Joogdheer iyo jacaylkii waddada W/Q: Axmednuur D. Daahir Marayare

Waxay ahayd casar gaabad qorraxdu u hammuun qabtay in ay ku hoyoto godkeedii. Waxaa mar ba marka ka denbaysa soo muuqanayey, fallaadhihii casuuska ahaa ee dheelminaayey cadceedda. Waxay ahayd galab qabaw oo aan dhaxan badan lahayn. Hala kala dheeh quruxsanaade, maantaa dadku wuu wada dhalaalayey, oo shacniga iyo quruxda ka muuqda wajiyadooda,waxaad ba moodaysay tartan billiceed in ay u socdaan ka qayb galkiisa.

Hase ahaate, waxaan qayb ka ahaa koonaha bidix ee waddada dadkii socday. Waxaa hortayda laafyoonayey saddex  hablood oo  sheekadu isugu baxaysay. Sheeko aanan garanayn waxa ay ujeeddadeedu ahayd, bal se qosolka ka dhasha isoo gaadhayey. Waxaa mar keliya durbaanka dhagtayda ku soo dhacay cod ka mida cododka hortayda baxayey. Macaanka codkan dhagta qabsaday, haddii ba aan fiiriyey halka uu ka yeedhayo, waxa uuba si darandooriya uga soo baxayaa dhuunta inanta dhexda ku jirta.

Walow ay joog wanaagsanayd kana yar dheerayd gabadhahay dhexda ugu jirtay, haddana ka ma liidan labadii ka kala socday garbaheeda. Waxaan is wayddiiyey, maxay dhexda u gashadeen tollow? Mooji. In doora haddii aan daba mushaaxaayey, waxaan go’aansaday inaanan sii dhagaysan codkan macaan inta uuna iga lumin ama mawjadda uu ka baxaayo iga demin.

Ku dhawaad kolkii aan usoo jirsaday tallaabo, rabana inaan la simmo garbahooda, ayaan dareemay soo dhawaanshahaygii inuu saamayn ku yeeshay sheekadoodii. Waayo, sidii hore codku kor ma aadayn,

qosolkiina uma socon siduu ahaa. Waxaan hoos isku waydiiyey, “miyey kaa baqeen gabdhuhu mise way kaa xishoodeen? ” Jawaabta su’aashaas

aniga oon isu celinin, wax aan ku farxana garanayn, ayaan dareemay haddana farxad yar markii ay midi ka hadhay hablihii saddexda ahaa.

Waxa aan is moodsiiyey inay hadhay joogdheer! Yacni gabadhii dhexda ku jirtay misne codka macaanayd, illeen magac kale uma garanaye; markaasan fiiro tuug ku xaday labadii soo hadhay. Ma ruux dheer baa qarsoomi kara? Maya. Illaahay ballankii waxay ba soo xigtaa dhankayga, sow tii dhinacaygs xigtay weeye ta hadhay ba. Yes yes, ayaan hoos u idhi, sidii aan ahaa ruux la hadalkii gabdhaha laga go’doomiyey in muddo ah, oo galabta un xayiraadii laga qaaday.

Gabdhihii ayaan la soo simmay aniga oo inaan la hadlo diyaar u ah. Goor aan u holladay bahadalka aniga oon garanayn, ayaan ka war helay salaan dibnaha soodhaaftay afkuna ku taageeray gudbinteeda.“Huunno waan idin salaamay?”

Haddii aan baraadli’idhi, ” Huunno waa lagaa qaaday,”ayey wadar igu dhaheen.

Ka warrama haddaan idiin buuxiyo booskii saaxiibadiin ayaan kaftan ahaan ugu idhi. ”

Waa caadi walaal, inkasto oon ba ku dhawnahaykobtii aannu kabaha usoo illanay.” ayey igu tidhi, gabadhii joogadheerayd. Wadne gooyo waynaa.! Waxaan ismoodsiiyey inay igu yartahay

fursadda aan haysto, haddii aan ka faa’iidaysan waayana ay dayacmi.Huunno magacaa? Haddii ba aan waydiiyey midii aan u gollahaa. Haa, gabadhii dhinacayga soo xigtay ee aan joogdheer u la baxay. Waxay si dabacsan oo naxariisle iigu tidhi, ” Huunno, aniga Ugbaad weeye

magacaygu, saaxiibadayna Najax ayaa la dhahaa. Adna walaal?” “Adna walaal” oo ay ku tidhi markale hortayda codkii i maanqaaday, baa degdeg iiga yeedhsiiyey Axmed. Haa huunno, Axmed ayaa la idhahaa.

Barasho wanaagsan Ugbaad iyo Najax. ” Barasho la mida Axmed”, ayey midba gaar iigu tidhi. Walow kolkay Ugbaad ” barasho wanaagsan” ila haydaanan lugo ku taagnayn. Waayo, macaanka codkeeda ayaa furfuray xubnahaygii adkida u dhashay.

Qalbigayga oo aan naxariista aqoon,aragna weli wax u naxa iyo indhahayga oo aan ruux ka waabin inay dhawraan, baa markan ramxad kalgacayl la jaraynaya. Daruur caashaq oo malahayga ka soo hoortay qalbiga Ugbaad, baa ku da’aysa qalbigayga.

