka qaar waxa dhacda, in qof sheeganayo, in uu yahay quux Muslima ( MUSLIMKU waa midka laga nabad galo afkiisa iyo addin kiisa), uu ka fiicnaado quux aan aaminsaneyn diinta Islaamka ama mooryaan ka naxariis badan wadaad caalin ah. Waxa la helaa mooryaan ka fiican Wadaad u eke, dhinaca hadalka san, niyad wanaagga, damqashada IWM, waxaad rabto aaminsanow, ee waxa lagu kala duwan yahay damiirka.

Buuggu waxa uu ka hadlaa hab dhaqankii u dhaxeyay wadaad xumayaasha iyo mooryaantii dalka majar hababiyay, waxaase ka daray horjoogayashii mooryaanta Wadaad u ekaha,  ilaa hada Dalku ka dagi la’yahay.

Gunaanadka

Buugga Noloshii Sillooneyd meelaha qaar waxa aad mooddaa, in uu ka hadlaayo dadka qaar, oo la dhihi karo hebel iyo magaalo heblaayo, haddana, qof walba iyo dhaqankiis. Waxa uu buuggu na tusinaya kartida ku qarsoon ruuxa nolosha adag ku koray iyo dhaqanxumada waalidka qaar iyo wadaad u eka yaasha.

Noloshu wa sida silsilada oo kale, sooyaalkuna ma tirmee, waa la qoraa, ee ruux kastow noqo mid sooyaal wanagsan laga qoro.

W/D: Cabdi Xafiid Wasiirka

SHARE