Dhammaan xubnahayga jidhku waxa ay ku diirsanayaan boholyowgan kediska ugu dhacay. Inkastoyna filaynin, meeshana soo dhigannin dhawaanahan jacayl baad kulmaysaan; misne kal iyo laab waxa ay ba usoo dhawaynayaan jacaylkan waddada iyo Joogdheer.

Daqiiqad gudaheed weeye waxa saa la iigu saaqay. Ax. Nabar gaadmo xanuun badanaa. Qiyaastii, qalbigayga oo xukunkii laga la wareegay, awooddiisiina gabay, baa Ugbaad talada shuruud la’aa ugu dhiibtay. Waxa aan ku idhi, halkee buu socodkiinu daaraa, Ugbaad? “Walaal

Jaamacadda ayaan u soconnaa aniga iyo Najax ba, walow aan ba soo gaadhnay.

Yaaaa..! Soo gaadhnay aaaaa..! Argagax kedis ah bay xubnihii qabanqaabada iyo soo dhawayntii Ugbaad waday  ka war heleen.

Xaggee bay wax ka qarxeen? Haddii ba ay laabtu waydiisay maskaxda.Waxa ay maskaxdii ugu jawaabtay laabta, ” waxaa naxay qalbigii!” Ax.!

Ala xumaa! Ala xumaa! Bal horaydaa may iska ahaato. Ma is fahankanaga ayey ka xuntahay jaamacaddan baasi! Cakuye, yaa durkiya caawa un iyo hadallo kale oo la jaad ah intii aan iskula hadlayey ee aan aan isku maqnaa, ayey Ugbaad oo ah inantii aan rabay igu tidhi, “Axmed waa innoo mar kale iyo wakhti wanaagsan walaal,jaamacadda ayaan galaynaaye.”

Maqane jooga aniga ood i moodo, oo ka xun leexashada ay igagaleexanayso jaamacadda; welina usheegin inaan ka helay ama rabo is arag danbe. Aniga oon wax ciwaana ka qoran Ugbaad, xataa mobile numberkeeda kol ay tahay, ayaan si haleel haleela ugu idhi, haye huuunno waa inoo markale hadduun Eebbe ” Maya odhan. ” “Jaaw Axmed”,  ayey Najax igu tidhi. Jaaw Najax ayaan ugu hal celiyey.

Halkii kama dhaqaaqin jeer oy libdhen jooogdheer iyo saaxiibadeed. Horay iyo kobtii uu qasadkaygu ahaa baan usii dhaqaaqay, anigoo isku ilawsiinaya si fudud baad u heli mar kale. Maxayse su’aashu noqotay, Waa goorma? Illaa hadda waan baadi-goobaa Ugbaad. Illaa hadda gabadh kasta oo joogdheeri waa iii Ugbaad.

Dhammaad.

Sheekadan tiraab suugaaneedka ah kolkii aan soo dhigay bartayda Facebook-ga, waxaa tix suugaaneed u beddelay markii ba wiil hal’abuur ah oo aan saaxiibbanna nahay, oo ku nool magaalada Dire Dawa.

Isla doonasho Alle weeye, isaga ood moodid inuu arkayey  sida ay sheekadu u dhacaysay, buu si qurux badan ugu sargooyey tixdan jiiftada ah. Waxa uu yidhi Suldaan Guuleed.

~ Markaan siin gabay idhaa

~ Ka saar niyadoo ha tirin

~ Dareen salid igu noqdoo

~ Samee idhahaan arkaa

~ Haddaan eraygaan siddiyo

~ Suugaantani yaabka badan

~ Dareen sax ah baa alkumay

~ Haddaan warka saafo oon

~ Usii dhaadhaco murtida

~ Galabtaan jawiga saxnaa

~ Godkay saarnayd libdhadu

~ Falaadhu sintooy cidhfaha

~ Casuus ku samaysan tahay

~ Jawiga saxan aawaddii

~ Bulshadii ku sugnayd kobtaa

~ Dhamaan nuur baa sudhnaa

~ Si baa loo wada wacnaa

~ Hortayda waxaa sugnaa

~ Haween saddex ruux ahoo

~ Suleekha ka qayb ahayd

~ Siday u arkeen yartaa

~ Indhuhu sii jeedsi diid

~ Su’aalay naftayda oo

~ Sankan dheer iyo indhahan

~ Samayskani jaaha bilan

~ Weliba suniyaha bishiyo

~ Joogiyo socodkii wacnaa

~ Waxaan ku sifeeyo waa’

~ Ka yaabay sidaan ahoo

~ Daqiiqad laygu saaq

~ Maxaa kaa siya is idhi

~ Sowdigan dhididee wadnuhu

~ Samayni garaaca badan

~ Hayeeshee eray saxiyo

~ Jawaab saaxiya u waa’

~ Sidaan muranka ugu jiray

~ Goor aan socodkii ku daray

~ Jawaab sugan uma hayee

~ Ka raacay sintoo hablaha

~ Intaan laba socon cabbaar

~ Durbaba u holladay salaan

~ Guddoon wacan laygu soor

~ Intayna barashadu sugnaan

~ Kobtay u socdeen ma nimid

~ Wakhtigu igu soo yaraa

~ Saluugoo ciil is biday

~ Maxaanse samayn karaa

~ Joogdheer socoto tagtee!

Abwaan Suldaan Guulleed Isma-gabe.

W/Q: Axmednuur Deeq Daahir Marayare

SHEEKOOYIN